MA WAALNAHAY
MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA?
GOBOLLADA KARKAAR
IYO HAYLAAN!!!!!!
JABARTI M. AW-OSMAN
jabarti2020@hotmail.com
Waxaan maqli jiray maahmaah oranaysa
“ma waalnahay mise cadan ayaa laga heesayaa”, Waxaan dhowrkii maalmood
ee la soo daafay ka akhriyay shabakada Internet ka ee Reer Puntland
maamulaan in la sameeyay laba gobol oo cusub kuwaas oo midna laga
jaray gobolka Bari, kan kalena laga gooyay Gobolka Sanaag.
Hadaba arintaasi waxay isoo
xusuusisay xukuumadii Ina Siyaad Barre iyo sheekooyinkiisii kala
Jarjarka Gobolada Soomaaliyeed, gaar ahaana Abuuristii Sool iyo Awdal.
waagaas waxaan u arkayay in Siyaad Barre uu ka jawaabayay “waa
malahaygee” cabashooyin iyo codsiyo ka yimid laba qabiil ee
Dhulbahante iyo Godabuursi oo labaduba ah qabiilo waawayn oo
soomaaliyeed oo aan waagaas lahayn gobolo u khaasa balse labaduba
maamul ahaan hoos iman jiray labada qabiil ee kala ah Majeerteen iyo
Isaaq oo iyagu lahaa gobolo badan, Marka taasi waxay noqotay inay
qabiiladaasi yeesaan nafis iyo ismaamul ay xor u noqdeen ka talinta
deegaamada iyo aayaha qabiiladooda.
Inkastoo aan anigu figrad ahaan ku
qanasanaa abuurista labadaas gobol anigoo sababta u arkayay qodobka
aan kor ku xusay, ayaan hadaba iswaydiin jiray xagee ayuu “QAYBISKA KU
SALAYSAN QABIILKU KU DHAMAAN KARAA”?!!
Hadaba sheekada kala qoqobka iyo kala
qaybinta ku salaysan ee maanta uu maamulka Cbdulahi Yusuf ka wado
deegaamada Puntland waxay igu noqotay fajaciso iyo dhabana hays.
Shalay ayay Ahayd Abuuristii Gobol
loogu macag daray “’CAYN’ oo caasumad u tahay Buuhoodle , taas xoogaa
waaba la liqi karay maadaama lagu salaynayay in dhamaan deegaamada
shacabka reer Puntland ay noqdaan kuwo xor ka ah hoos imaanshaha Waxa
isugu Yeeray Somaliland, fikar ahaan waan ku qanacsanaa in Buuhoodle
iyo nawaaxigeeduba ka soo go’aan Togdheer.
Laakiin waxaa taageeradaydii iyo
aragtidaydii sama ka eega ahayd isku fuuqsaday markaan maqlay Karkaar
iyo Haylaan (highland).
Waxaan soo qaatay maabka waxaan eegay
labada gobol oo la yiri waa lakala qaybshay, waxaa ii soo baxday sidan.
Bari:
Gobolka Cusub ee Karkaar wuxuu yeelan
doonaa intaan oo degmo oo ay kala degaan qabaa’iladaan.
1. Qadho , caasumad, Waxaa dega
qabiilo aad u fara badan walow ay ugu madax taagan yihiin Cismaan
maxamuudku. Cali Jibraahiin, Abdiraxiino, Dashiishe, Makame, Ugaar
Saleebaan, Ciise maxamuud, Reer Nuux, iyo qabiilo kaleba.
2. Iskushuban, Cismaan Maxamuud
iyo Qabiilo kale oo Majeerteenka Bari ah.
3. Bayla , Cismaan Maxamuud,
Amaanle, Leel Kase iyo qabiilo kale.
4. Waaciye, Dashiishe
5. Rako Rako, Ugaar Saleebaan
6. Xaafuun, Sinwaaq Roon
7. Ufayn Dubays (warsangeli) and
others.
Gobolka kale ee Bandar Qaasim
waasidan
1. Boosaaso Caasumad, Arintidayda
Qabiil khaas u sheegan kara maanta ma jiro, laakiin waxaa deegaan
ahaan u leh, Dashiise, Cali Jibraahiil, Cismaan Maxamuud, Cali
Saleebaan iyo Dubays (warsangeli).
2. Qandala , Cali Saleebaan,
3. Caluula, Cali saleebaan
4. Carmo , (degmo cusub oo
maamulka ina Yay sameeyay) Cali Saleebaan
5. Baargaal, Sinwaaq-Roon
GOBOLKA EE LA
ABUURAY WAAXAA LA YIRAAHDAA HAYLAND (highland)
Oo Caasudiisu tahay Badhan,
Gobolkaas waxaa dhamaan isla leh Warsangeli Walow uu dhulbahante
gaar ahaana Naalaye Axmed wax ka dego.
Hadaba bal hadaynu iswaydiino
khasaarada ama faa’iidada ka iman karta Abuurista labadan Gobol ee
cusub aniga waxay iila muuqadaa in khasaaradu ka badan doonto
faa’iidada , baqdintaydaas ama dayradaydana waxaa u sal ah sidan:
1- TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA:
dhaqaalaha Puntland oo aan ognahay xiligan lagu jiro siduu u
qalafsan yahay oo xataa shaqaalihiisii u la mushahaarooyinku ma
dabooli karaa baahi cusub oo ka timaada maamulada gobolada iyo
degmooyinka cusub, mise waa habartii xaabada qaadi wayday oo
xaabada ku tarsatay.
2- Kala qaybiska bari wuxuu sii
dhalin doonaa mudhan cusub kaas oo aad moodin inuu sii xoojin
doono laba qabiil oo bari ku hardamaya waa siyaasada dhinaceedee
Cali Saleebaan Iyo Cismaan Maxamuud oo aad moodin in ay kala
horkici doonaa labada gobo lee cusub, sidoo kale waxaa labadaan
gobol sii wiiqday oo sii kala qaybisay awooda qabiilada ay ka mid
yihiin Cali Jibraahiil, Dashiishe, iyo Sinwaaq-Roon oo aad moodin
in laga dhigay qabiilo aqaliyad ku kala noqon doona labada gobol
cusub meeshii ay awal isku arkayeen amaba ahaayeen awoodo xoog,
dhaqaale iyo deegaan muuqda oo balaaranba ku leh Gobolkan Bari oo
ah Gobolkii Soomaaliya ugu waynaa.
3- Gobolka Haylaan abuuristiisu
wuxuu fariin aan fiicnayn u dirayaa Reer Somaliland oo aan oran
karo gobolka Sanaag waxbay ka deganaayeen laakiin Aqaliyad ayay ku
ahaayeen, hadaba abuurista Haylaan waaba iyadoo ah fariin ku
socota Reer Soomaaliland lehna Isaaqoow iska qaata Ceergaabo,
inagoo og in ay ceergaabo tahay deegaan harti oo u baahan in la
soo xoreeyo oo aan laga seexan, laakiin Haylaan dhabarjab wayn
ayuu ku noqon doonaa Hadafkaas. Gobolka sanaag dowladii ina Siyaad
sidan ayay kaga dhimatay , wuxuu lahaa degmooyinkan kala ah :
- - Ceergaabo , Harti
- - Badhan , Warsangeli
- - Hadaaftimo ,. Warsangeli
- - Laas Qoray, Warsangeli
- - Buraan, Warsangeli, harti
- - Ceel Afwayn , Isaaq.
Hadaba adoo ku salaynaya
degmooyinkaas ma ina qabataa inaynu Gobolkeenii sanaag magaciisii ka
tagno oo magaalooyinkeenii u xalaalayno ugana haajirno, Isaaq, aniga
waxay ila tahay maya iyo maya , SANAAG WAA DHUL HARTI MAGACIISUNA WUU
JIRI OO JOOGI, CEERGAABONA WAA CAASUMADA SANAAG WAANA MAGAALA HARTI
MAAMUL AHAANA WAY SOO NOQON EEBE IDANKII.
Gabagabada qormadaydan waxaaan
leeyahay hadii go’aankan lagu saleeyay:
Kala Qaybi oo Xukun “Divide and
Rule”, taasi waa mid buuq iyo rabshado cusub inay dhaliso maahee aan
keeni doonin hogaansan iyo rayray midna.
Hadii ay tahay qancin uu Cabdulaahi
Yuusuf ku qancinayay mid ama laba qabiil isagoo fulinaya balanqaad
hoosaad uu qabiilo khaasa la galayna, ha ogaado in qaybiskani uu
qabiilo kale oo badan ka caraysiiyay oo uu cadaawan sii abuuri karo
saaxiib warkiisba daayoo.
Mudug iyo Nugaalna tolow goormaa
darbigii Baarliin lakala dhexdhigi doonaa.
Soomaali oo aan midayno ayaan ka
fakaraynaye ma qaybi oo qoqob baan weli meherad ka dhiganay ,
Cabdulaahi Aaway madaxwaynenimadii aan kaa sugaynay ee Doofaaray
shirkeedii , mise caradii iyo frustration- kii shirka ayaad reerka dib
ugula soo dhacday.
Qormadaydan waxay ku salaysan tahay
aragtidayda khaaska ah, qof ama qabiil ay duulaan ku tahayna ma jirto,
kii khalad u fahmawna Allah garaadka iyo garashada ha kuu kordhiyo,
Kiila ila qaba aragtidaydana waxaan leeyahay ogow keli ma tihide.
JABARTI M. AW-OSMAN
jabarti2020@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar
ah qoraaga ku saxiixan.
18 kii Gobol (Regions) ee Soomaaliya
ka koobnaanjirtey [Yusuf Osman]
|