Maxay ku salaysantahay siyaasadda Soomaalidu
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
“Waa su’aal da’ weyne dalka yaa iska leh?”
Ani ahaan wax jawaab ah uma hayo labadaas su’aalood laakiin su’aal kale
ayaan soo tuurayaa. Somaliland & Puntland yaa iska leh?
Mar aan dhiganayey kulliyadda waxbarasha
Lafoole ayaan waxaan diiday inaan gaardigii Oktoobarta ka qayb qaato
sanadihii 1988 iyo 1989. Ma garanayn waxaan Oktoobarta ugu gaardiyo.
Jaamacadda waxa la iga cayrshay mid bil bil. Macallimiinta waxaa loo soo
dhiibi jiray liis ay ku qorantahay dadka jaamacadda laga ceyrshay. Waxaan
samayn jiray, waxaan iska soo fariisanjiray fasalka dabadeedna haddii
magacayga la yeersho waan iska aamusi jiray sidii anoo maqan. Maalintii
dambe waxaan soo fariistay xiisad uu bixinayey ninkii waaxda Biolojiga
haystay oo ay Riyaale isku heyb ahaayeen. Maaddaama isagu waaxda haysto,
ardadoo dhan waa yaqaaney. Markuu meel dhexe marayo buu arkay anoo fasalka
dhex fadhiya. Markaasuu yiri soow jaamacadda lagaama ceyrin maxaad u dhex
fadhidaa? Wuxuu yiri ka bax fasalka? Aniguna markii hore waan diiday inaan
baxo. Markaan arkay inuu iska sii watay xiisaddiisii ayaan iska soo baxay.
Macilinkaas waxaa la ornajiray Axmed Ibraahim, geeridiis ma maqal. Isagu
hadda waa “Somalilander”, aniguna faqash baan ahay ama Walaweyn! Riyaale ma
samayn karay waxaan sameeyey? Beenloow baa, qof dhintay iyo mid meel dheer
jooga markhaati gashada. Ardadii reer Waqooyiga ahayd ee maalintaas fadhiday
waxaa laga heli karaa London, Yurubta kale iyo Waqooyiga Ameerikaba.
Macallin kale oo reer Waqooyi ah oo Xuseen
la oranjiray oon jeclahay inuu dhigayey maaddo waxbarashadda ka mid ah oo
afka qalaad lagu dhaho “measurement and evaluation” ayuu wuxuu fasalka ka
ceshay arday soo daahay. Cabbaar ka dib waxuu u ogalaaday arday kale oo aan
saaxiib ahayn oo ka soo jeeday qolo degta Sanaag Bari oo heystay xafiiska,
ardada cuntada loo dhigi jiray. Macalinkii waxaan ku iri maxaad ninkaas u
ceyrisay, kanna ugu ogolaatay? Macalinkii inta xiisaddii istaajiyey buu
qaylo bilaabay isagoo leh: ninkaan howl muhiim ah buu idiin hayaa, cuntadii
ardada buu gacanta ku hayaa iyo wax la mid ah laakiin anigu waxaan ogaa in
ninka booskaas oo kale jooga, ay macalimiinta qaarkood u baahnaayeen
maaddaama ay Soomaaliya ka jirtay nolol qalafsan iyo wax is-dhaaf-dhaafin.
Hadda waxaad arkaysaa dhalinyaro waxbarasho
u joogto waddamo aan Soomaaliya ahayn oo u doodaya Somaliland. Waxay rabaan
ani iyo macallimiintaydii inay qoqob kala dhexdhigaan! Bal ka warran hadday
dhahaan Cabdi Timir Cali iyo walaweyntayadu isku waddan ma nihin? Waligey ma
arag macalin ka geesisan oo ka caddaalad badan Cabdi Timir. Inkastoo Lafoole
ay joogeen rag ka mid ah kuwa Soomaaliya ugu akhyaarsan sida Shariif C/Nuur
iyo Maxamed Nuur Qawi (Maxamed Soomaali maahan), Ilaahay ha xafidee.
Culumadan caddaaladooda la yaab ma leh oo waa rag diinta ruug-caddaa ku ah
laakiin Cabdi Timir wuxuu watay tiisii fidrada ahayd. Kuma darsan jirin
kulliyadda shaqaalaha jooga oo ay guulwadayaal ka buuxeen, ardadana wuu u
caddaalad fali jiray. Waxaa Soomaaliya ka jiray qabiilkaan hadda na haysta.
Arday kasta wuxuu isku deyi jiray in macallinka ay isku heybta yihiin ka
helo buundho sarraysa laakiin Cabdi Timir (Allaha xafidee) wuxuu fasalka
dhexdiisa ka yiri qofoowna qof ha iisoo dirin. Wuxuu ka waday waxaa jiray
dad la soo xiriiray oo rabay inay ardada kala hadlaan.
Xagga hal-abuurayaasha, yaan u haysanaa
dadkaan, sida ilmo Gahayr, Barkhad Cas, Gaariye, Cabdi Qays, Hadraawi iyo
kuwa kale. Intoodii dhimatay Allaha u naxariisto. Sida ku cad maanso uu
Gaariye tiriyey oo walaal Soomaaliyeed, dhowaan soo geshay shabakadaha
Soomaaliyeed, Gaariye adduunkoo dhan wuxuu u arkaa qol yar mana filayo inuu
rabo in Soomaaliya lakala gooyo. Bal aan fiirino maansooyinkii Gaariye
tiriyey:
Soomali waa duud
Dekan qabe ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura.
Cabdi Qays waa kii u arkayey in Jabuuti
Soomaali laga xaday. Sida la sheego mar loo xiray Jibuuti oo uu tagayna, waa
kii Maxamed Mooge u dhiibay heestii ahayd maxaa la igu soo xiray? Heestii
waxaa ka mid ahayd:
- ogoon xoolo kama dhicin
- xarga-goysna maan noqon
- eexana rag kama gelin
- Jibuutidaan u xaydnaa
- ee Soomaali laga xaday
- haddii aan xaggaa tegay
- ma shidaynin xeerkee
- maxaa la igu soo xiray?
Hadraawi Boorame iyo Baladweyne waa isugu
mid. Xassuuso Beledweyn Allahayoow ka dhig guri barwaaqo. Gabdhaha Wanlaweyn
iyo kuwa Wajaale jooga waa isku mid oo midduu ka helo ayuu ka heesaa.
Waxaan aamminsanahay in reer Waqooyiga
badankoodu yihiin Soomaali dhab ah, waxaana u daliil ah, meeye dadkii
Soomaaliya caanka ka ahaa xagga waxbarashada iyo fanka? Wali ma maqasheen
iyagoo sida Riyaale iyo Ismaaciil u hadlaya? Marka yaan dan laga gelin
wiilashaan la rabay inay waxbartaan laakiin hadda aad mooddo inay leeyihiin
“Ilaahii Walaweyn webiga ku furoow, Tog-Wajaalana weerar soo geli”. Waa
wiilasha raba in dadkaas Soomaaliyeed, birta iska aslaan, oo dadka Waqooyiga
iyo kuwa Waqooyi Bari ku nool foodda is-daraan oo Laascaano, Caynabo iyo
Burco noqdaan furin dagaal amaba Xamar oo kale. Bal fiiri gabayadii Qamaan
Bulxan iyo Ismaaciil Cigaal Bullaale. Qamaan gabaygiisii waxaa ku jirtay:
- kuwaan derisnay dooxeer haddaan, sebenka
daadduunsho,
- waxa adiga duug kaaga noqon, bayga degi
waayay!
- gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo,
xidid dariiqaynta
- kuwaan dahannay diricay dhaleen, waa
dareemada’e
- muslinka haygu didin yaan Iblays, dowyo
kaa ridine!
Miyaan hadda la sheegin in Sararaweyne,
niman kasoo jeeda Buuhoodle aysan Amxaarada ka celin nin ay reer abti u
yihiin oo reer “Somalilander” ah? Sidoo kale waa tii uu Ismaaciil Cigaal
Bullaale lahaa:
- ma dugaagga cunayaad tihiyo, haadka daba
jooga?
- mise derisnimaa kaaga dhiman, hadalkan
deelqaafka?
- adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay, dab
iyo baaruude
- dacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo
diirkeede
- mugga haatan dirir uumiyuhu, waa is
dilayaaye.
Yaa garanaya waxa Diridhaba ka helayo
haddii Isaaq iyo Harti foodda is daro, oo la isku gal-gasho? Horta Diridhaba
(magaalada) Zenawi baa xukumee, adiga yaa ku xukuma?
Usoo noqo dhinaca “Puntland”. Waxaan
maqlaynay sanad-guuradii cayrinta Riyaale ee Laascaano! Ilaahay baan idin ku
dhaarshee war noocaas ah yaa maqlay? Nin inta magaaladiinii idin ku soo
martiyey oo aan khasab ku qabsan, inta gaaddeen oo aad magaaladiinii ceeb u
soo jiiddeen haddana aad leedihiin waxaan xussaynaa sanad-guuradii
ceyrintaas. Ma dadkii hadalka yaqaanay baa idin ka dhamaaday? Waxaa idin ku
filnayd inaad tiraahdaan Riyaaloow annagu Somaliland ma rabno oo Soomaali
weyn baan diyaar u nahay laakiin inaad dadkii magaaladiinii yimid gaaddaan
waa sharaf xumo. Mise sidii Soobe Allaha u naxariistee ku yiri reer Baydhabo
baad ka baqdeen inuu Riyaale hadalka idin ku khiyaamo. Soobe wuxuu yiri:
haddaydaan i rabin warqadda codaynta waxaad ku dhigtaan isku-tilaab isagoo
afka kaleh: Soobe ma fadaaw mana fadoow! Yaa ka mas’uul ah shicibkii ku
dhintay dagaalkaas? Miyeydaan arag Xuseen Caydiid iyo Caato oo Garoowe jooga?
Yaa ku weeraray meeshay joogeen? Ogaada Riyaale waxba uma dhimin Laascaano.
Ninka khiyaamadaas soo falkiyey waan ognahay laakiin ma ahayn in dadkiinu
dhegaysto. Waxaa kaaga daran lama hayo cid waxaas ka hadashay. Anigu Rayaale
cayrintiisa dan kama lihi laakiin waxa lagu tuntay martinimadii iyo magantii.
Yaa la yaabaya in Ina Cigaal iyo Riyaale sidaasoo kale faleen?
Ari boowe Bari aa badatay! Kornayl C/hi
waxaad mooddaa inuu falay sheekadii buugta Afsoomaaliga ku qornaan jirtay ee
la oran jiray: isma gabo fariid. Waa qisadii ninkii ku soo hoyday islaan,
adduun oo dhan gurigeeda ka buuxo laakiin ninkii martida ahaa ku tiri wax
gowska la gesho ma hayo. Dabadeedna ninkii inta dhagax isha ku dhuftay
islaantii ku yiri dab ii shid dhagaxaan baan soor/shuuro ka dhigayaaye.
Sheekada waxaan ku soo qoray qaar maqaalayda ka mid marka kuma noqonayo
laakiin ninkii martida ahaa wuxuu islaantii ka farsamaysatay inay soo bixiso
soortii jariirta ahayd, budadii, subagii cod-codka ahaa iyo caanihiiba,
walina islaantu waxay u qabtay in cuntadaas dhagaxa laga keenay. Hadda wuxuu
sameeyey Cayn, Highland, Karkaar. Dhulkaan aad magacyada siiseen ma cid aan
isaga ahayn baa xukuntay? Haddii kornaylka inta Ceerigaabo, Caynabo, ama
Burco uu tago oo Puntland soo hoos gelayo waxaan u aqoonsanaynaa inuu yahay
nin wax samayn kara laakiin hadduu yiraahdo Jariiban, Galdogob iyo Gaalkacyo
qayb ka mid ah oo uu xukumay, baan magac u bixin micno samayn mayso. Waa
sida uu Sool, Sanaag Bari, iyo Waqooyi Bari ugu baxshay Puntland. Marka
“dherigii aan dalooshimo lahayn buu dubkii hariye”. Marka gobolka Bari buu
ahaan, idinku waxaad rabtaan ugu yeeree.
Waxaad hadda mooddaa in kornaylku uu u soo
jeestay arrimaha Xamar. Waa isaga laga sheegayo inuusan ka soo horjeedin in
Xamar la geeyo dowladda la dhisayo. Sidoo kale waxaad mooddaa inuu carabka
ku dhuftay rag uu rabo inay ka mid noqdaan golaha xukuumaddiisa sida isagoo
yiri Xuseen Caydiid Xamar xoog buu ku leeyahay wuxuuna gacanta ku hayaa dhul
muhiim ah sida madaxtooyadii. Wuxuu kaloo xusay Maxamed Dheere, Cumar Filish,
Saciid Bul-bul, Qanyare iyo Qaybdiid. Waagii C/hi lahaa waxbaan badda ku
darin, qab-qablayaasha intooda badan wey xanaaqeen oo waxay dhaheen
“dooradii minankeena qoddaa, dagaalkeenaays rabtaa”. C/hi marna ma aaminsana:
mukulaal minankeedii joogta miciyo libaax bay leedahay oo wuxuu u daayey
qab-qablayaasha Xamar oo markay Xamar joogaan dadka dhiigooda jaqa markay
Mbagathi joogaana dooli/jiir ah laakiin isagu wuxuu isu arkaa libaax meel
kasta oo uu tago. Waan ogayn Eldoret wuxuu ka ahaa. Mbagathina waa tuu lahaa
baddaan wax ku darayaa. Hadduu Uganda uu joogana wuxuu leeyahay Xamar waxaa
ii jooga kurayo (wiilal) fir-fircoon, waa kuwaas uu xussay. “good boys”.
Laakiin labadii nin ee qabka weynaa sida Muuse Suudi iyo Caato ma xussin. Si
kastaba ha ahaatee kornaylku soo labo kaclee.
Dad badan baa u arka inaan qab-qablayaasha
Xamar taageero! Waxaysan fahmin in Xamar noqontay qabri. Soomaalidu waxay
tiraahdaa qabri wax ku dar maahee wax ka qaad ma leh.
Waxaan xassuustaa naadigii kubbadda cagta
ee Jeenyo oo sanadkii 1983 gaabis noqday horyaalkii kubbadda cagta. Dhowr
jeer oo isku xigta baa laga badshay. Maalintii dambe baa wariyihii Kolombo
wuxuu maqaalkiisii barnaamijka ciyaaraha kusoo qaatay: Jeenyo maa loo
duceeyo. Marka hadda waxaan leeyahay Xamar haloo duceeyo. Haddii dhib jirto,
Xamar bay haysataa, dadka joogana indhahooda wax saare. Sababta aan inta
badan Puntland iyo Somaliland uga hadlaa waa: war sida Xamar ha noqonina ee
iska qabta bahallada inta goori goor tahay. Reer Waqooyigu waxay ku
dacaayadeen jireen Maxamed Ibraahim Cigaal (meyd canaante) kadib markii uu
Maxamed Siyaad si xun uga caayey BBC-da. Kuwo Sayid Maxamed iyo wadaado
heysana aragnay. Anigu laftaydu soow meyd-canaante noqon maayo? Laakiin
anigu waxaan ku baxsaday “Al-axyaa’u minhum wal amwaat” waan ka hadlaa.
Xaggeen ka bartay kalmadahaas? Nin naxwaha Carabiga ku dheereeya baa maalin
wiil dhalinyaro ah waydiiyey halka uu ku maqnaa? Wiilkii wuxuu ka baqay inuu
naxwaha saxi waayo markaasuu yiri “shaqalatnaa amwaalunaa wa ahluunaa” waa
aayad Qur’aan ah qayb ka mid ah oo laguma qabsan karo. Qolooyin baa jira
Carabiga neceb laakiin anigu Carabiga iyo Soomaaligaba waan jeclahay
inkastoonana Carabiga ku fiicnayn.
Arrinta Xamar darteed waataan u-hadle u
noqday ururkii xallinta mashaakilka Soomaaliyeed oo raba inay isu keenaan
toddobo qab-qable oo Xamar iyo nawaaxigeeda ka howl gala. Waxaana hortaagan
shirarka Mbagathi. Marka wali waxaan sugeynaa in aan war ka maqalno
qab-qablayaashaas. Aan kusoo cesho magacyadooda.
1. Cumar Filish
2. Qanyare
3. Caato
4. C/Qaasim
5. Maxamed Dheere
6. Muuse Suudi
7. Xuseen Caydiid.
Arrintii ururkaasi soo jeediyey ayaa ka
fiican midda uu rabo kornaylka Puntland. Ururkayagu wuxuu u arkaa
qab-qablayaashan sidii madaxii u sarreeyey oo midna mid ma hoos imaanayo ee
waa simanyihiin inta howsha Xamar socoto. Marka Insha Allaah arrintaas waa
la gelin.
Mahadsanid.
Asalaamu calaykum
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|