Muuse Suudi
Vs C/hi Yuusuf
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Labadaas “siyaasi” kee
sumcad fiican, xagga siyaasaddase kee si fiican wax usoo xushay? Jawaabta
laguma dhisayo darajo ay haystaan ama geyi ay ka taliyaan illeyn haddii reer
Bari Muuse la weydiiyo, jawaabtu waa iska caddahay sidoo kalana haddii reer
Xamar C/hi la weydiiyo, natiijadu waa muuqataa. Faallada waxaan ku dhisaynaa
dhacdooyinka (fadqalalo) ka dhacaya Soomaaliya khaastan Koonfur. Maqaalka
qaybtiisa dambe ayaan xogta isu ururinaynaa. Aan ku bilowno Muuse Suudi.
Muuse Suudi markuu Eldoret
tegeyey kama duwanayn mid ka mid 23-kii “hogaamiye” ee wax saxiixay. Faraq u
dhexeeyey ma jirin saxiixayaasha ka socda beelaha laga badanyahay iyo Muuse.
Halka Kornaylka oo sheekadiisa aan dib ka arki doono uu u dhaqmay sidii
madaxweyne oo geyi dhan hantidood iyo qolooyin heesaha ku fiican oo “ergo”
sheeganayey horay usoo qaatay. Muuse Suudi waxaad mooddaa inuu is yiri
sidaan ma dhowran karee waa inaan khamaaraa! Waxaad is leedahay wuxuu is
yiri yaad canaanta kula dhacdaa. Sida xaqiiqda ah Soomaalida oo dhan waxaa
isu keena waa Islaamka. Afarta iyo 0.5 wey ku abtirsadaan. Sidoo kale waxay
leeyihiin cadow isku mid ah, waa Zenawi. Nin kasta oo Zenawi wejiga siiya,
dadweynaha Soomaaliyeed waxay siinayaan dhegahooda. Waa taas waxa dadweynaha
Soomaaliyeed wadnaha farta ugu hayeen iyagoo is-leh goormaa “seefta” Zenawi
surka Suudi goyn? Cadowtinamadii Itoobiya waxay ku darsatay in ay
calaacalaha lasoo gasho maareyntii shirka. Mid C/Casiis la yiraahdo oo
Zenawi calooshi-u-shaqayste u ahaa ayaa yiri anaa shirka curad ka ah ee hala
i ciseeyo.
Muuse iyo labadiisa saaxiib
C/Qaasim iyo Caato waxay ciyaareen shax culus, waxay dhaheen haddaan cadowga
Soomaaliyeed oo shirka carqaladaynaya aan ceyrsanno, waxaan boosas ka
cabbiranaynaa wadnaha Soomaliweyn. Muuse Suudi wuxuu isku sii howlay sidii
uu dadka u hilmaansiinlahaa hadalkii uu BBC-da Afsoomaaliga ka sheegay.
Golaha Samata-bixinta ka hor iyo kadibba wuxuu isku howlay inay
dhinacyadiisa fadhiyaan dad ka socda qaybaha kale ee Soomaaliya, wuuna ku
guulaystay.
“Si aad qiimo u yeelatid
waa inaad qiimo isu yeeshaa”. Muuse Suudi wuxuu caalamka tusay inuusan
shisheeye dabo-ordin oo madaxbanaan yahay. Wuxuu bannaanka soo dhigay
inuusan ogolayn in wax loo yeersho. Wuxuu si toos ah u eedeeyey “Sayidka
Soomaaliyeed” waa Zenawi. Waa’ cusub ayaa ku beryey IGAD iyo bulshadii
caalamka, sida Muuse uu ula soo baxay arrimo Soomaaliya laga ilaaway sida
waddaniyad iyo cadow-eedayn. Caalamku waxay isku dayeen inay u
cago-jugleeyaan laakiin wuxuu yiri “wadnahaygu jalowdiyo ma yaqaan
jugleyntee”. IGAD qaarkeed iyo Midowga Yurub waxay dhaheen ninkaas faraha ka
qaada oo arrimaha uu sheeganayo hala fiirsho haddaan nabad Soomaaliyeed
rabno.
Waxaa kale oo sumcadda
Muuse Suudi iyo saaxiibbadiis sii kordhiyey hor-istaaggii ay diideen in la
socodsiiyo dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee Zenawi watay. Arrintaas waxay
ku raaceen culumadii, aqoon-yahannadii, waxgaradkii iyo dadweynihii
waddaniga ahaa oo dhan (rag iyo dumarba). Ka warran waddan dhan oo xeerkii
lagu dhiqi lahaa Zenawi sameeyey? Muuse iyo saaxiibbadiis waxay sheegeen in
sheeko xariirta la joojiyo oo dastuurka arrintiisa, Soomaalida faraha looga
qaado. Arrintaas waxaa qaba Soomaali oo dhan marka laga reebo dhowr nin oo
SRRC iyo G8 ka mid ah.
Tan kale oo tixgelin mudan
waa Muuse oo u dhaqmay sidii nin weyn, waa nin madaxee. Isaga iyo
saaxiibbadiis, waa siyaasiyiinta Koonfureed ee muujiyey inay dhul leeyihiin,
“ no place like home”. Markastoo khilaaf dhaco waxay dhahaan: Xamar-cadde
baan usoconnaa ee ninkii raba inuu la xisaabtamo halkaas ha iska soo
xaadiriyo. Wuxuu kaloo leeyahay anigu ummad baan matalaa ma ahi nin dad
albaab ku soo xirtay marka ergadayda halkaas ii saara.
Kornayl C/hi:
waxaad mooddaa inuu qaaday waddo ka
soo horjeeda tan Muuse Suudi. C/hi isagoo Puntland xukuma buu BBC-da u
sheegay in degmo iyo tuulooyin ka mid dhulka uu xukumo oo qaarkiis jufadiisu
degto ay argagixiso joogto (Galdogob iyo Bacaadweyn), isagoo u danleh inuu
ceebeeyo dad muslimiin ah. Qaraxyadii Maraykanka ka dib waxaad mooddaa inuu
is-tusay inuu waxa Soomaaliya isku xira ee Islaamnimada ah meel iska dhigo
oo qaab kale wax ku raadsho si uu Soomaaliya u xukumo. Waxaa dadka ka
yaabisay, markii dhulkii uu maalmo ka hor ka talin jiray uu ku sheegay inay
argagixiso joogto sida Shimbiraale. Maraykankii waxay la yaabeen hadalkiisa,
durbadiina wey ogaadeen inuusan siyaasi ahayn maxaa yeelay wuxuu eedayn
karay oo kaliya Xamar, Raaskaambooni iyo meelaha kale oo uusan xukumin.
Xittaa haddii aad khaldantid waxaad dhihi kartaa maaddaama aan meeshaas
xukumin waxaa isoo gaaray hadalkaas beenta ah.
Wuxuu caddeeyey inuusan
ahayn nin sharci u hogaansama markii uu dhamaystay seddexdii sano ee
Puntland. Odayaashii Puntland waxay ka codsadeen inuu u soo qoor dhiibto si
isaga iyo Jaamac loo dhexdhexaadiyo laakiin C/hi waa diiday. Iyadoo shirkii
Kenya loo fadhiyo ayuu garanwaayey inuusan reer tolkiis leyn ee uu arrimaha
u furdaamiyo sidii markii ugu dambaysay uu yeelay. Wuxuu ka bilaabay dagaalo
aad u qaab-daran oo uu la gelay reer tolkiis sidii kuwii Qayaadsame, Dhuudo
iyo meelo kale. Soomaalidii shirka joogtay waxay dhaheen “nin hooyadiis
qorrax u jiiday aayadiis hoos ma hariyo”. Waxay garteen inuusan istaahilin
in Soomaaliya loo dhiibo.
Kadib markuu diintii iyo
dadkiisii colaad u muujiyey ayuu arrintii sii durkiyey markuu yiri haddaan
madaxweyne noqdo waxaan kaashanayaa shisheeye (waxaa loo qaatay Itoobiya),
mana ogoli meel ay wadaado xoog ku leeyihiin. Intaas kuma harine wuxuu yiri
haddii ciidamo ajnabi ah oo Afrikaan u badan la keenayo anaa magaalo siin,
Gaalkacyo. Dadkii taageersanaa qaar ka mid ah baa arkay in uusan ninku
lahayn wax damiir ah. Waxay la yaabeen sida uu u rabo in gobolkiisii la
geeyo askar ay dhici karto inay geeyeen cuduro ka af-badan shilkaha C/hi oo
sidiisoo kale dadka torob-torob u dila. Cawaan badan oo raacsanayd ayaa
candhuufta dib u liqday oo yiri: Ilaahoow naga qabo.
Maaddama C/hi hor-boodo
dhul ka weyn kan Riyaale xukumo, ayaa waxay IGAD qaarkeed iyo Midowga Yurub
la yaabeen sida loo la’yahay cid kale oo geyigaas u doodda. Waxay is-weydiiyeen
miyaan dhulkaas Sheekh Nuur Cali Colow, C/Rashiid Cali Sharmaake, C/Risaaq
Xaaji Xuseen, Maxamed Cawaale Liibaan, Cumar Samatar iyo boqortooyooyinkay
sheegan jireen ka imaan? Waxay indhaha ku hayeen Jaamac Cali Jaamac oo inta
odayaasha Puntland doorteen haddana hoostooda laga baxay. Markey waayeen qof
soo labeeya ayey dhaheen ninku hadduu naga kaafiyey waxa Gaalkacyo loo gaaro
ilaa xadka Riyaale aan kaligiis la xaalno. Ma garanaysaan cid kale oo
Puntland ka socoto oo Eldoret wax ka saxiixday? Arrimahaas darteedba
Puntland waa la iska hilmaamay oo waxaa xoogga la saaray dadka garanaya in
wax ka maqanyihiin.
Laakiin maxaa C/hi ku
kalifay inuu kaligi-guure noqdo? “Isaga iyo Allahiise” (arrintan ma aha
shirki, Soomaalidu waxay u isticmaashaa iyagoo leh qofkaas isagaa naftiisa
naga og laakiin Ilaahay baa ka sii og) wuxuu C/hi is-tusay inuusan u
baahnayn qof Puntland ka yimid oo soo ag-fariista. Wuxuu ilooway maahmaahdii
ahayd dad iyo duurba wax baa laga fishaa. Wuxuu mar aamminsanaa, SRRC oo
udbaheeda iyo dhigaheeda wadata inay gacantiisa ku jirto. Xittaa Muuse wuu
ku jiray dadkuu saas ka aamminsanaa. Markuu Muuse isa soo taagay wuxuu yiri
“inta badan iyo baaqigaa harin”. Siyaasad-aqoon-la’aantiisa ayaa sababtay
inuu wax iska aamminsanaado. Hadduu diiday cid Puntland ka socota inay boos
la soo fariisato muxuu u diiday inay la taliyaan? Markuu yiri baddaan wax ku
darayaa wuxuu ka caraysiiyey qolyihii uu is-lahaa gacantaad ku haysaa. Ilaa
maalinkaas qaar badan oo iyagii ka mid ah ma aamminsana isaga iyo shaxdiisa.
Dorraad markuu Kenya ku soo
noqday oo wax laga weydiiyey tirada Mombasa wuxuu yiri: wasiirka arrimaha
dibadda ee Kenya, Kenyuu wasiir u yahay! Oo C/hi ma hilmaamay in Wasiirku
xukumo Kiplagat oo C/hi sii xukuma marka arrimaha Soomaaliya laga hadlayo?!
Maxaan ugu qalqaalinayey in Maxamed Cabdi Xaashi uu Kenya yimaado sidoo
kalana ergada Puntland ee Mbagathina ay C/hi iska cayriso? Maxaan u qoray
maqaal ah: C/hi ma inuu madaxtooyo dhex-dhacdiidaa mise isbitaal? Waxaan
odorosayey wuxuu soo wado.
Waxaa nasiib wanaag ah
haddii C/hi uu rabo inuu barto waddadii ay Muuse Suudi, C/Qaasim iyo Caato
mar hore soo mareen ee ahayd in la muuneeyo. Runtii ma filayo qof caqli leh
oo geyiga Puntland u dhashay ama siyaasi ah oo dhinac istaagi doona C/hi
iyagoo dalbanaya in loo kordhiyo. Dadka reer Puntland way ku faraxsanyihiin
waxa C/hi ku dhacaya iyagoo leh “boowe aa la ahayd”. C/hi waakii aan kun
dhabbo uga leexanjirine goormuu keenay inuu dhibsado ergada la kordhiyey,
afartan ha ahaadeen ama boqole?! C/hi adaa sidaas gartaye is gee Mombasa ama
dadka ka horbeyr. Ma filayo inuu jiro qof kuu raacayaa halkaas oo Puntland
ka socda. Laakiin yaa isku hallayn kara Puntland? Miyaan qaarkood samayn
bannaan-bax lagu taageerayo saxiixii khiyaanada ahaa ee Mbagathi ka dhacay
15/09/03? Waxaa dhici karta inaad maqashid qaar u mudaharaadaya in C/hi 9
xubnood la siiyo.
Maaddaama C/hi iyo
taageerayaashu horay u caayeen muslimiintii Soomaaliyeed, oo ay albaabada u
xireen ganacsi Soomaliyeed, ay u caayeen Jibouti, Carabaha, Midowga Yurub
iyo dorraad oo uu eedeeyey wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, waxa u harsan
kaliya Bush iyo Blair iyo dabcan sayidkiisii Zenawi.
Waxaan xassuusinayaa dadka
ku jira SRRC ee C/hi la fikrad ahoow inaad ka waantoowdaan arrintaas.
Miyeydaan u jeedin in warbaahinta kornaylka sida Allpuntland qoreen in
ninkii uu wargeys ka soo baxa Kenya wax ka qoray oo argagixisada lagu
tilmaayey ay u dhowdahay inuu yahay Muuse Suudi?! Marka wax kasta oo xun ma
kuwa Xamar baa leh? Maxamed Dheere iyo Cumar Filish ma liqi karaan arrintaas?
Ma qaabkaas baa la isku eedeeyaa? Hadday liqaan xittaa dadka ay xukumaan
baan yeelayn. Allpuntland markay tiri sifaha ninkaas lagu sheegay waxaa leh
Muusi Suudi, waxay noqonaysaa Abgaalka taageera Muuse Suudina waa Al-Qaacido
taageerayaal laakiin kuwa taageera Maxamed Dheere iyo Cumar Filish maxay
Allpuntland ku sheegi?
Muuse Suudi iyo
saaxibbadiis waxay iska dhigayaan inay Soomaali danaynayaan. Waxaa la
sheegaa inay shirka ku casuumeen rag ruug caddaa ku ahaa siyaasadda
Soomaaliya ee kal hore sida C/Risaaq Xaaji Xuseen. Iyo qorayaal caan ah sida
Nuuradiin Faarax oo aan siyaasad iyo kooxo shuqul ku lahayn. Waxay Muuse iyo
saaxiibbadiis isku dayeen inay isu keenaan odayaasha Waqooyi iyo kuwa
Koonfureed halka C/hi uu madaxa isu geshay reer Waqooyi iyo reer Waqooyi
Bari.
Iyadoo akhbaartaa laga
duulayo waxaan shakki ku jirin in Muuse Suudi kor u socdo halka C/hi hoos u
socdo haddiiba uu goboladdii deriska la ahaa sida “Somaliland” aysan isku
fiicnayn, Carta iyo Muue Suudi warkood daa, qolayaha ay halka isku yihiin
sida Dooxada Jubba iskuma fiicna, Carab iyo Cajamba afkuu saaray, xittaa
dadkuu martida u ahaa ka baxsan waaye. Waxaad ku dartaa in xittaa
ku-xigeenkiisii ay is-hayaan. Sida Horseednet qortay C/hi wuxuu jebiyey
dastuurkaas dhoob-dhoobkaa ka dib markuu faraha la galay gobollada
Soomaaliyeed oo uu gogtay.
Waxaan ka codsanaynaa Muuse
iyo saaxiibbadiis inaan xaggooda naloo ka imaan. Dadweynuhu way arkeen
khiyaamada lagu marsano SRRC marka waa in indhaha la furo.
IGAD iyo dadka daneeya
arrimaha Soomaaliya ma u yeelayaan codsiga C/hi? Jawaabtu waa dhib yartahay
oo waxay leeyihiin:
1. C/hi sheekada waxaa
kaaga horreeyey Muuse Suudi oo sidii sheekadii dabangaalayaasha ee ku
qornayd buugta Afsoomaaliga ee aniga iyo aniguna ahayd soconmayso. Waa
waxa af Ingiriiska lagu dhaho “copycat”.
2. Hal sano iyo
dheeraad adiga kaligaa Puntland mataleyey. Marka waxaa la raaligelinayaa
dadka ishaysta, adigu madaxweynaad tahay maxaa is-haysi kuu keenay!
3. IGAD intaas oo jeer
bay Soomaaliya martay iyagoo xaqiiqo-raadis ah mana jirto hal mar oo aad
ka hadashay inaad u baahantahay dad reer Puntland ah oo kula maareeya
arrinta.
4. C/hi xeerkii uu
Jaamac Cali Jaamac uga hor-istaagay Puntland ayaa qabtay Xasan Abshir
iyo Deeroow mana sheegan karaan TNG illeyn TNG waxaa xukuma ninkii
xarrunteedii jooga. Marka shuruudaha C/Qaasim keensado, C/hi shuqul kuma
leh.
5. Muuse Suudi waxay
sharfeen C/Risaaq Xaaji Xuseen, Jaamac Cali Jaamac iyo siyaasiyiin kale
oo ay C/hi isku halkooda afarta ka tirsanyihiin halka isagu sharfi
waayey inuu Mombasa ku casuumo ku-xigeenkiisa iyo kan u jooga jagada
guddoomiyaha baarlamaanka ee Puntland ama qof ka socda jabhadii Leelkase
iyo Awrtable.
Markii la qabtay Saddam: 14/12/2003 |
Hadday jiraan madax aan
C/hi ahayn oo xukunka Puntland ku soo raaxaysatay waa la arki doonaa iyagoo
u doodaya arrintaas laakiin waxaan leeyahay sida Carabtu u tiraahdo “walli
xaarrahaa man tawalaa qaarrahaa” oo ah udhiib wilaayada markay arrintu
kululaato qof berisamaadkii aad u dhiibatay. Marka bal aan fiirino
siyaasiyiinta reer Puntland oo C/hi horay usoo wanaajiyey oo u timaadda
badbaadadiisa iyo inay IGAD kala hadlaan.
Qabqablihii is-kibriyoow
bal arag waxa haysta Saddaam Xuseen. In sida bisaddii uu shabaq ku jiro.
Waana abaalmarinta u dambaysa qofkii diintiisa iyo dadkiisu ka baxsanwaayo.
Maxaa ku ogeysiiyey ciidamada Ilaahay? Ma aragtaan iyadoon Ilaahay malaa’ig
iyo dad wanaagsan midna uusan howlgelin inuu mujrimiin kale howlgalin karo?
F.G. haddii qab-qable B ka
siyaasad fiicanyahay qab-qable T yaan loo qaadan in qab-qable B uusan
qab-qable ahayn oo shariif noqday.
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|