SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Kulankii 3aad ee Culimada Woqooyiga America: Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon.

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

abdirahmanceynte@yahoo.com  

 Dec 29, 2003

 

Shalay (28/12/2003) ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey kulankii 3-aad ee culimo Somaliyeedi isaga soo kala hayaamaan daafaha woqooyiga America (U.S & Canada). Qoraalkan ugama gol lihi inaan ku soo wariyo tafaasiishii shirkan. Muhimmadeydu wexeey tahay inaan bal eegmo qoto-dheer u celiyo fariimaha bulshadeed ee uu shirku xambaarsanaa. Tartan, tabarucaad, talo-wadaaga culimada iyo ka hortagga takoorkaba wexeey ahaayeen fariimaha dahsoon ee shirku xambaarsanaa.

Waxba waxbeey ka muhiimsan yihiin. Ka soo qeyb-galka shirku wuxuu ahaa mid eeysan Somalida galbeedka joogta hore u arag. Walow eey qabanqaabiyeyaashu ku qiyaaseen ineey shirka ka soo qeyb galeen Somali gaareysa illaa iyo 5000 (shan kun), haddana anigu intaas tirada weey igala yareyd. Si kastooy ahaatase, ka soo qeyb galka baaxaddaas lihi wuxuu jawaab toos ah u noqonayaa - hadii uusan sinyaale u aheyn- kulamada haasawa leh ee sida joogtada ah Minnesota uga dhaca, oo aalaaba kireysta hoolalka ugu waaweyn magaalada. Minnesota waxaa looga bartay ineey fanaaniin rac-rac u socda yimaadaan dhowrkii todobaad-ba mar, kolkaas oo eey waxa Baadhi (Party) loo yaqaano ku agaasimaan hool heer sare ah. Qiimaha lagu galo bandhig-faneedyadaasi wuxuu caadi ahaan u dhexeeyaa $20 - $30 qofkiiba. Shirka Culimada Somaliyeed ee woqooyiga America waxaa lagu galayey $10 oo kaliya, iyadoo waliba qoysaska isla socda raqiisin (Discount) mug leh la siiyey. Walow eey dhalinyaro badan oo aan asxaab nahay ka cabanayeen in muxaadarooyin diini ah lacag lagu galo, haddana marka aad eegto kirada hoolkii shirku ka socday oo Sheikh kamid ah culimadu uu ii sheegay in maalintiiba lagu kireeyey $4000 (Affar kun oo doolar) taas oo macneheedu yahay in isugeyn $12000 (laba iyo toban kun) lagu kireeyey seddexda cisho oo shirku socday, waa caqli gal in toban doolar lagu galo irrida shirka.

Intaas kaliya kuma eeysan simin ka soo qeyb galayaashuye, wexeey kaloo sadaqo ku baxsadeen lacag gaareysa $120.000 (Boqol iyo labaatan kun oo doolar) oo la uruuriyey intii uu shirku socday, taas oo 80% (Boqolkiiba sideetan) eey bixiyeen dumarkii Somaliyeed ee ka soo qeyb galay kulankii Minnesota. Waa markii iigu horeysay taariiqda Somalida oo lacag tiradaas leh lagu uruuriyo hal fadhi - inta aan ka warhayo- iyadoo la isticmaalayo qaab lacag-uruuriska eey carabta iyo ajaanibta kale isticmaalaan. Lacagtaas waxaa loogu deeqay Masjid eey ka dhimaneyd lacag tira badani.

Ka sokow lacag uruurinta, isu keenida culimo ka kala yimid ku dhawaad toban gobol oo Mareykanka ah iyo waliba hal Canada ka yimid waa xirfad cusub oo eey firfircoonayaal Somaliyeedi hore-umariyeen, isla markaana si guul leh isugu hagaajiyeen. Tallaabadani run ahaantii waa mid ku dayasho mudan, isla markaana cadeyneysa in culimada Somaliyedi eey garteen ineey ka jiifaan ineey dacwadooda faafiyaan, sida fanaantiba dacwadooda u faafiyaan. Culimo kaliya lama soo marti qaadina waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Dr.Xaraare oo dhakhtar reer Minnesota ah iyo Macallin Siciid Saalax, abwaankii weynaa oo dhanka waxbarashada isna ka hadlayey. Halka uu Dr.Xaraare kaga nuuxnuuxsanayey maandooriyaha Qaadka iyo balwadda sigaarka ayuu Siciid Saalaxna kaga hadlayey sida eey waalidiinta Somaliyed ee Minnesota eey u dayeceen ineey caruurtooda u raacaan kulamada eey isugu yimaadaan macalimiinta iyo waalidiinta "Marka boqol waalid oo Somali ah aad warqaad u dirto, caruurtoodana aad ugu dhiibto, 5 ayaa ka imaneysa kulanka" ayuu si caadifad leh ugu qeyliyey Abwaan Siciid Saalax. Gabayaa Cisman Ducale iyo maansooyinkiisii qiirada lahaana shirka waa lagu dhageystay, iyadoo Xaaji Muse oo caaqil Somaliyeed oo ku caan baxay khudbadaha ku saabsan is-quursiga Somalida-na uu halkaas ka hadlay. Fariinta ugu weyn ee taa lagala dhex bixi karana waxeey tahay ogolaanshaha eey culimada Somaliyeed ogolaanayaan ineey garbohooda ka hadlaan dad aan mabda'a ahaan ku raacsanayn aragtidooda diineed. Waana arrin mudan in loogu hambalyeeyo culimada Somaliiyeed ee shirkaas timid.

Waxaan ahay Leelkase, saddexdayda gabdhood labo kamid ah waxaan siinaya cidda lagu tuhmayo nasab dhimanka" C/raxman Shiikh Guji halkan....

Dhamaan fariimaha kor ku xusan waxaa ka muhiimsaneyd sida uu shirku sida goonida ah uga dooday musiibada is-faquuqa iyo is-quursiga Somalida. Laga soo bilaabo shirkii "Quursigu Qiil Ma Leeyahay" ee Jaamcadda Minnesota lagu qabtay kal hore, waxaad moodaa ineey reer Minnesota caadi camal u noqotay ineey si furan uga hadlan Madhibaanka, Midgaanta, Tumaalaha iyo Jareerta oo ahaan jiray magacyo caay ah, ha yeeshee imminka lamid noqday kuwa "Islaweyn" - waa sida uu Xaaji Muse jecelyahay inuu u dhiga'e - ee Dir, Darod, Hawiye & Raxanweyn. Ineey taasi dhab tahay waxaa kuugu marag ah in nin kamid ah dadweynihii ka soo qeybgalay uu inta mokoroofanka qabsaday ogeysiiyey dadkii oo dhan inuu labadiisa gabdhood ku mehrinayo laba wiil oo ka dhashay dadka la heyb sooco, wiilkiisana uu u rabo gabar dadkaas ka soo jeeda! Sidaas, wuxuu shirku albaabada u xiray faquuqii cadowtinimada ku dhisnaa oo ka dhex aloosnaa ummada Somaliyeed.

Gunaanadkii, hadii uusan shirku wax guul ah soo hoynin, wuxuu ugu yaraan ogoleysiiyey maskaxda kumanaan Somali ah in is-faquuqu aanuu qeyb ka aheyn qaab dhaqanka wanaagsan ee diinta aan sheegano ee Islamka ah. Ka sokow bayaanka guud ee shirka ka soo baxay, culimadu wexeey ku guuleysteen ineey ugu danbeyntii helaan tiimbaraha Somaliweynta, marba hadii eey si loo dhan yahay uga hadlayaan cuqdado soo jireen ah oo ku qotoma is-faquuqid bulshadeed. Ha yeeshee, wexeey culimada ku eedeysan yihiin isticmaalka ereyada carabiga ah ee xad-dhaafka ah oo ku dhawaad dhaga-tirtay kala-bar oo bar dadkii ka soo qeyb galay shirka. Waxaad moodaa ineey iska dhaadhacsiiyeen in qofkiiba muxaadaro soo aaday eey u fududahay inuu fahmo weeraha, halku-dhigyada iyo xitaa tilmaamaha carabiga ah oo eey isticmaalayeen. Intaas waxaa dheer, walow eey qaban-qaabiyeyaashu guntiga dhiisha isaga dhigeen, misana aamusinta iyo xakameynta ka soo qeyb galayaal badani wexeey aheyd mid aan macquu aheyn, oo waxaabad mooday in dad badan eey sheeko ama shux-shuxleyn meesha u soo doonteen.

C/raxman Ceynte

Minnesota
abdirahmanceynte@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk Dec 30, 2003

Baaq Kasoo Baxay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka kooban 9 qodob kaas oo... Guji [Dec 29]

Kulan diineedkii 3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday... Guji [Dec 29]

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD