Waxaan nahay dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool magaalada addis ababa qaybaheeda kala duwan.
Waxaan ka soo horjeednaa falka hargaysa ka dhacay 2/12/03. Waxaan u aragnaa dadkaa oo ahaa dad shacab ah oo isugu jira ganacsato xoogsato, qaraabo salaan iyo dad daganba, arintaas oo horay u dhacday lagana waan toobi waayey ilaa iyo hada.
Waxaa jirta hawshani oo uu maamulak hargaysa ku caan baxay ka ganacsiga dad soomaaliyeed oo shacab ah in la gaddo waana arin ugub ah waa arin damiirka banii aadamka uuna aqbali Karin.
Waxaa jirta in mudo dheer loo samraayey maamulka samaliland iyo falalka uu samaynayo waxaana loogu tala galay in uu dhib soo kala gaadhin labada shacab ee reer ogaadeeniya iyo somaliland. Taas oo cadowga iyo maamulka u taliya hargaysa mar walba ay ku dadaalayeen in ay dhacdo.
Waxaa jirta in maamulka hargaysa in uu god dheer ku riday una socda dhiig badani in uu ku dhex daato labada shacab ee walaalaha ah. Taasna waxay na tusaysaa in maamulka hargaysa uu ku tuntay sharaftii aadan nimo iyo islaan nimo iyo soomaali nimo iyo tii deegaan daris nimo ee ninka soomaaliga ah lahaa oo dhan.
Hadaba waxaa masuul ka ah wixii ay keento balaayadaas uu ku dadaalay maamulka hargaysa in ay dhacdo taas oo ay dad dan lihi ka danbeeyaan . Jawaabta aan bbcda siinaynaa waxa weeye waxaa masuul ka ah arinkan cidii ka danbaysay in ay dhacdo umana taalo labada shacab midna waxay u taalaa wax ka qabadkeegu wax
garadka, culimaa u diinka, cuqaasha Somaliland gaar ahaan reer hargaysa.
Midhaha laga helo arinkana yayna waxba ka siinin arinkuna ka hor tag ayuu leeyahay ka daba tag malaha. ALAA WAYN.
faysalgaas@freemail.et
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2003
sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay
JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya Guji
WARSAXAAFADEED JABHADDA O.N.L.F
Garasho La'aanta Maamulka Hargeysa iyo Isu-dhiibisteeda
taliska Itobiya...
Guji
Maamulka Hargeysa oo Dad Shacab ah Xirxiray Kuna Tilmaamay ONLF
iyo Dagaalo dhex maray CWXO iyo Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya..
Xorriyo 5/12
MARAYKANKA MA KASOO BAXDAY LACAG TAARIIKHDEEDU TAHAY 2004
"Waxaa Soomaaliya Soo Gaartey Lacag Ciiro leh oo
aan la garanayn" Sidaas waxaa yiri Ganacsade Soomaaliyeed oo...
Guji 12/6