C/hi Riyaale ma iska Difaaci Karaa?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamed dushiisa ha ahaato.
Marar badan baan sheegnay
in dhibta meelahaas ka jirta, ninka koow ka ah uu yahay kornayl C/hi. Marka
hore isagu xoog buu ku haystaa Puntland oo “wixii xunba Xaawaa leh”. Tan
labaad waxay ahayd Waqooyi Bari C/hi (Puntland) ka hor meesha Soomaaliya ugu
nabadgelyo badan. Maxamed Ibraahim Cigaal oo ruug-caddaa u ahaa reer Waqooyi
wuu ka quustay inuu aqoonsi helo. Sabab? Adduunku waxay dhaheen Waqooyi Bari
baa idin ka nabad badan xittaa markaad bartamihii sagaashanaadkii aad idinku
dagaal sokeeye ku jirteen iyagu ganacsi bay ku jireen deedna afkiisuu
qabsaday.
Cali Dhuux waxaa laga hayaa:
uddigay oo uddigay oo duulka waa loo danleeyahay, dabada ha iska raacshee
bal maan daysto hadalkeyga. Waxbadan baan dadkaas “Puntland” sheegta ku iri
war yuu ninkaasi sidii roobkii geel-jire bi’iye ahaa, wasakhda idinku
kaa-kicine oo inta dhib idin dhex gesha hadhowna idiin ka baxine ka danaysa
oo keensada dad waxgarad ah oo nabad iyo colaadba wax qaban kara.
Idinkiyo Riyaalba xassuusta
in geyigaas yahay meelihii ka badbaaday dagaalkii sokeeye waana guryihiina
mana aha meel la isku yiraahdo “aabbahaa waranka ka bixi”. Bal aan fiirino
dhowr beyt oo Maxamed Fiin tiriyey.
-
Guhaad laguma falo ruux
hadday, gogoshu kuu taalle
-
Gaadiid ku qaadiyo
haddaad, gelin lixaad weydo
-
Gurgur lama shiraystiyo
hashii, geela ka irmaane
-
Guntana laga ma jaro geed
hadduu, kuu gabbaad yahaye.
Haddaan usoo galno Riyaale,
waxaad arkaysaa in Binu Aadamku uusan nimcada ceshan aqoon. Dib u milicso
dagaalkii 1977. Imisa magaalo buu Caydiid ciribta ku dhuftay? Riyaale isagoo
arrintaas og waxaad mooddaa in Cawil, wasiirkiisa maaliyaddu uu gabaygan u
marsho, iyagood mooddo inaysan balanqaadkii (dagaal-gal) aysan ka noqonayn.
Shicibkii iyo guurtidiiba waxay ku dhaheen gunta dhiisha iska dhiga. Bal
tixdii Ismaaciil C. Bullaale aan milicsano.
-
Dacwad waxaan ka idhi
geelayaga, loo dardaarweriyey;
-
Iyadoo dildilihii bishiyo,
dacashi haaneed leh
-
Doollaaba lagu sii wadaa,
Dayrtan maanta ahe
-
Dibna u laabmimaysoo
dhulkii, dooggu ka idlaaye.
-
Darka Qarandi deexdii
Cammuud, waa dar noo xidhane
-
Dixda Reygareed iyo
Gargaar, waanan dayn karine
-
Dumbuqyaaba laga soo
guriyo, dogobbo waaweyne
-
Afarteeda deyr bay taqaan,
looga duulwado’e
-
Anaa doonanaystaye baqaa,
looga diirwaraye
-
Dawo hadday lahayd
Jeerinleey, waa dul tegayaaye
-
Degina maayo jeeraan ku
furo, degelki Gaafoowe.
Waa iyagoo leh dacwaad
waxaan ka iri xudduudihii Ingiriiska. Waa isagoo tikniko qaarkood tuute
leeyahay kusoo wada Buuhoole, Laascaano iyo Baran. Sidoo kalana aysan dib
uga laabanayn go’aankooda. Waxay leeyihiin Berbera iyo Hargeysa waa noo
xirantahay. Marka waxay rabaan inay Garoowe kulaalaan. Marka hadday
Laascaano sumcad soo kordhinayso waan dul-tagaynaa.
Marka laga reebo nimcada oo
aan la hayn karin, Daahir Riyaale afar arrimoodba wuu ku khasbanyahay inuu
Laascaano dul-tago.
1. Dowladdiisa oo ah
dowlad daciif ah kaddib markuu halkaa isugu geeyey qolyo malafsi ceebeed
soo bartay (haraadi) iyo kuwo aynaan weligeen maqlin oo Soomaalinimaba
inkirsan. Marka si ay ceebtaas u qariyaan waa in dadka la mashquuliyo.
2. Waxaa soo dedejinaya
dagaalkiisa waa iyadoo dadka u shaqeeya aysanba aqoon sida loo hadlo oo
qaarkood Soomaali oo dhan inkireen, qaar ay eed usoo jeediyeen gobollada
deriska la ah, qaar masaakiintii tarxiileen iyo sheekadii ugu dambaysay
ee wasiirka maaliyaddu ka sheegay in Siilaanyo uu dad SNM ahaa
“mujaahidiin” uu laayey. Tuhunkaas laftiisu Siilaanyo kama dhigayo
inuusan “mujaahid” ahayn. Haddaan dadka “Somaliland” dagaal la gelin,
arrintani waxay keenaysaa isku-dhac qabiil iyo dhiig-sokeeye oo daata.
Marka si taas looga gaashaanto “geeridu waxay ku fiicantahay nimaadan
garaneyn iyo geel-jire”. Marka faqashta (Sool & Sanaag Bari) liishaanka
hala saaro.
3. Riyaale wuxuu
haystaa ciidan uu maalin ka yar ku qabsan karo degaankaas isagoon fiirin
intuu joogi karo.
4. Iyo cayrintii laga
cayrshay Laascaano, marka si shakhsi ah ayuu u aarsanayaa. Sidaan horay
u sheegnay waxaa la rabay inaydaan weerarin ee aad tiraahdaan annagu in
Soomaaliya lakala gooyo ma rabno.
Dhinaca kale, kornaylku
arrimo badan darteed far ma nuuxin karo:
1. Sidaan horay u soo
sheegnay isagu meesha xoog buu ku haystaa oo dadweyne badan ma rabaan
siyaasaddiisa, diyaarna umay ahan in ay far-qaadaan inta uu halkaaas
joogo.
2. Caqligu wuxuu
keenayaa haddaadan awood hayn inaad hadal fiican la soo shirtagtid
laakiin taas kornaylka loogama fadhiyo waana tan ka xanaajinaysa
Somaliland.
3. Ciidan badan ma
haysto oo Riyaale waa ogyahay markii uu Boosaaso qabsanayey iyo markuu
la dagaalamayey mucaaradkiisii reer Puntland, waxaa loo soo aruuriyey
wiilal reer baadiye u badan, iyagiina markii mucaaradkii la heshiiyey
bay meesha ka baxeen. Wiilashaa waxaa qaybaha u badan laga keenay labada
aag ee hadda Somaliland iyo Puntland isku haysato. Wiilashaas waqtigan
xaadirkaa diyaar uma aha inay Riyaale foodda siiyaan maxaa yeelay way
ogyihiin inuusan Riyaale mucaarad ahayn ee uu ka hub iyo ciidan badan
yahay kornaylka. Ogaada shacabka “Puntland” sheegtay wax badanna ka
badan kan Riyaale ku faano.
4. Waxaa hadda ku
kacsan dadkii ka soo jeeday labadaas aag ee la isku haysto. Maxamed
Cabdi Xaashi waan ogayn hadda wakaas la leeyahay madaxdii Wersengeli ee
Puntland ku jirtay waa gadoodeen oo diyaar uma aha inay la shaqeeyaan
kornaylka inta arrintooda wax laga qabanayo makra yaa ciidan usoo ururin?
5. Puntland waxaa ka
jira dhaqaalo xumo aad ah. Maka laga reebo intii uga baxday dagaalkii
sokeeye ee uu mucaaradka la galay iyo qarashkii ku baxay mucaaradka si
ay gudaha u soo galaan waxaa shirarka Kenya iyo martiqaadyadooda uga
baxay lacag lagu qiyaasay 2 milyan oo Doolar oo inteeda badan Puntland
ka timid.
6. Xagga niyadda
(Psychology) way hoosaysaa oo reer Puntland waa ogyihiin inaysan maanta
xitta qabiil la dagaali karin inta la helayo qof shacabka soo jiidan
kara.
7. Shacabka reer
Waqooyigu waxay dowladda ku khasbayaan in kornaylka lala dagaalo halka
kuwa Puntland ay leeyihiin “kornayl naga soo deg”. Marka dad saas ukala
fog isma caabbin karaan.
8. Inuusan kornaylku
ciidan haysan waxaa u daliil ah wuxuu Laascaano u diray waa taliyihii
Booliiska, C/Risaaq Afguduud. Waa ninka C/hi u laaya sokeeyaha. Lama
hayo sarkaal kale oo C/hi u daacada. Sida qof walba ogyahay Soomaaliya
waxaa la isku howlgashaa qaab qabiil. Ninka madax laga dhigayo waa inuu
yahay nin haysta dad ka dambeeya (qabiilkiisa) marka C/Risaaq oo
shacabka reer Puntland oo dhan farta u qaniinsanyihiin oo waliba aanan
keeni karin 20 wiil oo reerkiisa ah ileyn maba kasoo ciidmi karaane, see
buu rabaa inuu Riyaale ula xaalo? Haddaad i rumaysan weydaan aaway
saraakiishii ka soo jeeday Sool iyo Sanaag, Ina Cali Shire iyo Goroyo-Cowl?
Marka wax kasta C/hi waxaa u qabta waa Afguduud. Haddii dekedda la
dhacayo isagaa sameeya, haddii wafti la soo dhoweynayo isagaa soo
dhoweeya. Marka Ciidanka ugu horreeya ee C/hi iyo kan ugu dambeeyaba waa
Afguduud.
9. Hogaamiye yeey dhici
kartaa hadday qolo is-hayaan inuu qolo kale ka helo caawinaad laakiin
taas C/hi laga filimaayo. Wuxuu ka dhigay kuwa uu yiraahdo bad baan idin
ku darin iyo shacabkiisii oo uu cagta madaxa uga hayo.
10. Ciidamadii
mucaaradka ee Puntland marna ma gelayaan dagaalka Riyaale soo qaado
maxaa yeelay waxay ogaayeen in ciidamadii C/hi kula dagaalay ay u
badnaayeen kuwa laga keenay Sool iyo Sanaag. Waxayba abaal dheeraad ah u
hayaan shacabka Somaliland sidaas darteed dagaal been-been iyo
muruq-tuujin loo galayo uma diyaar aha. Waqtigan aan joogno ciidan la
isku hubo ee Puntland waa kaas mucaaradka ahaan jiray marka wakaas
Afguduud hadba dhan isu qaadayo.
11. Waxaa intaas dheer
xoogaagii taageerayaasha ahaa ee C/hi oo ku xeeldheeraa dacaayadda waxaa
niyadda ka jabshay isaga, markii shirkii Kenya ay Muuse Suudi iyo Caato
ka siyaasad fiicnaadeen oo la arkay isagoo qab-qablayaal degmo barkeed
haysta sida Qanyare iyo Cumar Filisha ama kuwo aan wax heysan sida
Moorgan iyo Shaatiguduud hadba huteel Nairobi ah kula shiraya.
Sababahaas iyo kuwa kale oo
badanba C/hi cidna iskama difaaci karo. Maxaa talo ah? Fiicnaan lahaydaa
haddaan si fiican u fekeri lahayn. Sidaan la socono ninkii shafka u garaacay
C/hi oo Boosaaso laga soo ceyrshay oo jooga qurac Gaalkacyo u dhow wuxuu
ahaa Garaad Saleebaan. Makaan maqlay in C/hi rabay in uu isimo reer Putland
ah u diro Kenya waxaan soo qoray warqad ah inaysan kuwa Gaalkacyo, Garoowe
iyo Qardho aysan aadayn ee reer Sool ay Garaad Saleebaan ka joojiyaan
Nayroobi. Sidoo kale isagoo jooga ayaan iri war Garaadka meesha ka wada.
Dadka reer Sool wey fahmeen waraaqahaygaas. Marka haddii la isku dhaco
dadweynaha Puntland oo C/hi neceb iyo iyagoo idin ka urinaya taageeradii uu
Garaadku siiyey C/hi dagaal diyaar looma ahan. Cawad Casharo iyo kooxdiisuna
sidaas oo kale bay C/hi u dhinac istaageen ilaa heer ay gaaraan in qoryo ay
la baxsadeen Cadde Muuse iyagoo Ceel Afweyn u socda in Wersengeli uu ilooway
magantii la isku lahaa oo ay C/hi dib ugu cesheen. Walaalayaal maanta waa
laga tagay in been la isu sheego marka waa in la fiirshaa wax soo bixi kara.
Waqtigan xaadirkaa Cadde Muuse Riyaale ayuu xushmeeyaa mid ka badan tuu u
hayo Xaabsade iyo Casharo.
Hadduusan Riyaale
“Ina-igare” ahayn meesha waxbaa ka soo socda. Haddii dagaalkaas dhaco,
Riyaale waa dul tagayaa meeshuu rabo iyadoo tobonaan ilaa boqolaal reer Sool
iyo Sanaag ah ay ku dhinteen. Sii haysashada Riyaale ee degaankaas lama
saadaalin karo intay gaarayso. Xittaa khasab ma aha inuu Riyaale labada
furinba ka dagaal gelo waxaa dhici karta inuu ciidankiisa oo dhan isu geeyo
aagga Laascaano taasoo ka dhigaysa inuu saacado halkaas kaga falaxasho
dabadeedna uu maalmo kaddib iskaga noqdo isagoo leh reer Laascaanoow ogaada
inaan “idin dili karno idinna deyn karno”.
Reeraa waxay lahaayeen lax
tuugo ah oo reerka kusoo guryo noqota marka arigu foofo. Waxay reerka ka
xadi/dhami jirtay caanaha iyo wixii kalooy guriga ka hesho. Maalintii dambe
ayaa reerkii xeradii ka guuray oo degay meel dugaag badan. Maalinkii markii
reerihii degeen oo harkii arigii la tirshay baa laxdii la waayey. Aabbihii
reerka baa yiri Ilaah waan aqaan dabadeedna caalihiina (waraabaha) waan
aqaan, calaantiina (laxdii) waan aqaan. Wuxuu ka wadaa laxdu waxay ku
noqotay gurigii laga soo guuray. Marka Ilaahna iyada iyo waraabaha isa
seejin maayo iyadoo tuugo usocota. Markuu xeradii hore ku noqday wuxuu arkay
laxdii oo dhurwaa feentay.
Waxaan ka wadaa C/hi oo
waxaan ehel-dil iyo guryo noqod ahayn aqoon iyo Somaliland isa seegimaayaan
waana u dhamaynayaan marka reer Sooloow dhowr arrimood mid yeela.
1. In C/hi bixiyo
raali-gelin ku aaddan Riyaale iyo Somaliland, weerarkii Riyaale lagu
qaaday awgiis iyo sanadguuradii aad ku sheegteen cayrintii Riyaale ilayn
dad Soomaaliyeed saas uma wada hadlaane. Teeda kale yaa u fasaxay in
C/hi googooyo gobollada Soomaaliya? Ma aragteen Gaalkacyo oo laga xusso
sanadguuradii Caydiid Gaalkacyo looga saaray? Soomaalidu waa dagaalantaa
laakiin waxyaalaha qaarkood la iskulama hadlo.
2. Inaad C/hi beri ka
noqotaan oo aad caddaysaan inuusan idin xukumin markaas waxaa idin
dhinac taagan dadweynaha Puntland oo aan kala harin. Waadna ogtihiin
inaysan jirin wax shacab ka xoog badan kana tiro badan. Haddii kale C/Risaaq
Afguduud oo dhowr jirri ah wata ha idiin hargo lulo.
3. Ama inaad idinku si
kale Riyaale ula xaashaan si colaadaas aan micnaha lahayn u istaagto.
4. Riyaale ciidankiisa
waa u urursanyihiine, idinkuna waxaad ku bootaynaysaan inaad Riyaale ka
hortagi doontaane maxaad diyaarsateen? Ma gurmad reer Mudug ah baa idiin
yimid? Reer Garoowe? Qardho? Boosaaso? Mise reer Sanaag? Marka Riyaale
“intuusan yur oran buu warmo yeeshay” ee idinku ma marka uu yub idin ka
siiyo baad hadhow waxyeeli doontaan?
5. Teeda kale Riyaale
oo xoogaa waardiye ah wata baa Laascaano soo galee haddoo uu kumanaan
wato hadduu soo galo yaa ka hor taagan? Ma C/Risaaq Afguduud?
6. Haddii kale C/hi ka
danaysta oo gooni isu-taaga si shacabka kale ee walaalihiin ah idiin
garab is-taagaan. Teeda kale dadkiina dibadda jooga haddaad dantiina
garataan oo wax uruursataan waxaad bishii samayn kartaan lacag ka badan
tan xagga C/hi idin ka soo gasha. Oo ma C/hi baa lacag idin ka soo
gashaa? Maya laakiin waxa tan dhowrka madaxdiina ahi ku qadayso.
Arrinta goosashada, Riyaale
iyo idinka kaliya idiin ma taal marka odayaasha degaankaas ha isku dayeen
inaan halkaas dhiig ku daadan intii tabartood ah. Hadday noqoto in Riyaale
wax kale aqbali waayo meesha yaan wiilal idiin ka dhiman, C/hi idin difaaci
maayee, ee wixii awood ah ee aad haysataan la taga xuduudkii hore dabadeedna
arrintu waxay u taal dadweynaha reer “Puntland” iyo Soomaalida kalaba.
Markaas qofkii talo haya waxbaa u furan.
Muxuu C/hi u taray dadkii
abaarta ku dhintay ama ku waxyeeloobay? Caqligu ha shaqeeyo. C/Risaaq
Afguduud dhowrkan gaari oo uu ku ordayo biyo maku dhaanshay? Dad socon
waayey ma kuso qaaday?
Kollay anigu waxaan ahay
dadka aan aamminsanayn in Soomaaliya lakala gooyo. Riyaale iyo
“Somalilanders” kalana waa ku khaldanyihiin sheegashadaas.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|