SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RIYAALE WAA INUU KAGA DHABEEYO GO'AANKA UU KA QAATAY GOBOLADA BERIGA SOMALILAND

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

 

Muddo ku siman 8 sanno ayaa waxaa soo jiitamaayey khilaafka u dhexeeya Maamul goboleedka Puntland ee uu horkaacayo Colonel Cabdilaahi Yuusuf Axmed yey iyo Jamhuuriyadda Somaliland, khilaafkaasi oo salka ku haya ka dib markii Maamulka cabdilaahi Yuusuf uu sannadkii 1998-kii ku dhawaaqay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay ka mid yahiin Maamulkiisa magaalada Garoowe, si kasta ha ahaate Xukuumadahii kala danbeeyey ee Somaliland waxay ka caga jiidayeen inay xal u helaan boobka cabdilaahi Yuusuf yey uu ku boobay dhulka Somaliland, iyaga oo tixgelinaayey dadka wada dege deegaanada dhereran ee Beriga Somaliland iyo Gobolada beri ee Soomaliya (Puntland), marar badan oo ay xukuumadda Somaliland isku dayday inay xal u hesho khilaafkaasi waxaa diiday Cabdilaahi Yuusuf yey oo ka doorbiday khal khal iyo xasarad laga abuuro mandaqadda, Wuxuu ina Yey isku dayey inuu fadqalad ka dhex abuuro dadka dega gobolada Somaliland dhexdooda, waxaanay maleeshiyadiisu marar badan dad iyo duunyo ku laayeen shacab maati ah oo aan waxba galabsan oo ku dhaqan dhulka Sool iyo Sanaag ee Somaliland, si kasta ha ahaate waxaa siyaasadaasi diirka uu ina Yey ka saaray dabayaaqadii sannadkii hore markii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo hawl shaqo ku jooga Magaalada Laas canood ee xarunta Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland ay maleeshiyo uu Ina yey soo diray ku soo weerartay Madaxweynaha Gurigii madaxweynahu degena halkaasna khasaare badan oo aanu Madaxweynaha iyo Wefdigii la socday iyo weliba shacabkii Reer Laascanood ee ku sooryey kuna soo dhaweeyey magaaladu ugu tallo galin ka dhaceen,

Madaxweyne Riyaale iyo Wefdigiisu saacado ka dib iyaga oo u tudhaaya shacabkii iyo maatidii uu Madaxweynaha u ahaa ee Maleeshiyada uu soo diray dagaal ooge ina yey ku rasaaseyeyna ayuu magaalada Laas Canood wuxuu uga soo baxay dhinaca magaalada Caynabo, Halkaasi oo uu shir kula yeeshay Ciidamada qalabka Sida ee Somaliland Qaybta Aaga Beri, Madaxweyne Riyaale wuxuu ku talliyey in aanay ciidamada Somaliland wax jawaab celin ah ka bixin falkaasi isaga oo kala tashaday go,aankaasi aqoonyahano iyo waxgaradka reer Sool wefdigii Madaxweyne Riyaale wuxuu ku soo laabtay Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, balse inyar uun ka dib ayaa Dagaal Ooge ina Yuusuf yey wuxuu u magacaabay qaybo ka tirsan gobolka Sool iyo degmada Buhoodleh wuxuu ugu yeedhay Gobolka "Cayn" taasi oo yar iyo weyn la ogyahay inay ka dhallin karto arrintaasi colaad iyo dagaal labada dhinac, intaa kumuu joogine wuxuu usoo durkay dhinaca Gobolka Sanaag oo uu ula baxay magacyo kale, Hadaba maalintii shallaytoole ahayd waxaa qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa isaga oo wejigiisa ay cadho ka muuqato shir jaraa'id ku qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin.

Madaxweynaha oo ka hadlaya shirkaa jaraa'idna wuxuu ku dhawaaqay in ay shacabka Somaliland dagaal kama dambays ah u diyaar garooban oo dhulkooda laga dhacay ku soo dhicisanayaan, Taasi runtii waxaa si weyn looga soo dhaweeyey Magaalada Madaxda Somaliland ee Hargeysa oo dadku ay u riyaaqeen go,aanka Madaxweynaha, siyaasiyiin badanna ay ku macneeyenba go,aan Madaxweynaha Hore looga baahna inuu ku dhaqaaqo, sidoo kale waxaa si diiran go'aankan usoo dhaweeyey Axsaabta Siyaasadda ee Kulmiye iyo Ucid, iyaga oo ku baaqay inay gacan weyn ka gaysanayaan difaaca qaranimada Somaliland, inkasta oo golaha Baarlamaanka Somaliland aanu kulankoodu qabsoomin hadana waxaa jira in mudanayaasha golaha barlamaanku ay si weyn usoo dhawaynayaan go,aanka Madaxweynaha. Hadaba waxaan jecelahay inaan tusaale yar ka bixiyo awooda madaxweynaha ee dhinaca gaashandhiga Somaliland.

AWOOD INTEE LE,EG AYUU DASTUURKU SIINAYA MADAXWEYNAHA MARKA LAGA HADLAYO XAGGA GAADHANDHIGA (Defence Decisions)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa Hogaanka Sare ee qaranka Somaliland Madaxweynaha Somaliland wuxuu awood u leeyahay Amar bixinta, xil ka dejinta, u magacaabidda, iyo isku shaandhaynta dhamaan ciidamada Somaliland oo dhan, oo tiradooda lagu qiyaaso 28000 (Sideed iyo labaatan kun oo askari), marka laga reebo xoogagii ka mid ahaa ururkii SNM, oo iyagu badankood ku sugan waddanka diyaarna u ah in ay ka qayb qaatan difaaca dalka marka loo baahdo, Madaxweynahu wuxuu dastuurka siinaya haddii dalka qaranimadiisa lagu soo xad gudbo inuu ku dhawaaqo dagaal, calanka qaranka Somaliland na xagiisa sare loo bedelo midabka cas si loo ogaado inuu dalku dagaal ku jiro iyada oo tawxiidkana lagu xardhaayo qaybta cas, Madaxweynahu waxaa kale oo uu xaq u leeyahay isaga oo amraaya Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliya ciidamada qalabka sida inuu u yeedho dhammaan ciidamada reserve-ka ah ama aan si kale u dhigo eh aan si joogta ah uga mid ahayn ciidamada qalabka sida, waxaa kale oo uu Madaxweynahu xaq u leeyahay inuu dib ugu yeedho dhamaan Janeralada dalka iyo colonerada, ee ku kala sugan dhamaan dacalada dunida iyo dalka gudahiisaba iyada oo looga faa,iidaysanaayo xaaladdaasi dagaal ee dalku ku jiro.

AWOOD INTEE LE,EG AYEY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND U LEEYAHIIN INAY DIFAACAN DHULKOOGA

Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland waxaa la aas-aasay sannadkii 1993-kii waxaana aas-aasay Madaxweynahii hore ee Somaliland ilaahay naxariistii janno ha siiye Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isaga oo ka dhex aasaasay ciidamadii beelaha ee dalka xoreeyey kana sifeeyey dalka Dawladdii faashiistaga ahayd ee Siyaad Barre, Hadaba su,aasha ah Ciidamada Somaliland awood intee le,eg ayey u leeyahiin difaaca dalkooga hooyo, waxaan hor dhac uga dhigaya tirada guud ee ciidamada Somaliland aniga oo ka reebaya macluumaad aanan wakhtigan

xaadirka ah looga baahnayn inaan fasilo xaaladda awgeed, Waxaa ciidamada Qaranka Somaliland tiradooda lagu qiyaasa in ka badan 28000 oo askari, oo ku kala sugan Aagaga Waqooyi, Galbeed, Beri, iyo Koonfur ee dalka, Xarunta looga talliyo ciidamada qalabka Sida ee Somaliland ee loo yaqaano (Qaybta) ee ku taalla duleedka magaalada Hargeysa ay sannad walba ka soo saarta dugsiga tababarka ciidamada ee Mandheera tiro askar ah oo lagu qiyaasay 500 oo askari oo si lixaadleh u tababaran, Waxaa ciidamada Somaliland gacanta ugu jira Hubkii ugu cusla Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaliyadii hore marka 3 qabood loo qaybiyo laba qaybood iyo badh taasi oo ay sababtay Hubkii Jamhuuriyaddii Soomaliya ee Siyaad barre xukumaayey oo badankiisu yaallay Gobolada Somaliland looguna tallo gallay in lagula dagaalamo Dawladda Ethiopia sannadahii 1977-kii, Waxaa lagu qiyaasa ciidamada tiro ahaan badankooda iyo saamiga qalabkoogu inuu yaallo Magaalo Madaxda Hargeysa ee Somaliland iyo weliba Aaga Waqooyi ee dalka waa xeebta dhereraran ilaa Saylac, Bariisle iyo Deegaanada Gobolka Awdal, sidoo kale wuxuu hub laxaadlahi yaalla xeryaha ciidamada ee gobolka togdheer iyo weliba gobolka Saaxiil gaar ahaan magaalada Mandheera, waxaa hadaba hubaal ah oo aan sinnaba shaki ugu jirin in Ciidamada Somaliland 10,000 oo askari oo ka tirsan iyo qalabkooda uu lagu soo dhaqaajiyo in si fudud oo aan saacado ka yarayn inay kaga sifayn karaan maleeshiyada Dagaal Oogaha Cabdilaahi Yuusuf yey, dhamaan dhulka Somaliland ee uu ku soo xad-gudbay, waxaana laga sugaya Madaxweyne Riyaale inuu qaato talaabo adag hadda oo uu ku soo koobayo xuduudka caalamiga ah ee Somaliland.

MAXAA LAGA FILAYA MAALMAHA SOO SOCDA XUKUUMADDA SOMALILAND

Wuxuu Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka qaaday arrin muhim ah oo siyaasiyiinta "Somaliland" ka qarin jireen dadweynaha reer Waqooyi. Waa markii u horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka maqasho qof mas'uul ah oo goob joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku xidhay aqoonsigii "Somaliland" waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in SNM oo goosashada ku dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda: Tabatiig..

Inkasta oo aan war xaqiiq ahi ka soo baxin Guriga Madaxtooyada ee Somaliland oo aan ka ahayn shirkaa jaraa’id ee Madaxweyne Riyaale shallay qabtay iyo weliba Guriga gaashandhiga ee Qaybta ee Magaalada Hargeysa hadana warar aan ka helaayo magaalada Hargeysa iyo weliba gobolada Beriga Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland heegan durtaba la geliyey, waxaa ciidamada loo qaybiyey khariirad tilmaamaysa dhulka looga baahanyahay inay ka sifeeyan maleeshiyooyinka fadhiya, waxaa kale oo laga filaya Magaalooyinka Hargeysa, Mandheera, Berbera, Boorama, Saylac, inay ka soo ambabaxaan tiro iyo xamuul iyo saaanado ciidamo ah oo soo foodsaari doona Magaalada Caynabo halkaasi oo la filayo inay ciidamada u noqon doonto Xarun, waxaa sidoo kale ku jooga magaalada caynabo Socdaal Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland oo la sheegayo inay wada hadal halkaa kula leeyahiin waxgarad iyo aqoonyahano ka tirsan deegaanada jiidaasi, waxaa kale oo ay shir la leeyahiin joogto ah taliyayaasha ciidamada qaranka ee aaggaasi ku sugan, sidoo kale waxaa todobaadkii hore Madaxweyne Riyaale isbedel ku sameeyey hogaanka sare ee ciidamada qaranka wuxuuna talliyaha guud ee ciidamada qaranka u magacaabay Janeral Nuux Ismaciil taani, waxaa kale oo loo magacaabay Abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland Colonel Ibraahim Caydiid Axmed, waxaana Taliyaha qabta 31-aad ee ciidamada qaranka loo magacaabay Colonel Xuseen Cabdi Wacays, waxaa laga dhursagaaba waa su,aasha ah Sannadka cusub ee 2004 ma wuxuu ku waabariisan doona dagaal Somaliland kaga sifaynayso maleeshiyooyinka gobolada Sool? Anna qoraalkayga waxaan ku soo gunaanaday:

Marka hore dad baan ahay
dad dad reebay baan ahay
dunji dhalan rogtaan ahay
hadba fadal durkaan ahay
Qof dooran baan ahay
han dareersan baan ahay
hiyi durugsan baan ahay
da'da'deeed u talisoo
ugu damac fog baan ahay
Dunidaannu wada naal
Noloshaannu deris nahay
Dalandoolka geeddiga
Dan qudhaan u jeedaa
Haddii taas mid lagu daro
Ama daadku halis yahay
Iinta mudan wax doorshaan
Inta daran u leeyahay
Dab waxa ku guban kara
Intuu daaro mooyee
Nimaan xeel ku damin Karin
Docse aniga way wehel
Iyo dulucda guulaha
Intaan daw ku laalla.

Daray waarayaan ahay
Duufaanku ima lulo
Dulin hoose ima galo
Dardaraale ina rido
Digdig beena kuma ruqo
Cirka danab ka soo dhacay
Deli igama raarrido
Kuma dumo tab iyo xeel
Dibin daabyo mooyee
Digaxaadhku ima tiro
Nin danaystay ima tebo
Nin darjiidhay kama naxo
Nin u go'ay daraadday
Isba garey daraadday
In dalleemo lagu huro

Nin dushayda ku xajiyey
Iska daansha daanshoo
Siduu iigu diran yahay
Ayuu iigu dagan yahay
Nin Dagaar fog iga koray
Anaa daaf u soo roga
Marna waxaan dammiintaa
Nin dil iigu xidhan geed

Danni kuma tallaabsado
Wax dahsoona uma tago
Demmanida shil kama dhigo
Ma aqaanno digashada
Haddaan lay dardaar werin

Dib waxaan u dhigan karo
Degdegeeda kuma qalo
Waxaan daadshey baa jira
Intaan daastey baa badan
Daymadaydu waa gelin
Duur-xulkaygu waa seben
Dul-qaadkaygu waa guun
Digniintaydu waa boqol
Diidmadaydu waa kow
Hadday daahdo waa laboDardartiisa gaarka ah
Qofna iguma deeqee
Dalabtaanan moogeyn
Inaan dayro lagu mudan
Qofna xagal ka daaciyo
Dal-daloolka kuma naco
Nin la yimi dedaalkiis
Anigaa wax ugu dara
Marna waxaan daboolaa
Xubnihiisa derida leh

FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
       KARACHI, PAKISTAN
MOBILE: 00-92-300-2600907

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2003

Afeef: Aragtida Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

»Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan yihiin Asad
»AQOONSIGA SL WUXUU KUJIRA GACANTA QARANKA SL Diridhaba

WARSAXAAFADEED JABHADDA O.N.L.F
Garasho La'aanta Maamulka Hargeysa iyo Isu-dhiibisteeda taliska Itobiya... Guji

JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo  oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya Guji

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD