SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON
Musaveni ma ahan masaakiinta aad Soomaaliya madax-furashada ugu haysataan

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahadleh. Naxariis iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

“Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane, ma anaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono”. Nin culumaa waxaa laga sheegay inuu yiri jahligu waa qabri, qabrigii aakhiro ka sokeeya.

Akhristayaal ma la iga yeelayaa haddaan dhaho waxaan rabaa inaan la feertamo Lewis iyo Tyson? Qofkii raba inuu siyaasad ku biiro waxaa laga rabaa dhibco uusan ka hoos mari karin, haddaad halkaas ka hoos martid ma soo ag-istaagi kartid xittaa dowladaha yar-yar sida Jibouti iyo Brundi. Muddo dhan baa Kiplagat u kuur-galayey qolyaha Xabashida raacsan. Wuxuu imtixaamayey damiirkooda. Waad ogaydeen berigii la saxiixayey dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa in C/Qaasim iyo saaxibadiis seddex beri qabsadeen. Kiplagat wuxuu la yaabay sida qolyaha Xabashida raacsani aysan u ahayn dad dulqaad leh kadib markay diideen inay muddadaas yartaa sugaan. Laga soo bilaabo maalintaas SRRC waxay ka soo dhacday indhaha Kiplagat maxaa yeelay xittaa ma ahan kuwo dhibta Soomaaliya ka jirta ka badbaadin kara Kenya. Kiplagat wuxuu gartay inay yihiin masaakiin loo been guuri karo. Hadda waxaa haysta tixdii uu Ismaaciil Mire (Allaha u naxariistee) ka tiriyey mar labo la iskugu-dhuftay isagoo ari Burco geystay. Waa gabaygii caanka ahaa:

  • Nimanyahow awoow iyo awoow iyo abkaan sheegto
  • Iyo anigu waligay ma arag iibsi lacageede
  • Ilaa uu sii yiri:
  • Ammakaagay goortay wankii araxda tuujeene
  • Il-maroojihii bay qatalay kii aan aamminaye
  • Afar bowlad laga gooyey bay igu alluumeene.

Halyeey kasta ood tahay waxaadan aqoon oo markaas kuugu horrayso waa lagugu khiyaamin oo lama qabsan kartid. Marka haddii dullaalay sireen Ismaaciil Mire ma Kiplagat baa u daahaya Xabashi-raacyo?

Waxaan filayaa gabaygu saas isuguma xigin. SRRC-dii hadday leeyihiin Kiplagat waa na khiyaamay, waana tii aan maqlaynay inay dhowr jeer u gooyeen inuu war-bixin ka siiyo socdaalladii uu ku tegay Sacuudiga, Itoobiya iyo Ugandaba. Warbixintii uu beesha Caalamka siiyey waxay ahayd in SRRC-dii ay godkooda biyo ugu galeen oo aysan ahayn dad wax loo dirsan karo maxaa yeelay ma ahan niman dhaxan kaa celin kara.

Kiplagat wuxuu leeyahay “geel indho-kuul maxaas ka kasaa”. Wuu arkay inaysan xittaa garanayan qiimaha waddankooda kadib markaysan wax u arag in waddankooda la googooyo oo dastuur aan jirin la sameeyo. Waxaad mooddaa in Kiplagat uu maqlay qisadii uu Nabi Suleymaan (CS) uu ku dhex-dhaxaadiyey labadii haween ee wiilka isku qabsaday. (Illayn muslimiinta iyo gaaladuba waa ka faa’iideen nabiyaashiiye) Kiplagat markii hore wuxuu u xukumay SRRC in tooda la meel-mariyo. Toodu maxay ahayd? In uu ku dhawaaqo in la hirgeliyo dastuur uu Zenawi diyaariyey. Kiplagat markiiba wuxuu ogaaday inaysan nimankani danaynayn Somaliya waxaadna mooddaa inuu iska dheeraynayo hadda.

Shacabka Soomaaliyeed dhurwaa kama liito. Ileyn waxaad ka badin weydid ayaa la yeelaa. Hadday Mela Zenawi iyo Musaveni sinmaan, soomaalidu waxay qaadanaysaa Musaveni maxaa yeelay cadaawadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya mid qarsoon ma ahan. Marka Musaveni qof ahaan dhib kalama kulmin. Maaddaama Musaveni diiday in qab-qablayaal kali ah loo daayo inay xaadiraan shirka 9-ka bisha Janaayo, waxaad mooddaa shacabka Soomaalidu inay wali meeshoodii taaganyihiin oo ah inaan qab-qable kaliya halkaas tagin oo dad aqoon-yahanno ah lagu daro. Bal heestii aan ku celino.

  • Musaveni diid
  • Wuxuuna yiri maya
  • Ma ogoline maya ee maxaad idinna leedihiin?
  • Shacabka badankiisa.
  • Mela Zenawi baanu diiddanahay
  • Mooryaantaanu doonayn (SRRC)
  • Musaveni baanu raacsanahay
  • Waxaanu leenahay maya
  • Ma ogoline maya ee
  • Mabda’a towraddiisee.

Maaddaama Musaveni uu hadda IGAD hor-boodo wuxuu leeyahay “nin geed geli jiray geed looma galo”. Haddii qab-qablaasha Soomaalidu yihiin “mujaahidiin” Musaveni wuxuu noqonayaa “mujaahid” maxaa yeelay jihaadkoodu maahan kii sharciga ahaaye waxaa jagadaas qaata mid kasta oo shacabkiisa iyo dowladdiisii la soo dagaalamay marka Musavenina waa buuxiyey shuruudaas. Wuxuu leeyahay adeerayaal (Qab-qablayaal) haddaad ii malayseen ciyaal maamo, waxaan soo maray jabhadayn marka caqligaad waddaan maahan kii waddan lagu hananjiray ee cagaha dhulka dhiga. Musyoka iyo Kiplagat warbixintoodii Musaveni bay u gudbiyeen. Musaveni wuxuu yiri ii daaya aniga. Haddii saadaashu sax noqoto waxaad mooddaa in Amxaaro-raacyadu ay cabasho u gudbin doonaan Musaveni ama diidi doonaan shirka laakiin mowqifka Musaveni waxaad mooddaa inuu cadyahay oo ah kii oday Cabdulle, waa kii hore (Allaha u naxariistee) uu riwaayaddii Shabeel-Naagood ay shalaayo markay cambarkeedii ceshanweyday ay ku calaacashay (Waxu waa riwaayad ee dhab ma ahan). Isna waa tuu lahaa:

  • Naa kacoo bood, oo bartaad doontidba aad
  • Bilis Xaawo u yeer, boolis xoog lehna keen
  • Boohi oo is-xabeebi, waddadaa isku baaci
  • Buur-koroole kor u dhaaf, ilaa Beexaani gaar
  • Liido baali ka dheel, Balcad………….
  • Ilaa Boorame gaar
  • Wuxuu kusoo xiray:
  • Minay kaa bixin weydo, bilays kuu wici maayo
  • Ee Billaahi Tallaahi beerkaan kaa tumayaa.
  • Geeraarku sidaas iskuguma xigo ee waa intaan ka xassuusto.

Haddaanu shacabkii nahay waxaanu leenahay Musaveni iyo Musyoka, qab-qablayaasha afkaa biyo ugu jiraan oo ma hadli karaan sidii rah laga sheegay. “ fii fammii maa’un, wahal yandiqu man fii fiihi maa’un” oo ah: afkaa biyo iigu jiraane ee qof afka biyo ugu jiraan ma hadlaa? Ama dheh qof gacanta dhiig ku leh, gacmahiisa dad ma tusaa? Haa haddii uu qab-qable yahay seey qaanuun ay raacaan lama garanayee.

Shacabkeenii waxaan la mid noqonay xayawaan yar oo markay soconayaan u socda koox dabada isku dhega sidii awr la isku xiriiriyey. Haddii xittaa inta la carqaladeeyo ay ku yimaadaan waxyaalaha ciyaalku ku ciyaaran ama shay kale oo la dhaqaajiyo waa iska qabsanayaan markaasaad arkaysaa iyagoo tiro badan oo iskaga dabo dhegen “toy” ciyaal ku ciyaaro. Marka awalba SRRC baan iskaga dabo-dhaganayne haddii uu Musaveni nagu soo baxo waan iska qabsanaynaa.

Marka qab-qablayaashu ha ogaadeen inaysan na lahayn marka kii tagayaa ha iska tago. Waxaa kaaga daran caqli xumadooda waxay rabaan inay IGAD iyo Beesha Caalamka ay madax-furasho u haystaan. “Waxaad baratay waa baaskaa”. Marka haddaan meesha culumo joogin waa inaan keensanaa ugu yaraan dad dhul soo maray. Qolyaha “Puntland” hadday keensadaan C/Risaaq Xaaji Xuseen iyo Dr Cali Khaliif Galayr oo kale waxay u dhowdahay inay ka macquulsanyihiin askarta. Gobolada kalana sidaasba aqoonyahano iyo ruug-caddaa ula imaan doonaan haddii Ilaah idmo.

WABILLAAHI TOWFIIQ


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2003

»C/waaxid oo Dafiray Beel Degta Puntland [DhegoCade]

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD