FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU KU JIRA GACANTA QARANKA SOMALILAND
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subxanahu watacalaye abuuray
dhamaan dunida aynu dacaladeeda ku noolahay Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa
ha ahaato Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W),
Akhristaha qiimaha mudanlow 13 sanno ka dib la soo noqoshadii
Madax-banaanida iyo qaranimada Somaliland ayaa dhamaan dunida oo dhan waxay ku
noqotay mid ay faalooyin kala duwan ka bixiyaan in Markeliya shacabka
Somaliland go,aan ku gaadhaan xorriyaddii ka luntay 1960-kii dibna ay u heleen
1991 kii, Wergeys ka soo baxa xarunta waddanka Maraykanka ee Washington waxna
ka qora wararka gaashandhiga iyo arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ayaa
todobaadkii hore wuxuu faallo dheer hor dhac uga dhigay "Maxaa
Hortaagan inay beesha caalamku aqoonsato madaxbanaanida Jamhuuriyadda
Somaliland"
Wuxuu Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka
qaaday arrin muhim ah oo siyaasiyiinta "Somaliland" ka qarin jireen
dadweynaha reer Waqooyi. Waa markii u horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed
ka maqasho qof mas'uul ah oo goob joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku
xidhay aqoonsigii "Somaliland" waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in
SNM oo goosashada ku dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda:
Tabatiig..
|
Wergeyska oo ka faaloonaya arrintani wuxuu tusaale usoo qaatay waddamada
Sacuudi Arabia, Masar, iyo Djibouti siyaabaha kala duwan ee ay ka filayaan in
saamayn uu ku yeesho aqoonsi ay Somaliland ta cusubi ka hesho beesha caalamka,
Wergeyska oo arrintaa sii faahfaahinaya wuxuu ku bilaabay qormadiisa Dalka
Masar oo uu yidhi Hogaanka Sare ee masar waxay aaminsanyahiin in haddii
Somaliland beesha caalamku aqoonsato Somaliland ay Somaliland khatar ugu jirto
gacanka juqriyafiyan istaraatijiga ah ee gacanka badda cas, kuwaasi oo ayuu
Wergeysku yidhi ay Masar khatar uga qabto in Somaliland ta cusub oo xidhiidh la
samaysa waddamada Maraykanka iyo Israel ay khatar ku tahay ammaanka waddanka
Masar, Wergeysku wuxuu xusay in Dalka Masar uu hortaaganyahay qaraar ay
dawladda Koonfur afrika soo hordhigtay golaha sharci dejinta ee ururka afrika
(AU), qaraarkaasi oo dhigaya in waddamada Afrikaanka ahi ay tixgeliyaan
qaraarkii afrika u yaallay ee ahaa in loo tixgeliyo dawladaha Afrika
khariiradii uu gumaystahu u jeexay, Balse wergeysku wuxuu xusay in ay dawladda
Masar ku tahay qaraarkaasi laf dhuun gashay oo kale.
Sidoo kale wergeysku wuxuu tusaale usoo qaatay Waddanka Sacuudi arabia oo uu
sheegay in ay Somaliland diiday inay qadato Mad-habta "Wahaabiyada ee Sacuudi
arabia qaadatay" "Maxamed Cabdi Wahaab ilaahay naxariistii janno ha ka
waraabiye" wuxuuna xusay wergeysku in Siyaasadda Somaliland ee ku qotonta
dimuqradiyadda salka laga soo bilaabay ay ku tahay boqortooyada Sacuudi arabia
mid qoyska reer alla Sacuud aan ka daadagi karaynin.
Dhinaca kale wuxuu wergeysku xusay arrintaan is idhi malaha si dhab ah ayuu
u taabtay oo ahayd Sababta Maamulka Jamhuuriyadda Jibouti uu uga madax
adaygaayo Qaranimada Somaliland, wergeysku wuxuu xusay in arrinta ugu weyn ee
Jibouti oo ah dalka ugu dhaw Somaliland ay u diintahay aqoonsiga Somaliland
tahay in Maamulka Jibouti aanu ogolayn in Somaliland oo ka dad iyo dhul badani
ka qaado ganacsiga mandaqadda beriga afrika, wuxuu tusaale wergeysku usoo
qaatay Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Waddanka Ethiopia oo ayuu yidhi
wergeysku aanay Jamhuuriyadda Jibouti ogolayn xidhiidhkaasi oo ay u aragto mid
Jamhuuriyadda Jibouti hanaankii dhaqaale wax u dhimaaya, waxaa kale oo
wergeysku xusay in aanay Jibouti ogolayn Dekadda Berbera oo ka istarajisan ta
magaalada Jibouti inay tartan kula gasho suuqyada gacanka carbeed iyo dawladaha
khaliijka, waxaa kale oo Jibouti ka cabsi qabta dhinaca difaaca oo ay
aaminsantahay in ciidamada Maraykanka ee ku sugan waddanka Jibouti ay u
wareegan xagaa iyo magaalada berbera oo ku yaallan goobo si weyn istaratiji ugu
ah hawlaha militeryga, waxaa magaalada Berbera ku yaalla madaarka iyo saldhiga
militery ee ugu balaadhan mandaqadda geeska afrika.
Sidoo kale akhriste waxaan aniga oo la kaashanaya dadyow badan oo aqoon u
leh mandaqadda beriga iyo geska afrika jecelahay inaan xeeriyo Guulaha ugu
waaweyn ee Somaliland ka gaadhay hawlaha diblomaasiyadda
1. SOMALILAND AQOONSI AY HESHO SIDAY UGU BAAHANTAHAY
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi
uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay
awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa
in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka
camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo
ONLF" Diridhaba
|
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood
dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani
ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula
noolaadaan" Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay
is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "
Faysal
|
Waa runoo shacabka reer Somaliland waxaa ay ku hamiyayaan in ay riyadoodu
maalin maalmaha dunidani ka mid ah ay ka dhabowdo, Shacabka Reer Somaliland
waxaa u halhays ah xikmadda togan ee ah (LUNTAY 1960-KII LA HELAY 1991-KII)
hadaad booqato magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco,
Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodweyne iyo tuulooyinka Somaliland
waxaad ku arkaysa gawaadhida dhex gooshaya magaalooyinka callanka Somaliland oo
ku xardhan cidhifyada gawaadhida si aad layaabaysana loogu nashqadeeyey
callanka hoostiisa xikmadaasi aan kor ku soo sheegay "Luntay 1960- kii La helay
1991-kii" taasi waxaa ay si cad u muujinaysa in shacabka Somaliland qaybahiisa
kala duwan yar iyo weyn ay ka simanyahiin madaxbanaanida Somaliland, markaad
isku daydo inaad weydiiso dadka qaar sababta keliftay in ay xorriyadooda sidani
ugu dhegsanaadan maadama oo aan beesha caalamku u garaabin 13 sanno ee ugu
danbaysay waxaad ka helaysa jawaabo ay ka mid yahiin "Somaliland haddii la
aqoonsan waayo ilaa qiyaamaha waa taagnanaysa" "Madax banaanida Somaliland
cidna looga gorgortami maayo" iyo jawaabo kale oo kala duwan, Markaad u
duurgasho dedaalka Dawladda Somaliland ugu jirto aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda
Somaliland waxaad dareemaysa dedaal balaadhan oo ka muuqda xukuumadda
Somaliland kuna baadgoobayso inay kaga dhabayso riyada shacabka, Madaxweynahii
hore ee Somaliland ilaahay naxariistii janno ha siiye Maxamed Ibraahim Cigaal
iyo xukumadiisii waxay dedaal balaadhan u geshay sidii ay beesha caalamka uga
dhaadhicin lahayd aqoonsi ay Somaliland hesho, runtii waxaa la odhan karaa
waxay garawsiyo balaadhan ka heshay dalal badan oo dunida ka tirsan, dawladaha
qaarna waxaabay usoo jeediyeen Xukuumadda Somaliland inay qaaddo talaabo sharci
ah oo ay ku qabsanayso garyaqaan u dooda madaxbanaanida Somaliland, Waxay
Xukumadaa Maxamed Ibraahim Cigaal ku guulaysatay in xidhiidh diblomasiyadeed oo
wanaagsan la samayso Waddamada Ethiopia, Kenya, Djibouti, Koonfur Afrika,
Germany, Britain, maraykanka, Norway, Denmark, Finland, Austria, Japan, Koonfur
korea, talyaaniga, france, Midawga europe (Bruessels) iyo wadamo kale, dhamaan
wadamadaasi aan kor ku soo sheegay waxaa ay Somaliland ku guulaysatay in ay
xidhiidh diblomasiyadeed oo adag la samayso, waxaana u jooga dhamaan
dawladahaasi Wakiilo Somaliland ah, waxaana uga furan xafiisyo diblomasiyadeed,
waxaana la odhan kara hadda Somaliland waxay ku socota jidkii ugu haboona ee ay
ku heli lahayd aqoonsi beesha caalamka ay ka kasbato.
2. SOMALILAND DEDAAL INTEE LE,EG AYEY U GESHAY SIDII AQOONSI AY BEESHA
CAALAMKA UGA KASBAN LAHAYD
Waxaa safaro isdaba joog ah muddooyin badan ugu baxay Somaliland dibadiisa
Madax iyo aqoonyahano ka tirsan Xukuumadda iyo haayadaha madaxbanaan, laga soo
bilaabo sannadkii 1993, aan ku horayno socdaalkii ugu horeeyey ee
diblomasiyadeed ee wefdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland dalka dibadiisa uga
baxo waxay ahayd 1993, waxaa magaalada Addis ababa ee xarunta Ethiopia ka
socday shirkii xubnaha IGAD ee mandaqadda beriga iyo badhtamaha afrika, waxaa
Hargeysa ka ambabaxay Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee
Somaliland ilaahay ha u naxariistii Galbeedi, oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka
madaxtooyada, afhayeenka Madaxtooyada, Wasiirkii warfaafinta iyo xubno
baarlamaankii ku meel gaadhka ahaa ka tirsana, sababt ugu weyn ee ay shirkaasi
u tageen waxay ahayd inay daaha ka qaadan xidhiidh waji cusub ah oo Somaliland
ta cusubi la samayso dalalka jaarka ah, wuxuu wefdigaasi la kulmay saraakiil
sar sare oo ka tirsan xukuumadda waddanka Ethiopia sida wasiirka arrimaha
dibadda Zium Masfin, Ra,isal Wasaaraha Melez sanawi, iyo weliba xubnahii
shirkaa uga qayb gellay wadamada beriga afrika, Wefdigaasi wuxuu ku guulaystay
inuu xidhiidh wanaagsan u bildhaamiyo wadamada Somaliland iyo Ethiopia, waxaana
halkaa ka bilaabmay xidhiidh wanaagsan, Waxaa ku xigay Wefdi u Hogaaminaayey
Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu ku tegay isla xarunta Ethiopia ee
Addis ababa sannadkii 1994-kii horaantiisi, halkaasi oo uu wada hadal kula
yeeshay madaxda waddanka Ethiopia xadhigana ka soo jaray xafiis cusub oo
dawladda Somaliland ka furatay Magaalada Addis ababa, sannadkii 1995-kii ayaa
Madaxweyne Cigaal alla ha u naxariistii wuxuu booqasho ku tegay wadamada Libiya
Djibouti, waxaanay ka wada hadleen Madaxweyne Macamaral Qadaafiga Libya sidii
Somaliland ay beesha afrika u aqoonsan lahayd, Madaxweyne Qadaafi waxyaabo
badan ayuu ka garawsaday Madaxweyne Cigaal, sannadkii 1997-kii ayaa waxaa
ururka Igad ku casuumay Madaxweyne Cigaal inuu ka soo qayb gello shir ay ku
lahaayeen Waddanka Jibouti, Madaxweyne Cigaal oo rajaynaayey inuu qudbad ka
jeediyo Madashii shirka Xubnaha ku bahoobay ururka IGAD, ayaa Maamulka Jibouti
wuxuu u diiday Madaxweyne Cigaal inuu qudbad ka jeediyo waxaana laga xakameeyey
dhaq dhaqaayo iyo kulamo uu la yeelan lahaa madaxweyne Cigaal wufuudii shirka
ka soo qayb geshay, Isla markiiba Madaxweyne Cigaal wuxuu kaga jawaabay
arrintaasi inuu shirka ka soo baxay wuxuuna albaabada u laabay xidhiidhkii
diblomasiyadeed ee u dhexeeyey Jibouti iyo Somaliland, sannadkii 1998-kii ayuu
Madaxweyne Cigaal iyo wefdi heer sare ah oo uu hogaaminaya waxay socdaal ku
tageen Wadamada Italy, Germany, France, Maraykanka iyo xarunta midawga
B A A Q |
Codsi ka hortag dagaal sokeeyo oo
dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya
GUJI |
Yurub ee brussels waxaana ay dawladahaa soo kala saxeexdeen heshiisyo
diblomasiyadeed iyo weliba deeq ay Somaliland ka rabtay wadamadaasi, intii uu
Madaxweyne Cigaal ku guda Jiray socdaalkiisi Washington wuxuu kulan la yeeshay
Wasiir ku xigeenki hore ee arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo haweenay u
qaabilsanayd waaxda arrimaha dibadda ee maraykanka qaybta africa, waxaana
Madaxweynaha casho u sameeyey xarunta gaashandhiga ee maraykanka ee "Pentagon"
waxaana la daawadsiiyey Madaxweyne cigaal cajalad taariikhi ah oo ah oo ku
saabsanayd booqasho uu ku yimid isaga oo Ra,isal wasaara ah sannadkii 1968
waddanka maraykanka, Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Riyaale waxay qaaday
talaabooyin taariikhi ah oo lagu horumarinaayo kor u qaadida hawlaha aqoonsi
helidda Somaliland wuxuu Madaxweyne Riyaale iyo wefiyo uu hogaaminaayey
socdaalo ku tageen, wadamada Senegal, Ethiopia Yuganda iyo Djibouti, iyo sidoo
kale waddanka Mali.
Isku soo duubo waxaad odhan karta ma yara dedaalka loogu jiro aqoonsiga
Somaliland waxaana hubaal ah inuu ka midho dhali doono maalin ka mid ah
maalmaha dunida lagu noolyahay
FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN
MOBILE: 00-92-300-2600907