SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON

Abgaaloow awrkiina qabsada (Maxamed Dheere)

 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.

Akhristayaal waxaa sanadihii ugu dambeeyey diiraddu ii saarnayd qab-qablayaasha khaasatan nin aan ilmo adeer nahay oo la yiraahdo C/hi Yuusuf. Walaalkeen Tooxoow baa yiri: C/Waaxid wuxuu Puntland uga hadlaa oo u guubaabiyaa inay noqdaan dad wanaagsan si ay u doortaan qof fiican oo ay naftoodda wax ugu qabsadaan, arrimaha Soomaaliyana meel fiican kasoo gaaraan. Tooxoow waa ku run sheegay arrintaas laakiin waa ninkee ninkaan rabin in qolodiisu noqoto dad sharaf leh oo caddaalad wax ku maamula? Qofkiise qolooyinka kale kheyrkaas la naca waa qof xaasid ah oo aan aakhiro iyo adduunba la ammaanin. Waxaa intaas kuu dheer haddaad khaladka dadkaaga caddayso adoo uga dan leh inay dad noqdaan waxaa meesha ka baxaya inaad u muuqatid nin wax isku-diraya ileyn lama arag qof dadkiisa wanaagga la necebe. Arrimahaas dartood ayaan rabaa inaan maanta qolodaas aan kor ku xussay usoo galo.

Akhristayaal waxaa la sheegaa in nin mu’addin ahaa mar uu aadaaankii dhameeyey orod isku qaaday. Waxaa ka hor yimid nin masaajidka u soo socday oo yaqaanay markaasuu weydiiyey waxa ku dhacay mu’addinkii? Mu’addankii wuxuu yiri waxaan rabaa inaan maqlo meesha codkeygu gaarayo! Hadda waxaa la sheegaa inay suurtogal tahay in hadal hore loogu hadlay dib hawada looga soo qaban karo! Hadday taasi jirto haddee mu’addinkaasi doqon ma ahayne waxbuu horay u ogaa!

Bal aan fiirino awrka Abgaal (Maxamed Dheere) dadkii uu hor-istaagay, cidduu ka hor-istaagay iyo waxuu u hor-istaagay. Wuxuu hor-istaagay dadkaan: Cali Mahdi Max’ed, Muuse Suudi Yalaxow, Eng. Max’ed Xuseen Caddow, C/llaahi Geedi Shadoor, Xuseen Xaaji Bood, Ismaaciil Macallin Muuse & kuwo kale. Wuxuu ka hor-istaagay Imaamka beelaha Hiiraab Imaam Max’uud Imaam Cumar & Macallin Nuur Max’ed Siyaad oo ka mid ah mashaa’iikhda waaweyn ee dalka Soomaaliya. Wuxuu ku doodday Maxamed Dheere in raggaasi aysan waddan fasax ay isaga ka haystaan oo ay ku dhexmaraan degaankaas! Ma haddaa Xamar maraysaa in Abgaal uu ka hor-istaago Abgaal kale oo u socda Abgaal?

Faarax Goleleey, Salaad Gabayre iyo Xuseen Kulmiye (Allaha u naxariistee) waxay ka mid ahaayeen dadkii Abgaal ugu caansanaa laga soo bilaabo xornimadii ilaa burburkii waa marka siyaasadda loo eego. Raggaas waxaa yaqaan Soomaali badankeeda. Waqtigan la joogo nimankaas Maxamed Dheere isku deyey inuu hor-istaago iyo Imaamka iyo sheekhaas kale waa dadka Abgaal ugu caansan xag kasta sida diin, dhaqan iyo siyaasadba. Maxaa Maxamed Dheere arrintaas ku kallifay?

Mar uu kornayl C/hi rabay inuu dilo suldaan jifadiisa ah wuxuu u diray dhowr wiil. C/hi waa ka xishooday in baabuurkii uu Suldaan Hurre (Allaha u naxariistee) saarnaa iyadooy la socdaan labo waardiye uu dab saaro. Ujeedadiisu waxay ahayd suldaanka kaliya ka dibna isagii kaliya ayuu sugay. Halka Maxamed Dheere sidii mu’addinkii aan ka soo sheekeynay uu rabo inuu ogaado sida ay Abgaal la tahay ficilkaas aan looga horrayn. Waxaan is-lahaa suurtogal ma ahan in qof uu sheegto mas’uuliyadda ficilkaas oo kale khaasatan hadduu ka soo jeedo Abgaal laakiin waxaa qoraalkan igu khasbay markaan arkay Maxamed Dheere oo ku diganaya shilkaas isagoo iska dhigaya inuu ka xunyahay sargaalkii ku dhaawacmay halkaas laakiin uu leeyahay gaadmadaas waxay ahayd mid sharciga waafaqasan! Sida C/hi waxaa la rabay inuu Maxamed Dheere uu raadsado Muuse Suudi kaliya laakiin inuu yiraahdo odayaashaasi waxay soo galeen degaan aysan shuqul ku lahayn waa sheeko aan la fahmi karin. Odayaashaan kulligood ka caansan Maxamed Dheere, Abgaal dhexdiisana isaga kaga sharaf badan marka yaa Yaaqshid ama meel kale Maxamed Dheere u saxiixay?

Sida la sheegay Muuse Suudi, Cali Mahdi, Caddow, Bood, Shadoor iyo kuwa kale waxay u socdeen dib-u-heshiin Muddulood dhexdiisa ah iyo in laga cafiyo khaladkii horay loo galay. Miyuusan Maxamed Dheere ogayn in guryaha aasaaska laga soo bilaabo? Haamahana gunta laga unko? Muxuu ku falayaa dib-u-heshiin Soomaali hadduusan rabin in qabiilkiisu heshiiyo? Muuse Suudi iyo saaxiibadiis waxay sharfeen culumadii iyo hogaamiye dhaqameedkii laakiin Maxamed Dheere waxaan Mele Zenawi ahayn sharaf uma hayo.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Reagan ayaa Qadaafi ku sheegay inuu yahay “mad dog of the Middle East” oo ah eygii waalnaa ee Bariga dhexe. Reagan waa iska lahaa laakiin waxaan shakki lahayn in Maxamed Dheere yahay Awrkii dhugatada qabay ee Abgaal (ama dheh Soomaaliya). Bal ka warrama nin leh waxaan u fadhiyaa shir dib-u-heshiisiin oo iska dhigaya inuu doonayo in Soomaali meel isugu timaado haddana dadkii xulka ahaa ee reer tolkiis leh ma dhex mari karaan meelo ka mid ah Xamar iyagoon fasax ka sidan?! Waxaad maqlaysaa isagoo leh waxaan rabnaa inaan tagno Itoobiya ama Garoowe. Haddiiba uu Cali Mahdi iyo qolyahaas la socday uu Xamar u diiddanyahay sidee ku keenay inuu hawaysto Garoowe? Ilaah baa horay noogu sheegay sida uu noogu shakhiray awrta markuu lahaa “Afalaa yanduruuna ilalibili keyfa khuliqat”. “Soow ma aragno wiil yar oo awr tiro badan iska xiriirsanaya”? Marka ma la yaabbay leedahay haddaad aragto C/hi Yuusuf oo awr dhugato qaba keeno keeno leh? Soow uma habboona inuu C/hi akhristo ducadii rakuubka (SUBXAANALLADII SAKHARRA LANAA HAADAA WAMAA KUNAA LAHU MUQRINIIN* WA INNAA ILAA RABBINAA LAMUNQALIBUUN). C/hi hadda wuxuu haystaa afar addin markuu rabana waa iska bedeli karaa. Afartaas addin waa Xuseen Caydiid, Cumar Filish, Qanyare iyo Maxamed Dheere.

Bal fiirsha Muuse Suudi wuxuu la heshiiyey raggaas Abgaal laga yaqaan, C/Qaasim, Caato, Barre Hiiraale, Cumar Jees, Jaamac Cali Jaamac, Xaabsade iyo kuwo kale halka Maxamed Dheere rabo inuu Xamar ku toogto Muuse Suudi, Cali Mahdi, Shadoor iyo kuwo kale.

Marka Maxamed Dheere baa ugu filan inuu Abgaal oo dhan usoo jiido ceeb iyo calaamo aan weligeed la arag. Waligey isagoo kale ma maqal taariikh hore iyo mid dambaba. Marka idinkoo u fiirin walaal, qaraabo iyo xidid midna waa inaad ninkaas dhugata qaba meel iskaga xirtaan.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD