SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
SOOMAALIYEEY UU DUCEEYA DALKIINA.pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

 

Waxaay ahayd waqti iska xasxaasi ah arimaha soomaliya,Dhowr iyo afartan sanno ka hor ayey ahayd muddadii ay soomaaliya gobanimada qaadatay, Waxaaay noqotay markii ugu horeysay taariikhdaa iyada ah oo loo anaynayo awood la,aanta ama tabar darridda xal uu helida mushaakilaadka maanta taagan ee soomaliya. Waxaaa shaki ku jirin inuu yar yahay qof qaba inaynaan awoodin amma xal Wanaagsan oo lugu xaliyo dhibaatooyinka jira ama iska soo burqanaaya habeen iyo maalin.

Waxaaa aannu had iyo goor aragnaa iyadoo dadku ay wax dhaliilayaan sidda jabhadaha, Dowladda ama adeega bulshadda iyagoo ku canbaareynaya cadaaladd darro, Marka aad uu noqoto bulshadda dhexdeeda waxa ay dadku eedeeyaan inta baddan odayaasha, Mar kasta waxaaad arkeysaa qof si aad ah ugu nuux-nuuxsanaya si hufana uu sharaxaya waxa uu tilmaamaayo iney xun yahiin, Isla markaasna si fiican uu tilamaama sidda loo hagaajin karro, Waxaa aynu ognahay in ficil kastaa oo xun ama qof diido ama bulshadu diido cida sameynaysaa inuu yahay dad ka mid ah bulshadda.

Hadaba waxaa la yidhi (Hal diideysaa geed ay ku xoqota ma weydo) oo waxaa la yiri walaalayaloow Nin hal diiday oo wadin wax kaluu ka door biday, Hadaba waxaa idiin leeyahay nimaad hal isku diideen dab cas lagama bixiyee ku darsada taladda weligiin, Dadkane ka daaya baaqyaddan iyo wadaniyadda iyo samahaba ka aradan ee cadada ka dhigateen inaad dabka sii hurisaaan mar walba.

Afarqooble Siyaasad waxba kama yaqanaaan Qaylane dayn mayaaan..

Aqristooow waqti walbo oo adag marbaa laga gudbaaa, Xukuumad/dowlad aan fiicnaynna waqti kooban ayay jiri kartaa, Waxyaabahaas oo idili waxaay ku xeran yahiin ama is badalaan mudadada shacabka lugu maamulaa ka dhiidhiyaan, Cadaalad la,aan sharciga oo la dumiya,Maamul xumida tafaraaruqa bulshada, Fadqalalaha shacbigga, Burburinta hay,adaha dowladda, Hoos uu dhaca dhaqaalaha, Waxbarashadda, Dhaqanka ayaa noqday kuwa ay rajadoodu yar tahay in jabhadaha hada jira ay xal uu helaaan. Jiritaanka xaaladaha noocaan ah ayaa isweydiin leh maxaa keenay, Iyadoo ilaa iyo haatan jirin jabhad isku eedaysay iney iyadu gashay danbiga noocaas ah.

Maamul-xummo qabyaaaladeed ayaa bartilmaameed uu noqotay,kufsi iyo dill qof aan waxba galabsan iyo qayaalad qurun ah, Cadaalad la,aan oo aanu ku qeexi karno waxaa ka lumay dareenkii soomaalinimada isla mar ahaantaasna ay luntay kalsoonidii bani,aadannimada tasoo aasaas uu ah jiritaanka qofka, Maamulkii dowladnimo, Hay,adihii nolosha dadweynaha sidda nabadgalyadda, Caafimaadka Iwm. Xurmo daradda ay leedahay fashilanka siyaasadeed aayaa ah in xal loo hello, Hadaba si taas xal looga raadiyo waxaa haboon in la dedejiyo barnaamijka nabad raadinta shacbiga soomaliyeed ee tuhunka iyo tafaraaruqa lugu beeray dabkana laysugu dhiibay.

Aqistoow hadaan eegno magaca jabhad waxaa loola jeedaa ama macnaheedu noqon karaa qabiilkii reer hebel, Waxaa ayaan darro ah inuu qabiilku noqday aalad la adeegsado oo lugu dagaalammo taaasina waxaay sabab uu noqotay burburkii qarankii soomaliyeeed, Hase yeesheee baaba, maanta soomalida haystaa halisna galinaya jiritaanka soomaliya waxaa sabab uu ah maamul xumadda ka dhex aloosan jabhado isku sheega huwana magaca qabyaaladeed,Waayo? hadii iyagu si wada jir ah isku afgartaan wax waliba way hagaagi lahayeen iyadoo balse afmiishaaro ayaa ka faaiidaystay.

Si loo hubiyo ama loo sugo soo celinta nidaamka qaranimo, Waxaa lagama marmaan ah inuu qof waliba ka qayb qaato howsha iyo habka goolkaas lugu gaari karro, Waxaad moodaaa ineysan arintaas ka dadagayn jabhadaha ku loolamaya dalka, Waayo jabhad waliba waxaay doonaysaa iney iyadu wax maamusho, Mudooyinkii ina dhaafay waxaay kooxaha jabhaduhu ku howlanayeen ka haqab tirida shacbigga soomaaliyeed baahidda loo qabbo in dowladd loo dhiso shacbiga dulman.

Taasina waxaay leedahay qiimo aad uu balaaran oo qato dheer suurta galin kartana xalinta dhibaatooyinka maanta jira iyo in mustaqbalka soo socda hogaaminta dalka saldhig adag loo dajiyo,

Waxyaabaha ugu horeeya ee uu baahan in wax laga qabto waxaaa ka mid ah, In la xaliyo dhibaatooyinka foosha xun ee qabyaaladduu keento, In meel laysla dhigo danta guud ee umadda soomaaliyeed ee aan laga hurumarin mida gaar ahaaneed(Qabiilka) iyo fikrado kale oo badan oo aan halkaan lugu soo koobi karin ama la raadiyo habab kale oo la soo xulaya in habkaas noqdo mid fiican

Aaad iyo aad bay uu adagtahay iney soo baxaan ururo ama xisbiyo soo celiya kalsoonidii shacabka soomaliyeed, Magac walbo ama nidaam walbo ee uu leeyahay waa ay adag tahay in la aaminaa ilaa la arkaa shaqadiisu sida ay tahay iyo waxyaabaha ay ujeeddadiisu tahay, Waxaa haboon in shacbiga soomaaliyeed uu ka digtoonaaddo dhibaatooyinka ay keeni karto qabyaaladdu waayo xumaanta oo dhami waxaay soo dugaashataa oo ku soo dhuumataa qabiilka baas ee umadda aafeeyay ee maalin walbo xasuuqa ba,an loo gaysanayo umadda soomaliyeed hadii kale arinta waxaay tagaysaaaaaa

Soo gaddo land-crusser soo bari galay... Somalaaaay hurdadda ka toossaa..Bye

Waxaa qoray

   Cali diiriye nuur pilot
    London

liibaan33@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2003

 QORAALADII HORE EE PILOT

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD