SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dad ay ciidamada cadawga Itoobiya xabsiyada u taxaabeen.
  • Ø Kulan balaadhan oo ay yeelatay Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka minisota ee wadanka Maraykanka.
  • Ø Sargaal Sare oo Marykan ah oo Meles canbaareeyay.
  • Ø Waraysi dheer oo ka hadlaya arimo farabadan oo geeska Afrika kusaabsan oo aanu la yeelanay Xoghayaha guud ee Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya Mudane Mohamed Ismaciil.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Liiska Dadka Loo Taxaabay Xabsiyada Itoobiya

Dabayaaqadii Bishii hore ee Nov. Ayay ciidamada cadawga Itoobiya waxay Tuulada Abukor oo ka tirsan gobolka Jarared dhaawaca ugu gaysteen dad shacab ah oo saaraa Baabuur ay Adhi ku wateen waxaana dadkii halkaas ku dhaawacmay ka mid ahaa.


01-Shamis Muuse
02-Sahra Ilyaas

isla bishii hore waxay ciidamada cadawgu ku xidh xidheen tuulada Galadiid oo ka tirsan Degmada Shaygosh dad aad u badan oo ay ka mid ahaayeen.

01-Carab Sheekh Abdi
02-Cakuule Shugri Gamaadiid iyo Xaaskiisii
03-Shambso Hassan Khaliif
04-Kiin Abdulahi Sheekh
05-Aniisa Ibraahin Seeraar
06-Hinda Ahmed Dhuub
07-Mohamuud Nuur Barre
08-Mohamed Muhumed Barre
09-Kakuule Mohamed Cawl

Degmada Shaygoosh ayaa ayadana lagu xidhay.

01-Duwane Mohamed Ali Iyo labo Oday oo kale oon Magacyadooda dib ka soo Sheegi Doono.

Tuulada Geba Gabo,oo ka tirsan Degmada Qabari-Dahare ayay ciidamada aan xishoodka lahayn ee gumaysiga Itoobiya ku xidh xidheen dad badan oo ay ka mid ahaayeen.

01-Faadumo Ali Faarax
02-Nimco Hassan Abdi
03-Ridwaan Sheekh Cilmi


waxay ciidamada dulmiga ku dhisan ee Itoobiya Magaalada Dig ku xidh xidheen dad aad u badan ooy Magacyadoodu Naga soo Gaadheen.

01-Mohamed Aaden Omer iyo Wiilkiisii oo 9 Sano Jir ah
02-Abdi Mohamed Aaden Omer
03-Mohamed Ali Omer
04-Hudi Omer Gaani
05-Muhumed Aar Faarax Muhumed
06-Ismail Hassan Mohamuud
07-Hassan Mohamed Aar oo 18 Jir ah
08-Ayaan Hohamed Yuusuf Aagaab
09-Moalin Abdulahi Sheekh Dhaqane
10-Iid Bashiir Abdi
11-Faarax Hussein Guuleed oo lagu Ganaaxay 12,000 Birr in uu Bixiyo
12-Abdi Ibrahin Mohamed
13-Ciise Faarax Hussein
14-Hanad Sheekh Mohamuud.

waxay ciidamada cadawga Itoobiya ee doolka ku jooga Ogaadenya Gurdumi oo ka tirsan Degmada Dhagaxbuur Jidh dil aad u ba, an ugu gaysteen dadkan kala ah.

01-Abdidhuub Jaamac iyo Deeq Xaaji Cabdi

30 November 2003 magaalada Qabri-dahare waxay ciidamada cadawga Itoobiya ee gafka iyo dulmiga ku caanbaxay xabsiyada u taxaabeen qaar ka mid ah Odoyasha dhaqanka ee gobolka qoraxay oo dhawaan ka soo noqday dacwad ay Xukuumada Zenaawi u gudbiyeen, taas oo ay kaga cabanayeen falka argagaxa leh ee ay ciidamada Itoobiya u gaystaan shacabka Ogaadeenya waxayna kala yihiin Odoyaasha la xidhay.

01-Haaji Muhumed Garaad
02-Makhtal Siraad
03-Yuusuf Muhumed Gadh Weyne

guud ahaan dadkaas xabsiyada laga buuxiyay ayaa la aaminsan yahay in ay ciidamada Itoobiya xabsiyada uga buuxiyeen sidii ay dhaqaale uga heli lahaayeen.

Kulan balaadhan oo ay yeelatay Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka minisota ee wadanka Maraykanka.

Sida aan ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya waxaa shir balaadhan oo lagaga hadlayay falka cadawnimo ee uu ku kacay maamulaka Hargaysa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minisota.

Shirkaas ayaa waxaa soo abaabulay Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka Minisota, waxaana lagaga hadlay arimo farabadan oo dhamaantaad taabanaya jawaabtii ay ka bixin lahayd jaaliyada Ogaadeenya ee gobolkaas, dadka uu maamulka Hargaysa ku hayo xabsiyada, ee uu waliba ku hanjabayo in uu gacanta u galin doono maamulka dhiigyacabka ah ee Itoobiya kataliya.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo boqolaal gaadhaya isuguna jira qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culimo awdiinka, dhaliyarada, hooyooyinka, Odoyaasha, Indheergaradka iyo waliba aqoonyahanada ayaa waxaa laga soo saaray go` aano wax ku ool ah oo qaara ay ku wajahanyihiin maamulka waqooyi galbeed iyo shacbka uu matalo qaara ay ku wajahan yihiin shacabka reer Ogaadeenya ee gobolada waqooyi lagu dulmayo. Waxaana ka mid ahaa qodobadii go, aanka lagu gaadhay.

In aragti midaysan laga yeesho wax alaale wixii dulmi ah ee lagula kaco shacabka Soomaalida Ogaadeenya noocuu doono ha ahaadee, ciday ka timaadana laga hortago oon loona dul qaadan hadda wixii ka dambeeya.

In shacabka Soomaalida Ogaadeenya looga digo khataraha lagu waxyeelaynayo ee goor walba kaga imanaya Maamulka Haragysa.

In lacagaha Xawaaladaha qaraabooyinka loogu diro Gobolada Waqooyi la joojiyo loona sheego dadka loo diro inay tagaan deegamadoodi ay ku dhasheen iyo Gobolada Soomaalida kale een lagu dulmiyeynin. Sababtoo ah waxaa lacagta adag ee la diro ay gashaa Gobolada Waqooyi ee lagu dulaynayo naftooda iyo maalkooda.

In Maamulka Hargaysa looga digo inuu sii daayo dadka aan waxba galabsan ee uu xabsiyada ku hayo. Isla markaana uusan gacanta u galin Guumaysatada Itoobiya.

In saxaafadaha Soomaalida, kuwa caalamka, Dawalada Maraykanka, iyo ururda xuquuqal iinsaanka lala socodsiiyo falalka dulmiga ah ee ay ku heshiiyeen Maamulka Hargaysa, iyo Xukumada Itoobiya in ay ku cabudhiyaan shacabka Ogaadeenya.

Sargaal Sare oo Marykan ah oo Meles canbaareeyay.

Radyaha Oromada ee Sagalee Bilisumaa Oromo(SBO) ayaa sheegay in uu,Charles

Sagaers oo ah gudoomiye ku xigeenka u qaabilsan wasaarada arimaha dibada eewadanaka Marykanaka arimaha Afrika uu aad u canbaareeyay raiisula wasaarahaItoobiya Meles Zenawi.

Mr. Charles waxa u sheegay in uusan dagaal maanta dhex maraa Itoobiya iyo Eritrea fiicnayan. Waxa kale oo uu intaa raaciyay isaga oo hadalkiisii sii wata ” Meles waa nin isu haysta in u dadka kale ka sareeya oo ka aqli badan, xaqiiqo ahaana markii la eego waa nin ku guul darystay wajibaadkii lagarabay in u wadankiisa u qabto oo u ku horumariyo.

Dadka arimaha Itoobiya indha indheeyaa ayaa sheegaya in ay canbaarayntani ka danbaysay kadib markii, u Meles Zenawi ciidamadiisii dhinaca Casab heegan galiyay, islamarkaana lahadlay oo uu yidhi ”dagaal inaga iyo Eritrea in uu ina dhexmaraa waa mid aan maraba baaqanaynin”.

16.12.2003
Dhoodi Danwaa

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD