DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka
koobanyahay
- Ø Maamulka Hargaysa oo wali xabsiyada ku
haya dadkii shacabka ahaa ee Ogaadeenya u dhashay.
- Ø Ra´ iisal wasaare cusub oo loo magacaabay
Soomaaliya.
- Ø Ururka Suxufiyiinta aduunka oo Itoobiya
Canbaareeyay.
- Ø DKMG iyo Golaha samatabixinta soomaaliya
oo eedeeny u soo jeediyay Itoobiya.
- Ø Shir wayn oo ay qabteen ururuka dhalinyada
ee Oromada.
- Ø Baaqyo ka dhan ah falalka Maamulka
Hargeysa oo ay Jaaliyadaha Ogaadeeniya soo saareen.
- Ø Khudbad uu Madaxwaynaha DKMG ku
canbaareeynayo Itoobiya.
Maamulka Hargaysa oo wali xabsiyada ku haya
dadkii shacabka ahaa ee Ogaadeenya u dhashay.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa
ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay 7 gabdhoodh oo cunto u waday maxaabiistii
dhawaan uu maamulka hargaysa xidh xidhay.
Todobadan Gabdhood oo lagu xidhey saldhiga
Booliska dhexe ee Hargeysa ayaa ah gabdho aad u da,yar oo cunto u wada
maxaabiista Somalida Ogadenia ee ku jira xabsiyada Hargeysa.
Waxana xabsiga dhexe loo raray 33 maxaabiista ka mid ah. Xog lagu kolsoonyahay
oo nasoo gaadhay ayaa sheegeysa in maxaabiista xabsiga dhexe la geeyay laga
fogeeyey booqashada ehelkooda iyo dadka u ololeeya xuquuqda Aadamaha oo isku
dayay inay soo arkaan maxaabiista Soomaalida ogadeniya iyo tan Koonfurta
Somaliya laga hayo.
Xogtu waxaa kale oo ay sheegtay in sababaha
rarida maxaabiista ay kamid tahay in nabadsugidda Itoobiya ay fursad u hesho
baadhista iyo la wareegida maxaabiista isla markaana ay ka qar soomaan indhaha
dadweynaha.
Dhanka kale Bannaanbaxyo waaweyn oo lagu
cambaaraynayo Maamulka Hargeysa ayaa ka dhacay Magaalooyinka Gobalada J/dhex iyo
J/Hoose.
Bannaanbaxyadaa oo ahaa kuwo shacbi ah ayay ka
sinaayeen Magaalooyinka Kismaanyo, Bu`aale, Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley, Xagar
iyo Qooqaani.
Dadweyne aad u cadheysan oo bannaan baxayay
ayaa ku dhawaaqayay, "Maamulka Soomaali diidka Hargeysa yaa maasul ka ah waxii
dhaca"
Bannaabaxyada oo ay soo qabanqaabiyeen qaybaha
dhaqdhaqaqa ee bulshada ayaa waxa ka hadlay Maamulada Magaaloyinkaas iyo duqay
caan ah oo laga tixgaliyo deegaanadaas.
Banaanbaxa Bu`aale aya waxa ka hadalay
Guddoomiyaha Gobolka: Ducaale Gannaane iyo odayaal kale, halka kii Afmadow ay ka
hadleen madax uu ku jiro duqa caan ka ah ee Cumar feen.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Badhaadhe ayaa hogaaminayay banaanbixii ka
dhacay Dagmada Badhaadhe. Bannaanbaxayaashu waxa ay ka sinaayeen ayaa ahaa
cambaaray iyo digniin loo dirayo Maamulka Hargeysa oo ay ku tilmaameen in uu
masuul ka noqon doono waxa ka dhasha falalkiisan guracan.
Ra´ iisal wasaare cusub oo loo magacaabay
Soomaaliya.
Madaxweyaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Dr C/qaasim
Salaad Xasan ayaa waxa uu Ra’iisal wasaare u magacaabay Maxamed Cabdi Yuusuf oo
ahaa ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ku meel gaarka ah.
Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee
magaalada muqdisho ayna ka qayb galeen labada gole ee Dowladda ayaa Maxamed
Cabdi Yuusuf waxaa loogu dhaariyay xilkaasi waxa uuna C/qaasim Salaad Xasan oo
halkaasi ka hadlay sheegay in uu yahay nin adag oo ka soo bixi kara xilka loo
magacaabay.
Ra;iisal wasaaraha cusub ee Dowladda KMG ah
Maxamed Cabdi Yuusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa uu madaxweyaha iyo
labada gole ee Dowladdaba ka codsaday in ay xilkaasi garab ku siiyaan maadaama
uu yahay xil culus.
Ra;iisal wasaaraha cusub waxaa laga sugayaa in
marka baarlamaanku ansixiyo Ra’iisalwasaaranimadiisa uu soo dhiso golaha
wasiirada ee xukuumadiisa.
Maxamed Cabdi Yuusuf Waa Ra’iisalwasaarihii 3
aad ee soo mara Dowladda KMG ah tan iyo markii lagu soo dhisay Dalka Jabuutidii
sanadkii 2000, waxaana xilkaasi horey looga qaaday Xasan Abshir Faarax iyo Cali
Khaliif Galleydh.
Ururka Suxufiyiinta aduunka oo Itoobiya
Canbaareeyay.
Wariyaha wakaalada wararka Ogadenya u jooga magaalada Addis-Ababa ayaa noo soo
tabiyay in uu ururka suxufiyiinta aduunka ee loo yaqaano International
Federation of Journalists (IFJ) uu canbaareeyay dawlada u wayaanuhu ka taliyo ee
Itoobiya.
Ururka suxufiyiinta aduunku waxa uu faracyo ku leeyahay 115 wadan oo aduunka ka
tirsan, fadhigiisuna waa magaalda Brussels ee wadanka Belgium.
Waxa u ururka suxufiyiinta aduunku dawlada
Itoobiya ku canbaareeyay sida bini, aadanimada ka baxsan ee uu ula dhaqmo
saxufiyiinta u dhalatay wadanka Itoobiya, ku waas oo loo gaysto Dil, Jidhdil,
Xadhig iyo waliba dabagal lagu argagax galinayo wariyayaasha oo sharciga
caalamiga ah ka soo horjeeda, waxaa kale oo uu ururku Xukuumada Itoobiya uu ku
canbaareeyay mamnuucida uu manuucay ururkii Suxufuyiinta ee wadanka Itoobiya.
Xoghayaha guud ee ururka Suxifiyiinta Aduunka
Mr. Aidan white ayaa Dawlada Itoobiya ka codsaday in ay joojiso siyaabaha xun
xun ee ay kula dhaqanto suxufiyiinta u dhalatay wadanka Itoobiya ee ku nool
wadanka gudihiisa, waxaa kale oo uu Mr. White ka codsaday in ay Xukuumada
itoobiya si dagdag ah u fasaxdo Ururka Suxufiyiinta Itoobiya ee ay dhawaan
mamnuucday.
Canbaareenta Suxufiyiinta waxaa ka horaysay
canbaareen uu dhawaan Xukuumada Itoobiya u soo jeediyeen Ururka macalimiinta
aduunka, kaas oo ku cambaareeyay Taliska Zenaawi xadgudubyada uu kula kacay
macaliminta wadanka Itoobiya oo si sharciga ka baxsan shaqooyinka looga eryo.
DKMG iyo Golaha samatabixinta soomaaliya oo
eedeeny u soo jeediyay Itoobiya.
`TNG-da uu hogaamiyo C/qaasim Salaad iyo Golaha
samata bixinta ee Muuse Suudi
ayaa soo cusubooneysiiyay eedeeyn iyo cambaareyn ay u jeedinayaan dowlada
Itoobiya oo taageerta Golaha SRRC ee ay iska horjeedaan.
Xog-haya Gaashandhiga Golaha Samata bixinta
hogaamiye kooxeed C/risaaq Isaaq Biixi ayaa sheegay in ay Itoobiya Ciidamo iyo
saanad ay leeday soo galeen qeybo ka mida Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada
Ceel-waaq, dhinaca kale waxaa xoojiyay arrintaasi wasiiru dowlaha Madaxtooyada
TNG-da Xuseen Salaax oo sheegay in Itoobiya ay ciidamo soo gelisay dhulka
Soomaalida, isla markaana si cad u jebisay xayiraadii hubka ee Golaha Ammaanka
isagoo si kulul u weeraray xukuumada Itoobiya ayuu dhinaca kale sheeghay inay
dacwad arrintaasi ku saabsan gaarsiin doonaan dowlada Kenya iyo IGAD.
Shir wayn oo ay qabteen ururuka dhalinyada ee
Oromada.
Radiyaha Oromada ee Sagalee Bilisumaa Oromo ayaa sheegay in ay ururka dhalin
yarada ee Oromada oo loo yaqaano( Oromo Youth league) ay qabteen shir aad u
balaadhan , shirkaas oo ay dhalin yaradu si aad u qoto dheer ugaga wada hadleen
taariikhada gumaysiga Abasiiniya iyo halganka ay kula jiraan dadyowga lagumaysto.
waxayna shirkaas ka soo saareen baaq oo ay ugu
baaqayaan walaalahooda la khalday ee dabo dhilifka u noqday shisheeyaha in ay
khalad kooda fahmaan oo ay ka qayb qaatan halganka xaq ah ee lagula jiro
gumaysiga Itoobiya.Waxa kale oo ay dhalinyaadaasi sheegeen in ay dadka Oromada
ah oo kaliya ay ilaalin karaan sharafta iyo karaamada Oromada, taasina ay
kaxigto in ay aayahooda iyagu ka taliyaan.
Dhalinyaradu waxay hadalkoodii ku soo
gabagabeeyeen in ayna Xadhig iyo baqdin galin ku joojinaynin halganka ay kaga
soo horjeedaan gumaysiga Itoobiya ee sii cadceedsaday.
06.12.2003
C/nuur Sh Maxamed
<><><>
Baaqyo ka dhan ah falalka Maamulka Hargeysa oo
ay Jaaliyadaha Ogaadeeniya soo saareen.
Baaqyo is daba joog ah ayaa Radio Xoriyo ka soo
gaadhaya Jaaliyadaha Ogaadeniya ee dibadaha. Baaqyadan oo dhamaantood
cambaaraynaya falalka ka baxsan bani'aadamnimada iyo dhaqanka suuban ee
Soomaalida ee uu Maamulka Magaalada Hargeysa kula kacay shacabka Ogaadeeniya ee
aan waxba ka galabsan.
Jaaliyadahan oo dhamaantood xusay dhacdooyinkii hore ee uu Maamulka Magaalada
Hargeysa kula kacay shacabka Ogaadeeniya ayaa waxay dhamaantood xuseen in ay aad
uga xunyihiin talaabada aan gabashada lahayn ee uu caadeystay Maamulka Waqooyi
Galbeed ee ah ka ganacsiga shacabka Ogaadeeniya.
Jaaliyadaha ay Baaqyadu naga soo gaadheen waxaa ka mid ah Jaaliyada Ogaadeeniya
ee dalka Sweden, Jaaliyada Finland, tan Maagalada Melbourne ee dalka Australia
iyo Jaaliyada beesha Absame ee Wadanka Denmark. Sidoo kale shir deg-degsiiyo ah
oo ay yeesheen Odayaasha iyo Indheer garadka Jaaliyada Ogaadeeniya ee Magaalada
Toronto ee dalka Kanada, ayaa wuxuu ahaa mid lagaga arinsanayo talaabada xad
gudubka ah ee uu caadeystey Maamulka Magalaada Hargeysa ee ah ka ganacsiga
shacabka Ogaadeeniya.
Dhamaan Jaaliyadaha baaqyadoodu na soo gaadheen waxay ugu baaqayaan Maamulka
Waqooyi Galbeed in ay sida ugu dhaqsaha badan usii daayaan dhamaan dadka ay ku
hayaan xabsiyada Hargaysa, isla markaasna katanaasulaan Ficilka cadownimada ah
ee ay kula dhaqmayaan shacabka Somalida Ogadenya iyo dhibaatada ay dhex
dhigayaan dadka wada dhashay. Waxaa kale oo ay intaas raaciyeen in ay
ixtiraamaan, xidhiidhka bulsho, dhaqaale, iyo darisnimo ee ka dhaxeeya labada
shacab ee dhiiga iyo dhaqanba wadaaga.
Ugu dambayntii, Jaaliyadaha Somalida Ogadenya waxay cadeeyeen in ay si buuxda u
taageersanyihiin hadafka guud ee JWXO, isla markaana waxay ka digeen in hadii uu
sii wado Maamulka Waqooyi Galbeed ficiladaas cadownimada ah in ay masuul ka
yihiin cawaaqib xumada ka dhalata falkooda.
Dhinaca kale, wuxuu banaanbax ka dhacay Gobolo iyo deg-mooyin ka mid ah
Jamhuriyada Soomaliya, sida Magaalada Bu'aale, Degmooyinka, Xagar, Afmadow,
Qooqaani, Badhaadhe, iyo meelo kale, halkaas oo ay hadalo ka soo jeediyeen
Odayaasha iyo mas'uuliyiinta aagaagas maamula.
Axmed Xidig
Radio Xorio
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|