SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOMALILAND XAQ AYEY U LEEDAHAY IN AY ARGAGIXISADA DHULKEEDA KA DIFAACDO

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

 

Waxaa mahadleh ilaahay subxanahu watacalaye abuuray dhammaan dunida oo dhan mahad waxay u sugnaatay nebigeena suuban Maxamed (C.S.W).

intaa ka bacdi waxaan jecelahay inaan fasilaad ka bixiyo hawlgal ay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland todobaadkii ugu danbeeyey ku qabqabatay dad lagu tuhmay inay ka tirsanyahiin ururo aan sharci ahaan Somaliland aqoonsanayn,(Unrecognized guirella organizations) Maadama oo aanay ururadaasi siday doonan ha u jiraane aanay Somaliland aqoonsanayn waxaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo xeerinaysa qodobadani:-

  • 1. Amaanka guud ee Jamhuuriyadda Somaliland
  • 2. Ammaanka mandaqadda beriga Africa
  • 3. Xidhiidhka sokeeye ee dalalka la jaarka ah Jamhuuriyadda Somaliland sida Ethiopia, Djibouti, Somalia, iyo Gacanka Carbeed
  • 4. Xeerarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay (United nation security regulations)
  • 5. Iskaashiga caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo argagixisada caalamiga ah (the international confederation fighting against terrorism)
Maamulka Hargeysa oo Dad Shacab Xirxiray Kuna Tilmaamay ONLF.. GUJI

Bogaadin iyo Taageerid BAAQA - Mudane Cismaan Jaamac Cali Tabatiig

Maamulka isku magacaabay SL ee beesha Isaaq [WarqadFuran]

»SL Ma Tanaadday Waa iyada Reer Koonfurkii Tarxiishee  C/waxid

Hayádaha warbaahinta koonfurta somalia maxay galaan [Salahudin]


DIB UGU NOQOSHO MAQAALKII SOMALILAND WAA BEER
[Fahad]

waxay Garawsatay inay tallaabo ka qaado tiro dad ah oo lagu tuhmay inay ku lug leeyahiin khalkhalgelinta amaanka mandaqadda geeska africa (Violating the security of the region), dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF, inkasta oo baadhitaanku socdo hadda oo aan sina loogu caddayn karin ama lagu xaqiijin karin in dadkan ay booliska Somaliland ku qabqabteen hawgalka ka mid yahiin ururadaasi, hadana waxaa aanu xaq u leenahay inaanu dalkayaga indho gaar ah kaga ilaalino waxyaabaha fal qaladda u keenaya ha noqoto Hawlgalada ay ururadaasi sida argagixisada ah ugu soo qaadayaan dawladaha dariska ah ama kuwa ay gudaha Somaliland ka fulinayaanba, Waxaa jira dad badan oo isku khaldaaya dawladnimo iyo qabiil, waxaan hadaba jecelahay inaan ka shaafiyo ashkhaastaasi in aanay Somaliland ahayn qabiil, urur, ama wax la halmaala ee ay Somaliland tahay qaran jira oo leh shuruuc u dejisan (authenic constitutions),

Dastuurka qaranka Somaliland waa dastuurka keliya ee dunida dhigaya in argagixisada lala dagaalamo, waxaanu aaminsanahay in aanay argagixisadu lahayn qolo, qabiil, qaran,diin,jinsi iyo midab intaba, cid alla iyo cidii isku dayda inay khal khal gelin ka abuurto gudaha somaliland ama hawlgalo argagixisa ah ka fulisa dawladaha jaarka aanu nahay dabadeedna isku dayda inay Somaliland tahay hoy ay ku gabban karaan waa khaldameen,(if they thought that Somaliland is a country which they can hide doing terror actions for our neigbour countries they are mistaken) waxaanu usoo jeedna oo aanu indho gaar ah ku eegayna in aanu dalkayagu noqonin Gabood ay argagixisadu ku gabato.

Midda kale annagu waxaanu xeerinayna daris wadaaga, waxaanu xeerinayna dhaqanka iyo degaan xeeran ee aanu la leenahay dhamaan maamulada iyo dawladaha nagu geedaman, Waxaanu hadda xaqiijinayna horana u xaqiijinay in cidda wadda fadqaladda dariskayagu ay noola mid tahay fadlqalad lagu fuliyey dalkayaga dhexdiisa, Waxaanu leenahay walaalahayga jecel daris wadaaga ee ku nool dhulka ismaamulka soomalida ee Kililka shanaad ee Dawladda Federaalka Ethiopia ganacsigii iyo xidhiidhkii Sokeeye ee inaga dhexeeyey sidii ayuu u jira una jiri doona, waxaanu idinku baraarujinayna in aanay idinka faa'idaysan dadyow badan oo warxuma tashiilku u shaqa yahay. Waxaan ku soo gunaanadaya Qoraalkaygani xikmadda aanu u diraayo kuwa qallinka ka dhigay argagixisada

Rag darmaano soo fuul
Ragna dalawadiisii
Iyo doobigii keen
Ragna deer-cadkiisoo
Baar-baq dooblyayaa wado
Bandhigii ku soo daa

Nin dameero soo horay
Yaan la odhan denbuu galay
Billay duunyadiis tahay
Waxes iga dardaarana
Ninka daaqasanaayow
Dafac laa gosheediyo
Dixda hayska joogtee
Yaanay nagu dannaaniyin
Ama geela naga didin
Nirgo daaddah baradaa
Derrimaha madheedhka leh
Sida digirin jiifee
Yaanay naga danbaabidhin

Doqon yahay masayrkiyo
Danni lagu abuuree
Deeqdii Illaahay

Deelqaaf ka mudataay
Adigiyo dangaladaa
Da'kastaydin qooqdaan
Waxa aydin dihataan
Daratiyo ma caal baa?

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2003

Afeef: Aragtida Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD