SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON

Intaydaan Dowlad Dhisin, Caqligiinna aan Dhisno

 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Seddex eray Soomaali baa iilka dhigtay, seddex kalana waxaa ka maran qab-qablayaasha. Soomaalidoo ka hadlaysa: mujaahid, Dr, iyo dowlad haddaad aragtid haku deg-degin. Siilaanyo, C/hi Yuusuf, Muuse Suudi iyo Xuseen Caydiid waa mujaahidiin! Dhiridhaba iyo “Somalilanders” waxay u arkaan in dadkii SNM soo maray oo dhan ay mujaahidiin yihiin. “Puntlanders” wey kaga horreeyaan inay SSDF ku sheegaan laakiin dadka la dagaalaya cadowga Xabashida waxay u yaqaanaan “argagixiso”! Goormaa la dagaalanka Soomaaliduna shahiidnimo keentay kan cadowguna shuftanimo?

Marka laga hadlayo Dr, walaal baa yiri waxay u taagantahay dalkiis roge. Waxaa loo sii durkin karaa diintii roge, damiirkiis roge iyo dantii roge. Qofkii qaata shahaadada “PhD” oo laga wado “doctor of philosophy” magaciisa waa ka hormarinkaraa Dr. Haddaad dhaqtar tahay dadku waa ku oran karaa “doctor” laakiin dhaqaatiirtu waxay leeyihiin shahaado u dhiganta taas kore “MD” oo ah “doctor of medicine”. Waxaad arkaysaa qof Soomaaliya oo Xalane kasoo baxay ama kulliyaddii culuunta siyaasadda oo magaciisa ka hormarinaya Dr! Mid Ruushka ama Yurubtii Bari kusoo qaatay “Master” oo wata Dr isagu i qarso buu noqonayaa.

Anigu dowladdii kacaanka oo jirta baan garaadsaday waxaan shakki lahayn inay ahayd dowlad maaddaama ay halkaasi ka jirtay kala dambayn dhamays ah. Nimankaan hadda leh dowlad feer iyo faro-laab ah baan Nairobi ka dhisaynaa waxaa ku jira kuwo soo taagnaa tii Cali Mahdi, tii Caydiid, iyo tii C/Qaasimba. Shakki baa kaa gelaya inuu fahmay dowlad iyo in kale. Haddaad afka ka weydiiso qaybaha dowladda wuxuu xussayaa qaybaha ay ka koobantahay kuwa qaatay dimuqraadiyadda sida Maraykanka oo kale iyagoo leh xukuumadda, sharci-dejinta iyo garsoorka.

Waxaan shakki iiga jirin in qab-qablayaal badan khaasatan SRRC-da iyo qayb ka mid G8-ba aysan si fiican u adeegsan karin xisaabta qaybteeda isku-darka iyo kala-jarka iska daa isku-dhufasho iyo isu-qeybine maxaa yeelay shalay oo ay SRRC ku jiraan Muuse Suudi, Cismaan Caato iyo Shaatiguduud oo Bay iyo Bakool xukuma hadday dowlad dhisiwaayeen sidee ku keeneen in markii Shaatiguduud meeshii laga qaaday oo Muuse Suudi iyo Caatana ka baxeen ay dowlad u dhisi karaan?! Haddii C/Qaasim dhaho “waxaa la iga qaban waayey, qar-qarsiga ku joogaa ma ina-qoob sacleey iyo qoom kaloo ka liitoo ku qaraabanayaa”? SRRC waxaa kusoo kordhay Cumar Filish, Qanyare, Xasan Abshir iyo Deeroow. Labada dambe waa asal-madoorshaha isku-darka (0) laakiin Qanyare iyo Cumar Filish ma buuxin karaan kaalintii Muuse Suudi, Caato iyo tii Shaatiguduud oo meesha ka baxday? Waa jawaab ma doonto.

Soomaalidaa tiraahda qofkii ka baqa in dhaxalka laga qadsho wuxuu ku waashaa noo qaybiya. Waligiin marti ka edeb daran ma aragteen nimanka Zenawi xulufada la ah? Kiplagat baa ugu yeeray inuu siiyo warbixintii iyo wixii ay ka soo muteen Sacuudiga laakiin waa u gooyeen. Waxaa dhici kartay in Kiplagat uu dhinacooda u xaglin lahaa laakiin nimanku waa kuwo caqli ka arradan oo xittaa ma caddaysan karaan waxay rabaan. “Wuhuwa fil-khisaami geyru mubiin” ama meeshii Abshir Bacadle ka lahaa: duf ku baxa ileyn caamo waa dumarka caynkooda. Lagama wado dumarku cilmi ma leh laakiin meelaha buuqa, doodda iyo xarig-jiidka lagu hayo waxaa iska leh ragga.

Caqligooda waxaan ku suurayn karaa sidii iyagoo u talinaya qof cudur xun hayo oo talo ku gaaray in qofkaas dhuunta lagu dhego si uu u dhinto oo xanuunka haya uga raaxaysto, iyagoo leh waxaa la arkaa inuu iska soo noolaadee. Ama cuntadaan aad u naqaanne sidii iyadoo dad gaajo xun heysto oo ag-fadhiya dheri dabka saran oo uu raashin ka buuxo oo sugaya inuu bislaado inta SRRC soo oroday tiri naftaa gaajo nooga dhacaysaa oo dherigaan intuu bislaanayo ma sugi karnee aan iska daadino si ay gaajadu nooga ba’do markay waydo dheri karaya oo u muuqda!

Tusaalayaashii aan soo qaadan lahaynba jacaylkaa qaatay. Waxay dhaheen: aqoon-darro waa u nacab jacayl. Laakiin haddaan gashanno kabaha SRRC: aqoontu waa u nacab dowladda. Waa arrintaas waxay u diidayaan in la kordhiyo ergada. Musaveni iyo Musyoka waxay garteen heesihii dhallaanka iskuulka loogu dhigi jiray:

  • Aqoon la’aani waa iftiin la’aane

  • Waa aqal iyo ilays la’aane

  • Ogaada ogaada dugsiyada ogaada

  • U aada u aada walaalayaal u aada.

Waa niman aan garan karin meesha gogashu u taal inay Kenya tahay. Dorraad waxay lahaayeen Itoobiya hanala geeyo, shalay waxay u gooyeen guddoomiyahoodii (Kiplagat) maanta dowlad bay soo wadaan! Anigoo ka duulaya hees ay Waaberi qaadi jirtay, dadkeena shirka daneeya waxaa macallin noo ah Musaveni iyo Musyoka. Musyoka iyo Musaveni wey diideen waxa SRRC wadato oo ah inaan ergada la kordhin marka sidii Waaberi aan cabirno waxa Musyoka laga hayo:

  • · Musyokaheenii diid

  • · Wuxuuna yiri maya

  • · Ma ogoline maya ee

  • · Maxaad idina leedihiin?

  • Hadda shacabka Soomaaliyeed ma raacayaan macallinkooda Musyoka? Bal aan fiirino waxa intooda badan qabaan.

  • · Musyokaanu raacsanahay

  • · Waxaanu leenahay maya

  • · Ma ogoline maya ee

  • Marka Musaveni iyo Musyoka waxaanu leenahay waxba maan-gaab ha waraysaninee noo keena dadkii lagu dari lahaa qab-qablayaashaas. Marka hadday waxay keeneen inay sidii dadkey Xamar ku af-duubi jireen u hanjabaan Kiplagat iyo Musyoka. Waa sidii loo yiri waxaad barato waa baaskaa. Waana tii uu Qamaan Bulxan lahaa:

    • Nimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayo

    • Oo yare dalleensado intii, docosan loo yeelo

    • Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane

    • Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin,

    • Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane?

    Waxaan shakki ku jirin in war daalay uu wado Qanyare iyo Qalaad. Fiicnaan lahaydaa haddii Qanyare wax ku qaadanlahaa taladii Karanle usoo jeedisay. Sidoo kale Qalaad iyo isaguba waa ogyihiin in Caydiid oo kaligiis ah uu fariisimihii Qanyare ee Xamar iyo tan Qalaad,Hiiranba uu saacado kaga laacay. Marka ma hadduu intii Caydiid haystay iyo ka badanba ay haystaan baa wax is-bedeleen? Bal aan fiirino waxa Ismaaciil Cigaal Bullaale lahaa:

    • Ninna nama daneeyeen haddii, lay daleelsado’e

    • Deeq looma siin wiilashaan, Dayrta xoogsadaye

    • Diishaaba laga soo rogiyo, Daakhatiyo Faafan

    • Meeshaan ka daadigi jiraan , dabaqna saarrayne

    • Ma na looga daray sow raggii, duuli jirey miihin?

    • Mise doorkanaa xoog ka dhacay, duudda Habar Yoonis?

    Sheekada Qanyare iyo Qalaad ee ku socota Muuse Suudi, C/Qaasim iyo Caato waxay u dhigantaa ninkii Sayidka ku yiri:

    • Hootadaan Gal-duur iyo ka ganay harada guudkeeda

    • Waxay sii gannaataba hadday gudaha Eyl gaartay

    • Wadaadkii sidii uga gabbaday waa gol-marantaase.

    Sayidku wuxuu yiri:

    • Ninka yari waxbaan gani isagoo Gal iyo Cayn jooga

    • Oo………….. Garacad baan gudud u weydaaran

    • Godka lagu cadaabuhu muxuu go’uhu been sheegay.

    Marka hadduu Qanyare isagoo Deyniile xukuma uu leeyahay waxaan dowlad u dhisayaa xulufo haysata laga soo bilaabo Jowhar agteeda ilaa Kismaayo, dhinaca kalana Baydhabo ka shishay. Sidoo kalana Galgaduud, Mudug barkeed iyo qayb ka mid ah Hiiraan.

    Waxaa kaloo nasiib-darro haysataa qolyihii Absame haddii maanta iyadoo Kenya la joogo ay arrimahoodii Moorgan iyo Qanyare gacanta kula jiraan. Marka Waqooyina, Riyaale dadkiina Xabashi ha u loogo, Mbagathina dabo-dhilifyo Amxaaro ha idin mataleen. Ma gabayadii Cali Dhuux iyo Sayidku idiin tirinjireen baa dib usoo noqday?

    Seddex waxyaalood waxaa laga xadfey qab-qablaasha, waa diin, waddanimo iyo damiir. Marka hadday arrintu halkaas marayso aan iska dayno ha iskaga jireen riyo-maalmeedkoodee. Nin Warsame Garweyne sheegtay oo Garoowe jooga ayaa Hornafrik ku yiri: waxaan ku iri C/hi Yuusuf haddaad madaxweyne Soomaaliyeed laguu doorto, anigu ma ahi ninka aad madaxweyne u noqonaysid, ugu yaraanna waddankoo dhan baan kaaga tegin. Marka sida walaalkaas, Ilaahoow daawo hanoo gelin dhowlad ay SRRC dhistay.


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2003

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


    Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
     

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


     

     

    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD