Musaveni iyo Musyoka oo maamuusay mooryaanta
laakiin Maxamedyo waxaan Mela Zenawi ahayn maqliwaaye
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Sidii horay loo sheegay
waxaa la yiri ilmaha yari, bilaha ama sanadaha cimrigiisa ugu horreeya wuxuu
aamminsanyahay in hooyadiis cid walba ka adagtahay. Waxaa cad in mararka
qaarkood la arko ilmihii oo hooyadiis ku leh: hooyo aabbe iga celi. Laakiin
marka dambe wuxuu ogaadaa in aabbuhu guriga mas’uul ka yahay. Hadduu magaalo
joogana wuxuu indhaha kukala qaadaa dad magaaladaas xukuma oo ay waalidkiis
ka dambeeyaan. Dabadeedna in madaxweyne jiro ayuu ogaadaa. Hadhowna wuxuu
gartaa in Ilaahay Isagu koonka xukumo. Laakiin 13 jirka Xamar jooga wuxuu
BBC-da ka maqlo ma ahane ma yaqaan guddoomiye degmo, gobol iyo madaxweyne
midna. Dhallintaas labay u qaybsamaan. Min waalid ilaa Weyne (Allaah), kuwa
kalana min waalid ilaa “warlord”. Ilayn dowlad ma jirtee kuwo waalidkood baa
ku ababiyey sidii fiicnayd oo Ilaahay bay caabudaan qaarna markay dab ka
beyreen bay mooryaan noqdeen oo waxa ku weyn qab-qablahooda waana kuwa ka
mid noqonaya shuftadiisa. Shuftadaas dad baa u yaqaan “mujaahidiin” ama
daraawiish.
Akhristayaal waxaa la
sheegaa in markii la yiri waxaa la kordhinayaa ergada tegaysa Mombasa, in
SRRC iyo G8 ay af labadii yeereen iyagoo leh: Itoobiya aan shir u tagno
qolyahayaga raacsan! Qofkii leh caqli ku filan wuxuu markiiba garanayaa
hadalkaas kore ee culumadu na soo gaarsiisay ee ah in wax walba ay soo
maraan heerar. Haddaad aragto Maxamed Dheere ama Xasan Qalaad ama Qanyare oo
cabaadaya, hala yaabin una garoow. Siyaasaddoodu xaggay joogtaa? Yaa
sameeyey? Kollay Qanyare maahayn inuu saacaddan halkaas joogo oo waxaa laga
filayey meel ka korraysa laakiin waxaan arki jiray Dr Dooloow oo aqoon
yaraan ku eedeeya. Waxaan hadda is-leeyahay Dr Doolow faruhuu ka qaaday
markii Qanyare uu qayiray siyaasaddiisii hore. Ma xassuusataan farshaxankii
Amiin Caamir ee ahaa Zenawi oo naaso badan leh oo nuujinaya qab-qablayaal
badan? Marka ilmaha da’daas ku jira wax ku dhacaan hooyadood bey u cararaan.
Marka ma la yaabteen hadday dhaheen Itoobiyaan rabnaa?
Soomaalidu waxay tiraahdaa
gaal dil gartiisana sii. Muuse Suudi iyo saaxiibadiis waxay naga
badbaadiyeen shirqoolkii Itoobiya. Muuse Suudi ceeguu ku dhegay Carta iyo
coomaadigii Zenawiba. Qabiilkii Itoobiya naga qabta ayaa sharaf yeelanaya.
Kollay annagu sharaftaas ka qadnay.
Marka “Britian” laga
hadlayo “England” iyo “Scotland” waa simanyihiin laakiin marka Soomaaliya
laga hadlayo “Puntland” iyo “Highland” waan ku wareeray. Somaliland way ka
xishootay inay la baxdo gobol wata “land”. Iga raali ahaada gobolada
Somaliland ma aqaan tiradooda (waa kuwii la sameeyey dowladdii Maxamed
Siyaad ka dib). Waxaan maqlaa inuu jiro Saaxil laakiin waxaan u qaatay inaan
“land” la socon. Waxaa halkaas kaaga cad in siyaasadda Puntalnd aan la fahmi
karin oo ay fidradiiba ka tageen. Haddaad qaarkood weydiiso hogaamiyahooda
waxay ku oran “madaxweynahaa”. Habeybnkii dhowaa yaa “madaxweynaha” kula
shirayey hoteel “Intercontinental”? Madaxweynaha Maraykanka? Midowga Yurub?
Jaamacadda Carabta? Uruka Midowga Afrika? Mayee Maxamed Cumar Xabeeb,
Shaatiguduud, Moorgan, Xasan Qalaad! Maxaa loo dhahaa shimbirba
shimbirkiisuu la duulaa? Ama dheh ii sheeg saaxiibkaa aan ku sheego kaa
tahee. Shaatiguduud haddii la sheego waa inaad shaybka Puntland sheekadiisa
heyso. Bal ila fiiri casuumaddii Musaveni laga sheegay. Waa labo kooxood:
·
Maxamed Dheere
·
Maxamed Qanyare
·
Cumar Filish
·
Xuseen Caydiid
·
Shaatiguduud
·
C/hi Yuusuf
·
Muuse Suudi
·
Cismaan Caato
·
C/Qaasim
·
Barre Hiiraale
·
Maxamed Xaabsade
·
Faarax Sendiko
Haddii madaxweynayaasha
Afrika shirayaan, kan Jibuuti iyo kan Suudaan waa labo madaxweyne oo waxaa
la oran madaxweynayaasha, isku si baana loo soo dhaweyn iyadoon loo fiirin
dal weyni iyo wax kale midna. Haddii ay Kampala tagaan 12-kaas nin,
Shaatiguduud oo aan gacanta wax ku heyn iyo kornayl C/hi waa simanyihiin oo
waa hogaamiye kooxeedyo. Haddii idaacad, teleefishan ama joornaal wax ka
qoro waxaa loo arkayaa dad isu dhigma oo Soomaaliya ka socda. Daahir Riyaale
waa nin nabad-sugid soo maray oo inuu meel la istaago waa ka xishoonayaa
ilaa loo yeerto markii la helo qof Koonfur matali kara. Marka horumarka ay
Puntland gaartay waxaa ka mid ah in “madaxweynahoodii” uu “mudanayaal” kale
shir la fadhiyo! Waxaa halkaas ku baxaya sheekada reer Puntland qaarkeed ee
ah in C/hi wax yahay, dadka kalana wax kale. Marka haddii C/hi madaxweyne
yahay haddee Cumar Filishba waa madaxweyne. Maaddaama labadooduba xoog wax
ku xukumaan, ma kan dadka badan dhaca oo xooga baa fiican mise kan dad yar
dhiba?
Waxaan isha mariyey qaar ka
mid ah boggagga Soomaalida intaanan maqaalka bilaabin. Waxaa isoo jiitay
sida wax garadka Karanle ay u waaniyeen Qanyare iyagoo siiyey talooyin wax
ku ool ah hadduu wax ku qaadanayo. Fiiri bogga Deyniile. Nasiib-darro reer
Puntland wey gabeen inay hogaamiyahooda la tashaan. Ilaahay ma solonsiin
kuwa taageera, dadka intiisa kalana wey la rabaan inuu ceelkaas ku dhaco.
Horta qofkii raba inuu
siyaasad galo waa inuu qab lahaado. Muuse Suudi markuu lahaa ninoowna kabo
kaa weyn ha geshan muxuu ka waday? Horta wuxuu ka dabaakhayey hadalkii C/hi,
ee Muuse wax ma tusay C/hi? Inkastoo cawaan ay Muuse isku cidyihiin C/hi
cudud u yihiin laakiin Muuse ciidduu la galay C/hi. Haddii Muuse qabiilkiisa
keliya wax u ogolyahay ka warran ninkaan qof aan isaga ahayn wax u ogolayn?
Waa C/hiye. Xittaa qabiilkiisa wax uma ogola. Ma ogola inay soo dhinac
fariistaan Maxamed Cabdi Xaashi, Cadde Muuse, dad ka socda “Highland” iyo
kuwo ka socda Galdogob toonna.
Muuse Suudi iyo Maxamed
Dheere oo u ordayey Abgaal orodka 10,000 mitir (10 Km), inkastoo garoonka
yar ee Mbagathi ku yaal lagu war-wareegayo, Muuse wuu gartay in 10
Kiilomitir aysan ahayn wax sahlan aysanna ka yarayn “Xamar iyo Calilaayo
inta u dhaxaysa oola-laalaabay” laakiin Maxamed Dheere wuxuu u qaatay wax
sahlan oo waxaa siray garoonka lagu wareegayo oo wuxuu u qaatay inaysan dhib
lahayn.Waakaas iyadoon 5000 mitir la ordin Maxamed Dheere leh: Itoobiya na
geeya aan ku soo nasannee!
Maxaa ka maqan mooryaanta?
Haddii Musaveni iyo Musyokaba maamuuseen oo toodii loo fuliyey maxay rabaan?
Haddii Muuse iyo C/Qaasim wax loogu roonaaday oo toodii loo mariyey, yey
yihiin? Hogaamiyayaashaa 12-kaa imisaa Hawiye ah? C/hi iyo Cumar Filish isu
tuura, Shaatiguduudna wax ma haysto, Barre Hiiraale iyo Xaabsadana isku
xulufaad tihiin marka qeybta taas ka fiican oo aad rabtaan maxay tahay?
Horta Zenawi wuxuu ku
sirmay seddex-geeska Barmuuda (Muuse, C/Qaasim iyo Caato). Waxaa intaas
dheer waxay mingiskii iyo booramihii hayey ka cuudsheen C/hi Yuusuf. Bal
suurayso C/hi oo Maxamed Dheere ku leh yaan shirka laga bixin! Muxuu ka
wadaa? Waxaan filayaa inuu talo ka helay taageerayaashiisa oo goor dambe wax
fahma. Waxaa dhici karta inay ku dhaheen war Muuse iyo C/Qaasim kaa raayee
bal ka fiirso waxaad ku hadlaysid kadib markuu afka la galay Musyoka. Waxay
dhaheen mar dambe yaan diidmo ama caay lagaa maqal. Waxay u sheegeen inuu
adeegsado Maxamed Dheere iyo Xasan Qalaad ama Qanyaraba. Soow meydaan arag
isagoo leh waxaan noqon kan ugu dambeeya ee shirka ka baxa? Isagoo ah ninka
abaabulay shirarka la rabo in lagu qaadaco in wax la kordhiyo, haddana waa
isla asaga ninka ku leh Maxamed Dheere iyo Qalaadoow is-tartiibiya! Hadduu
baranayaaa sida siyaasadda loo ciyaaro.
Runtii Muuse iyo C/Qaasim
ma gilgilin Zenawi kaliyee waxay ka yaabiyeen Somaliland. Waxaad mooddaa
inay soo afjarmayso riyadii ahayd goosashada. Horta sidii la rabay haddii la
heli waayo waxaa la raadshaa sidii laga badinwaayo. Waxaan dadweynaha Hawiye
weydiinayaa, halkaas waxaa yaal waxaan ugu yeero seddex-geeskii Bermuuda (Muuse,
C/Qaasim iyo Caato) oo cashar siiyey Zenawi iyo C/hi, xagga kalana waxaa ah
sambuus (Xuseen Caydiid, Maxamed Dheere iyo Qanyare) oo nafta kusoo ceshay
Zenawi iyo C/hi. Marka kee qaadanaysaan? Mise waa labo daran mid dooro? Ma
garanayo in oraahdan English ah iyo taasi isleedahay “between the devil and
the deep blue sea” waxay adeegsadaan markii xaaladu marayso labo arrimood oo
aan labadaba la liqi karin.
Sidoo kale waxaan
dadweynaha kale ee Soomaaliyeed weydiinayaa maxay SRRC u diiday in la keeno
dad kale oo Soomaaliyeed oo aan shaqo ku lahayn qab-qablayaasha sida C/Risaaq
Xaaji Xuseen iyo Nuuradiin Faarax? Sidoo kale waxaan IGAD u sheegaynaa inaan
sheekada SRRC iyo waxa taageera la aqbali karin. Waxaan rabnaa inaan baraxno
caqli-xumadooda oo ergada lagu soo daro dad macquul ah. Hadday diidaanna
iyagaa cirka roob ku og.
Waxaad mooddaa in
dadweynaha Soomaaliyeed danaynayaan arrinta Musaveni iyo Musyoka si ka badan
sidii ay u danaynayeen markii Zenawi joogay. Marka labadaas nin waa inaysan
meeshii hore nagu celin.
Seddex-geeska Bermuuda
waxay noqdeen libaaxii Soomaaliya kadib markii dhurwaagii (Kiplagat) uu wax
qaybshay laakiin waa la ogaa dharbaaxadii ku dhacday. Ma idin latahay in
Musyoka uu ka liidan doono dawacadii? Suurtogal ma ahan. Markii ninkii qab
leh ayaa qeyb qaadan kara.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|