SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
ISBARASHO WACAN !
 
Ahmed H. Adan
adangurey@hotmail.com
 
 
Amuurta Soomaaliya ayaa iminka maraysa meel aad u yaab leh, qof kasta oo si qotodheer ugu fiirsada argagax iyo la yaab galinaysa. Soomaali land iyo Punt land waxaa ka dhacay in dad Soomaaliyeed shisheeye loo dhiibo wixii ka danbeeyay bilowgii dagaalkii argagixisada kolkii Amerika ku dhawaaqday. Ayagoo labada maamulba ay doonayaan in ay ka mid noqdaan isbahaysiga la dagaalanka arga gixisada ujeedo kastaba ha ka lahaadeene, mid dhaqaale, aqoonsi ama kasbasho nooc taageero.
 
Taas waxaad moodaa in dadka qaarna u riyaaqeen qolana fajac iyo filan waa ay ku noqotay. Halkaa waxaa si markhaati madoontaa uga cadaatay in dagaalkii loo galay tuuridii xukunkii caskariga ahaa ninba meel uwaday oon hal ujeedo laga lahayn, qofkii awal Soomaaliga aahaana noqday qabiil iyo abtirkii. ma waxaan mooganahay in dadka loo dhoofinayo xabsiyada Adis-ababa ay ahaayeen kuwii shalay ku jahaysnaa furashada dhul weynaha Waqooyi Galbeed? mise cid dagaaladii geeska Afrika ka dhacayay moogbaa jirta? isbadal wixii lagu dagaalamay xaliyaa miyaa dhacay?
 
Mafilayo qofka Soomaaliga ahi in uu ka guul gaaray, inaba ha yaraatee wax aayaa ama qurux ah ooy nolosha geeska Afrika leedahay, balse waa mid sii duloobaya maalinba tay ka danbayso. Qanaacada aan dhabta ahayn ee ay reer Waqooyi iyo maamulka Garawe jilayaana masii cimri dheera, ee miyaysan ku habonayn in arrinta la qunyar socodsiiyo oo jidbada qabiilka bal waxladhimo, markay dhabta tagto lama kala maarmee. Waa mid baahi weyn looqabo in la ilaaliyo xaqa qofka Soomaaligaahi leeyahay bar kasta oo uu kaga sugan yahay dhulka Soomaaliyeed.
 
Intaa kolkaan ergo Maamulada Waqooyi, Garawe iyo Qab-qablayaasha koonfurta ku sugan ee ficilada noocan ah ku kacay.
 
Waxaan jeclaan lahaa in aan halkale ergo ummada Soomaaliyeed anoo u noqonaya ciwaankii qormadan "ISBARASHO WACAN" oo ahaa Eray xigmadeed uu yiri Alle ha u naxariistee Jaale Siyaad, kadib burburkii qaran. Waa siduu sheegaye runtii waa lays bartay xaq iyo baadil waa kala cadaaday, ninkii dan ummadeed waday iyo tiisa qunsade la kala barey, tuug iyo wadani kala bexe, qaran iyo qabiil is qaadan waaye, dhagar qabe iyo dhuuni la arag, maan gaab iyo mudane warkood helnay. shalayto iyo macangagnimo waxbatari mayaan ee dib ha loogu noqdo barashada bal waxay ummadani wadaagtro iyo halka masiirkeedu yahay.
 
 
ISBARASHO WACAN.

Ahmed H. Adan
adangurey@hotmail.com

Afeef: Argtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2003

 

sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD