shir lagu dhexdhexaadinayo beesha biyomaal iyo kooxda Cumar finish
oo ku
saabsanaa Xasuuqii loogu gaystay beeshaas degaanka Dhenaane,ayaa ku
dhamaatay guul daro kadib markii ay suuroobi wayday shurrud ay ku
xireen
beeshaas heshiis ay la gaaraan kooxda Cumar fiinish kaasoo ahayd in
loo soo
gacan geliyo maliishiyadii kadambaysay xasuuqii loo gaystay dad
kaluumaysato ah oo udhashay beesha biyo maal oo si xoogan udegan
dhulkaas.
Wadahadal ay soo qabanqabiyeen dad isxilqaamay oo doonayay in
ladamiyo
xasaradii kadhacday degaanka dhenaane oo lagu qabtay meesha lagu
magacaabo
Lambar50 oo katirsan gobalka shabeelada hoose ayaa waxyaalihii
lasoo
jeediyay waxaa kamid ahaa in dadkii barakacay dib loogu soo celiyo
guryahoodii,in sidegdega ay kooxda cumar finish ugala baxdo
maliishiyada ay
soo dhigtay degaanka beesha biyo maal,iyo in kooxda cumar finish
masuul ka
ahayd dhibkii iyo xasuuqii ka dhacay dhenaane,balse arimahaas oo
dhan way
ku qanciwayday beesha biyomaal oo waxay ku adkaysteen in shareecada
islaamka lamariyo kuwii kadambeeyay xasuuqii loo gaystay dad aan
waxba
galabsan oo muruqmaal kaluumaysato ahaa kuna noolaa degaankoodii ay
ku
dhasheen.
Sida laga warqabo waxaa bishii aynu soo dhaafnay lagu xasuuqay dad
gaaraya
20qof oo kaluumaysato ah una dhashay beesha biyomaal oodegan
dhenaane
kuwasoo lagu eedeeyay maliishiyada uu hogaamiyo Cumarfinish oo
fariisin ku
leh galbeedka degmada madiina,waxaana qaylodhaan iyo cambaaraynka
timid
hayadaha udooda xuquuqda aadamaha sida xarunta Dr.ismaaciil
Jimcaale,oo
codsatay in lajoojiyo xadgudubyada lagu hayo dadka rayidka ah ee
aan
hubaysnayn.
Cabdi xasan Somalitalk.com/muqdisho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Dec 6, 2003
sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay
JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya Guji
WARSAXAAFADEED JABHADDA O.N.L.F
Garasho La'aanta Maamulka Hargeysa iyo Isu-dhiibisteeda
taliska Itobiya...
Guji
Maamulka Hargeysa oo Dad Shacab ah Xirxiray Kuna Tilmaamay ONLF
iyo Dagaalo dhex maray CWXO iyo Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya..
Xorriyo 5/12
MARAYKANKA MA KASOO BAXDAY LACAG TAARIIKHDEEDU TAHAY 2004
"Waxaa Soomaaliya Soo Gaartey Lacag Ciiro leh oo
aan la garanayn" Sidaas waxaa yiri Ganacsade Soomaaliyeed oo...
Guji 12/6