SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 
 Cambaareyn Maamulka Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

 
G/W/S/037/03                              London, 09/12/2003
 
Ujeedo: Cambaareyn
 
     Dhacdadii mas'uuliyiinta maamulka gobollada waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ku dhaqaaqeen waxay aheyd gaf ka soo horjeeda dhaqan wanaaga dadka soomaaliyeed.
 
     Waa markii sadexaad ee gefaf isa soo taraya oo  noocaan ahi mas'uuliyiintan ku dhaqaaqaan, hadaba waxaan si cad u cambaareyneynaa talaabadan ay qaadeen oo xadgudub dhaqanka, xeerararka Soomaalida sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah, Iyadoo ujeedadada ka dambeeysaa tahay aqoonsi ay helaan,  iyagoo u huraya wax kasta oo u horseedi kara in ay helaan aqoonsi kuna raadinaya dhiiga muwaadiniin aftirsiyahoodu yahay Soomaali.
 
     Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu talaabadan naxariisdarada ah darteed garab taagan yahay dadkii xaqdarada loo xiray iyagoo lagu eedeynayo howlo aanay shaqo ku laheyn lagana soo eryay goobihii ay ganacsiga iyo deganaanshiyahaba ku lahaayeen.
 
     Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mas'uuliyiinta gobollada waqooyi uga digayaa qatarta ka iman karta talaabada ay ku dhaqaaqeen taas oo shacbiga u horseedi karta deganaanshiyo la'aan soo wajahda, taas oo aysan macnaheedu aheyn in gobolladan sii ahaan doonaan nabad, isla markaana gobollada koofureed iyo qeybaha kale ee Soomaaliya ka sii socon doonaan dhibaatada hadda ka jirta. 
 
 
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed 
          C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD