SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON
Somaliland ma tanaadday waa iyada reer Koonfurkii tarxiishee
  • Booliiskii Maxamed Siyaad waxaa ka biqi jiray siyaasiyiinta iyo maal-qabeennada khaasatan kuwa ka soo jeeda qolooyinka mucaaradkaa laakiin danyartu kama biqi jirin
  • Waxaan ka rabnaa Riyaale, xukuumadiisa iyo guurtida la sheegayo inay sida Dahabshiil oo kale raaligelin bixiyaan. Hana ogaadeen in aan Soomaaliya wax la kala lahayn, sida shirkaddaas oo ka howlgasha waddankoo dhan.
  • Nasiib daranaa qoom, C/hi Yuusuf iyo Riyaale isu celcesheen.

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahad oo dhan leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Qolyaha kaftanka ku dheereeya ayaa sheegay in mar qolyo Soomaali ah oo ka shaqeynayey dhisme laga dhisayey Sacuudi Careebiya, ay salaaddii usoo gashay. Waxay ka gaariwaayeen masaajidka dabadeedna waxay goosteen inay dhismaha ku dhex tukadaan. Iyagoo tukanaya ayaa waxaa kusoo baxay qolyihii mutadawiciinta ahaa ee loo xilsaaray in dadku masaajidda kusoo tukado. Waxay sheegeen in mutadawiciintii laftoodii goosteen inay nimankaas iskala tukadaan markaasay ku xirteen. Iyadoo arrinni halkaas marayso ayaa Soomaalidii hoos hoos imaamkii u dareensiiyeen in la is-hayo. Imaamkii isna wuxuu hoos u yiri maxaan samaynaa? Waxay dhaheen aan cararno. Dabadeed imaamkii baa booday markaasaa Soomaalidii kalana cagaha wax ka dayeen. Nimankii mutadawiinta ahaana inta sasseen bay ka dabo- boodeen iyagoo is leh “naftu orod bay kugu aammintaa”. Imaamkii iyo Soomaalidiina waxay u qaateen in mutadawiciintu iyaga cayrsanayso, mutadawiciintuna waxay is lahaayeen yaan beladu kaligiin idin ku dhicin. Waxay i xassuusisay sheekadii laxdii indhaha la’ayd iyo waraabihii.

Sidoo kale waxaa la sheegaa in magaalada London, nin Soomaaliyeed uu dukaamada wax uga dirsaday wiil dhalinyaro ah ooy walaalo ahaayeen oo Kenya laga keenay. Wiilkii markuu gurigii kusoo socday buu arkay labo nin oo booliiska Ingiriiska ah oo ku soo socda. Wiilkii isagoo isleh yaan booliisku sharci ku weydiin, ayuu booliiskii u gooyey oo is yiri jiiro dheer soo gal. Ninkii wuu yaabay waxa wiilka ku dhacay. Markii hadhow wiilkii yimid baa la yiri maxaa kugu dhacay? Wiilkii wuxuu yiri haddaad arki lahaydeen sidaan booliska ugu gooyey, waad yaabi lahaydeen!

Waxaan uga danleeyahay waxaan ka baqayaa in dadka masaakiinta ah ee ka soo barakacay guryahoodii Koonfureed ama Galbeed, ay booliska Riyaale uga didi/carari doonaan sida kuwii Kenya ama ka daran. Booliiskii Maxamed Siyaad waxaa ka biqi jiray siyaasiyiinta iyo maal-qabeennada khaasatan kuwa ka soo jeeda qolooyinka mucaaradkaa laakiin danyartu kama biqi jirin, dhibna kumeey hayn.

Nabigu (SCW) markuu ka hadlayey seddexda nin ee Ilaahay u caroonayo qiyaamaha, ee uusan la hadli doonin, fiirina doonin oo uu cadaab kulul gelinayo waxaa ku jira nin maskiin ah oo isla-weyn. La yaab ma leh in Fircoon, Qaaruun iyo qof kastoo is-mahadiyaa uu sanka kor u taago laakiin waa arrin fidrada ka fog in miskiinku is-kibriyo. Maxay Riyaale iyo xukuumaddiisu reer Koonfureed ka tarxiilaan? Ma barwaaqadii Khaliijka taalay 1990 ka hor baa kasoo burqatay? Soow gobolladii iyo dadkii Somaliland sheegan jirtay sida Sool, Cayn iyo Sanaag Bari ma diidin oo ma oran, Soomaali weyn baan rabnaa? Iyagiina dadkii masaakiinta ahaa oo soo barakacay baa Ilaah dabo-dhigay.

Waxaan shakki lahayn in Koonfurta Soomaaliya, xagga tirada dadka, dhaqaalaha iyo kheyraadka kalaba kaga horayso Somaliland. Inkastoonan Berbera tegin laakiin waxaan filayaa in dekedda Xamar iyo garoonkeeda diyaaraduhaba ka weynyihiin kan Somaliland. Dhulbeereedka, xoolaha iyo kheyraadka Koonfur yaalna warkooda daa. Dadka Somaliland u qaxay waa dad beerahoodii, xoolahoodii iyo hantidoodii laga dhacay ama dad naftoodii u baqay oo magaalooyinkaas naf biday. Kaliya waxay raadinayeen nabaddaas. Waxa Somaliland Koonfur dheertahay waa nabadda ee ma ahan irsaaqad kale oo loo soo raadsaday. Puntland C/hi ka hor iyadaa Soomaaliya ugu lahayd.

"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid

Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!). Xeerarkan waa xeerarka ay ku biyo-cabbaan “Somalilanders” jooga Yurub, Waqooyiga America, Newzealand iyo Australia. Yaa arkay London, Sheffield ama Cardiff? Imisa reer Waqooyi jaqalo-buuran? Habartaad rabtid sheego, dadka waddamadaas leh, adi, Madhibaan, Jareer Weyne ama dheh Walaweyn oo dhan, qofka Galbeedka Afrika ka yimid, kan Koonfur ama Bariga Afrika ka yimid, iyo Masayga iyo Turkaanaha Kenya jooga waa isagu mid, waxaadna ka joogtaan isku meel. Saasooy tahay Binu Aadam baa lagaa dhigay oo hooy iyo cuntaa lagu siiyey haddaadan shaqayn. Caqligee ku keenteen in qof Soomaali kula ah, Hargeysa laga qafaalo? Xaggee joogi jireen

Baaqii Faysal
Feysal Cali Waraabe iyo Siilaanyo? Xaggee C/Raxmaan Tuur ku dhintay?

Haddaad rabtaan, inaan idiin deyno magaalooyinkaad degtaan, magaca Somali ee “Somaliland” ku jira noo daaya oo magac kale ku bedesha. Sanadkii hore waxaa waddankaan Britain la hadal hayey 100-kii qof ee Britain ugu caansanaa. Waxaa markii dambe laga soo reebay 10 si loo ogaado qofka codka loo siiyo inuu igu caansanyahay. Waxay koow siiyeen Churcill. Marka waxaan filayaa inaad halkaas magacyo caan ah ka helaysaan. Dabadeedna inta qabiil ee idin ogol goosta. Suurtogal ma aha in Riyaale Hargeysa iga xigo anoo Mudug ku dhashay, isaga iyo wixii ku fikrad ahna ka yeelimaayo. Anna sidoo kale cidna Boosaaso kama xigo. Maxaa Soomaalida isku xira? Xittaa diin iskuma keen xirto. Waxa ugu horreeya waa Soomaalinimada. Waxa Sacuudi la iskaga raafijiray muslinimo kuma shuqul lahayn ee waa waddan, idinkuna waa inaad fahantaan waxa Riyaale ku joogo Hargeysaha maahan qabiil iyo diin midna ee waa Soomaalinimo laakiin idinkaa ku daray “land”.

Hayádaha warbaahinta koonfurta somalia maxay galaan [Salahudin]

DIB UGU NOQOSHO MAQAALKII SOMALILAND WAA BEER [Fahad]

» CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA KULANTAA [Farah]

C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen Guji..

C/Waaxid waa caamo Laakiin Cadowgiisa waa yaqaan
Waa Jawaabtii uu C/Waaxid kabixiyey Qoraalkii Cusman Axmed Guji

»JAWAAB QARAALKII C/WAXID KA QORAY TII XAGARYARE [Farah]

Sheeko Xariirta Xagar Yare
Waa jawsaabtii C/Waaxid Khaliif ee Qoraalkii Xagar Yare ee..
Guji..

QAYBTII 2aad: WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...  | Qaybta 2aad... | Qore: XagarYare | Sept 1

Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen, Tabliiqiina Xabsi
Tif-tif Amxaarana madaxweynanimo bay usoo taageen! C/Waaxid

» CALI-DHUUX iyo CABDULLAAHI YUUSUF! [Cali Shire]

» Mala is-barbar-dhigi karaa Cali-Dhuux iyo C/hi? [C/Waaxid]

Haddii xaddiisyada wixii Nabigu yiri (SCW) wax lagu kordhiyo xittaa hadday tahay fasir waxay dhahaan “mudaraj” oo ah xaddiis wax lagu kabay. Anigu waxaan qaadanayaa dhaxalkii waxgaradka reer Waqooyi ka tageen sida Ilmo Gahayr, Barkhad Cas, hal-abuurada reer Waqooyi ee hadda jooga oo ka mid ah kuwa Soomaaliya uga caansan, iyo waxgaradka kale ee Somaliland oo ah in qof walba gurigiisa iyo hantidiisa gaarkaa gooni u leeyahay laakiin dadka Soomaaliyeed meeshuu rabo Soomaaliya ka degi karo, ehelna yihiin. Ina Gahayr, Harar wuxuu u arkeyey dhul uu leeyahay laakiin Riyaale anoo Mudug ka imid wuxuu rabaa inaan Burco wax kale u arko!

Qab-qablayaasha Koonfurta iyo xittaa kuwa Xamar wax ku afduuba waa la fahmi karaa dantooda oo waa wax qof ka suurtoowa. haddaad sidii Sacuudiga mar ahaa aad barwaaqo la ciiraysaan oo dadka iska ceyrisaan, saad barwaaqadaa ugu keliyeysataan ama sidii askarta Kenya aad dadka xirniinkooda xoolo ku raadisaan oo markaad dantiina gaartaan iska sii deyn lahaydeen waa la fahmi kari lahaa laakiin sheekadiinu waa mid cusub oo meesha barwaaqo ma taal, masaakiintiina madax-furasho kama rabtaan.

Waxaa jirtay mar ay shirkadda Dahabshiil soo saartay “calendar” 26 Juunna ka dhigay maalin feysto ah, 1-Luuliyana maalin caadi ah. Dadkii fikradahaas aamminsanaa waxaan siiyey jawaab laakiin shirkaddan ganacsi kuma degdegin. Waxaan diyaariyey maqaal aan ugu magacdaray: Xawaaladda Dahabshiil oo 1-da Luuliyo shan ka qaadday! Waxaan ka waday 1-da Luuliyo – 5 = 26 Juun, si aan dadka u dhaho, Dahabshiil, maalmaha ma 100 Doolar oo Soomaliya loo dirayo bay moodday. Maqaalka oo dhan waxaan u qoray si qaafiyad ah oo xarafka “Sh “ ku socday. Maddaama ayna shirkaddu qab-qable ahayn waxaan isku deyey inaan la xiriiro maamulka Dahabshiil. Waxaan waraaqo ukala qoray laamahooda jooga waddamo kala duwan sida USA laakiin dhowr beri wax jawaab ah ma helin. Waxaan goostay inaanan maqaalka dirin intaan jawaab helayo. Nasiib wanaag waxaa ila soo xiriiray maamulka shirkadda oo yiri waxay ahayd khalad dhinaca madbacadda ah, waxayna baxsheen raaligelin iyagoo kusoo qoray boggagga caanka ah ee Soomaalida. Aniguna maqaalkii waxaan ku daray qashinka oo ma soo gudbin.

Khaladkaas wuxuu rabo haku dhaco laakiin waxaa ka qiimo badnaa raali-gelinta shirkaddu bixisay. Haddaan Soomaali nahay kumaba fiicnin raali-gelinta. Waxaan aamminsanahay inaan arrintaas anigu u horreeyo. Intaas ka dib shirkaddaas wax sumcad-xumo ah oo ay la kulantay ma jirto bal waxay noo bilaabeen raali-gelinta haddii khalad dhaco.

Waxaan ka rabnaa Riyaale, xukuumadiisa iyo guurtida la sheegayo inay saasoo kale raaligelin bixiyaan. Hana ogaadeen in aan Soomaaliya wax la kala lahayn, sida shirkaddaas oo ka howlgasha waddankoo dhan. Walaalo, rag iyo dumarba leh oo reer Waqooyi ah ayaa arrimahan ka hadlay oo qaarkood gabayo cajaa’ib ah ka tirsheen laakiin intaas kuma filna. Maahan markii ugu horreysay ee khaladka noocaan oo kalaa dhaco. Maxamed Ibraahim Cigaal intuu noolaa waxaa la sheegaa in dad muslim ah oo Soomaaliyeed Zenawi loo gacan-geshay. Tanna waa tan. Hadday sii leeyihiin bil bay Walo-weyntu haysataa. Waxaa dad iigu caqli xun kuwa Yurub, Australia iyo Waqooyiga Ameerika jooga oo u doodaya in dadkaas la saaro. Dadka wanaagsan ee reer Waqooyigaa waa inay wax ka qabtaan oo ay runta farta ka saaraan dadkaas. Waxaan shakki ku jirin in Riyaale, xukuumadiisa iyo guurtida Somaliland aan waxay yihiin la aqoon.

Waxaa maqaal dheer soo qoray walaal ka yimid Burco oo sheegay sida Riyaale sixirka u isticmaalo isagoo waxyaalo cad soo bandhigay. Sidoo kalana kornaylka Puntland waxaa lagu xantaa inuu ku dheereeyo xer-u-tegid iyo curaafeysiga. Marka odayaasha lagu sheegayo guurtida ee Somaliland amay wada qataaranyihiin, ilayn dad guurti ahi waxaas ma go’aamin karaane? Dadka reer Waqooyigoow akhriya maqaalkii walaalkaas reer Waqooyi, oo uu muddo hore boggagga Soomaalida soo geshay.

Nasiib daranaa qoom, C/hi Yuusuf iyo Riyaale isu celcesheen. Dadka qaar baa la yaabban abaartan Ilaahay ku salladay degaankaas (Puntland iyo Somaliland). Ilaah baa runta og. Waxaan filayaa inaan eersanay muslimiintii Amxaarada loo gacan-geshay, tabliiqii la xirxiray, dadkii doomaha laga daadshay, dhulkii lagu been-abuurtay, culumadii xabsiga laga buuxshay qaarna la saaray, suldaamadii la dilay iyo tan ugu dambaysa ee masaakiintii lasoo tarxiilayo. Waxaan rabaa inaan gobolladaas u sheego labo beyt oo Khaliif Shiikh Maxamuud ku lahaa:

  • malaha waad is-cajabiseen sidii qoomkii reer Caade

  • intaan ciidda la idiin gembiyin toobad soo celiya.

"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Hassan Salahudin

Waxaan aamminsanahay in naloo halaagi waayey dadkaas masaakiinta ah iyo duunyada darteed laakiin haddaan ka bad-badino waxa nagu dhacaya abaarahaas. Haddaynu wada noqonay qab-qable iyo qabqable-kalkaal, aan ogaanno, in Ilaahayga Diinta Islaamka leh uu sidoo kale leeyahay roobka iyo nabaddaba. Waxa waddankii sidoo kale lagu waalay sixir. Marka hala raadsho culumadii la yaqaanay sida Shariif C/Nuur iyo Maxamed Nuur Qawi, Allaha labadaba xafidee iyo kuwa kalaba, oo roob-doon iyo sixir-furyo hala sameeyo. Marka Ilaahay aan u toobad keeno oo aan xumaanta iska qabano.

Sheekh la oranjiray C/hi Binu Mubaarak (RC) baa arkay nin muslim ah oo muslim kale wax ka sheegaya markaasu ku yiri: Furus mala jihaaday? Ninkii wuxuu yiri maya. Sheekhii baa yiri: Ruumna? Ninkii maya. Sheekhii Shiine iyo Hindina? Suu ninkii yiri maya. Sheekhii wuxuu yiri waxaa kaa nabad galay Furus, Ruum, shiine iyo Hindi, walaalkaagii muslimka ahaana kaama nabadgelin. Marka Riyaale waxaan leeyahay waxaa kaa nabadgalay caddaan, madow kale, Amxaaro, iyo Tigree laakiin waxaad nabad gelin la’dahay walaalahaagii Soomaaliyeed.

F.G. Sidii walaalaha reer Waqooyi iyo kuwa Koonfureedba sheegeen waa in dadkeena “Walaweyntaa” ayna waxba iska bedelin, oo sideenii hore iyo si ka fiicanba aan ula dhaqanno walaalaha reer Waqooyiga ee Koonfurta jooga.

WIBILLAAHI TOWFIIQ


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2003

»C/waaxid oo Dafiray Beel Degta Puntland [DhegoCade]

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD