Waa hubaal in qof kastoo maqla weedha ”ka ganacsiga dadka” uu soo xusuusanayo
dadkii afrikaanka ahaa ee waayadii hore laga ganacsan jiray, sababtuna waxay
tahay iyadoo ka ganacsiga dadka lala xidhiidhiyo taariikho hore oo dunida soo
maray, kuwaasoo dadkii sameeyayna ay ka shallaayaan, kuwii lagu sameeyayna ay ka
galiilyoodaan markii ay soo xusuustaan.
Bulshooyinka dunida maanta ku dhaqan intooda badani ma rumaysanayaan haddii
loo sheego in ka ganacsiga dadku uu siyaabo kala duwan meelaha qaarkood uga jiro,
sababtoo ah waxay bulshada casrigan ku dhaqani samaysatay xeerar lagula
dagaallamo denbiyada ka ganacsiga dadka. Hase yeeshee in kastoo la joojiyay ka
ganacsiga dadka ee qayaxan, haddana waxaa meelo badan oo dunida ka mid ah ka sii
jira dadka oo siyaabo dadban looga ganacsado.
Meelaha uu ganacsiga dadka ee dedbani ka jiro waxaa ka mid ah gobollada
Woqooyiga Soomaaliya, oo maamulka qabiiliga ah ee ka jira uu caadaystay inuu
marba uruuriyo dad rayad ah oo aan waxba galabsanin, ka dibna uu ka gato
xukuumadda gumaysiga ah ee Itoobiya.
Maamulka ka taliya magaalada Hargaysa wuxuu mar kale ku tallaabsaday
tallaabooyinkii nacabnimada ahaa ee looga bartay muddadii uu u sarreeyay talada
gobollada Woqooyiga Soomaaliya. Wuxuu maalmukaasi dhawaan xabsiyada magaalada
Hargaysa ku guray dad aad u fara badan oo u dhashay gobollada kala duwan ee
dhulka Ogadenya.
Maamulku wuxuu sidii lagu yaqaanay, ku dhawaaqay in dadkaasi ay xubno ka
yihiin Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, isla markaana lagu tuhunsan yahay
inay ka mid yihiin ciidammada Jabhadda. Waa arrin caado u ah maamulka Hargaysa,
iyadoo ayna ku xidhnayn cidda madaxda ka ah, inuu marba weerar nacabnimo ah ku
qaado dadwaynaha soomaalida Ogadenya ee sababaha kala duwan u yimaada gobollada
Woqooyiga Soomaaliya. Ka dibna uu ku tilmaamo inay yihiin dad ka tirsan ururrada
ka soo horjeeda dawlada Itoobiya.
Wuxuu maamulka Hargaysa marar hore oo badan fuliyay weerarro midkan la mid ah
oo lagu ugaadhsanayo dadka ka yimaada gobollada Ogadenya. Waxaase hadda ku cusub
isagoo caddaystay inuu qayb ka yahay dagaalka dhex maraya ciidammada xoraynta
Ogadenya iyo gumaysiga Itoobiya, wuxuuna qirtay inaanuu oggolayn in waxyeello la
soo gaadhsiiyo dawlada Itoobiya, oo uu sheegay inay walaalo isku dhaarta yihiin.
Waxaa arrin lala yaabo ah in maamulka Hargaysa, oo la ogyahay inuu ku guul
darraystay inuu sugo ammaanka seddexda gobol ee uu ka taliyo, uu hadda u
xayd-xayto inuu difaaco dalka Itoobiya.
Waan ognahay in dawlada Itoobiya ay cadaadis ballaadhan ku hayso maamulka
damiinka ah ee Hargaysa, kaasoo ay ku qasabto inuu gooyo xidhiidh kastoo uu la
leeyaha dadka soomaaliyeed, gobolkay doonaaba ha u dhasheenee, hase yeeshee
marna ma is-waydiiyay in colaadda uu maleegayo ayna ku koobnaan doonin dadka uu
dekadanada ka galayo, balse ay sidoo kale saamayn doonto isaga laftiisa iyo
dadka uu sheeganayo inuu matalo.
Maamulka Hargaysa marna ma ka fakaray saamaynta ay ku yeelan doonto colaadda
uu ku wareejiyay gobollada uu ka taliyo. Marna ma ka baaraan-degay sida ay
Hargaysa u noolaan doonto haddii ay col la noqoto Jabuuti, Laas-caanood iyo
Ogadenya, mise wuxuu maankiisa gaabani siiyay in Itoobiya ay u buuxin karto
kaalintii ay meelahaas oo dhami ugu jireen.
Waxay masuuliyiin ku sheegga Hargaysa maalmahan denbe oo dhan ku
celcelinayeen inay gacanta ku dhigeen xubno ONLF ah oo dalka qalaanqal ka
abuurayay, waddanka Itoobiyana cadow ku ahaa.
Haddii ay runtood tahay oo booliskoodu awood u leeyahay inuu dadka
calooshooda akhristo oo ogaado ururka ay ka tirsan yihiin, maxay u soo qaqaban
waayeen gacan ku-dhiigalayaashii laayay dadkii shisheeyaha ahaa ee inay u
gargaaraan ugu yimid een ilaa iyo hadda la haynin.
Jawaabtu waxay tahay iyadoo qaqabashada dadwaynaha soomaalida Ogadenya ee ku
sugan gobollada Woqooyiga Soomaaliya ayna u baahnayn in awood badan lagu bixiyo,
sababtoo ah waxaa dadkaas lagu baadi soocaa qabiiladooda, iyadoon loo kala
aaba-yeelin in qofku uu magaalada deggan yahay, inuu socoto yahay, inuu kaari
yahay, inuu dillaal yahay, inuu ganacsade yahay, inuu wadaad yahay ama inuu
siyaasi yahay. Astaanta kaliya ee lagu caddeeyo waa inuu ka soo jeedo qabiilka
ay diiraddu u saaran tahay maamulka nacabka ah ee Hargaysa.
Waxaan ka warhaynaa in maamulka Hargaysa uu waayadan denbe billaabay inuu
sidoo kale dhibaatooyin dhac iyo tarxiil isugu jira kula kaco dadwaynaha
soomaaliyeed ee u dhashay gobollada kale ee aan Woqooyiga ahayd, gaar ahaan
dadwaynaha soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya.
Waxaa boqollaal dadwaynahaas ka mid ah oo hantidoodii laga dhacay, ka dibna
lagu amray inay gobollada Woqooyi sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan. Waxay
dadka soomaaliyeed sannado badan xusuusan doonaan dhacdadii naxdinta lahayda ee
dhawaan ka dhacday duleedka magaalada Garowe, halkaasoo uu ku gaddoomay baabuur
si xad-dhaaf ah loogu soo raseeyay dad laga soo xasuuqay magaalooyinka Hargaysa
iyo Burco, kuwaasoo hantidoodii lagala soo hadhay oo iyagoo fara-madhan la soo
diray. Waxaa nasiib darro shilkaas ku dhintay 21 oo 9 carruur ahi ay ku jiraan.
In kastoo ay dadkaas ajashoodii dhammaatay, haddana waxaa denbigaas iska leh
maamulka Hargaysa oo ku qasbay inuu ka soo caydhiyo magaalooyinkii ay
degganaayeen. Waxaa ammaan mudan Isbitaalka Magaalada Garowe oo si wayn ugu
gurmaday dadkaas masiibadu la soo deristay.
Maamulka Hargaysa wuxuu sannado badan ku dadaalayay sidii uu nac iyo
karaahiyo uga dhex abuuri lahaa dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada
Woqooyiga Soomaaliya iyo dadka kale ee soomaalida ah, wuxuuna mar kasta isku
dayaa inuu colaad iyo nacayb ka dhex abuuro qabiilka uu matalo iyo soomaalida
inteeda kale, taasoo ah siyaasadda kaliya ee uu xukunkiisa ku sii haysan karo,
wuxuuna door-biday inuu hoos gelo cadowga soomaaliyeed, si uu danihiisa gaarka
ah u gaadho.
Hase yeeshee waxaa muuqata in cimriga taliskaasi uu gabaabsi yahay, isla
markaana ayna bulshada soomaaliyeed mar denbe u dulqaadanaynin xadgudbyada uu u
gaysto. Dadka soomaalida Ogadenya, oo dhibaatada ugu badan ay tilsakaas ka soo
gaadho, waxay hadda diyaar u yihiin inay taliskaas u dhaamiyaan dhiisha colaadda
ahee muddada dheer uu la wareegayay, waxayna hubaan in oohintu ay isaga ku
denbayn doonto, isla markaana uu dhami doono dekanada uu dhitaystay
Axmed Gaal-eri
09 December 2003