SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dad shacab ah oo Maagaalada Haregya lagu xir xiray.
  • Ø Odayaasha Soomaalida Ogadenya oo runta u sheegay keligii taliye Meles Zenawi.
  • Ø Ciidanka Cadawga Gumaysiga Itoobiya oo lawareegay Badeeco katimid Kenya oo usocotay Ogadenya.
  • Ø Munaasabad Ciidda lagu maamuusayay oo Copenhagen lagu qabtay.
  • Ø Ciidamo Itoobiyaan ah oo i su dhiibay Jabhad Cnafarta.
  • Ø Afgambi ka dhacay golaha Islaamka ee Itoobiya.
  • Ø Shaqaalaha Kilika Oromada oo shaqo joojin ku dhwaaqay.
  • Ø Wafti ka socda Kenya oo Soomaaliy la filayo in uu booqasho ku tago.
  • Ø Barnaamuj aanu ka soo dizaarinay Xaflad lagu qabtay magaalada Copenhagen.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dad shacab ah oo Maagaalada Haregya lagu xir xiray.

Waxaa 30.11.2003 Magaalada Hargeysa guryaha lagala baxay dad dhan 12 ruux oo u dhashay dhulka Soomaalida Ogaadeeniya, dadkaas oo ilaa hada ku jira xabsiga Magaalada Hargeysa ayaa waxa qaar ka mid ah lagu sameeyey jir dil, waxaana laga dayrinayaa xaaladooda caafomaad iyo nololeed, xabsiyada magaalada hargaysa oo aad uliita iyo daryeel la, aan halkaas ku haysata Maxaabiista awgeed.

Ilaa hadda ma cadda waxa dadkaas loo xir xiray, balse ma aha markii ugu horeysay ee uu Maamulka Magaalada Hargeysa ku kaco falal ka dhan ah dhaqanka suuban ee Soomalida iyo daris wanaaga, waxaana suurto gal ah in dadkaas shacabka ah gacanta loo geliyo Itoobiya iyada oo lagu eedayanayo in ay ka mid yihiin xoogag lid ku ah xukuumadda Adis Ababa.

Dadkaas guryaha lagala baxay waxaa ka mid ah oo ay magacyadoodu nasoo gaadheen:

  • 1- Cabdi Madoobe Maxamed Suldaan
  • 2- Bashiir Qamaan
  • 3- Maxamaed Dheere Cabdilaahi
  • 4- Dayib Cabdi Cumar
  • 5- Mukhtaar Aw Cali
  • 6- Bashiir Xirsi
  • 7- Ina Cabdilahi Cali Weerar
  • 8- Axmed Shugri Maxamed Dheeg
  • 9- Muse Cabdilahi Hudle
  • 10-Muxumed Daahir Xanan

Odayaasha Soomaalida Ogadenya oo runta u sheegay keligii taliye Meles Zenawi.

Warqad dheer oo eed-sheegad ah ayay wax-garadka Soomaalida Ogadenya u qoreen keligii taliye Meles Zenawi bishii November 17dii, waxayna warqaddaas kaga cabanayeen dhibaatooyinka xad-dhaafka ah iyo xadgudubyada ay ciidammada xukuumadda Itoobiya u gaystaan dadwaynaha rayadka ah ee soomaalida Ogadenya.

Waxaan la kulanaa dil, kufsi iyo dhac joogta ah, sidaas waxaa lagu sheegay warqaddaas oo afka amxaariga lagu qoray, isla markaana ay nuqul ka heshay Wakaaladda Wararka Ogadenya.

Waxay kaloo odayaasha soomaalida Ogadenya warqaddan kaga cawdeen dhibaatooyinka bulshada Ogadenya ka haysta dhinacyada shaqa la, aanta, wax barsho la, aanta iyo adeegga guud, sida biyaha, daryeelka caafimaadka iyo is-gaadhsiinta, ee bulshada Ogadenya laga xaraantinimeeyay.

Odayaashu waxay sidoo kale canbaarayn dusha kaga tuureen tallaabada ay dhawaan qaadday xukuumadda uu Meles Zenawi madaxda ka yahay ee ku saabsan xuduudda ay Ogdaeniya ay la wadaagto Soomaaliya ee la xidhay.

Odayaashu waxay si cad uga warrameen falalka ay ciidammada Itoobiya kula kacaan dadwaynaha rayadka ah ee isaga tallaaba xuduudda u dhaxaysa Ogadenya iyo Soomaaliya, waxayna sheegeen in ciidammadu ay la wareegaan badeecadaha iyo gaadiidka, taasoo keentay in qiimaha maceeshadu uu cirka isku shareero.

Odayaasha iyo wax-garadka Ogadenya waxay qoraalkoodan ku soo gabagabeeyeen inaanay marna u dulqaadan doonin xadgudubyada joogtada ah loo gaysto, isla markaana ayna xaaladdan sinaba ugu sii jiraynin.

Ciidanka Cadawga Gumaysiga Itoobiya oo lawareegay Badeeco katimid Kenya oo usocotay Ogadenya.

waxay CCGI ee kusugan Gobalka Liibaan ay todobaadkii lasoo dhaafay lawreegeen, badeco badan oo kasoo gudubtay magaalada Mooyaale, badeecadan oo ay wateen ganacsato u dhalatay Ogadenya, ma,aha markii ugu horaysay ee ay ciidamada Itoobiya lawareegaan, hantida Ganacsatada u dhalatay Ogadenya ee katalaabaysa Xadka ay Ogadenya la wadaagto wadamada Dariska ah. sida Kenya iyo Somalia. waxay Ciidamad wayaanuhu, sidoo kale lawareegaan, Xoolaha nool ee reer Ogadenya, ee loo iibgeeyo wadamada Dariska, la,ah, taasoo kamid ah barnaamijka Fiqraynta ah ee ay Itoobiya kula dhaqanto shacabka Reer Ogadenya.

Munaasabad Ciidda lagu maamuusayay oo Copenhagen lagu qabtay.

Maalitii sabtida ahayd ee taariikhdu ahayd 29 November 2003, waxaa magaala madaxda dalka Denmark ee Copenhegan ka dhacday xaflad wayn oo lagu maamuusayay Ciidda barakaysan ee Soonfureed, taasoo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Ogadenya ee Denmark.

Xafladdaas waxaa lagu qabtay dhismo wayn oo ku yaalla xuddunta magaalada Copenhagen, waxaana ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan oo bulshada qaybeheeda kala duwan oo dhan ka kooban, kuwaasoo isugu jira dadwaynaha soomaalida Ogadenya iyo dad kale oo soomaaliyeed, oo iyaga laftoodu u yimid inay munaasabaddaas qaddarinta mudan la qaybsadaan dadwaynaha soomaalida Ogadenya ee ku dhaqan magaalada Copenhagen iyo nawaaxigeeda.

Xafladdaas waxaa laga soo jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan marxaladda uu marayo halganka xaqa ah ee dadwaynaha Ogadenya ay kaga soo horjeedaan gumaysiga Itoobiya ee majaraha ay u hayso Jabhadda waddaniga Xoraynta Ogadenya JWXO, waxaana dadwaynihii halkaas isugu yimid lagu baraarujiyay waajibka ka saaran dalkooda iyo dadkooda iyo sida loogu baahan yahay inay kaalinta kaga aaddan ka qaataan halganka aaya-ka-talinta loogu jiro.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo i su dhiibay Jabhad Cnafarta.

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadenya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in 14 askari oo ka tirsanaa ciidammada caga-jiidka ah ee maamulka EPRDF ay isu dhiibeen Jabhadda Canfarata.

Nin u hadlay ciidammadan is-dhiibay ayaa yidhi ”waxaan door bidnay inaanu is-dhiibno, si aanaan ugu dhimanin dagaal aanaan ku qanacsanaynin, isla markaana aanaan u laynin dad xaqooda u dagaallamaya”. Ciidammadaas is-dhiibay ayaa sheegay inay go’aan ku gaadheen inay ku biiraab ciidammada Jabhadanada Canfarta.

Waxaa lawada ogsoon yahay in ciidammada saama-la-luudka ah ee Itoobiya ay khasaare aad u ballaadhan kala kulmeen dagaal ay dhawaan la galeen ciidammada Jabhada Canfarta.

Afgambi ka dhacay golaha Islaamka ee Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in la af-ganbiyay guddoomiyihii Golaha Islaamka ee Itoobiya Xaaji Cabdi-raxmaan Musa, waxaana isagoo maqan xilkii guddoomiyanimada kala wareegay rag ay wadato xukuumadda Wayaanaha.

Golaha Islaamka ee Itoobiya waa hay’adda ugu sarraysa ee loogu talagaly inay gacanta ku hayso arrimaha muslimiinta Itoobiya oo lagu qiyaaso inay 60% gaadhayaan, hase yeeshee Golaha Islaamka ee Itoobiya uma shaqeeyo sidii markii hore loogu talagalay, waxaana ugu wacan iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si wayn arrimihiisa u farageliso, isla markaana ku dadaasho inay u dhiibto dad siyaasadeeda u jajaban.

Waxaana tallaabadan afganbiga hadda lagu tilmaamay mid la jaan-qaadaysa ololaha uu Keligii taliye Meles Zenawi wado ee ku saabsan inuu hay’adaha muhiimka ah oo dhan uu u dhiibo dad siyaasadiisa taabacsan, si uu ugu guulaysto doorashooyin ku-sheegga soo socda.

Shaqaalaha Kilika Oromada oo shaqo joojin ku dhwaaqay.

Raadyowga Oromada ayaa sheegay in shaqaalaha Kililka Oromadu ay shaqo joojin samaynayaan, laga billaabo maalinta isiinta ah, waxayna shaqo joojintan kaga cabanayaan amarkii xukuumadda Wayaanaha ee ahaa in magaalada Addis Ababa laga raro 15 xafiis oo Kilikla Oromada uu ku lahaa, loona raro magaalada Naziret.

Nin ka tirsan Kililka Oromada ayaa yidhi ”waxay dawlada wayaanuhu ku talagashay inay yarayso dadka badan ee Oromada ah ee jooga magaalada Addis Ababa, si ay shaki u galiso in magaaladaas ay dadka Oromada ahi leeyihiin. Laakiin taasi uma suurtoobayso, sababtoo ah ilaa iyo qarnigii 15aad ayay Abasiniya ku dadaalaysay inay la wareegto magaalda Addis Ababa, balse ay ku guul-darraysteen, waxaana sabab ahaa buu yidhi dadaalkii ay sameeyeen dadka Oromada ahi”.

Nin aan rabin in magaciisa la sheego oo Oromada u hadlay ayaa yidhi ”maanata haddii aan Addis Ababa ka guurno, barrina waxaa xigi doonta Naziret ka guura, taasina ma ah mid la aqbali karo”.

Wafti ka socda Kenya oo Soomaaliy la filayo in uu booqasho ku tago.

Wararka naga soo Kenya ayaa sheegaya dhawaan in la filayo wafdi ka socda dowladda Kenya in uu soo gaadho magaalada Muqd-Isho. Danjiraha dowladda keyna Maxamed Cabdi Afey ayaa wararku waxa ay sheeg-ayaan in qoraalo casuumaad ah oo ku saabsan shirka 9 December furmaya uu soo gaadhsiiyo madaxda golaha la magac baxay Samatabixinta qaranka iyo dowaldda KMG oo iyagu ka biyo diidsan shir-kaasi. Masuuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ayaa horay u sheegay in ay tagi doonaan shirka wallow ay shuruudo badan ku xidheen dib ugu noq-oshada shirkaasi

02.12.2003

Dhoodi Danwaa.

Radio Xoriyo
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD