SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay

  • Ø Koox Nabad sugida Itoobiya ka tirsan oo la hor geeyay Shacabkii
  • Ø Ogaadeenya ee lagu hayay Magaalada Hargaysa.
  • Ø Ururro caalami ah oo Itoobiya ku dhaleeceeyay cabbudhinta
  • Ø saxaafadda.
  • Ø Xaalada xaquuqul insaanka ee Itoobiya oo meel halis ah maraaysa.
  • Ø Gudoomiyhii bangiga dhex ee Itoobiya oo shaqadii la eryay.
  • Ø Dagaal ay EPRDFtu shiday oo ay 18 qof ku dhinteen.
  • Ø Riwaayadii Xafti waynaye Xig ma maalaa iyo waliba suugaan kala gadisan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Koox Nabad sugida Itoobiya ka tirsan oo la hor geeyay Shacabkii Ogaadeenya ee lagu hayay Magaalada Hargaysa.

warar aanu ka soo xiganay wakaalada waraka Ogaadeenya ONA ayaa sheegaya in sagaal bishan la horkeenay maxaabiistii u dhalatay Somalida Ogadeniya ee laga dhaamiyay xabsiyada maamulka Hargeysa, koox ka socta Nabadsugidda Itoobiya kuwaas oo watay liisas ka kooban magacyo dad ay raadinayso xukuumada Itoobiya.

Kooxdaas oo uu Hoggaaminayay taliayaha Hoggaanka sahanka Ciidamada Labaad ee Itoobiya gaashaanle sare Taweldhe iyo taliayaha nabadsugidda Xabashida, Qaybta Ciidamada Itoobiya ee Fadhigoodu yahay Magaalada Jigjiga iyo waliba koox Soomaali ah oo Turjibaanaha ayaa waxay wateen liis ay ku qoranyihiin magacyo dad ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururada Halganka hubaysan kaga soo horjeeda ee ay ka midka yihiin Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya, Jabhada Xoreeynta Oromiya iyo xisbiyo kale oo mucaarad ku ah maamulka TPLF oo ka soo jeeda qoomiyado kale.

Saraakiisha Nabadsugidda Itoobiya ayaa u arkay maxaabiista lagu hayo xabsiyada Hargeysa kuwa aan qiimoweyn oo siyaasi ah ugu fadhiyin Itobiya oo uu aad u buunbuuniyey maamulka hargeysa, waxayna ku tilmaaamayn sodaalkii ay Hargaysa ku yimaadeen mid lugooyo ah.

Sargaalka ka socday Nabad sugida magaalada Jigjiga ayaa yidhi wax ONLF ahna meeshan kuma jiro, safaradii doraad naga soo tagay unbuu maamulka Hargaysa nooga dhigay in uu hayo rag siyaasiyiin ah oo culus.

Dhanka kale waxaa wali socda qabqabashadii dadka Somalida ah ee ka yimaada
Ogadeniya iyo Koonfurta Soomaaliya iyada oo aad loola yaabanyahay waxa
maamulka Hargeysa ku kalifay tallaabooyinka guracan ee aan xishoodka lahayn.

Ururro caalami ah oo Itoobiya ku dhaleeceeyay cabbudhinta saxaafadda.

Wariyaha wakaaladda Wararka Ogadenya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in toddoba urur oo caalami ah oo saxaafadda daneeya ay xukuumadda Itoobiya si wayn ugu canbaareeyeen go’aankeedii ay albaabada ugu laabtay Ururka saxufiyiinta Itoobiya.

Toddobadan Urur ee caalamiga ah waxay dawlada Itoobiya ugu baaqeen inay si sharuud la’aan ah mar kale u fasaxdo Ururka Suxufiyiinta Itoobiya oo bishoo hore la xidhay, ka dib markii ay xukuumadda Meles Zenawi u adakaysan wayday qoraallada ay falalkeeda ku dhaleecaynayaan.

Ururradan xukuumadda Itoobiya ku dhaleeceeyay cabbudhinta ay saxaafadda ku hayso waxaa ka mid ah Inter American Press Association, World Association of Newspapers iyo World Press Freedom Committee.

Toddobaadkii hore waxaa sidoo kale dhaleecayn qadhaadh u soo jediyay xukuumadda Wayaanaha Ururka Suxufiyiinta Adduunka (IFJ, oo ku canbaareeyay sida bini’aadanimada ka baxsan ee saxufiyiinta ay ula dhaqanto.

Xaalada xaquula insaanka ee Itoobiya oo meel halis ah maraaya.

Xoghayaha Ururka Xuquuqul insaanka Itoobiya Mr. Nagash Gasase.
ayaa shaaca ka rogay in xaalada xuquuqul insaan ee Itoobiya ay marayso meel halis ah oo ayna abid gaadhin.

Xoghayuhu isagoo meel fagaare ah oo lagu maamuusayay sanadaguurada 55 ee maalinta Xuquuqda Aduunka ka hadlaya ayuu yidhi “The Right to Development”.

Mr. Gasase waxaa kale oo uu sheegay in ururkiisu soo uruuriyay xogo badan oo dhamaantood cadaynaya sida dawlada Itoobiya xuquuqda Insaanka ugu tumato, waxuuna sheegay in dadka layska dilo, jidhdil aan loo aabayeelina ay gaystaa Ciidamada Itoobiya, waa layska xidhaa dadka iyada oo aan wax maxakamad ah la horkeeniin, dumarka ayaa la kufsadaa, hantidoodaa layska dhacaa, dabagal yayaa lagu sameeyaa dadka ay dawladu ku tuhunto in ay ka soo horjeedaan waana la argagax galiyaa, si madax banaan looguma tagi karo maxaabiista, guryaha ayaa dadka habeenkii lagala baxaa, arimahaas oo dhami waxay cadaynayaan sida ay meel halis ah u marayso xaalada xuquuqda aadamaha ee wadanka Itoobiya.

Sidaas daradeed waxaan xukuumada Itoobiya ugu baaqaynaa in ay xaqdhawrto xuquuqda shaqsiga uu u leeyahay, waxna ay ka qabato xadgudubyada lagu hayo shacabka ku hoosnood xukunka Itoobiya.

Gudoomiyhii bangiga dhex ee Itoobiya oo shaqadii la eryay.

Sida uu noo soo tabiyay wariyaha wakaalada wararka Ogaadeenya ee magaalada Adis Ababa waxaa xilkii laga qaaday gudoomiyihii Bangiga dhexe ee Itoobiya Mr. Dhumale Jaale.

Xil ka qaadista gudoomiyaha ayaa waxay ka danbeeysay iska hor imaad isaga ayo saraakiil sare oo ka tirsan TPLF ay iskaga horyimaadeen hanti ay rabeen in ay lunsadaan oo uu hor istaagay, saraakiishaas ayaa gudoomiyaha ku soo eedeeyay Amar diido.

Mr. Dhubaale ayaa waxay kalooy saraakiishaasi ku eedeeyeen in uu gacan sar la leeyahay Jabhada Xoreeynta Oromiya oou dagaalanta badax banaanida dadka Oromada ah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in isagana shaqadii laga eryay lataliyaha madaxwaynaha kililka Oromada Dr.Asafa Gamadha kadib markii looga shakiyay arimo siyaasadeed.
Dadka maamulka Itoobiya u dhuun duleelaa ayaa rumaysan in ay sii balaadhatay
is aaminla’aanta ka dhex oogan isbahaysiga ururka EPRDF ee talada wadanka Itoobiya haya.

Dagaal ay EPRDFtu shiday oo ay 18 qof ku dhinteen.

Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Bardoode iyo Maciiso ayaa sheegaya in u dagaal dhex maray dadka walaalaha ah ee Soomaalida iyo Oromada, kaas oo keenay khasaare balaadhan oo ay ku naf waayeen ilaa iyo 18 qof oo labada dhinac ah.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dagaalkaas labada dad ee walaalaha iyo dariskaba ah dhex maray ay ka danbeeysay xukuumada Itoobiya oo mar walba hurisa colaadaha dadka shabka ah, si ay ugu cimri dheeraysato xukunkeedan ku dhisan dulmiga iyo gumaysiga.

Cilmi baadhis ay dad quburo ah ay sameeyeen sanadkan badhtamihiisii ayaa waxaa lagu cadeeyay in ay xukuumada Itoobiya ka danbeeysay intooda badan dagaaladii dhex maray 12 sano ee ugu danbeeysay Qabiiliiyinka iyo qoomiyadaha Itoobiya, war bixintaas ayaa waxay walaac ka muujisay sida uu Ururka EPRDF u abaabulo colaada qoomiyadaha oo gaadhay heer khatar ah.

12.12.2003
Dhoodi Danwaa

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD