SHEEKO NAXDINLEH
"Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada
tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd.
Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.
Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si’uu
uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.
Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga
duruusta schoolka .Waxay caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay
waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee
jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof
lagu sheego.
Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu
sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii
qabsadeyna waa tana:
Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya
albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo
isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo
cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan
wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:
“ qurux badan. Waan kujeclahey….inaan
kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley
akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan
!”
Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu
igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.
Guriga ayaan tagey anigoo daalan oo layaaban
arintan. Habeynkii oo dhan masaaxan.Waxaay igu noqotey yaab iyo amakaak!
Maalintii danbe markii aan kasoo baxey
jaamacada ayaan kula kulmey hadana iridka isaga oo isugaya ii dhoola cadeynaya.
Sidii sila’eg ayaan ugu cararey. Dhowr jeer ayuu sidaas oo kale isoo weerarey
oo aan kacararaayey ilaa aan kacaado yeeshey arintii.
Arintii sidaas ayey kusocotey maalinkastaba
isaga oo soo jaraya masaafa ilaa uu markii dambe iisoo dhigey waraaq albaabka
guriga. Aad ayaan ugu shakiyey qaadisteeda haseyeeshe waan qaadey aniga oo ay
gacanta igariireysa. Marka aan furey ee aan akhriyey waxaa kuqornaa hadalo
xanbaarsan jaceyl iyo isaga oo kacudurdaaranaya wixii dhib ah ee uu ii geystey
intii uu idabataagnaa.
Warqadii ayaan jeex-jeexay oo aan tuurey.
Waxyar kadib ayaa waxaa soo dhacey telephone! Mise waa isagii .Wuxuu iweydiiyey
inaan akhriyey waraaqda iyo inkale.
“Haddii aad edebyeelanwaydo,waxaan
usheegaya waalidkey waadna ogaan doontaa wixii kugudhaca”
Ayaan ugu caga jugleeyey.
Wax yar kadib ayuu kusoo celiyey telephonekii.
Wuxuuna bilaabey inuu isukey sharxo. Wuxuu iisheegey inuusan xumaan ila
dooneynin ee uu rabo inuu iguursado. Wuxuu igadhaadhiciyey inuu yahey nin
hantileh. Wuxuu balan qackusiiyey inuu dhisidoona daarta uguweyn magaalada oo
aan aniga ahey Amiirada kali ee degidoonta iyo inuu isiindoona wax alle iyo
wixii aan ubaahda ee aduunyo ah. Wuxuu intaas kudarey inuu yahey qofka kale ee
kaharey reerkooda ee nool manta oo aysanjirin cid kuheysato hantidaas faraha
badan ee uu haysto oo waxa kamaqan
aytahey xaas wanaagsan oo edebleh sideyda oo kale.
Sharaxaad dheer kadib waan uqalbijelcay.
Waxaana bilaabey inaan kadhageysta sheekada marka uu soo diro telephonada.
Waxaan is arkey anigoo kasugaya telephone maalinkasta oo haddii uu soo
diriwaayo murugooda. Iyo inaan sugo marka aan kasoo baxa jaamacada bal inaan
arko ninka ii balanqaadey mustaqbalka rajada wanaagsan.
Maalin anigoo kasoo baxay jaamacada ayaan kula
kulmey albaabka isaga oo taagan. markaas ayaan kala bad-batey farxad. Waxaan
bilaabey inaan gaarigiisa lafuulo oo aan kusoo wareegna magaalada anagoo
sheekeysaneyna.
Marka aan lajooga,waxaan noqdey sidii qof aan
laheyn Ikhtiyaar sida uu ii hantey awgeed. Awood umalaheyn inaan is weydiyo
sababta aan ula socdo. Waxaad mooda inuu iga siibey wadnaha.
Waxaan bilaabey inaan rumeysto dhamaan
hadaladiisa gaar ahaan marka uu iguyirahdo waxaad tahey xaaskeyga mustaqbalka
dhow. Daar weyn ayaan kuu taagaya.
Dunida oo dhan baan kudabaalsiinaya. Dadna waa adiga oo kali……
Maalinmaalmaha kamid ah(Maalin madow) ayuu
burburiyey noolasheydii sidey udhameyd! Wuxuuna igu ceebeyey Ummada horteeda!
Sidii caadada aheyd ayaan islabaxney oo aan is
raacney. Wuxuu igeeyey guri aad loo qurxiyey oo sifiican loo gogley. Waana is
garab fariisaney anagoo is eeg-eegeyna. Waxaan hilmaamey Xadiithkii
Nabiga Salallahu Aleyhi Wasalam ee uu nooga digey inaay nin iyo
naag ajnabi kala ah meel cidla’ah wada fariistaan! Waxaan bilaawney
inaan eegaya oo uu isagana i eegaya ilaa aan is arkey anigoo hoos jiifa!
Waxaan arkey anigoo gacan kuheynin wixii aan lahaa wixii ugu qaalisanaa! Waxaan
soo kacay sidii anigoo waalan markaas ayaan ku iri: “maxaad
igu sameyneysaa? Hacabsan!Waxaad tahey xaaskeyga? Sideen xaaskaada kunoqdey
adigoon imahersan? Ayaan kucalancaley! Waan kumahersandoona mardhow!” Ayuu iigu
laabqaboojiyey!
Guriga ayaan aadey anigoo murugeysan;lugaha
qaadila’a oo ooynaya! . Waxaa igushidmey dab jirka oo dhan. Gabalkii ayaa ii
ayaa igu madoobaadey! Waxaan bilaabey inaan habeyn iyo maalin ooyo. Waxaan
katagey waxbarashadii.Xaaladeydii ayaa sii xumaatey! Qoyskanigii ayaa igu
wareerey ayagoo layaaban waxa igu dhacey!
Waxaanse isku samirsiiyey arintii uu ii
balanqaadey ee guurka aheyd inuu fulindoona.Waqtigii ayaa dheeraadey ayadoo
habeynka iyo maalinta ay iiga culustahey buuraha.Tolow maxaa kuxigidoona!
Waa tana balaayo kale oo kadaran tii hore!
Telephone ayaa soo dhacey!Waa isagii oo aad mooda codkiisa inuu kasoo hadlaya
meel fog. “Waxaan rabaa inaan kulano oo aan kawada hadalno arin muhiim ah” Ayuu
iguyiri. Aad ayaan ufarxey anigoo uheysta inuu doonaya inuu nikaax sameynayo
iyo aroos waliba!
Waxaan utagey isagoo aad moodo sheydaan
wuxuuna igu yiri: “Waxaan kugu bishaareeynaya inaadan iga sugin wax guur ah
waliga!Waxaan rabaa inaan kuwada noolaano sidaas” Dharbaaxo ayaan kaga soo
qaadey ay indhuhu lasoo dhicigaareen! Waxaana usheegey inuuyahey nin akhlaaq
laabe ah oo mustaqbal dooneynin.Waana katagey anigoo ooynaya!
“Waxyar isug!”Ayuu igu yiri. Waxaa gacanta
ugujira Cajalad Video ah. Wuxuuna igu yiri sijees jees ah: “Taas ayaan
kuburburinaya noolashaada” “Maxaa kuduuban” Ayaan weydiyey. “Kaaley oo arag
waxa kuduuban. Waxaay kugu noqondoontaa layaab” Ayuu igu yiri.
Waan raacey si’aan usoo arko waxa
kuduuban.Waxaan ku arkey dhamaan Faaxisho ahaa ee nadhexmarey markii aan guriga
joogney! Maxaad sameysey Yaa Thaalim? “Camera ayaa guriga galiyey oo
duubtey.Cajaladaan ayaan kuu heystaa oo aan kugu burburinaya haddii aad diidid
waxa aan rabo!
Qayli iyo oohin horleh ayaan iskudarey waayo
ceebtu waxaay ugudubtey qoyskayaga.
Arintii waxay kudhamaatey inaan ninkii unoqdo
laheyste(Asiiraha) oo sida uu doona ii maamusha habeyn iyo maalin.Sifiican
ayaan udabaashey.Waxaan kawareegey noolashii sharafta laheyd waxaana kuwareegey
dumarka nooca liita. Qoyskayagana war umahayaan waxa dhacaya.
Cajaladii ayaa faaftey.Waxaay gacanta ugashey
ina adeerkey. Arintii ayaa laba qaraxdey. Waxaa kawarheley waalidkey iyo
dhamaan reerkayagii oo dhan.Waxaay usii gudubtey ceebtii oo ay qaadatey dhamaan
magaaladii oo dhan. Gurigayagii waxa hareeyey ceeb.Waan dhuuntey si’aan
ubadbaadiyo nafteyda.
Waxaa sidoo kale magaaladii kacararey dhamaan
qoyskayagii oo dhan haseyeeshey ceebtiina kamaharin ee waa laguurtey.Waxay
noqotey arintii midlooga sheekeysta majaalista. Cajaladii ayaa sii fidey oo
gacanta ugashey shabaabka magaalada.
Waxaan kubiirey dumarka jirkooda kaganacsado
anigoo murugeysan.Ninkaan wuxuu horey usoo baleeyey gabdho kale oo sideyda oo
kale kaduufsadey schoolka. Waxaan go’aansadey inaan ka aargoosta oo aan
kusameeya mid kaxun tuu igudhigey.
Maalin ayuu ii soo galey isagoo aad
ucabsan.Waxaan u degdegey inaan kafaa’ideysto jaaniskaan. Waxaan caloosha
kagaliyey toorey! Halkaas ayaan kudiley Insaan-shaydaankii. Waxaan
kagaraaxeeyey dadkii uu dhibilahaa gadaashey!.
Waxaan uqorey sheekadaan si’aay ugunoqoto
waano gabdhaha yaryar ee soo kacaya si’aysan ugukadsoomin hadalada jilicsan ee
ay raga kusiraan dumarka.
Waxaan kusoo hordhigey sawir kaamil ah sidii
aan uburburiyey noolasheydii iyo tii qoyskayaga.
Aabahey wuu dhintey isagoo kucalcelinaya: “
XASBIYA ALLAH WANICMALWAKIIL! ANAA QADBAAN ALEYKI ILAA YOWMUL QIYAAMAHA” MAA
ASCABAHAA MINKALIMAHA.
Allah na astura waayo haddii usan na’asturin
kuligeen waxaan nahey ceeb socoto.
Salaamulahi aleykum?
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Updated: Dec 5, 2003
GABADHII SOO ISLAAMTAY
jidkeedii dheeraa 1aad
| 2aad |
3aad
Sheekadii 11
Gabdhood.....
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta
gabayda!!!... GUJI
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|