SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA

JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA

Ku dhamaan Salaadiinta iyo waxgaradka Soomaalida Waqooyi-Galbeed
Ku. Dhamaan Soomaaliweyn
KU. Maamulka Hargaysa.

Ujeedo:  Codsi ka hortag dagaal sokeeyo  oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya.
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal

Anagoo tixraacayna warkii uu ka sheegay BBCda wasiirka Arimaha gudaha ee Maamulka Hargaysa Ismaaciil Aadan Cismaan kaasoo ahaa in  Hargaysa lagu xidhxidhay 36 nin oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin ONLF ee dagaalka ba'an kala soo horjeeda Itoobiya. ayaa waxaanu halkan ka soo jeedinaynaa Baaq ku aadan xidhxidhka ragaas.

Hordhac

Walaalayaal  guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waa dad walaala ah, waa wiil iyo abtigii, gabadh iyo Gayaankeed, gaar ahaana midka Soomaalida W/galbeed iyo Soomalida Ogaadeenya waa kuwo wadaaga xidhiidh taabanaya dhinacyo badan sida:  Dhalashada, dhaqanka, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Ceelka iyo Daaqsinta IWM . Waana dad uu u dhaxeeyo Xuduud aan sharci ku dhisnayn oo kala dhexmarta Beer uu nin kaliya leeyahay. sida Beerta Ayaan-daran ee ku taala agagaarka magaalada Boorame, taasoo markhaati cad u ah sharcidarada xadbeenaadkaas lagu sameeyey iyo sida loo kala qaybiyey Soomaaliweyn.

Hadaba siduu sheegay Maykal Maryama markii xadkan la jeexayey oo uu ku yidhi dowladii Ingriiska" waxaad xad kala dhexdhigaysaan labo nin oo walaalo ah, Hal iyo Nirigteed, suura gala ma'aha inay kala maqnaadaan" ayaa waxaanu maanta leenahay dadka Soomaaliyeed waa saas uu Maykal Maryama sheegay oo ma kala maarmo, ee qabiil walba deegaankiisa qabiilada kale ha ku nabadgaliyo hana ku xurmeeyo. Dhaqanka Soomaalida ninka dhulkaaga jooga aduu magan kuu yahay, Magantuna waa lama taabtaan, ninkii Magantiisa bariin kariwaayana gabadhoodu gayaan ma qasho.

Ayadoo dadka Soomaaliyeed sidaas yahay ayey hadana kala leeyihiin deegaano, ku waasoo aad moodo inay ka duwanaatay magaalada Hargaysa oo maamulkeedu ka baxay xadkii Soomaalinimada,. kadib markay dhowr jeer rag Soomaaliyeed u dhiibeen Cadowga Itoobiya. iyagoo kaga raadsanaya waji iyo xidhiidh siyaasadeed, taasoon Soomaalida dhaqan iyo Caado midna u ahaan jirin.. Soomaalida waa lagu yaqaanay inay is disho. laakiin in Xabashi laysu dhiibo waa wax reer Waqooyi gaar ku ah oo inagu cusub.

Hdaba Anagoo ku hadlayna codka Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool Koonfurta Afrika waxaanu u sheegay Maamulka Hargaysa, gaar ahaan Qabiilka Isaaqa inaanaan u duldaadanaynin inay dadkanaga ku xidhxidhaan Hargaysa, una dhiibaan Tigreega. Iyagoo ka ganacsanaya dhamaan gobaladanada, Baabuurtooda iyo dadkooduna joogaan halkaas. Waxaa kaloon idiin sheegaynaa hadii aydaan joojinin falalka foosha xun inaanu ka qaadi doono dadkiina talaabo adag oo jawaab u noqon karta midiina.

Hadaba si midaas looga hortago waxaanu kacodsanaynaa dhamaan Salaadiinta, waxgaradka iyo Cuqaasha beelahaas inay ka hortagaan falkan foosha xun ee ay wadaan maamulka Hargaysa si loo baajiyo colaad ka dhexmarta dadka Soomaaliyeed ee dariska ah. Midaasoo ah mida ay Itoobiya raadinayso Anaguna aanu mudadii hore ka war wareegaynay.

Waxaan sidookale ka codsanaynaa dhamaan dadka Soomaaliyeed meelkastooy joogaanba  inay talaabo tooda lamid ah ka qaadaan dadka ku taageersan xumaanta uu ku kacay maamulka Hargaysa.

Maamulka Jaaliyada  Soomaalida Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Afrika

Gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeenya ee Koonfurta Afrika.
C/Raxmaan C/laahi Muxumad (Casharo)
Kala xiriiri email: george@dreamlandonline.co.za


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 QORAALADII HORE EE ASAD CADAANI

sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya GUJI...



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD