Bayaan
ay Jaaliyadda Absame ee Denmark ka soo saartay dadkii Hargaysa lagu
xidhxidhay
08 December 2003 | Faafin 09
Dec 2003
Maalintii axadda ahayd ee taariikhdu
ahayd 07 December 2003, waxaa kulan degdeg ah isugu yimid xubnaha
Jaaliyadda Absame ee Denmark, kuwaasoo ka wada-hadlay jawaabtii laga
bixin lahaa dadkii rayadka ahaa ee maamulka Hargaysa uu dhawaan
xabsiga ku guray, isagoo ku andacoonaya in dadkaasi ay xubno ka yihiin
Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.
Ma aha markii ugu horraysay ee
maamulka Hargaysa uu dhibaatooyin kala duwan u gaysto dadwayne u
dhashay dhulka Ogadenya. Maamulka Hargaysa wuxuu caadaystay inuu si
bani’aadamnimada iyo soomaalinimada ka baxsan ula dhaqmo dadka rayadka
ah ee soomaalida Ogadenya ee siyaabaha kala duwan u yimaadda gobollada
Woqooyiga Soomaaliya, wuxuu kaloo caadaystay inuu dadkaas qaqabto oo
gacanta u geliyo dawlada gumaysiga Itoobiya, isagoo hanti iyo dano
kale oo siyaasadeedba kaga beddasha.
Dadwaynaha Absame, meel kastoo ay
joogaanba, waxay in badan indhaha ka daboolanayeen xadgudubyada uu
nidaamka Hargaysa u gaysto dadwaynaha Absamaha ah, iyagoo tixgelinayay
soomaalinimada iyo xidhiidhka qoddada-dheer ee labada dadwayne ka
dhaxeeya, hase yeeshee waxay hadda ku qasban yihiin inay falcelin adag
ka bixiyaan dhaqankan foosha xun ee nidaamka Hargaysa uu caadaystay.
Sidaas darteed waxay Jaaliyadda Absame ee Denmark, iyadoo xoojinaysa
mawqifka ay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya arrintan ka qaadatay,
soo saartay go’aamadan soo socda:
1- In maamulka Hargaysa uu sida ugu
dhakhsaha badan, shuruud la’aan ugu sii daayo dhammaan dadkii rayadka
ahaayee uu xidhxidhay dabayaaqadii bishii hore ee November.
2- Inuu ka waantoobo dibin-daabyada
uu ku hayo dadwaynaha soomaalida Ogadenya iyo dagaalka cad ee uu kula
jiro qadiyada xaqa ah ee dadwaynaha soomaalida Ogadenya.
3- Inuu joojiyo u garbaynta cadowga,
ogaadana hiillada uu cadowga Itoobiya u hiilanayo inay tahay colaad uu
dadwaynaha soomaalida Ogadenya ugu baaqayo.
4- Jaaliyada Absame ee Denmark waxay
dadwaynaha soomaalida Ogadenya ugu baaqday inay gooyaan dhammaanba
xidhiidhada ay la leeyihiin gobollada Woqooyiga Soomaaliya, mid
dhaqaale iyo mid bulsho labadaba.
5- Jaaliyadu waxay kaloo dadwaynaha
Absame ugu baaqday, meel kastoo ay joogaanba, inay xayiraan hantida ay
leeyihiin dadyowga ku xidhan maamulka Hargaysa ee deegaannadooda ku
sugan, inta uu maamulkaasi ka sii daynayo dadka rayadka ahee uu
xabsiyada ku hayo.
6- Jaaliyada Absame ee Denmark waxay
dadwaynaha soomaaliyeed oo dhan ugu baaqday inayna indhaha ka
daboolanin xadgudubyada uu maamulka Hargaysa ku hayo dadka soomaalida
ah ee u dhashay gobollada aan Woqooyiga Soomaaliya ahayn, isla
markaana ay ka dhiidhiyaan falalka waxshinimada ah ee nidaamkaasi uu
soomaalida dhexdeeda ka wado.
7- Jaaliyada Absame ee Denmark waxay
ka xun tahay in waxgaradka iyo masuuliyiinta Woqooyi Galbeed ayna ilaa
iyo hadda la imaanin mawqif ay ku diiddan yihiin dadka soomaaliyeed ee
lagu waxyeellaynayo gobolladooda, iyo kuwa cadowga laga gadanayo,
sidaas darteed waxay ula muuqataa inay arrintan ku raacsan yihiin
maamulka Hargaysa.
Jaaliyadda Absame ee Denmark
Kala xiriiri:
e-mail: ogadeninfo@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
Jaaliyadda Absame ee Denmark
|