Mudaharaad aad u balaadhan oo lagu taagerayo
Hawlgalada Puntland oo saaka dhacay Magaalada Laascaanood.
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Laascaanood, Soomaaliya
Mudaharaad aad u balaadhan oo lagu taageerayo
Hawlgalka ay ka wadaan Ciidamada Booliska ee Puntland Magalaada Lascaanood ayaa
saaka ka dhacay magaalada Laascaanood, Mudaharaadkan oo ay dadku isagu soo
baxeen iyada oo aanay cidina soo abaabulin, ayaa waxa markii danbe ku soo
biiray oo kala qayb qaatay taliyaha Ciidanka boliska Puntland G/Sare C/risaaq
Afguduud iyo Guddoomiyaha degmada Maxmed Taleexi, waxayna socod ku mareen
badhtamah magaalada.
Mudaharaadkan ayaa waxa uu ka danbeeyey kadib
markii uu shalay BBCda ka hadlay, wasiiru-dawlaha amaanka ee Puntland Seefta
Banaanka , oo ay dadweynaha deegaanku aad u dhaliileen sidii uu u waramay, waxa
kale oo iyadana ay dadweynuhu ka ka kaceen ka din markii iyadana magaalada la
soo galiyey warar aan xaqiiqo ahayn oo sheegaya in ay ciidamo ka soo jeedaan
dhinac Somaliland , kuna soo jeedaan Magaalada.
Afguduud oo markii danbe dadweynaha kula
hadlay fagaaraha guriga madaxtooyada ee degmada ayaa dadweynihii halkaa isugu
soo baxay u sheegay in ay jiraan kuwo cadow ah oo doonaya in aanu maamulku ka
dhaqaaqin gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in
aanay marnnaba u dulqaadan doonin in ay kuwaasi hakiyaan hawlgalada la doonayo
in wadanka lagu hagaajiyo, wuxuuna intaasi ku daray in dalka la difaaci doono.
Dhinaca kale waxaa xalay magaaada soo galay
goordanbe Wasiirka Horu marinta Reer miyiga Maamulka iskii isu magacaabay ee
Somaliland Fu'aad Aadan Cadde, oo ku soo galay wadahadal dhexmaray Garaad
Saleebaan iyo Maamulka Puntland, ka dib markii uu balan qaaday in uu xilkii uu
u hayey Somaliland Kaga yimi Caynaba oo uu hadda shicib yahay, hasa yeeshee
warar ay shabakada Internet ah ay ka heshay ilo Xog-ogaal ah ayaa waxa ay
sheegayaan in uu Fu'aad halkan u yimi in uu dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka bilaabo,
si ay marlabaad cagaha u soo dhigaan gobolka.
Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in
uu ku soo dhiiraday, haddalkii uu shalay ka sheegay seefta banaanku warbaahinta.
Waxa iyana ay maanta ciidamada Boolisku dib
uga saareen Xaruntii qaybta Booliska dhalinyaro taageersan Somaliland oo ka dib
markii ay Galeen, waxaana lagu guulaystay in iyada oo aanu dhiig ku daadan dib
looga saaro, waxaana arrintaasi ka shaqeeyey odayaasha deegaanka.
Assad Cadaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya
asadlaska@hotmail.com
assadlaska@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
QORAALADII HORE EE ASAD CADAANI
Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan
yihiin Asad
sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|