Baaq
Kasoo baxay Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Finland
Labada shacab ee Waqooyi Galbeed
Somalia iyo Shacabka Reer Ogadenya, waa laba shacab oo walaala ah,
kana dhaxayso xidhidh dheer dheer oo, bulsho, Dhaqaale, Dhalasho, Diin
iyo Darisnimo, intaba. Labada shacab oo ah wiil iyo abtigii, mudo
dheerna ay kadhaxeeyeen xidhiidhada aan kor kusoo sheegnay, waxaa si
joogta ah u carqaladeeyay, marba marka kadambaysana sii xumaynayay
Maamuladii isdaba jooga ahaa ee kajiray waqooyi galbeed sida kii
Ibraahin Cigaal iyo kan Riyaale Kaahin ee hada jira.
1. wuxuu maamulkii Cigaal 31 dii July
1996 kuxidheen Magaalada Hargaysa sadex nin oo dhalatay Ogadenya,oo
booqasho ugu tagay eheladoodii oo joogta Hargaysa, waxaana ragaas qab
qabtay Ciidamadii Ibraahin Cigaal, waxayna 20kii oktoobar 1996
udhiibeen Xukuumada Ethiopia ee uu madaxda kayahay Malise Zanaawi,
iyaga oo kaga badashay Hub iyo saanad militeray, iyaga oo kusheegay in
ay ragaasi yihin saraakiil ONLF ah
2. waxay markale sanadkii 98 kii
waxay xadka kudileen laba nin oo shacab ah.
3. waxay hadana markale sanadkii 2001
dii qab qabteen dad xoola dhaqata ah, oo soo galay gudaha Waqooyi
Galbeed.
4.waxay hadana sanadkii 2002 dii
bishii Abril qab qabteen dad aad ufara badan oo shacab ah oo ganacsi
uyimid magaalada Hargaysa, dadkaas oo tiradoodu aad ubadnayd waxaa
markii hore laguu wareejiyay Ciidamada xaduuda ee Itoobiya dad
tiradoodu gaadhayso 22, markii dambana 18.
5. Dhibaatada iyo dibin daabyada uu
maamulka Hargaysa kuhayo shacabka Somalida Ogadenya ma,aha mid inaba
soo yaraanayay ama kasoo raynayay balse wuxuu ahaa mid marba marka
kadambaysa kasii darayay, iyaga oo go,aan saday in ay sameeyaan wax
kasta oo ay ku raali galin karaan Xunka Adisababa. Wuxuu markale
Bishii November ee sanadkan 2003, Riyaale Kaahin oo haray uga
tirsanaan jiray xukunkii Militariga ahaa ee Maxamed Siyad Bare, ku
dhawaaqay in ay kabaxaan waqooyi Galbeed dhamaan Shacabka Somaliyeed
ee kayimid Gobalada kale ee aan hoos imanin waqooyi galbeed, iyaga oo
qab qabtay markale dad badan oo shacab ah oo dhalin yaro ubadan iyaga
oo kutilmaamay in ay yihiin xubno katir san ONLF, taas oo ah wax aan
waxba kajirin ooy mar walba marsa masiiyo uga dhigtaan shacabka
Somalida Ogadenya, sida uu qirtay Wasiirka arimaha Gudaha ee maamulka
Waqooyi Galbeed, waxay xabsiyada Hargaysa kuhayaan Rag tiradoodu
gaadhayso 36, hasayeeshee tiradu intaa aad bay uga badan tahay.
Waxaana 04.12.2003, yimid magaalada Hargaysa laba gaadhi oo xamuul ah
oo ah kuwa Ciidanka qaada ah oo siday Ciidamo Itoobiyaan ah si ay
dadkaas ugu wareejiyaan.
Sidaa darteed Jaaliyada Somalida
Ogadenya ee Finland, waxay ugu baaqayaan Maamulka waqooyi galbeed in
ay.
1. sida ugu dhaqsaha badan usii
daayaan dhamaan dadka ay kuhayaan xabsiyada Hargaysa, isla
markaasna katanaasulaan Ficilka cadownimada ah ee ay kula
dhaqmayaan shacabka somalida Ogadenya.
2. In ay ixtiraamaan, xidhiidhka
bulsho, dhaqaale, siyaasadeed iyo darisnimo ee ka dhaxeeya labada
shacab.
3. ugu dambayntii, hadaan nahay
Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Finland waxaan ka digaynaa in hadii
uu sii wado maamulka waqooyi galbeed ficiladaas cadownimada ah in
ay masuul kayihiin cawaaqib xumada kadhalata falakooda.
Maamulka Jaaliyada Ogadenya ee
Finland.
Kala Xiriir:
badal_hassan58@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
MADAXWEYNE RIYAALE OO DIGNIIN KAMA DAMBAYS AH U DIRAY MAAMULKA PUNTLAND:
"Dagaal ooge C/Laahi Yuusuf waxa uu caadaystay faragalinta Somaliland...
warbixintii diridhaba
Guji
Sannadguuradii
koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Xooga Lagaga saaray
Laascaanood
oo si weyn loo xusay: warbixintii Asad
Caddaani...
Guji...
»Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan yihiin Asad
»AQOONSIGA SL WUXUU KUJIRA GACANTA QARANKA
SL Diridhaba
BAAQ DADWEYNAHA KU NOOL MAGAALADA ADDIS ABABA
Waxaa jirta in mudo dheer loo
samraayey maamulka samaliland
Guji
WARSAXAAFADEED JABHADDA O.N.L.F
Garasho La'aanta Maamulka Hargeysa iyo Isu-dhiibisteeda
taliska Itobiya...
Guji
JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo oo
dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya
Guji
|