SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MADAXWEYNE RIYAALE OO DIGNIIN KAMA DAMBAYS AH U DIRAY MAAMULKA PUNTLAND

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta ku baaqay in shacbiga Somaliland ay u diyaar garoobaan difaaca dalka,iyadoo madaxweynuhu uu ku sheegay in la gaadhay xiligii aan loo dul qaadanayn gardarada maamulka C/Laahi Yuusuf oo caadaystay inuu booboo dhulka Somaliland.
Wuxuu Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka qaaday arrin muhim ah oo siyaasiyiinta "Somaliland" ka qarin jireen dadweynaha reer Waqooyi. Waa markii u horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka maqasho qof mas'uul ah oo goob joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku xidhay aqoonsigii "Somaliland" waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in SNM oo goosashada ku dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda: Tabatiig..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu yidhi “ Waxaan u sheegaynaa C/Laahi Yuusuf in aanay Somaliland cidna uga habranayn ilaalinta jiritaanka iyo qarnamadeeda,iyadoo ilaalinaysa xuduuda caalamiga ah ee Somaliland,waxaanan leeyahay wixii ku yimaadaa cidaas iyadaa masuuliyeeda dusha ku qaadi doonta” Madaxweyne Rayaale oo jawaabtiisa ay cadho ku dheehan tahay waxaa uu intaas ku daray in xukuumada Somaliland ay marar badan dul qaadatay iyadoo ilaalinaysa nabadgelyada dadka deegaanadaas iyo ta jiiraankaba, haatanse aanay gacanta dib u dhigi doonin,waxaanu yidhi “ Dagaal ooge C/Laahi Yuusuf waxa uu caadaystay faragalinta Somaliland iyadoo sababtuna ay tahay isagoo qaraniya dhibaatada ka haysata qoyskiisa (Majeerteen),waxaanu ku kacayaa falal argagixiso ah oo uu doonayo inuu nabadgelyo xumo ka abuuro gobolada bari ee Somaliland,laakiin Xukuumada Somaliland ugu dul qaadan mayso” Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxaa uu mar kale yidhi “Somaliland wixii xadkeeda ku soo xadgudba waa waajib in ay talaabo naxariis dara ah ka qaadi doonto ayaan idiin sheegayaa ee taas ogaada”
JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo  oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya Guji

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxaa uu soo jeediyay laba baaq oo uu midna ugu baaqay beesha caalamka inay ka warqabto falalka uu C/laahi Yuusuf ku kacayo,isla markaana caalamku ogaado in Somaliland ay wixii waajib ku ah ka qaadan doonto,baaqa labaadna waxaa uu u soo jeediyay Shacbiga Somaliland oo uu ugu baaqay in ay sifaystaan qoryaha ay dhigeen isla markaana u diyaar garoobaan difaaca dalka iyo ilaalinta qaranamideesa la soo weeraray.

Madaxweyne Rayaale ayaa jawaabtiisan bixiyay ka dib markii Maamulka Majeerteeniya C/laahi Yuusuf uu u magacaabay gobolka higfhland region qaybo ka mid ah gobolka Sanaag isagoo magaalo madaxna uga dhigay degmada Badhan,tuuulada Xiingaloolna u magacaabay degmo cusub,taas oo uu ku sheegay inay ka tirsan tahay gobolka cusub ee uu ula baxay Highland Region.
Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Magacaabida qaybahan ka tirsan Somaliland ee uu maamulka C/Laahi yuusuf ula baxay magaca,ayaa go,aankiisu sheegaya in ay degmooyinka Laasqoray,Dhahar iyo Hadaaftimana ka mid yihiin gobolkaas,go,aankan ayaa sida la sheegay lagu ansixiyay shir ku sheeg ay yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee Maamulka magaalada Garoowe,iyadoo gobol kale oo cusub oo ay ku dhawaaqeen una bixiyeen gobolka Karkaarna ay magaalo madax uga dhigeen degmada Qardho oo iyadu hore uga tirsanaan jirtay gobolka Bari oo ay magaalo madax u ahaan jirtay Boosaaso oo ay hada u bixiyeen gobolka Bender-Qaasim magaalo madaxdiisuna ay tahay magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale,Wasiirka Warfaafinta ee maamulka C/Laahi Yuusuf ayaa sheegay in magacaabida goboladan ay ku yimid baahi ay u qabeen dadka deegaankaas iyo iyagoo buuxiyay shuruudihii gobolnimo,waa sida uu hadalka u dhigaye. Si kastaba ha ahaatee,waxaa jira dareeno muujinaya sida maamulka C/Laahi yusuuf ugu dhiiranyo magacaabida gobolada cusub isagoo horena ugu magacaabay degmada Buuhdoole oo ka tirsan gobolka Togdheer gobol uu u bixiyay gobolka Cayn,waxaana dhiirashada maamulka C/Laahi Yusuuf loo anaaynayaa jilicsanaanta Xukuumada iyadoo la aaminsan yahay in talaabooyinka hore ay ahaayeen qaar tijaabo ah balse markii ay Xukuumadu talaabo adag ka qaadi wayday marxaladahaasna xalin wayday ayuu soo dhiiranayaa Kornayl C/Laahi Yuusuf Yey,iyadoo la sheegay in dadka ku dhaqan deegaanada uu ka taliyo C/Laahi Yuusuf gaar haan beesha Majeerteen ay ka xun yhiin falalka uu C/Laahi Yuusuf samaynayo una arkaan inay tahay siyaasad isku dhufanaysa laba shacbi oo jaar ah,isla markaana uu ku hurinayo duufaano colaadeed.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda socdaal ku jooga magaalada Caynabo ayaa la sheegaya in uu la yeeshay ciidamada qalabka sida ee Somaliland ee aaga beri shir albaabadu u xidhanyahiin, Wasaaradda Gaashandhiga ee Somaliland ayaa laga dareemaya diyaar garow aad u weyn balse weli lama xaqiijin ciidamo dheeraad ah oo ka dhaqaaqay gobolada kale ee Somaliland oo tegay xagaa iyo gobolada beri ee Somaliland.

FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
       KARACHI, PAKISTAN
MOBILE: 00-92-300-2600907

diridhaba2001@hotmail.com
Isha Wararka Hadhwanaagnews 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 7, 2003

Afeef: Aragtida Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

»Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan yihiin Asad
»AQOONSIGA SL WUXUU KUJIRA GACANTA QARANKA SL Diridhaba

BAAQ DADWEYNAHA KU NOOL MAGAALADA ADDIS ABABA
Waxaa jirta in mudo dheer loo samraayey maamulka samaliland Guji

SHIRKII SUXUFIYIINTA SOOMAALIYEED OO KA SOCDA HOLLAND
Warbixintii shirka ee XagarYare... Guji

XASILLOONIDARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji [7/12]

WARSAXAAFADEED JABHADDA O.N.L.F
Garasho La'aanta Maamulka Hargeysa iyo Isu-dhiibisteeda taliska Itobiya... Guji

JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo  oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya Guji

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD