1. ILAAHAY KA MAGAN GAL, welwelka iyo
tiiraan yada, Waayo?, waa bur burka nafta banii aadamka, waa cudur
halis ah, daal iyo quus ayuu nafta dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo
haaraanka ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa Shaqada shaydaanka inuu
Muslimiinta welwel geliyo, waxaa nabigii SCW ka sugan inuu ilaahay ka
magan gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA, oo maxay kala yihiin?.
Haduu qofku ka welwelo dhib uu
mustaqbalka ka baqayo waa HAMI, wax lasoo dhaafay haduu ka tiiraan
yoonayana waa XUZNI.
Labadaba ilaahay ka magan gal qalbiga
qofkay dilaan, talada iyo go’aankana ka qaadaane.
2. MAXAAD KA WEL WELAYSAA?, ugu
horanba is waydii su’aashaas, waxa aad ka wel welayso waa noocee?.
Hadday cibaado yaridaada iyo maxaad
rabi u caasiday tahay, waa Gar; laakiin Towbad keen iyo allood u noqotaa
lagu daweeyaa, walbahaar kaligiis ahi xal noqon maayo. Hadday Dhibka
Muslimiinta haysta kuwa la gumaadayo iyo kuwa ayagu is warjeefaya ku
salaysan tahayna waa gar, Laakiin xalkeedu waa inaad wel welka iyo Isla
hadalka fal wax qabad leh u badashid oo wixii awooddaada ah ku
taageertid Ducada iyo alla barigana aad Heegan la ahaatid.
Hadduu welwel kaagu ku slaysan yahay
hawlo adduun iyo hanti xoolaad waa gar darro, waayo?. ayadoo dhanbaa
Imtixaan ka samaysan, haddii laguu daro iyo hadii lagaa darbeeyaba
Su’aalbaa daba taal, Nabiyadii rabi soo diray oo dhan ayaa lagu dhibay,
qaar la dilay, qaar dalkoodii laga tarxiilay iyo kuwo dab lagu ridayba
waa lahaayeen.
Maxaad adduunyo ka wel weshaa adoo
qaawan baad timid adoo qayd kaliya wataadna ka tagaysaa, Fekerkaaga meel
ku xir, oo Maalinta Qiyaame maxaad alle la hor tagaysaa ku koob.
Nebi Muxamed SCW wuxuu yiri “haddii
adduunyo alla agti garab Kaneeco Qiimihi ku leedahay, Gaal koob biyo ah
kama waraabiyeen”, marka ma garbaa inaad la walbahaarto oo har iyo hoyba
u seegtid.
3. SABIR IYO DULQAAD: hadii dhibaato
adduunyo kugu habsato noocay doonto ha’ahaato intay doontana ha
le’ekaatee; samir iyo dulqaad ha illoobin, waa qayb cibaadada ka mid
ah, Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, abaalkooda iyo ajarkooda xisaab
la’aan ayaa faraha looga saaraa, dhib kasta allaa faydi kara, Cudur
kastana dawo ayuu leeyahay, waxaan geeri iyo gabaw ka ahayn, Dhibaato
adduunyoo kastana waatii faydanta, mar kastoo mugdigu batana iftiinka
ayaa soo dhawaada, ee marnaba ha sugi waayin, xaga rabbina wanaag ka
filo.
4. TIIRKA ALLE QABSO: waa tiir aad u
adag, oo aan dumayn dabcaynna, waa tiirka kaliya ee laysku hubo, waa
albaabka aadan ku hungoobayn lagaana horayn, Markaad tiirarka kaloo
dhan ka quusatid, irdaha kaloo dhan lagaa ooto, magaca alle ha
illoobin, dhibkasta asagaa fayda qof kastoo kurbaysanna u gar gaara,
Nebi Ibraahim Caleyhi salaam ayaa dab lagu riday oo ku dhawaaqay “
Xasbuna laahu wa nicmal wakiil”, Qabaw aan qar qaryo lahayn ayaa alla
uga dhigay, Culays kastoo ku saaran alle ka bari inuu kaa dajiyo,
waxaadna ogaataa noolaha oo dhani wax aan alla kaaga soo qaadin inayan
kusiin Karin, haddaan Rabbi kugu sababinna ayan wax dhib ah kuu gaysan
Karin. Habaynka Qaybtiisa danbe ha moogaan, waxaad cuntaana xalaal ha
noqdaan niyad samina alle ku bari insha allaah dhibkuna waa tagayaa
kurbaduna waa ku daynaysaa.
5. RUMAYNTA QADARKA: Tiirarka
Iimaanku ku dhisan yahay waxaa ka mid ah Rumaynta Qadarka, dhib iyo
dheef wixii kugu dhaca inaad ogaato in alla kuu qoray adigoon dunida
Imaan, marka waxa laysku dhaafay waa dulqaadka iyo iimaanka, Nebigu
SCW wuxuu yiri “ waxaa yaab leh qofka Muslimka arimihiisa, wax kastoo
qabsadaa waa u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo, Haduu
wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu khayr u noqdaa, haddu dhib
qabsadana wuu Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u noqdaa”.,
Sidaas ayuuna Suubanuhu ku barbaariyay Saxaabada, C/laahi Bin Cabaas
ayaa nebigu SCW ku yiri “..ogow hadii dadkoo idili ku heshiiyaan inay
dhib kuu gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan alla kuu qorin,
haddiise ay ku heshiiyaan inay wanaag kuu qabtaan inayan kuu qaban
Karin wax aan alla kuu qorin”, Aayadda 30aad ee suuradda Al-shuuraana
waatii macnaheedu ahaa “Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa
waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan”. Haddaba ogow Inay
Iimaanka ka mid tahay Rumaynta Qadarka iyo u hogaansamidda xukunka Alle.
6. QUUSASHADA: Waligaa haka quusan
hana ka samrin in kurbada alla kaa faydo, albaabada khayrka ee furmi
doonana ha sugi waayin hana daahsan, qofkii Alle Cabsidiisa iyo
cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus wuu u fududeeyaa, dib u
milicso maalmihii kusoo maray meeqaa albaabadoo dhani isa soo
xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto meeqaad garan wayday?,
meeqaad is tiri Maanta Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula madoobaatay,
Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata bixiyay wixii oo
dhani ku dhaafeen adoo bad qaba, bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ wixii
mulimiinta qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka degay ee
muslinna adkaystay Munaafaqna Tawaawacay, qura’aanku aad ayuu
dagaalkaas u faah faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa
macnahooda ka mid ahaa “ xusuuta markay idinkaga yimaadeen kor iyo
hoosba, indhuhuna iisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u
malayseen malooyin”, Malooyinkaas oo Culimadu ku fasireen in
Muslimiintunu Guul iyo Gargaar malaysteen Munaafiqiintuna Jab iyo
naasabeel, iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono maleeyeen. Haddaba
dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa Cusko.
7. MAANTA KU XISAABTAN: waxyaabaha
dadka welbahaarka ku abuura waxaa ka mid ah, noloshiisa Mustaqbalku
waxa ay noqon doonto, halka uu degi doono iyo sida uu dunida uga
shaqaysan doono, taasna waxaa looga gudbi karaa in la ogaado
Mustaqbalka dhabta ah ee qof walba leeyahay inuu u diyaar garoobana uu
u baahanyahay inuu yahay kan Aakhiro iyo Xisaabteeda, raaskiisii
janada inuu ka diyaarsadana inay lagama maar maan u tahay, aduunyadase
anagoo dhani socotaan ka nahay qof walbana waxaa la gudboon inuu
sahaydiisii uu Mustaqbalka u baxsan lahaa ka qaato, Nolosheedana uu
kaga ekaado intii alla ka siiyo, asagoo ku xisaabtamaya dhibkeeda iyo
dheefteeduba inay Imtixaan tahay.
8. SALAADDA IYO WARDIGA: Hadday
xaaladdu kugu adkaato, cabsi soo dhabar madow aad dareentid, welwel
iyo welbahaar isku kaa duubaan, Salaadda u carar, siduu alla na faray
“Kaalmaysta sabirka iyo salaadda”, akhrinta Qur’aanka, wardiga, iyo
baryada allaba waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka dhibaatooyinka
aduunyada hilmaansiiya, Allihii abuurayna ku xira, garansiiyana
qiimaha aduunyada, taasoo ka dhigaysa ruuxa mid himiladiisa ka dhiga
siduu Jannatul firdowsa ku geli laa, Nebigu wuxuu yiri SCW “ Qofka
alle xusa iyo kan aan xusin waxay kala yihiin qof nool iyo mid dhintay
oo kale”..
9. GALLADAHA ILAAHAY: aad ugu fiirso
Galladha ilaahay kuu galay, adoo huba inaadan koobi karin sida
qur’aanku u sheegay, waa tuu Darwiishkiina lahaa (Galladaha Ilaahay ka
badan Geedahaas baxaye..), alla wuxuu Quraanka ku sheegay inuu
nicmooyinmkiisa nagu deday kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba,
Nimcooyinkaas iyo Galadahaas waxaa ugu wayn inuu alle Muslim kaa
dhigay, inta dad Dhagax Caabudayaan inuu kugu daray kuwa Allaha wayn
ee waaxidkaa Cuubudaya, Janadii Rajaynaya Cadaabkana ka baqaya, Hadaad
xubnahaagii mid wayday meeqaa kuu fiyow ?, haddii aad Caruurtii mid
waydayse imisaa kuu hartay?,Haddaba waxa yaroo aad wayday intaad la
taahayso lana tawaawacayso maad intuu Rabbi ku siiyay ku mahdisid.
10. KOLKAAD DHIBKA KA BAXDID: Waxaa
Caadooyinka Aadanaha ka mid ah markii dhibku ku bato ama arrini ka
Gurracato inuu Baroor, Qaylo iyo Calaacal isku daro, Alla bari iyo
Tawbab keen muujiyo, Dhaqan akhyaareed isku yeelo, Markiise Alle Il u
bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo dhan hilmaamo, allana
awooddiisa iyo xukunkiisa uu ka dafiro.
Wuxuu Rabbi Qur’aanka noogu sheegay
Qaybo ka mid ah dhaqamadii Gaalada oo ay ka mid tahay inay markay
Doomaha iyo Maraakiibta saaran yihiin, alle kaliya baryaan, markayse soo
badbaadaan oo Barriga yimaadaan ayay Sanamyada iyo Dhagxaanta Alle la
caabudi jireen, Dhaqankaas aadka u foosha xun iska ilaali.
Kolka markii inta xaalku kugu xumaado
rabbi Il kuu bixiyo maxaad mudan tahay?., Inaad kaligi Caabudid, kaligi
u mahadcelisid, Diinta Alle iyo Dadka u taagan garab u noqotid ,Meel
kastoo aad cagta dhigaysidna inuu ku arko inaad ku xisaab tantid,
haddiise aad danbigii iyo dabamaridii amarka alle u noqotid ogow
aduunkii ma dhamaan oo dhib waa kii yimaadee.
Tobankaas qodob ee aan soo tiriyay
waxaan isleeyahay qofkii maanka ku haya noloshiisa wax bay ka badalayaan,
Qanaaco iyo Qalbi degana wuu helayaa, Allaha wayna waxaan ka baryayaa
inuu nagu anfaco, markastana maanka ku hay “Wixii idinku dhaca oo
musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka
cafiyaa (Eebe) wax badan”…