SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
War-1-4,December, 03,Mbagahti.
Dagaal cusub oo ka bilawdey madasha shirka………………………
Madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa beryahan waxaa ka bilawdey dagal ku saabsan in beel waliba hogaamiyahooda ka mid noqdo hogaamiyayasha saxiixaya shirka sida 24-ka hogaamiye .

Hogaamiyayaasha lagu casuumay shirka ama ergada shirka lagu casuumay ayaa waxaa loocasuumay Hab Urur ahaan ,wajiga labad ee shirka markii loo gudbay ayaa qaybsiga Ergada markii la waayey wado kale oo ay ku qaybsadaan tirada Ergada ayaa ugu danbeyn waxaa la isku raacey hab qaybsiga qabiilada Soomaaliya ee 4.5 oo markii hore laga soo minguuriey shirkii soomaalida ee lagu Carte ,Jabuuti,2000.
Habkan ayaa qabiilada waaweyn ee soomaalida la siiyey hal hal,qabiilada lagu tilmaamey in ay yar yar yihiin ama laga tiro badan yahay ayaa markii la isku darey iyagana la siiyey bar ama 0.5,qabiilada la yiri kuwa waaweyn waxay kala yihiin Hawiye,Dir,Daarood iyo Digil iyo Mirif halka 14-qabiilo oo lagu tilmaamo in ay yar yar yihiin marka la isku geeyey la siiyey Bar ama 0.5.
Hadaba qaybsigan ayaa waxa uu sababey in qabiilo ama beelo badan aysan ku lahaan hogaamiye ka mid kuwa saxiixay.
Madasha shirka ayaa beryahan waxaa ka bilawdey in qabiil walba u gudbiyo magaca Hogaamiyahooda siyaasada IGAD,Beesha Caalamka iyo hay`adaha caalamiga ,si loogu daro hogaamiyahooda liisa hogaamiyayaasha loo wado (Rereat ) Gaar-u-baxa kulanka lagu qaban doono Magaalada Mombaasa 9-Bishan Dicember.
Hogaamiyayaasha ka qayb galay gaar-u-baxa Kulan Mombaasi ayaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayan ilaa 40-hogaamiye Siyaasadeed sida uu sheegay wasiirka arrimha Dibada ee Wadanka kenya KolonZo Misoyoka.
40-Hogaamiye ayaa ila iyo hadda waxaa la yaqaanaa 24- iyo Madaxweyne Cabdi qasim oo tirada noqoneysa 25-hogaaamiye ,hadaba waxaa is waydiin leh 15-hogaamiye kale waa kuwama ?,hab nooce ah ayaa lagu soo xulayaa 15-ka kale,ma hab dagaal ooge mise darajo kale. Bal la arki doonee kulanka 9-december ee Mombaasa.
Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.


War-2-December,03,Mbagathi,Nairobi.
Culumada Shirka Wadahadaladda Nabada Ee Soomalida oo Soom…………..
Culimada ka qayb galeysa shirka dib u heshiisiinta Nabada Soomaalida ee Kenya ayaa u Soomaya 3-maalmood oo manta kow tahay.
3-maalmood ee soonka iyo quraan akhriska ayaa ujeedadu tahay in Ummada Soomaliyeed Shirkan ILLAAH ka siiyo dawlad Caadil ah oo loo dhan yahay.
Ujeedo labaad ayaa waxay tahay in Illaah ka qabto cid alle ciddii khas ku wada ILLAAH ka qabto .
Soonka 3-maalmood iyo Quraan Akhriska ka sokow ayaa Culumadau waxay Beesha caalamka iyo Adduun weynaha ka codsanayaa in aysan dheg u dhigin cidii diida in ya ka soo qayb galaan shirka oo ay fiiriyaan danta shacabka Soomaliyeed oo dhib iyo dagaalo ku soo jiray 13-sanno ee la soo dhaafey.
Culimada shirka ayaa maalinta 3-aad waxaa ku soo biiri doono culimada magalda Nairobi iyo Ergada shirka iyagoo banaanbax ku soo maraya wadooyinka magaalda Nairobi.
Culimadaasi soonka iyo Quraanka bilawdey maanta ayaa tiradoodu tahay 15-culimo oo isugu jirta dhamaan qabiilada kala duwan ee Soomaalida shirka ka qayb galeysa.
Dhamaad.


War-3-4,December,Nairobi.
Dawlada Ingiriiska oo Rereatka ku deeqdey 100-kun oo lacagta Ingiriiska.
War aan ka helnay xafiiska warfaafinta ee safaarada Ingiriiska ayaa tibaaxaya in dawlada Gaar -u-baxa Kulanka 9-Decembar ku deeqday Boqolkun oo lacagta Ingiriiska.
Wasiirada horumarinta Caalamiga iyo wasiirka hawlaha Afrika Hillary Benn iyo Chriss Moulin ayaa qoraal ay ku saxiixnayeen ku cadeeyeen in ay raali ka yihiin wadahalada Nabada oo ay wadaan IGAD iyo dawlada Kenya iyadoo sannadkan IGAD hogaamineyso Waddanka Uganda uu Madaxweyne ka yahay Yuweru Musaveni.
labadaasi wasiir ayaa qoraalkoodu soo saarey 29-bishii November ,London.
waxaa kaloo qoraalka uu sheegayaa in ay dawladda IOngiriiska mar ay ka go`an tahay in Ummada Soomaaliyeed Dawlad loo dhiso.
qoraalka ayaa waxa ay ku soo gabagabeeyeen in hogaamiyaasha Soomaalida laga raba markan in ay ka faaideystaan fursadan qaali ah uu adduunweynuhu siiyey Ummada Soomaaliyeed,waxay ka codsadeen hogaamiyayaasha Soomaaloda in qof wakliba uu soo bandhigo fikirkiisa ,kana soo jeediyo shirka si looga wada hadlo.
Dhamaad.


War-4-4-December,Mbagathi.Nairobi.
Amb.Jemis Kiboi iyo Amb.Afey oo maanta u saf...........................
Amb.Jemis Kiboi Kaaliyaha Arrimaha Siyaasada iyo diblomaasiyadda Guddoomiyaha shirka iyo safiirka dawlda Kenya ee Soomaaliya Amb Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta u safrey Soomaaliya .
Safiirada ujeedada safarkoodu ayaa kun sabsan in ay warqada casuumaada uu geeyaan Hogaamiyayaasha Siyaaasada Soomaalida oo haatan ku sugan Magaalooyinka Soomaaliy,.
Casuumaadan oo ah Gaar-u-baxa (Rereat) kulanka Hogaamiyayaasha Soomaalida oo lagu qaban doono Magaalada Mombaasa 9-bishan.
lama cadeyn inta Hogaamiye oo ay u qaaadeen warqadaha casuumad , magacyadooda iyo Gobolada ay tagi doonaan .
safarkooda ayaa waxa uu qaadan doonaa muddo 24saac,berri ayaa la filayaa in ay ku soo laaban doon waddanka kenya.
Dhamaad.A
Abdikarim Aden Hussein
Mbagathi,Nairob.

abdikarimhussein@hotmail.com

SomaliTalk.com Dec 4


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD