MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi
uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay
awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa
in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka
camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo
ONLF" Diridhaba
|
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood
dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani
ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula
noolaadaan" Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay
is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "
Faysal
|
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin
booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay
guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii
kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey"
XagarYare
|
Mudane iyo Marwooyinba wariyayaal habeen wanaagsan,waxaan aad ugu
faraxsanahay in aan u soo joogo kulan noocan oo kale ah,waxaa ay naga ahayd
in aan abaabullo is arageenan in ay yeeshaan wadashaqayn iyo iskaashi joogta
ah dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga siiba wariyaasha dalka gudihiisa iyo
dibadiisa.
Waxaa noo muuqatay oo la iidiinka baahanyaha in idiinkoo iskaashanaaya
aad kasbataan kalsoonida dadka soomaaliyeed gude iyo dibadba.
wariyayaal waxaannu ognahay in ay khatar joogta ah idinkaga timaado
madaxda soomaalida ee haatan jira,taasoo loo baahanyahay in aad khatartaas
iska dugsataan.
waxaa suxufiga soomaaliyeed looga baahanyahay in uu caalamka si
tafaftiran uga dhaadhiciyaa dhibaatada dhabta ah ee haysata ummadda
soomaaliyeed,maadaama siyaasiga maantu ubatay danihiisa gaarka ah,idinkoo
waliba u sheegaaya adduunka in aysan maanta soomaaliyi isku fillayn,taasoo
malaha ceeb lamoodo in aad tiraahdid iskuma fillin.
kadib waxaa ku xigay isbarashadii wariyayaasha oo badankood aan horay
isku arag balse aad hebelba hebelka kale dusha uga xiisaynjiray kalana
socday,dadka aan aadka anigu aragooda u sugaayay halkaasnna aan kula kulmay
waxaa kamid ahaa.labada gabdhood ee wariyayaasha ah:
1. ikraan cali kaar oo ka socotay dalka sweden.
2.siciido sheekh V.I.P oo iyaduna ka socotay magaalada brussels ee dalka
biljim oo labadaba aan qoraaladooda shabakadaha soomaaliyeed ka
daalacanjiray.
Waxaa kaloon aad ugu faraxay in aan halakaasi kula kulmo:
Mudane Maxamuud Nuur Wardheere oo aad ku xusuusan kartid in uu ahaa
musharixii aadka uga dhexmuuqday doorasho hada kuhor ee magaalooyinka
mataanaha ee Minnesota iyo Minneapolis isaga oo si gaara shirka loogu
casuumay kanayimid dalka Maraykanka, waxaa uu mudane wardheere soomaray oo
kale dalka Sweden iyo Denmark oo uu kasooqayb galay kulankii nabadda ee
maxamed ibraahim warsame hadraawi.
Mudane wardheere oo kulanka wariyayaasha la,isku waafaqay in wakhti laga
siiyo ayaa hadal uu soojeediyay waxaa uu siweyn utaageeray isku xirnaanta
wariyayaasha,waxaanu sigaara wariyayaasha uga codsatay in ay caalamka si deg
deg ah ugaarsiiyaan aabaaro ba,an oo maanta dalka soomaaliya ku habsatay.
waxaa shirka oo ahaa qaab siminaar suxufiyiinta iskugu yimid ay kakala
socdeen
- 1. Webmasterka www.somaliweyn.com wariye Xusseen calasoow
- 2.Radio DALMAR/HOLAND oo uu hogaaminaayay Cabdi maalik
- 3.Radio SAGAL U.S.A oo ay ka socotay SICIIDO VIP
- 3. www.somalitalk.com
- 4.Somali Media in DENMARK oo uu hogaaminaayay Wariye Axmad Bile Rafle
Guuleed.
- 5.Uron Afrik.
- 6.RADIO ILAYS oo ay kakala socdeen Wariye Same//Wariye waris cabdi
aadan
- 7.miss wilma fels dutch Muslim broadcastin horay ugahawlgalijirtay
haatanna ku hawlan saxaafada guud ee caalamka una dhalatay dalka holand.
- 8.Radio STN
- 9.www.bakaaraha .com oo uu ka socday wariye shiine.
Waxaa furitaankii shirka lagu martiqaaday macalimiin sare oo horay wax
uga dhigi jiray jaamacaddii lafoole ee soomaaliya iyo saraakiil sarsare oo
soomaaliyeed.
Waxaa iyaguna cashar dheer halkaas kajeedin doona oo aannu idiin
soogudbin doonnaa hawlahooda , Wariye PIETER DE VINK oo ah DIPLOMATIC
CORRESPONDENT aad uga caana dalka holand reer holandiiskuna siweyn wariye
nimadiisa siiba siyaasiyiintu uga danbeeyaan. una dhashay dalka Netherland.
balse haatan ay siminaarka usoodireen RADIO NEDERLAND TRAINING CENTER. iyo
Wariye Tony Wilkinson oo isnna ka socda The National Union Of Journalist.
UK..
Waxaa ayna labadaasi sixufi ka caawin doonaan inta is araggu socdo
saxafiyiinta soomaaliyeed aqoon guud oo ku salaysan waxqabadka wariyaha iyo
sida uu wariyaha soomaaliyeed isku waafajinkaro qaabka wartabinta galbeedka
iyo tiisa.
Waxaa shirka si habsami ah aadnna loogu bogay udaadihinaaya Maxamed
Guuleed.
Qore: XagarYare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk.com | Holland
___________________________
XAGAR YARE WAA WARIYIHII;
RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO
HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.