w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
HARGEYSA
|
SAWIRO KA MID AH DHALINYARTA LAGU QABTAY MAGAALADA HARGEYSA
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Qaar ka mid ah dhallinyarada laga shakiyay ee bileysku
qabteen shalay |
Sida ku cad sawirada aad hoos ku arkaysaan waa qaar ka tirsan dhalinyarada
laga shakiyey ee lagu qabqabtay magaalada Hargeisa ee xarunta Somaliland,
dhalinyaradaasi waxay gacanta ugu jiraan ciidamada amaanka ee Somaliland,
xaaladooda caafimaad iyo nololeedna aad iyo aad ayey u wanaagsantahay, haddiiba
lagu helo wax danbi ah waxay xaq u leeyahiin in maxkamad la soo istaajiyo
qareeno waxaa u qabanaysa dawladda Somaliland, waxaa xaq ay u leeyahiin inay
qarabadooda iyo ehelkooga la kulmaan waxay xaq u leeyahiin in loola macaamilo
sida maxaabiista caalamiga ah,
waxaan u sheegaya Walaalahayga Ogaadeeniya in dhalinyartan la qabtay ay la
mid yahiin dadka kale ee reer Somaliland ee habeen iyo hadh danbiyada loogu
qabto waxaa loo la macaamilaya sida ugu wanaagsan oo walaalnimo ah oo wada
dhalasho ah oo darisnimo ah, waxaan u sheegaya in aan cidinaba gacanta loo
galaynin ha noqoto ethiopia ama cid kale,
sidaad hoos ku aragtaan sawirada waa dhalinyarada la qabtay badhkood oo
qaarkood ay ku lebisanyahiin tuutaha ama uniformska jabhad caan ah oo xornimo u
dirir ah (Freedom Fighters) balse aan sharci ahaan ka sharci ahayn dhulka
Somaliland, ONLF hadday xornimo u dagaalamayso iyo haddii aanay u dagaalamaynin
annaga qawaaniin ahaan kama sharciyeysna dhulka Somaliland xaq waxaanu u
leenahay inaanu baadhno haddii wax danbi ah lagu waayana waa la sii daynaya
iyaga oo xaq u leh in ay meesha ay doonan tagaan, dadka fadqaladda wada ee
labada umadood isku dilaya waxaan leeyahay arrinku maaha qabiil ee waa arrin
sharci ah ee wadeeda ha loo soo maro.
ILAAHAY AYAA MAHADLEH.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2003
Afeef: Aragtida Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
QISO DHAB AH:DHIBAATOOYINKA AY SOO GELAYTIGA SOOMALIYA U GAYSANAYAAN
SOMALILAND
Qormadani waxay ku soo baxday wergeyska madaxa banaan ee Haatuf news ee ka
soo baxa magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa waxaanay ku bilaabantay sida
tani:-
“Shabakad Isku Xidhan Baa Jirta,
Anigana Xamar Baa Layga Yeedhay, In Lay Dilo Ama Aan Wax Dhacana Waan U
Soo Badheedhay…” Xog-Warran Ku Saabsan Budhcadii Lacagta ku dhacday
Deegaanka Wajaale |
“Shabakad Isku Xidhan Baa Jirta, Anigana Xamar
Baa Layga Yeedhay, In Lay Dilo Ama Aan Wax Dhacana Waan U Soo Badheedhay…”
Xog-Warran Ku Saabsan Budhcadii Lacagta ku dhacday Deegaanka Wajaale
Gabiley (Haatuf) – Dabayaaqadii bishii Ramadaan ayaa koox shifto ah oo
hubaysani ay lacag ilaa Milyan iyo laba boqol oo Bir ah ku dhaceen gaadhi ay
ka raaceen magaalada Hargeysa aga-gaarka tuullada Wajaale, kooxdaas oo
qaarkood la qabtay, iyagoo lacagtiina badh sita, ayaa waxa noo suura-gashay
in aanu arrintaas kala sheekaysano qof xog-ogaal u ah baadhistii dhacdadaa,
laakiin ka gaabsaday inuu magaciisa carifo, waxayna xogtani iftiiminaysaa
waxyaalo badan oo la xidhiidha dhacdadaas iyo sidii uu falkaasi u dhacay.
Qofkaasi, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:
“Aboowe waxaan nahay dad dhibaataysan oo Djibouti ka yimi, markaas waxaan
haysanaa shan iyo toban Riyaal (Bir) oo keliya ee naga qaada, aboowe
masaakiin baanu nahaye.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah budhcadda lacagta
dhacday, ka hor intii aanay gaadhiga lacagtu saarnayd raacin.
Dirawalkii ayaa isna yidhi: “Imisaad tihiin”, “waxaanu nahay afar nin oo
keliya” ayuu yidhi ninkii.
Dirawalkii “Keena lacagta oo fuulla”.
Waxaa la fuullay gaadhigii oo noociisu yahay pick-up Landcriuser.
Gaadhigii wuxuu ka amba-baxay magaalada Wajaale, waxaa baabuurka saaran
dirawalka iyo ninka lacagta sitay ee sarriflaha ah iyo kirishboygii gaadhiga.
Baabuurkii markuu uga amba-baxay Wajaale dhinaca Jig-jigga ee uu dhexda
marayo, ayaa shantii nin ee rakaabka ahaa kii ugu yaraa wuxuu gaadhigii ka
tuuray koodhkiisii, wuxuuna yidhi intuu qayliyay; “Aboowe Gaariga [gaadhiga]
ii jooji, koor [koodh] ayaa iga dhacay, waan idin baryayaaye, lacag ayaa iigu
jirtey, aboowe ii joog.”
Dirawalkii ayaa gaadhigii joojiyay, waxaana ka soo booday yarkii koodhka
lahaa, kadibna markii uu lugaha dhulka saarayba, wuxuu la soo baxay bastoolad,
wuxuuna daaqadda kaga qabtay bastoolladii Dirawalkii gaadhiga, waxaanu ku
yidhi; “Soo dhaadhac”.
Afartii nin ee kale ee rakaabka ahaa ayaa iyaguna baastoolado la soo baxay,
kadibna waxay dusha saareen ninkii sarriflaha ahaa, Dirawalkiina waxay ku
yidhaahdeen gaadhiga xagga keynta u leexi oo soco. Markii ay gelin qardo
jabiyeen ee ay jibaaxeen hawdka, ayaa meel dhex oo u dhaxaysa Wajaale iyo
Geed-Ballaadh ay gaadhigii joojiyeen, waxayna markiiba soo saareen lacagtii
gaadhiga saarnayd, oo aad moodaysay in ay hore ula socdeen halka gaadhiga
lagaga qariyay lacagta, kadibna dirawalkii ayay garba-duub ugu dhiibiyeen
geed jirid weyn, ninkii sarriflaha ahaana isna geed kale oo aan fogeyn ayay
ku xidheen, lacagtiina waxay dusha ka saareen oo ay ku xamaaleen kirishboygii
gaadhiga la socday.
Yarkii yaraa ee kooxda budhcadda ka tirsanaa ayaa gaadhigii afar taayir ee
gaadhiga iyo kii isbeerka ahaaba toogtay, kadibna way dhaqaajiyeen oo socod
ayay jaanta rogeen. Kadib markii uu yarkii Kirishboyga ahaa lacagtii in badan
u sidday ee uu soo tallaabiyay, ayay lacagtii qaybsadeen nimankii budhcadda
ahaa, wayna fasaxeen yarkii kirishboyga ahaa.
Laba nin lug ayay ku soo caraabiyeen, saddexna waxay u lugeeyeen ilaa
magaalada Gabiley oo uu mid ka ahi kutubta iyo tusbaxyada ku iibin jiray.
Qayla dhaantii lacagta la dhacay way gaadhay Wajaale, Gabiley iyo
Kala-baydh-ba, dad iyo dawladba waxaa laga war helay dhacdadan, waxaana la
wada raadinayaa.
Saddex ka mid ah ayaa waxay soo galeen goor fiidda degmada Gabiley, kuwaas oo
uu ku jiro yarkii fullinta lahaa. Kadibna mid ka mid ah ayaa wuxuu u
dhaqaaqay dhanka Boorama, labana waxay u soo nasiibiyeen dhinaca Hargeysa,
iyagoo habeen keliya joogay degmada Gabiley, albeerko kasta oo magaalada ah
waa laga dayey, laakiin lama helin.
Baabuur tagsi ah oo ahaa baabuurta Wajaale u baxa oo uu leeyahay nin Tagsiile
ah oo Jabhaddii SNM ee dalka Xoreysay ka mid ahaa magaciisana la yidhaahdo
Gorod Yoonis ayay la kulmeen, waxaanay weydiiyeen intuu ku qaadayo ilaa
Hargeysa. Kadib, wuxuu ku yidhi ninkii Tagsiilaha ahaa; “Laba boqol oo Riyaal
[Birta Itoobiya ah].” Way siiyeen lacagtii, ina dhaqaaji ayayna ku
yidhaahdeen.
Intii gaadhiga lagu dhex jiray ayay labadii nin hadalo isweydaarsadeen,
waxaana hadalladaas ka mid ahaa: “Ninkii hebel waynu iska tegaynaa” iyo
“miyaynu ka gaadhaynaa diyaaradda.”
Hadalladaasina, waxay shaki ku rideen ninkii darawalka ahaa ee gaadhiga ku
waday, waxaanay weydiiyeen darawalkii “waddo kaantaroolka ka sokeysaa
miyaanay jirin”.
“Ma jirto,” ayuu yidhi dirawalkii. Markii kaantaroolka Jameecada ee Gabiley
la marayo, ayuu akarigii kantaroolka joogay gaadhiga soo ag istaagay,
dabadeedna dirawalkii ayaa ku yidhi askarigii, “Waar aad noo baadha!!”,
wuxuuna isla markiiba askarigii si degdeg ah u yidhi: “Soo dhaadhaca”,
dabadeedna yarkii yaraa ayaa wuxuu la soo baxay bastoolad, laba xabadood oo
rasaas ah ayaanu askarigii ku riday oo uu dul mariyay, waanay iska yaaceen,
gaadhigiina ka tageen, waxanay u yaaceen dhinaca beeraha waqooyi ee jameecada.
Kadib dirawalkii gaadhiga ayaa askarigii tabaabulsheeyay, dabadeedna
askarigii oo jaad ku sug mooyaane aan belo meesha ka eegayn ayaa la soo baxay
qori shan xabadood oo rasaas ahi ku jiraan, dirawalkii baabuurka tagsiga ah
watay ayaana ka daba-geeyay oo ku yidhi askarigii “waa kuwaase ku rid”, balse
nasiib-darro qorigii ayaa dhici waayay. Kadib, waxaa soo gaadhay askarigii
iyo dirawalkii qof kale oo gurmadda, kaas oo qorigii ka qaaday askarigii,
waxaanu xabad dul mariyay labadii nin, dabadeedna labadii nin ayaa dhufays
qaatay, waxaanu kii yaraa la soo baxay xabad bambo ah.
Intaa kadib, waxaa meeshii soo gaadhay askar iyo dad kale oo gurmad ahaa,
balse askartii gumadka ahayd ayaa ka joogsaday labadii nin kadib markii ay
ogaadeen in bamboda uu ka yari haystaa bilaa biin tahay oo ay uu ka saaray
biinkii ammaanka u ahaa bambada, kadbina waa laga faagtay oo waxa la yidhi
waa isqarxin ee iska jira, waxaana soo gurmatay magaaladii Gabiley oo dhan.
Nin shacabka ka mida ayaa mar keliya ku yidhi askartii “Toogta maxaad ka
eegaysaan, isagay bambaduna ku qarxiye,” dabadeedna yarkii ayaa yidhi: “Hay
dillina Aboowe!!”, waxaana loogu jawaabay; “Waar tuur waayahaye bamboda.”
“xageen ku tuurraa”, buu haddana yidhi, “halkaa bannaan ku tuur” baa lagu
yidhi. Dabadeed wuu tuuray bambadii iyo bastooladii.
Labadii nin markii la geeyay saldhigii ee la wareystay, ayuu yarkii yaraa
yidhi: ‘Anigu waxaan Xamar uga imid inaan wax dilo ama lay dilo, ama aan wax
dhaco. Shalay annaa wax xidhxidhayay, maantana annaa maxbuus ah, ama Illaahay
waaye. Shalay Taaji baan ahaa, maantana faqiir ayaan ahay, waa adduunyo la
yaab ma leh. Hadaad i xanuujisaan, waxba idiin sheegi maayo, laakiin si
dadnimo leh iila macaamila, wax badan baan ogahaye. Labadayadani habar Gidir
baanu nahay oo Saleebaan ah. anigu waxaan ahay nin xirfaddan ku shaqaysta,
falal iyo hawl-galada aan fuliyay 30 (soddon) way gaadhayaan, waanan ku hoodo
badanahay. Waxaan idin xusuusinayaa inaan lacaguun aan dhacay, wax dillana
aanan samayn ilaa bilowgii. Ilaa imikana imanaydaan qabateen ee dalkanaanan
garanayn oo I qabtay, lacagtana anigu Xamar kamaan soo arkayn ee waa la ii
yeedhay. Sideed iyo toban cisho oo qudha ayaan joogay Somaliland, inta badana
magaalada Burco ayaan joogay, shabakad isku xidhan ayaa jirta, anigana
gaadhigaa raac oo lacagta saaran ka dhac uun la I yidhi. Maan garanayn xataa
in ay arrintaasi run ahayd iyo in kale, rag baa ka shaqeeyay, oo xataa oggaa
tirada lacagta, waxaana raggaa ka mida nin Ogaadeena oo maadhar ah, ee Mobile
ii dhiibba aan idiin ballamiyee.”
Ciidamada Nabadgelyada degmada Gabiley, iyaga oo arrintan daba socda ayay
waxay yimaadeen magaalada Hargeysa, iyadoo uu la socdo kii yaraa, waxaanu
yarkii ninkii uu sheegayay kula balamay Fooq ka mid ah fooqyada magaalada
Hargeysa hoostiisa, waxaanu yarkii ciidamada bileyska ee waday u sheegay oo
uu yidhi: “Ninku wuxuu deggan yahay Hargeysa, waana nin maadhar ah, sheeda
ayaan idinka tusayaa, gaadhigana hay saarina, hana iskaaya tusina wuu I
dillayaaye.”
Dabadeed afar askari ayaa qabtay ninkii isagoo meeshii uu kula ballamay ka
yari ku caddayanaya, waxaana intaa kadib ciidankii bileyska Gabiley ee hawsha
waday hawshii kala wareegay ciidanka Bileyska ee Hargeysa, isla markaana aad
moodaysay in ay gacmo qabow ku qabteen.
Waxaa markaas maalintii uu Maayarka Gabiley sheegay in ay dad wadaniyiin ahi
damaanad u weydiiyeen nimankan budhcadda ah. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay
shabakaddan budhacadda ahi tahay mid awood leh oo ku baahsan meelo badan
dalka ah, oo ay xataa ku jiraan dad wadaniyiin sheeganayaa.”
Waxaa qoraalkaas sida u u qoran yahay SomaliTalk kusoo gaarsiiyeye Diridhaba.
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
Denmark:
Saciid Wesing :
“dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah
weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan
muslimka ahayn”...
Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala
Diinta Islaamka..
Guji
USA:
Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro
ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa...
Guji
London,
UK:
Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano
kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV
si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay...
Guji
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
|
|