DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya
waxuu ka koobanyahay.
- Ø Saraakiil Ethiopian ah oo lagu wado
inay Jawhar tagaan maalmaha soo socda.
- Ø Jaaliyada Oromda ee Ingriiska oo
mudaharaad balaadhan samaysay.
- Ø Wasiirak arimaha dibada ee Eritrea oo
sheegay in ay Itoobiya dagaal u diyaar garowday.
- Ø 350 Boolis ah oo shaqadoodii laga eryay.
- Ø Masaajid ka dhisnaa magaalada Aksum 65
sano oo la dumiyey.
- Ø Qayb ka mid ah riwaayadii Xaftii
waynaye xig ma maalaa iyo suugaan kala duwan.
Saraakiil Ethiopian ah oo lagu wado inay
Jawhar tagaan maalmaha soo socda.
Shirkii dib-uheshiisiinta somaliya ee ka socday
wadanka kenya oo dowlada Itoobiya ay gaadhi-wade ka ahayd ayaad moodaa maalmahan
danbe inuu bur-bur qarka usaaran yahay, dadka siyaasada indha-indheeya ayaa ku
tilmaamay in shirkaasi waxba kasoo baxaynin inta dowlada Ethiopia faraha kula
jirto.
Saraakiil ka socota Itoobiya iyo kooxda sida
weyn ay ugu adeegato ee SRRC ayaa lagu wadaa inay maalmahan soo socda kulan ku
yeeshaan magaalada Jawhar ee gobolka Sh/dhexe,kulankaas oo raga siyasada u
dhuun-daloola ay ku tilmaameey inay Ethiopia iyo SRRC kaga arinsan doonaan sidii
ay uga hortagi lahaayeen kordhinta sixiixayaasha,si ay awood ugu yeeshaan dowlad
kastoo laga dhiso soomaaliya,iyadoo wakiilka gaarka ah ee Ethiopia umatala
shirka uu u balanqaaday kooxda SRRC inaan marna la aqbalaynin kordhinta
sixiixayaasha.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in qaar ka mid ah
madaxda SRRC loo qaadi doono magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya soona joogi
doonaan 3 maalmood,ma cada sababta loo gaynayo Ethiopia,in kastoo warar ay
sheegayaan in la soo siinayo hub iyo saanad ay ku dagaal galaan hadii shirku
noqon waayo siday doonayaan oo uu burburo.
Jaaliyada Oromda ee Ingriiska oo
mudaharaad balaadhan samaysay
Radyowga Oromada ee Sagalee Bilisumaa Oromoo(SBO) ayaa sheegay in 23.12.2003
Mudaharaad aad u blaadhan lagu qabtay dhamaan wadanka Igriiska gaar ahaan
magaalada London.
Banaanbaxan ayaa lagaga soo hor jeeday go’aankii uu dhawaanta soo saaray Ra`
iisal wasaaraha wadanka Itoobiya Meles Zenawi, kaas oo sheegayay in xafiisyo ay
dadka Oromada ah ku lahaayeen magaalada Adis Ababa u guuraan Kililka Oromada.
Dadka Oromada ah ayaa aaminsan in ay dawlada
Zenaawi rabto in ay kala wareegto lahaanshaha magaalada Addis Ababa qoomiyada
Oromada.
Qoomiyada Oromada ayaa magaaladaas waxay
markeedii hore u taqaanay Fifine balse boqortooyooyinkii Milinik iyo Xayle
salaase ayaa waxay ula baxeen Adis Ababa.
Dadkii mudaharaadkan ka soo qaybgalay oo ku
dhawaaqayay halkudhagyo canbaareeynaya Xukuumada Itoobiya ayaa warqad cabasho ah
u gudbiyay
wasiirka arimaha dibada ee wadanka Ingriiska, warqadaas ayay kaga cabanayeen go`
aanka dadaka Oromada ah lagaga fogaynayo magaalada Adis Ababa iyo waliba
cadaadiska xad dhaafka ah ee taliska wayaanuhu ku hayo qoomiyada Oromada iyo
qoomiyadaha kale ee dulmanba.
Sida oo kale waxaa warqad cabasho ah u qoray
Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Mr. Koofi Anaan ardayda jaamacadaha ee
qoomiyada Oromada.
Wasiirak arimaha dibada ee Eritrea oo sheegay
in ay Itoobiya dagaal u diyaar garowday.
Waraysi dheer oo uu la yeeshay wargayska Al-sharqul
awsat oo ka soo baxa magaalada London ee wadanka Ingiriiska wasiirka arimaha
dibada ee wadanka Eritrea ayuu wasiirku ku cadeeyay in ay dawlada Itoobiya
dagaal ay Eritrea ku qaado isu diyaarisay.
Waxa u intaa raacyay Mr. Cali isaga oo sheegay
in u raiisul wasaaraha Itoobiya Meles
Zenawi u si ula kac ah u diiday go’aankii gudiga qaramada midoobay ee loo xil
saaray in ay xaliyaan khilaafka ka dhextaagan soohdinta ay Itoobiya iyo Eritrea
wadaagaan.
Waxa kale oo u Mr. Cali sheegay in ay bulshada caalmku dhex gasho arintan oo
si nabad galyo ah lagu xaliyo inta unan dagaalku bilaabmin , hadiise ay
taasi dhici waydo waxaa iman doona khasaare aad u balaadhan oo aan la soo
koobi karin.
dhinaca kale Midowga yurub ayaa ku eedeeyey dowlada Itoobiya inay hortaagan
tahay xal kastoo lagu dhamayn lahaa khilaafka u dhaxeeya iyada iyo Dowlada
Erateria,wuxuuna midowga yurub ku tilmaamay dowlada Itoobiya inay ku dhaqanto
siyaasad ah aniga mooyaane cid kale yaysan noolaanin.
hadalo cul-culus oo ay cadho ka muuqato ayay
midawga yurub kula hadleen maamulka Addis-ababa iyagoo uga digay inay waayi
doonto kaalmada ay ka hesho saaxiibadeeda ay bah-wadaagta lee yihiin ee reer
yurub waa hadii ay kusii dhaga adaygto diidmadii ay ka muujisay go,aankii gudiga
calaamadinta soohdinta ee kal hore ay soo gaadhay maxkamada caalamiga ah ee Heeg.
350 Boolis ah oo shaqadoodii laga eryay.
Wariyaha wakaalda wararka Ogaadenya u jooga magaalda Adis Ababa ayaa
sheegaya in shaqadoodii laga eryay 350 Boolis ah oo ay 24 ka mid ah sarakiil
yihiin, waxayna dhamaantood ka shaqaynayeen magaalda Adis Ababa.
Booliskaa shaqooyinkii laga qaaday ayaa la
sheegayaa in lagu qaaday waxa afka amxaariga loo yaqaano (Gimgama) oo macnaheedu
yahay qiimayn.
Dadka qiimaynta lagu qaado ayaa waxaa lagu
tuhmaa in ay ka soo horjeedaan taliska sii liciifaya ee Melis Zenaawi uu madaxda
ka yahay, waxaana lagu eedeeyaa waxyaabo shir qoolo ah oo ay dawladu soo
diyaarisay.
Talaabadan shaqada lagaga eryay ciidanka
Booliska ayaa waxaa qaaday Duqa magaalada Adis Ababa Arkabe Uqbay oo ah nin ay
si aad ah isugu dhawyihiin kaligii taliye Melis Zenaawi kana soo jeeda qoomiyada
Tigreega ee xukunka wadanka Itoobiya haysa.
Ciidanka shagaqada laga eryay ayaa waxay
ubadnayeen qoomiyada Oromada oo aad ugu xoogbadan magaalada adis Ababa, dadka ka
soo jeeda qoomiyadaas ayaa waxay talaabadan u arkaan mid dadka Oromada ah lagaga
cidhib tirayo awooda magaalada Adis Ababa.
Masaajid ka dhisnaa magaalada Aksum 65
sano oo la dumiyey.
Intii ay Soomaaliya dawladda ahayd, laga
soo bilaabo xornimadii ay qayb Soomaaliy aah ka qaadatay gumeysiga, waxaa
Kismaayo iyo Xamar ka dhisnaa Kaniisad ku sinayd xilligii gumeysiga,
Kaniisada Xamar waxay ka dhisnayd meel u dhow masjidka Qadiimka ah ee Arbaca
rukun, iyo hoteelkii ugu caansanaa Muqdisho ee Curuba iyo Bangigii ugu
weynaa Soomaaliya oo ahaa Bangiga Ganacsiga iyo kaydka Soomaaliyeed iyo
xafiisyadii dawladda, iyo jardoonooyin qurub badan oo aagaas ka dhowaa, iyo
weliba dekadii caalamaga hayad ee Muqdisho oo aan halkaas ka durugsanayd.
Sawirka: www.swan.ac.uk |
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Aksuum ayaa
sheekagaya in maamulka magaaladaasi dumiyeen masaajid ka dhisnaa halkaas muddo
dhan 65 sano,iyagoo u cuskaday duminta masaajidkaas in si sharci daro ah lagu
dhisay markiisii hore.
Muslimiinta aagaas dagan oo si aad ah ooga
cadhaysnaa falka islaam nacaybka ah ee uu maamulka magaadaasi sameeyay ayaa ku
tilmaamay inaysan waxba ka jirin qodobka loo cuskaday duminta masaajidkaasi.
Duminta masaajidkaas ayaa la fuliyey xili
habeen ah,iyadoo laga cabsi qabay in hadii maalin cad la dumiyo ay halkaas ka
dhacaan shaqaaqooyin iyo iska hor imaado xun.
Sidoo kale xubnihii ka shaqayn jiray
masaajidkaas oo dhannaa 5 qof ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.
<><><> Magaalada Aksum (ee Itoobiya) ee waa
magaalo taariikhdeedu ku siman tahay xilligii boqor tooyadii la ornjirey "Aksum"
taas oo ahayd gobol xoog leh oo u dhexeeyey boqortooyadii Roomaanka iyo tii
Beershiya-<><><>
26.12.2003
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad
ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|