SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

YOOLKA KAMA DAMBAYSTA AH ILAA (UK), (Last Destination Uk).

Hassan Salahudin
hassanabdillahi@hotmail.com
December 9, 2003

Qofkii aan hoos ugu sii gonda daadagin dulucda qormadaydan waxa hubaal ah in aanu si dhib yar u fahmayn macnaha ka dambeeya ciwaanka aan kor ku xusay oo ah yoolka kama dambaysta(Uk), oo inkasta oo aanan jeclayn adeegsiga afka faranjiga hadana ay ka fursan wayday inaan af ingiriisina ku sheego(Last Destination(Uk), si uu akhristaha ugu fududaado fahamka ujeedada maqaalku, waa qormo ku saabsan arimaha bulshada(Community Issue) oo aanan kaligay dareensanayn ee ay ila dareensanyihiin boqolaalka kun ee soomalida ah ee degan wadankan boqortooyada ingiriisku.

Sida laga yaabo inuu qof kasta oo soomali ahi ka warqabo ugu yaraa 15-kii sanadood ee la soo dhaafay waa wixii ka dambeeyey burburkii dawladii milatariga ahayd ee Soomaliyee waxa dunida oo dhan qarqiyey quxuunti soomali ah oo si xad dhaaf ah ugu soo qulqulay dibadaha ha u badnaadeen wadamada galbeedka e, iyagoo bidaya inay ka heli doonaan nolol u dhaanta dhulkoodii oo ay uga soo yaaceen colaado si xun u ragaadiyey. quxuuntigaas soomaaliyeed qaybo badan oo xoog lihi waxay soo galeen yurubta galbeed oo ay ka mid yihiin wadamada la isku yidhaa iskandaneefiyaanka iyo boqortooyada ingiriiska, waxaan iyaguna dab yar shidayn waqooyiga america oo jaaliyado soomaaliyeed oo xoogan ayaa degay canada iyo maraykan.

Wadankan isu taga boqortooyada ingiriisku wuxuu ka mid yahay wadamadii ay ugu soo horeeyeen quxuuntiga soomalidu ilaa intii ay ka bilaabmeen colaadaha hubaysani geeska africa badhtamihii sideetanaadkii, muhaajiriintaa soomalida ah dawlada ingiriisku waxay ilaa waagaa ilaa wakhtigan xaadirka ah ula dhaqantay si gobonimo leh oo inta qofka is dhiiba uu soo baadho kayskiisa xafiiska home-office-ku ayaa inta badan la siyaa sharci uu si rasmi ah ugu dagi karo wadankan, hadaba sadexdii sano ee ugu dambeeyey waxa wadankan ingiriiska si xoog leh ugu soo guuray jaaliyadihii soomalida ee deganaa meelo farabadan oo ka mid ah yurubta galbeed, tusaale ahaan jaaliyadii soomaaliyeed ee deganayd wadanka Netherlands 100/80 (boqolkiiba sideetan) waxay u soo guuren boqortooyada ingiriiska, finland, denmark, sweden iyo norway-na somali tiro badan baa uga soo digo rogatay wadankan ingiriiska, dhalinyar iyo qoysas farabadan oo soomali ah oo aan la kulmayna waxaabay ii sheegeen inay ka yimaadeen Canada iyo Maraykan.

Marka laga tago soomaalida tirada badan ee isku soo urursanaysa wadankan uk, waxa jira quxuunti boqolaal kun kor u dhaafay oo bil walba ingiriiska uga yimaada wadamada Afghanstan, Iraq, iyo goobo kale oo ay dhulkoodii aafeeyeen colaado sokeeye, muhaajiriintasi waxa ay yoolkooda kama dambaysta ah ka dhigteen UK, waxaanay soo jibaaxaan soona dhaafaan dhamaan wadamada yurubta galbeed oo dhan,intooda badanina waxay ka soo hoos dusaan Kanaalka Faransiiska, aan dib ugu soo noqdo arinta soomalida e, qulqulka quxuuntigan soomalida ah ee sida xad dhaafka ah ugu soo socda england nolol cusubna ka bilaabaya wadankan waa uu ka duwan yahay gabi ahaanba muhaajiriintaa aan kor ku soo sheegnay oo iyagu waxa ay ka soo yaacaan deegaano ay saameeyeen colaado,abaaro iyo masiibooyin intooda badani ah dad samee, waxaanay ku andacoodaan in hadii ay dib ugu noqdaan dhulkoodii lafahoodu halis ku jiraan,hadaba soomaalida yurubta galbeed uga soo diga rogatay britain iyagu maxay tabanayaan, maxaase sababay inay nolol cusub ka bilaabaan engalnd? si aan jawaabta su'aashaa u helo waxaan waraystay qoysas soomaali ah oo degan gobolada dhexe ee ingiriiska waxaanan nuxurka waraysigooda ku soo koobay dhawr arimood.

1- Waa ta koobaade soomaalida faraha badan ee dib u soo degaya ingirisku waxay so xisheen xaga diinta oo sida ay ii sheegeen farqi wayn ayaa u dhaxeeya uk iyo wadamada ay hore quxuuntiga ugu ahaayeen, 3 ilaa 4 milyan inta u dhaxaysa oo muslimiin ah ayaa degan wadankan ingiriiska, masaajida iyo goobaha cibaadaysigu aadbay u badan yihiin,waxaa intaas dheer malcaamadaha quraanka lagu barto oo magaala kasta oo ay soomali degantahay ingiriiska laga heli karo halka ay wadamada yurubta galbeed ay aad u xadidnaayeen.

2- Waxa kale oo ay waalidiinta somaaliyeed ee dib u soo degaya england ii sheegeen in ay u soo xisheen oo kale xaga tacliinta, oo xaga waxbarashada ingiriisku waa madaxaa furan, tacliin bilaash u ah dadka sharciyada quxuuntiga ah leh ayey leedahay ahna nin iyo kartidii iyo meesha uu is gaadhsiiyo halka wadamo yurubta kale ah ay jirto cadaadis dadban(Indirect racism) oo ku saabsan waxbarashada sare ee heerarka jaamacadaha oo aan inta badan loo ogolaanin ardayda soomaalida ah.

Guntii iyo gebo gebadii qormadan kooban waxaan xasuusinayaa akhristayaasha barakaysan ee Somalitalk in soomaalidu sideedaba ay tahay reer guuraa, qaran jabka soomaalida ku dhacay dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafayna uu dhaxal siiyey in ay caan ka noqdaan madaarada caalamka oo dhan, u malayn maayo inay jirto meel uu qofku kaga haybad badan yahay dhulkiisa hooyo, maanta waxay ka qaraxday uk oo jaaliyado farabadan oo soomaali ahi iskugu yimaadaan, ma laga yaabaa bari inay meel kale ka qaraxdo? oo hadana la arko boqolaal kun oo soomali ah oo gaadiidka cirka iyo dhulka lagu daad guraynayo si ay dib ugu dagaan dhul cusub? Aniga aragtidayda ma fogaysanayo.

Hassan Salahudin
Global Media Group
Uk.
hassanabdillahi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003

QORAALADII HORE EE SALAHUDIN

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD