SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON
Suxufinimada sanadkan, kaalinteeda koowaad, Ikraam Cali-Kaar waa lasiin karaa

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waxaan halkan mahad ballaaran uga soo jeedinayaa labada bog ee kala ah Somaliweyn iyo Somalitalk oo ay labadooda maamulba muujiyeen Islaamnimo iyo Soomaalinimo. Runtii waxaa jira boggag kale oo aan sharaf weyn u hayo oo sida labadaas bog ah laakiin waxaa labadan bog u soo qaatay waxaa wax ku qora gabadhaas walaasheen ah ee uu maqaalku ku socdo.

Akhristayaal bal aan maanta ila-qosol Ingiriis lagu qoray soo qaadano. Waan turjamayaa haddii Ilaah idmo.

“A man was in New York's central park, when a dog went wild and attacked a young boy. The man was able to grab the dog by the neck, pulling it off the boy and choking it to death. A reporter for the NY times comes to interview him, congratulating him on his act of heroism. He suggests the headline: New Yorker saves the life of a young boy! But, the man told him: I'm not from NY. Ok, then how about: American hero saves the day. But, the man told him: I'm not an American. Then, where are you from? Asked the reporter. I'm from Pakistan, the man answered. The next day the headlines read: MUSLIM FUNDAMENTALIST STRANGLES DOG TO DEATH IN CENTRAL PARK. FBI INVESTIGATING HIM POSSIBLE LINKS TO AL QAEDA”.

Ila-qososhu waxay u qorantahay sidan:

Mar nin tamashleenayey “Central Park” New York ayaa eey wuxuu isku qaaday oo weeraray wiil dhalinyaro ah. Ninkii wuxuu maareeyey inuu eyga surka/qoorta ku dhego oo ka dhufto wiilka dabadeedna ceego la dhigo ilaa eygii dhintay. Wariye ka socda NY Times ayaa u yimid inuu waraysi la yeesho ninkii wuxuuna uga hambalyeeyey falkiisii geesinimada lahaa. Wariyihii wuxuu doon-doonay cinwaanka uu siin lahaa sheekada wuxuuna helay: Nin u dhashay New York oo wiil dhallinyaro ah badbaadiyey laakiin ninkii wuxuu sheegay inuusan New York u dhalan. Wariyihii wuxuu yiri ka warran: geesi Ameerikaan ah ayaa sharkii maalintaas kaafiyey? Laakiin ninkii wuxuu yiri anigu Maraykan ma ahi. Waayahee xaggee ka timid? Wariyihii baa ninkii weydiiyey. Ninkii wuxuu ku jawaabay anigu Pakistan baan ka imid. Maalintii dambe waxaa la arkay cinwaankii jariidadda oo saan u qoran: ASAL-RAAC MUSLIM AH AYAA CEEGO KU DILAY EEY “CENTRAL PARK” NEW YORK. FBI AYAA BAARITAAN WADDA BAL INUU XIRIIR LA LEEYAHAY ALQAACIDAH.

Ayaan Xirsi Cali Ikraam Cali-kaar
Waa laba gabdhood oo Soomaali ah oo labaduba jooga qurbe, gaar ahaan Yurub. Hadaba akhri qoraalkii ay qortay Ikraam kana qortay Ayaan Guji....

HADALO AY YIRAAHDEEN LABADAN GABDHOOD:
Ayaan: waxay sheegtay in diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka".
Ikraam: waxay tiri "waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina faraha lagashay Diintii Ilaahey." [Tixraac...]

Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta.[ceynte]

Haddaad akhrisid wararka iyo macluumaadka weriyayaal badan oo Soomaali ah waxaad arkaysaa inuusan jirin faraq u dhaxeeya iyaga iyo qab-qablaha qabiilkooda ah ama kuway taageeraan. Wax dhacay bay kuu sheegayaan markaasay ku darsanayaan fikrad iyo ra’yi ay leeyihiin oo la mid ah kuwa ninkey taageeraan. Waxaan xassuustaa dilkii Axmed Rashiid Shiikh Maxamed Allaha u naxariistee in wariyaasha Soomaalidu qaar dhaheen waxaa ka dambeeyey ergiga Talyaanigaa, qaar kale waxay dhaheen Kiplagat baa ka dambeeyey. “Ninba dhan u baday”. Kuwa SRRC taageera ama kuwa ay la-jaalka yihiin weeye kuwa lahaa ergiga Talyaaniga ah baa dilay. Kuwa Kiplagat eedeeyey waa kuwo Carta iyo kuwa la-jaalkaa taageera.

Wariyayaal badan waxaa iskaga khaldan fikradda iyo warka. Warka sidiisaa loo sheegaa. Weriyuhu wuu qori karaa sheekooyin khiyaali ah oo uu fekeray sida dadka kale laakiin waa inuusan war ka dhigin. Dhib may lahaateen haddii tacliiqa uu warka raaciyaa ka imaan lahaa fikraddiisa qof ahaanneed ee uusan u xaglin qab-qabluhuu taageero.

Ila-qosolkaas wuxuu ka turjumayaa wax muuqda. Qofkii diinta Islaamka iyo taariikhdeeda wax ka yaqaan wuxuu ogaanayaa iska daa Maraykan iyo Pakistaaniye, wuxuu la socdaa sheekadii kala qabsatay C/hi Binu Salaam (RC) iyo Yuhuuddii ay isku qabiilka ahaayeen markuu muslimay. Marka dadka noocaas ah waxay u noqonaysaa “war la qabo xiiso ma leh”. Laakiin dad badan oo ay ku jiraan dad reer Galbeed ah oo u arki jiray inay ilaaliyaan xuquuqda Aadanaha ayaa kusoo baraarugaya waxa ay samaynayaan madaxdooda iyo warbaaxintooda ee ku aaddan dunida muslimka.

Waxaan aamminsanahay in arrinta ay noo soo jeediyeen Somaliweyn ee ah in Ikraam Cali-Kaar ay u qalanto in loogu yeero wariyaha sanadkan 2003, inay tahay arrin sax ah. Gabadhaas walaalsheen ah wey ka marantahay caadifadda qabiilka ee Soomaali badan la hartay, waxayna ka hadashaa waxyaalo badan oo wax-ku-ool ah sida diinta, dhaqanka, dhibaatada qurbaha, siyaasadda caalamka iyo waxyaalo badan. Iyadu waxay ka midtahay dad faro-ku-tiris ah oo si dhab ah uga runsheegay mihnadda wariyenimada.

Bal suurayso dad badan oo muslimiin ah oo Soomaalidu ka mid tahay ayaa hoos u dhiga xuquuqdii uu Islaamku siiyey dumarka, waana arrin markhaati-ma-doonto ah dhibka dumarkeenu nagu qabaan. Intaas oo dhib ah oo jirta ka warran gabadha ka soo dhexbaxday? Anigu waxaan u arkaa inay tahay qof buur ah (jabal) maxaa yeelay buurta in badan baa hoos u aasan. Marka qofta intaas oo qooroole oo soo taagan ka soo dhex-baxday waxay ila-tahay inay karti iyo wanaag dheeraad ah oo ay leedahay naga qarsoon yihiin laakiin sida la sheegay waxaa dhici karta inay noo soo gudbiso warbixin ku saabsan arrintaas, mustaqbalka dambe haddii Ilaah idmo.

Marka waxaan u hambalyeynayaa walaasheen Ikraam Cali-Kaar dadaalkeedaas, waxaanna leeyahay halkaas ka sii wad adoo sidaan kaaga baranay miisaamaya diinta, dhaqanka iyo qaabka casriga ah ee warbaahinta adduunka.

Mahadsanidin.

Asalaamu calaykum


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD