Warqad furan
ku : maamulka isku magacaabay Somaliland ee
beesha Isaaq.
Og: Dhammaan ummada Somaliyeed ee qadarisa
wada dhalashada iyo Somalinimada.
Ismaamulka la magac baxay Somaliland wuxuu
baryahan dambe istraatijiyo ka dhigtay in ay kala fogeeyaan, cadaawadna ka dhex
abuuraan beesha Isaaq oo 13 sano u qafaashanayd iyo beelaha kale ee Somaliyeed,
gaar ahaan kuwa dariska la ah sida Puntland iyo Ogaadeenya.
Waxaa nasiib darra ah oo naxdin leh in wax
garadka beeshaas ay ilaa iyo hadda mawqif cad ka qaadan laýihiin siyaasadda
guracan ee beeshooda lagu maamulayo oo hadday sii socoto burbur iyo halaag u
horseedaya.
Maamulka beeshaas wuxuu caadaystay in uu
dhibaateeyo oo uu aflagaadeeyo beelaha kale ee Somaliyeed- waxaa xusid mudan
hadalkii ina Cali Waraabe ee uu yiri ”wiilka Addisababa jooga
ayaa iga xiga wiilka Muqdisha jooga” iyo hadaladii ka soo yeeray
ninka arimaha gudaha maamulkaas u qaabilsan waraysigii uu siiyey idaacadda Horn
of Afrik iyo gabadaha arimaha dibadda u qaabilsan ee Edna Aden wararkii ay
idaacadaha Voice of America iyo BBC fokus on Africa ay ku tir ” isku
asalna ma nihin isku afna kuma hadalno” ( we do´nt speak the same
language and we are not even the same race ) –
Muxuu waxgaradka Isaaq arimahaa ka yiri ?
WAXBA !!!!
Maalmahan dambe wuxuu maamulka beeshaas ku
hanjabayaa in Somalida aan ahayn Isaaq laga saaro saddexda magaalo ee ay
beeshaas ku leedahay geeska Afrika, ee kala aha Hargaysa, Burco iyo
Berbera, iyada oo Somali ka sokoow goboladaas ay joogaan qawmiyado kale oo
fasahaadin iyo dhaqan xumo ku soo kordhiyey deegaankaas, fasahaadkaas oo halis
ku ah in uu ku faafo dalka intiisa kale.
Ismaamulka beesha Isaaq wuxuu kal hore
xidhxidhay dad safar iyo qaraabo salaan u yimid deegaanka ay maamulaan, dadkaas
oo gacanta loo galiyey milatariga xabashida, si loogu tijaabinayey
daacadnimadooda- falalkaa nacabnimada ah, oo ay beesha ay dadkaas u dhasheen ee
Ogadeen haba yaraatee wax falcelin ah ka samayn, iyaga oo tixgalinaya wada
dhalasho iyo daris wanaag - iyada oo aanu ogsonahay in dad badan oo beesha
Isaaq u dhashay ay wakhtigan xaadirka ah ku suganyihiin carro Ogadeen- waxaa ay
warar lagu kalsoonayahay sheegayaan in ninka soo saaray dikereetada Somalida
looga saarayo Somaliland, waa ninka lagu magacabay wasiirka arimaha gudaha ee
ismaamulka beesha Isaaq, in uu geelii aabihi ka cabayo ceelka Bullaale!
Waxaan hadaba uga digayaa aniga
oo ku hadlaya aragtida beelaha Ogaadeenya ismaamulka beesha Isaaq ee Somaliland
in ay ka waantoobaan falalkan axmaqnimada ah ee ay ugu adeegayaan maamulka
xabashida, oo aanan mar danbe loo dulqaadan doonin.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaya beelaha Ogadeen
meel walba oo ay joogaan in ay sameeyaan abaabul falcelin ah oo ka jawaabaya
talaabada maamulkaas qaatay.
Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa waxgaradka
beesha Isaaq in ay mawqifkooda arrintan la xiriira cadeeyaan- hadday ka
aamusaana waxaa loo fasirayaa in ay taageersanyihiin siyaasadda guracan ee
maamulka beeshooda.
Cali Mataan
alimataangurhan@hotmail.com
Uk
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Somaliland Ma
Tanaadday Waa iyada Reer Koonfurkii Tarxiishee
C/waxid
Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta
gabayda!!!... GUJI
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|