Ummaddii Jahwareer bay ka
bixdi la
dahay
Cumar Suufi Cali
omar_ali02@yahoo.com
Waa cajiib in ummad nalagu magacaabo oo
muslim sheegata oo aaminsan rabbigii weeynaa ee adduunkan uumay ee isaga
maamula ee haddana aan ka dambeeynin oo aan rabin inay isaga uhogaansanto
waxa uu rabo keliya. Arrintaan waxaa igu dhaliyay inaan ka qoro maqaal ee
aan ugu magacdaray Ummaddii Jahwareer bay ka bixdi la dahay.
Soomaaliyeey sooma aragtaan in aanku
noolnahay nolol uu baniaadamka ku noolaado tii ugu xumeeyd. Wallaalayaasha
soomaaliyeedoow war maxaa inna helay oo aan la fikiri la,nahay oo aan
marna inta aan fariisanno oon gacmaheenna inta aan dhafooradeena amma
daamayaasheena wada saarano oon fikirno.
Wallaalayaal waa misiibo gacmaheenna ku
keensanay oo aan qofna loo tiirineeynin amma la oraneeynin gudaha ayaa
nalooga yimid. Wallaalayaal intaas waa iga hordhac amma introduction aan
uga dhigay maqaalkeeyga. Haddana aan usoo degaandego muhiimadda aan uga
danleeyahay cinwaanka maqaalkeeyga.
Ummaddii: wallaalayaal ummad waxaa
layiraahdaa dad ama qolo isku af ah, isku diin ah, isku taqaaliid wada
haaysta oo aan marnaba lakala sooci karin. Taana waxaan filayaa uma baahna
prime example in aan raadino sababtoo ah annaga ayaa isku filan inaan
farta isku fiiqno oon isku nahay hal luqad oo soomali layiraahdo, isku
nahay hal diin oo layiraahdo islaam iyo waxii intaa soo raaca.
Wallaalayaal waa nicmad weeyn oo looga shukriyo rabbigii doonay taas.
Ummadda dhabaqo ayeey leedahay, for example culimo, caamo, aqoonyahanno,
iyo waxii intaa soo raaca.
Jahwareer bay ka bixdi la,dahay:
Wallaalayaal rabbi ayaa ina uumay isagaana innaga ogaal badan waxaynu
nahay iyo sida aan kunoolaankarno. Waxaase loo baahan yahay in xisaabta ku
darsanaa in basharku loo uumay ineey allaah cabudaan keliya eeysa ushariig
yeelin in yarba ha ahaadee. Wallaalayaal waxaa kaloo jirta in basharku
qaldami kara oo gaf ka dhici kara uusan ahayn mid wada toosan oo macsuum
ah. Laakiin markeey arrintaas dhacdo waxaa loo baahanyahy in sida ugu
dhaqsiyaha badan loo soo noqdo oo gacmaha leeys qabto.
Wallaalayaal ma filayo in maanta waxaan
sheegayoo dhan ay ubaahan yihiin tusaalayaal sababtoo ah waan arkeeynaa
gafakeenni iyo qaladaadkeenii meesha ay inna dhigeen oon naqanay ummad hal
mar laga siibay ama laga tirtiray jiritaanka wal ciyaadhu billaah laakiin
annagaa ayaa iska siibnay. Wallaalayaal shan ito toban sano ayaan ku soo
jirnay dagaal sokeeye. Qaarkeenni baa,ba,ay , qaarkeennii cudurro dilay,
heer waxaan soo gaarnay jahwareer meesha ugu dambeeysi.
Wallaalayaal waxaan kusoo koobayaa
qoraalkeygan laba arrimood oo muhiim ah, tan koowaad waa inaan isqabanaa
oon isu sheegnaa runta hadii aynu nahay mislimiin soomaaliyiin oo dhab ah.
Tal labaad waa inaan hurdada ka toosnaa oon istigfaarta badinaa iyo last
one waa inaan allaah unoqonaa bis intaas waa kifaaya waan fadhinay halsano
si aan uxarxariiqno qawaaniin. Please please please aan kitaabka allah
qabsano. Sidaan horey usoo sheegay ummada dhabaq beey leedahay. I am sure
ducaada iyi aqoonyahanada ayaa prime example fiican ah ineey noo bilaabaan
xalka haba noqdee in qori la qaato oo aan iska dhicino nimanka maanta
heerkaan ina keenay oo ummaddi heerkaan soo joojiyay kama wado inaan
markale islaayno laakiin waxaan kawadaa inaan allaah dartiisa aan uqumno
oo diintan usoo noqono. Dhammaad.
Cumar Suufi
Cali
omar_ali02@yahoo.com
Afeef: Argtida qoraalka waxaa leh qoraaga
ku saxiixan