Wararka maanta ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in Cabdiqaasim
Salaad Xasan uu maalmaha soo socda dawladiisa u magcaabi doono ra'iisul wasaare
cusub. Warar kale ayaa sheegaya
intuusan aadin Mombaasa ayuu rabaa in uu
magacaabo ra'iisul wasaare ay yeelato DKMG.
Waxaa ugu cad cad ninkii ahaa amaba hadda ah kuxigeenka gudoomiyaha
baarlamaanka ee Maxamed cabdi yuusuf kaas oo ay wararku u badinayaan in la
magcaabi doono. Waxaa kale oo jira warar shegaayay in uu jiro nin lagu
magcaabo siciid oo mar isa soo sharaxay.
Warar kale ayaa sheegaya in c/qaasin uu ku guuleystay in uu xalliyo khilaaf
soo kala dhexgalay asaga iyo xubnaha beesha isaaqa uga jiro dowladiisa oo
ayaga isu rabay laakiin uu ku guuleystay in uu xalliyo uuna ka dhaadhiciyay
in ey iska daayaan.
Waxa ugu badan ee maalmahan laga hadal hayo magaalada Muqdisho waa
kulanka lagu wado in magaalada Mombasa lagu qabto
9-ka December
2003, kulankaas oo loo qaban doono hoggaamiyayaasha siyaasadda
Soomaaliyeed.
Waxaa warkaan isku soo dubaridey weriyaha SomaliTalk ee Muqdisho, Abuukar
Yaasiin.
SomaliTalk.com Muqodisho Dec 7, 2003
-dhammaad-