SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON
Jawaabtii “Afkii Ilaahay

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahad oo dhan leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

”Caliyow da’daan ahay waqaa, looma duurxulo’e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene”.

Sida dadka badankiisu yaqaan, hadalkii Nabiyada Ilaahay (CS) isa soo gaarsiin jireen waxaa ka mid ahaa: haddaadan xishoonayn waxaad rabto samee.

Ninkaas aad mooddid inuusanba garanayn cidduu wax u qorayo, inay yihiin dad Soomaaliyeed oo muslim ah (qof kastoo Soomaali ah muslim ma ahan) iyo inkalaba. Suurtagal ma ahan in xittaa qof aan Muslim ahayn oo Soomaaliga wax ku qoraa ku dhiirado inuu lasoo shirtago wax ka xanaajinaya damiirka dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed. Laakiin indho-adayga waa meherad Soomaaliyeed oo waxaad arkaysaa Soomaali aan muslim ahayn ama kuwa shakki kaa gelayo inay muslimyihiin iyo kale oo aan xittaa xeerinayn dhaqankii Soomaaliyeed, haddayba diinta qoonsadeen.

Ninkaani mar uu qoraal ilbaxnimada ku saabsan ka hadlayey wuxuu bilowgii xussay in Soomaalidu geela dhaqato halka Sweden ay doofaaro xannaanaysato. Wuxuu ka wadaa, ilbaxnimadu ma ahan sidaad u taqaanid (muslimiintu/Soomaalidu) ee waa sida isagu (qoraagu) u yaqaan. Wuxuu iska indho-tirayaa raacidda iyo meel marinta diinta Ilaahay.

Ninkaas waxaa dhibaysa jacaylka Soomaalidu u qabto Islaamka iyo luuqadda uu ku soo degay. Carabiga, awrkiisuu ku kacsanayaa. Bal aan ku bilaabo cinwaankiisa. Muxuu ka wadaa Afkii Ilaahay? Cinwaankaas yar wuu awoodi waayey inuu Carabiga ka raad-gato. Kalmadda Ilaah ma Soomaali baa? Hadduu dhihi lahaa Afkii Allaah, cududaar baan u samayn lahayn oo waxaan ka dhigi lahayn sidii isagoo magacyo kale oo aan la bedeli karin sheegay sida Islaamka, Muxamed (SCW), IWM. Marka kalmadda Allaah lama yaqaan erayga Cariga ah ee laga soo dhanbashay, waxay culumadu sheegaan dhowr erey oo Carabi ah oo laga keenay laakiin wax si cad u gooyey ma arag. Ingiriisku markay erayga Ilaah xussayaan ooy ka wadaan Allah waxay dhahaan (God), ilaahyada kalana (gods). Marka erayga Soomaaliga ah ee u dhigma mee? Muxuu Allaah u qori waayey? Ilaah micnihiisu waxay ku xirantahay qof walba wuxuu aamminsanyahay. Haddaad muslim tahay waa la yaqaan. Haddaadan ahayna waa la fahmi karaa. Qolyahaad Islaamkooda ka shakiyo, waa in aad qoraaladooda ka fiirisaa Allaah, iyada cidda uu u tiirinayo.

Waxaan shaki lahayn in qoraagu si sheex la’aan ah uu Ilaah ula hadlay ee maxaa ku khasbay? Ma hadal-suuqeedkii baa halkaas la galay mise waa nin Islaamka ka aradan amaba aan haysan? Wuxuu u dig iyo ham leeyahay Qur’aanka oo ah Hadalkii Ilaahay. Waxaad mooddaa inuu na leeyahay, Carabigu ma Hadalkii Ilaahay baa? Qoraagu uma baahnayn inuu boor isku qariyo. Dhallaan badan oo dibadaha jooga waxaa dhaqan-celin loogu diraa Soomaaliya. Xittaa caruurtaas dadkii ehelka u ahaa (khaasatan haweenka) kamay fakan in dhallaanka Soomaaliya joogaa ku dhahaan waa dumarkii dhaqan-celiska loo keenay. Maaddaama ninkaas qoraa sheegtay wuxuu u baahanyahay af-celin! Ma tii jawaabta ahayd baa mise afkaa loo saxayaa?!

Horta Qur’aanku ma Hadalkii Ilaah baa mise afkii (luuqaddii) Ilaah? Jawaabta qayb ka mid ah waxaad mooddaa in qoraagu fahmay markuu dhamaadka maqaalkiisa ku xussay in Soomaaligu yahay afkii Ilaahay. Waxaan filayaa in qoraagu afka Sweden looga hadlo ku hadli karo, marka haddaan arko isagoo ku hadlaya afkaas ma dhihi karaa afkiisu waa Swedish? Maya, hadduu Soomaali yahay maxaa yeelay luuqaddeenu waa Soomaali. Qoraagu miyuusan ogayn in aan Ilaahay afka lagu taagin? Luuqad Ilaahay ma loo tiirin karaa sida uu qoraagu ku jees-jeesayo? Maya, maxaa yeelay Ilaah luuqadaha isagaa sameeyey oo mid mid uga adag ama uga fudud ma leh. Marka qoraaga caynkaas ah, ninkii caddaalad ka sugaa, isagaa gudcur indho ku caddayn.

Carabiga iyo Soomaalida.

“Shalaad dhalatoo waa la shubi jiray”. Horta qiimaha Soomalidu diinta iyo Carabiga u qabto maahan mid laga akhrisanayo qof dibad jooga. Waalidiinteenii (aabbayaashii iyo hooyooyinkii) noogu sabab ahaa inaan ifka nimaadno, waa diideen in waxaan Carabi ahayn la iskugu xalaaleeyo, waa meherkee. Waliba khasab ma ahan in erayo Carabi ah la akhriyo marka wax la isu meherinayo. Dadka xittaa garanaya inaysan khasab ahayn waxay door bidaan in Carabi loogu meheriyo.

Idinkoo raali ah fiiriya inta kalmaddood oo Carabi ah oo uu adeegsaday maqaalkiisa oo aan casaan ka dhigay... GUJI

Inkastoonan tirakoobin, waxaan aamminsanahay in Soomaaliga caadiga loogu hadlaa, in ka badan 30% Carabi yahay. Waa la isku deyi karaa inaad yaraysid amaba aadan Carabi ku hadlin laakiin dhibaataad kala kulmaysaa, waqti badanna waa kaaga lumayaa. Waxaan idiin soo bandhigayaa qoraalkii Ibraahin oo aan waxba ka bedelin, kaliya waxaan sameeyey waxaan guduud/casaan ka dhigay erayada Carabiga ah ama Carabi laga soo qaatay oo markhaati ma doontada ah. Carabiga uu dadka ku haysto, kan aan la bedeli karin sida Islaam, kuwa aan u daayey sida diinta, iyo kuwa Carabi ah laakiin micnihii is bedelay waan u daayey oo casaan kama dhigin. Waxaan rabaa in walaalaha haga boggagga Soomaalida isku xiraan maqaalkiisii aan wax ka caseeyey iyo qoraalkayga. Marka maqaalkiisu wuu dheeryahay, uma baahnidin inaad akhrisaan, waxaa la rabaa inaad isha ku fiirisaan inta casaan ah.

Wuxuu kaloo xussay in lagu doodo in Qur’aanku yahay Hadalkii Ilaahay! Maaddaama uu Soomaali la hadlayo, ma garanayo cidda ku dooday, isagu maku jiraa kuwa dooda ka qaba arrintaas? Ilayn Soomaali dood qabta meynaan arage (inta gaalada ah oo faro-ku-tiriska ah maahee)?

Wuxuu si jees-jees ah u yiri dad badan baa aamminsan in hadday Carabi akhriyaan Ilaahay ajar uga helayaan. Aniga laftayda ayaa aamminsan in Carabiga qaarkiis ajar iyo xasanaad dheeraad ah Ilaah agtii looga helayo. Miyuusan ninkaasi ogayn in Qur’aanku Carabi yahay? Ma qof Soomaaliyaa shakki kaga jiraa ajarka iyo fadliga uu leeyahay akhriska iyo ku camal-falka Qur’aanka? “Alif laam miim” Qur’aanka ku jira xaraf kasta sida “Alif” ajar baa laga helayaa. Salaadda Afsoomaali ma lagu akhrinkaa? Waxaan ka wadaa Qur’aanka salaadda dhexdeeda ama takbiirta, tasbiixda iyo tahliisha ku jirta? “Allaa weyn, salaadda ma ku xirankaraa? War ma nabad baase ma uga bixi karaa”? Miyaadan u jeedin qiimaha Carabiga? Teeda kale Qur’aanku waa inuu Carabi yahay. Gebyaa Khaliif Sh. Maxamuud la oran jiray baa isagoo qabiil ku guubaabinaya inay SDDF soo galaan wuxuu yiri:

hablahaad u ardaa dhigi jirteen dhume raggoodiiye.

Wuxuu ka wadaa haddii qabiilkaas aydaan taageerin oo la tir-tiro xaggeed ka helaysaan dumar aad guursataan ilayn gabar aan aabbo lahayn lama arage. Marka maan-gaabnimadaada baan la yaabay. Miyaadan u jeedin inuu dadkii Afsoomaaliga ku hadli jiray dabargo’i rabo? Yaa kuugu hadlaya luuqadda? Ma Sweden baa looga hadlin? Haddii xikmadii Islaamklu kaa maratay waxaa la rabay inaad taqaanid tan Soomaaliga sida canjeelo siday ukala koraysaa loo cunaa (oodo dhacameed marba mid baa la qaadaa). Carabiga aad arkaysid sidee adduunka lagu gaarsiiyey? Ma falsafad? Mise jihaad iyo naf? “Marka intaadan yur oran warmo yeelo”. Ninkaas xaggayga wuxuu ka yahay shimbiraha raq-joogta ah ee marka dugaagu wax disho, lafaha iyo uuska feenta. Hadda dadkii Soomaaliyeed waxaa qalanaya qab-qablayaal oo diin, dal, dad, iyo duunyo fasahaadiyey.

Waxaa la yaableh in haddeer ninkaasoo kale usoo dhigto diintii Islaamka iyo luuqaddeedii. Laakiin maxay yeeli karaan? Bal hadduu qoraal hayo muu la hadlo Riyaale oo martidii iyo magantiiba ka maaro-waayeen? Muu dadkiisa baro tixgelinta Binu Aadamka? Marka xukuumadda Somalilandna maatada iyo masaakiinta ha mariyeen, adna miladdeena muran geli.

Qoraagu wuxuu ku caasiyey Carabiga, isagoo iska dhigaya inuu Carabiga haysto (anigu waxaan u arkaa inuu diinta u danleeyahay). Waxaad arki doontaan isagoo qirtay in Ingiriis Soomaali loogu dhawaaqo ka yimd Ingiriiska sida eeraboodh (airport) laakiin boqolaal eray oo Carabi ah oo maqaalkiisa ku jira oo qof walba u muuqata waxaa laga yaabaa inuu inkiro oo yiraahdo waa la Soomaaliyeeyey. Marka bal fur ninkaxaas oo fiiri inta eray oo Carabi ah oo maqaalka ku jira. Inaad akhrisid uma baahnid. Immisaa casaan ah?

F.G. Runtii ma rabin inaan u jawaabo kadib markaan arkay sida uusan u xurmaynayn dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah. Waxaa shalay warqad ii soo dirtay gabar Soomaaliyeed oo tiri: adaa wax qor-qoree, ninkaas wax dheh. Ilaahay walaashaas iyo annagaba hanna xafido.

Idinkoo raali ah fiiriya inta kalmaddood oo Carabi ah oo uu adeegsaday maqaalkiisa oo aan casaan ka dhigay. Fur ningaxa hoose idinkoo raali ah. Kaliya isha mariya, haddaad rabto ha akhrin.
Af Carabiga kujira qoraalka...... GUJI

Mahadsanidin.

WABILLAAHI TOWFIIQ


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2003

»C/waaxid oo Dafiray Beel Degta Puntland [DhegoCade]

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD