Diin iyo dacawo, dhega dheer, caws iyo biyo ku nool, iyo sheeko
caruureedkii halaasin jiray dhalaanka yar-yar kuna bari jireen
dhaqankeena kaasoo kaalin weyn ka geli jiray xejinta dhaqanka iyo isku
xidhka inta guri usoo wada hoyata. heesihii gaagaabnaa, maqaleey warlaay,
shimbirayahow heesa, alla dheeriyaayeey iyo qaar kalo badan oo caruurtu
ku hadaaqi jirtay, way galbadeen. sababta ugu weynina waxa weeye
macalimiintii oo is bedeshay, macalinkii hore oo ahaa AABAHA ama HOOYADA
ama Walidiinta iyo dadka waaweyn ee xigtada u ah caruurta ee haasawin
jiray oo aan iminka ku lahayn meel iyo maqaam toona dhalinta maanta
joogta. Waxa halkoodii calfaday oo si cad u ga bara bixiyey dudada
guriga bahalaha fadhiya oo dhalaankana aad u af yaqaan kuwaasoo ah
Video, Radio dhagaha la sudho, Mobile cidkalle lagula xidhiidho, iyo
internet oo caalam Kale u fara geliyay.
Markii technology-gani horumarayeen cid waliba naruuro iyo farxad bay
kusoo dhaweysay horumarka maanta aduunku gaadhay waxa ay noqotay in lagu
tilmaamo inuu yahay tuulo, waxa uusoo koobay caalamkii, waxa uu
fududeeyay iska war hayntii, waxa uu wax ka qabtay kobcinta caafimaadka
waxa uu sahlay gudbinta war ama wacdi, isku soo wada duuboo waxa uu ku
leeyahay mug weyn koradhka horumarka aduunka. Hada aynu yara qulubaa
gedino oo eegno wejigiisa kale ee uu leeyahay. Waxa markaba ku hor
imanaysa in uu yahay mindi laba af leh, kaasoo sahlay in dhalaankii
xadhka goostay halkii uu waalidka ka qaadan jiray casharada ah dhaqanka
edebta, wanaaga iyo xumaantuba sifayntooda ay noqotay in uu ka qaato
technology-gan oo uu isagu xukumo taasoo uu ka door bido macalinkii hore
waa walidiintee. Waxa technology-gani sababay in caruur iyo ciroolaba
lugu haftay barnaamijyada kala duwan ee laga soo daayo idaacadaha oo
dhaqan xumo aad u balaadhan ku lamaan tahay, mabay xumaateen haday
yihiin barnaamijyadani kuwo aynu xakamayn karno ee waa bello aad ula
saaxiibta dhalaanka, ayna kaa jecel yihiin. Hadaba ta is weydiinta lahi
waxay tahay hadmaynu u heli awood aynu ku samaysano barnaamijyo ubadku
xiiseeyaan oo ku qotoma dhaqankeena iyo diinteena suuban, mise isaga
jeedinta aynu ku jeedinayno aafadan ayaynu ku nahay mabsuud.
Hadmaa kuugu danbaysay wiil ama ubad aad dhashay oo kaa waraysta
dhaqanka soomaalida, ma xasuusan kartaa ubadkaaga oo xiiseeya
sheekadaada waa hadii aad ku nooshahay dalalkan galbeedkee mise waxa ay
kaa door bidaan filimada kartoonka ah, Musikada, Kubadah IWM. Ma ku
faanaan dhaqankooda mise waa ka faanaan, ma xiiseeyaan ku hadalka
afsoomaaliga mise todhotodho-da dalalka ay joogaan bay doorbidaan. Bal
da' yarta soo koraysa weydii erayadan inta uu ka garto, kadibna niyada
gali facani ka ay dhalaan inta ay ka garan karaan.
Xarafkan S-da aan u doortay.
- Sibraar
Surmocaad
- Sooftaran haboow
- Saryan
- Sardho
- Salsal
-
Sagal
- Surmo seegto
- Saami
- Sakati
Gebogabadiina ma quman tahay in lala tacaalo sidii loo badbaadin lahaa
ubadkan laysuguna dayi lahaa sidii loogu soo dabaali lahaa dhaqankii iyo
diintii suubanayd ee aynu u lahayn asal iyo sinji, mise waxa yanu sugnaa
inta aynu si aan soo noqosho lahayn ugu milmayno bulshooyinkan kale
dhaqamadooda. Ma haboon tahay in waqtiyada farxadaha, sida labada
ciidood, malmaha xoriyada amaba fasaxyada dalalkan lagu dhaqan yahay in
la kireeyo goobo lagu maweeliyo lagu wacyi geliyo laguna dhiirigaliyo
facyartan. Si xigmadaysan maanka haloo geliyo lama kari waayin ileyn waa
ta lagu qabsado xafladaha qoob ka ciyaarka, aroosyada futayska ah iyo
waliba kulanada guno doonka ah. Maxaa loogu waayay kulan kaliya oo ka
madhan siyaasad, dhac-dhac ku doon ama qoob ka ciyaar, kaasoo loo bixiyo
BADBAADO lana sameeyo laba amaba hal mar sanadkii,
Weedhahan yarna baal aan kusoo gunaanado
Duddada bahalaa fadhiya
Dardaaran adag bay qabaan
Duruuso loo igmaday
Duduuc iyo darxumaay fidshaan
Garaadka dabar bay sudhaan
Dareenka wacan bay dhibaan
Da'yarta soo if baxay
Duruufo adag bay bideen
Daacuun iyo darxumay bideen
Dafshaanimo sillan bay bideen
Allow da,yarta noo astee
Oo deggan noogu beer
SAALAX L.
SALAXLLY@aol.com