SOO DHOWEYN DIIRRAN AYAY
SOOMAALIDA DENMARK KULA QAABILEEN SOCDAALKII NABADDA EE HADRAAWI
Waxaa isku soo
dubaridey
Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Denmark
Maxammed Ibraahim Warsame "hadraawi" |
Maalintii axadda oo ay taariikhdu ahayd 30.11.2003 ayay ballantu ahayd inuu
mid ka mid ah hal-abuurayaasha ugu magaca dheer suugaanyahannada soomaalida
casrigan kulan kula yeesho soomaalida ku dhaqan magaallada Copenhagen, xarunta
dalka Denmark. Waa Maxammed Ibraahim Warsame oo ku magac dheer Hadraawi oo
maalmahaan xanbaarsan dhanbaal nabadeed oo uu u sido walaalihiisa soomaaliyeed
ee colaadda sida daran u curyaamisay.
Qiyaastii 2 saacadood iyo bar ayay dhaaftay saacaddii dadka lagu
wargeliyay inay billaabanayso khudbadii uu soo jeedin lahaa abwaan Hadraawi,
waxaana hoolka weyn ee shirka lagu qabanayay iiga muuqday dad isugu jiray rag
iyo dumar, kuwaasoo xiisaynayay inay arkaan, dhagaystaana abwaanka caanka ah ee
waqtigan ku mashquulsan nabadaynta bulshada soomaaliyeed.
Innagoo ku sugan goobtii shirka ayaa waxaa soo galay dadkii la socday wafdigii
Hadraawi oo ay ku jirto Maryam Mursal oo dadka xiiseeya heesaha ay badankooda
yaqaaniin. “Raalli ahaada walaalayaal daahitaanka aan soo daahnay, diyaaraddii
ay ahayd inaan soo qaadano ayaa naga soo tagtay, muddo badan ayaan sugaynay
diyaaraddii kale ee ahayd inaan soo qaadano” ayeey tiri Maryam Mursal oo weliba
intaa raacisay “waxaan doonayaa inta aad sugaysaan odeyga Hadraawi oo salaad ku
jira hadda, inaan idinku maaweeliyo hees gaaban oo ka sheekeenaysa qiimaha
soomaalinnimada, waa heesta lagu magacaabo SOOMAALI U DIIDA CEEB, waxaan
doonayaa inaan heestaas soo bandhigo kahor intusan iman Hadraawi oo
maalmahaan
aanan oggoleyn heesaha” ayeey tiri, waxayna markale raacisay “akhwaanka ayeey
isku bah-yihiin maalmahaan” ayeey si kaftan ahaan misna u raacisay, waxayna
guda gashay hadal dheer oo ay dhagaystayaashii goobta shirka uga soo jeedisay
dhibaatadii soomaalida iyo somaaliya soo gaartay, gaar ahaan dumarka
soomaaliyeed. “Musiibada ku habsatay Soomaalida waxay inta badan si weyn u
saamaysay dumarka, caruurta iyo waayeellada soomaaliyeed, wixii soo haray intii
awoodday intii awoodi karay inay ka soo badbaadaan way ka soo baxeen
musiibadaas” ayeey tiri Maryam Mursal oo deggan magaallada labaad ee dalka
Denmark.
Maryan Mursal |
Waxyar dabadeed waxaa hoolkii shirka hal mar soo galay aqoonyahankii,
suugaanyahankii iyo hal-abuurkii weynaa ee uu Allaah ku mannaystay culuunta
bulshada waa Hadraawi oo dadkii oo dhan intay u istaageen sacabbo soo dhoweyn
kula qaabilay isaga. Intaa kadib, wuxuu u soo dhaafay goobtii loogu talagalay
inuu ka jeediyo qudbaddiisa uu ku doonayo inuu ku soo gudbiyo dhambaalkiisa
xanbaarsan nabadda.
Shirkii ayaa si rasmi ah albaabada loogu furay. Hadal soo dhoweyn ah oo gaaban
ayaa waxaa madashii shirka ka soo jeediyay mid ka mid ahaa qabanqaabiyaashii
shirka, isagoo u mahad celiyay dhammaan dadkii shirka ka soo qayb galay, gaar
ahaan Maxammed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo wafdigiisii safarka ku wehelinayay.
Intaa kadib, waxaa hadalka qaatay Wardheere oo ka hadlay guud ahaan
jahawareerka soomaalida haysta, gaar ahaan qoysaska soomaaliyeed ee qurbaha ku
dhibaataysan. “waxaan ahay macalin si fiican uga warqaba baahida ubadka
soomaaliyeed haysata, innagoo u wada dhan aynu wax ka qabanno dhibaatadaas”
ayuu yiri Wardheere oo ah
musharrixii ugu horeeyay ee isu soo taaga inuu noqdo
duqa magaallada Minneapolis, dalka USA.
Maxammuud Xasan Geelle ayaa sidoo kale hadal gaaban ka soo jeediyay goobtii
shirka, wuxuuna ka qaybgalayaashii shirka ka codsaday inay si ixtiraam leh u
dhagaystaan dhambaalka nabadda ee uu wado Hadraawi.
“soomaalida deggan Denmark waxay ii yaqaaniin guddoomiyaha soomaalida, cid
ii dooratay guddoomiyanimadaas ma jiraan, annigaa isu gartay inaan xilkas noqdo,
sidoo kale Hadraawi qof u magacaabay inuu wado howshaan qiimaha badan ma jiraan,
diintiisii iyo soomaalinimadiisa ayaa tustay inuu qaado howshaan” ayuu yiri
Geelle oo soo dhoweeyay socdaalka Nabadda ee uu uu hoggaaminayo Hadraawi.
“walaalayaalow aynu si niyad sami leh ugu soo dhoweyno nabadda uu noo wado
Hadraawi, afar kun oo kiiloomitir ayuu howshaan Soomaaliya oo dhan ugu soo
maray, dhafar badan iyo dadaal badan ayuu u maray siday howshaan u fuli lahayd,
marka waa waajib inaan taageernaa” ayuu Geelle hadalkiisa ku soo gabagabeeyay,
iyadoo intaas kadib makrafoonka loo dhiibay Hadraawi si uu u guda gulo
farriinta uu u sido gaar ahaan soomaalida ku dhaqan Denmark, guud ahaan
bulshada soomaaliyeed meel walboo ay joogto.
Ugu horreyntii, Hadraawi wuxuu dadkii badnaa ee soomaaliyeed ku salaamay
salaanta islaamka ee ducada xanbaarsan, kadibna iyadoo daal aad u weyn
wejigiisa laga aqrisanayo ayuu hadalkiisa ku billaabay ducadaan “Alloow sida
Roon ayaan kaa baryaynaa”, kadibna waxaa si daba is joog isu raac-raaciyay
hadalladiisii xikmadaha u badnaa ee uu u jeedinayay soomaalidii goobtii shirka
isugu yimid. Hadraawi wuxuu ka sheekeeyay sidii uu ugu laabtay dalkii
Soomaaliya, kadib markii uu adkaysan waayay noloshii qurbaha. “Markii ay ii
cuntumi weyday noloshii qurbaha oo aan is garan waayay qofkaan ahay ayaan isaga
dhaqaaqay oo waxaan imid Soomaaliya” ayuu yiri, wuxuuna intaas raaciyay “markii
aan imid Hargaysa ayaan ogaaday waxaan dalkaygii ku ahaa, waxaan si dhab ah u
oggaaday inaan garto waajibka iga saaran dalkayga iyo dadyayga soomaaliyeed”,
kadibna wuxuu Hadraawi halkaasi ka billaabay socdaalkiisii uu u galay inuu
nabad ka islaaxiyo walaalaha soomaaliyeed ee colaadda kala dhex gashay, isagoo
markii hore soo maray degmooyinka iyo magaalooyinka waqooyiga Soomaaliya ilaa
uu markii danbe ka soo gaaray magaallada Muqdisho.
Hadraawi wuxuu aad ugu dheeraaday xasilooni la’aanta ka jirta Muqdisho iyo guud
ahaan koonfurta Soomaaliya, isagoo si weyn u xusay dhibaatada dadka loo yaqaano
“mooryaanta” ee ay ku hayaan soomaalida inteeda kale.'mooryaanta aan tilmaamayo
waa kuwii aan xaqoodii la siinin, waa kuwii agoonta ahaa, waa kuwii derbi
seexadka ahaa, waa kuwii aanan helin waalid wanaagsan, waa kuwii la dayacay ee
derbi-jiifka ahaa, waa kuwii aanan soo arag wax naxariis ah, waa kuwii
kaba-caseeyaha ahaa, waa kuwii aanan fursad u helin inay wax bartaan” ayuu yiri
isagoo aad ugu dheeraaday maatadii iyagana ku le’day dagaalkii sokeeye ee
Soomaaliya. Wuxuu kaloo Hadraawi ku dheeraaday dowrka soomaalida qurbaha ee
kaga aaddan nabadaynta walaalaha soomaaliyeed. “Rabbi ka sokoow, dalkii idinkaa
u maqan, hantidiina iyo aqoontiina waxaad gelisaan dalka, ha ku ekaanina oo
keliya inaad dhisataan daaro, ee waxaad abuurtaan jawi nabadeed” ayuu yiri
Hadraawi, wuxuuna hadalka intiisa danbe guda galay inuu ka hadlo qoyska iyo
ubadka soomaaliyeed. Waajibka laga doonayo qoyska ayuu ku dheeraaday iyo
waxyaabaha sababi kara burburka qoyska oo uu ka koow yahay maandooriyaha qaadka.
“Qaadka waa kan 20-jirka iyo 50-jirka isku da’da ka dhigay, halkaas ayay wada
fadhiyaan oo ay ku damiir la’yihiin” ayuu yiri Hadraawi, wuxuuna intaas
raaciyay “annigoo jabuuti jooga oo jecel qaadka iyo sigaarka ayaan misna iska
joojiyay, kadib markaan arkay wax-yeelladiisa, waan awoodi karaa maanta markaan
qaadka iska dhaafay inaan dadka ka waaniyo” ayuu yiri Hadraawi oo tilmaamay
inay qofka wanaagga ay habboon tahay in marka hore isaga laga arko “camalka
wanaagsan waa muraayadda qofka uu isku eegayo, camalkaaga ayay dadka kaaga
marqaati kacayaan” ayuu yiri Hadraawi.
Wuxuu Hadraawi dardaaramo iyo nasteexooyin u soo jeediyay waalidka, gaar ahaan
aabaha. “Ragga waxaa looga baahan inay ragganimo la yimaadaan, waa inaad
hoggaamisaan guriga, u kallahdaan goobaha shaqada, u dhimrisaan haweenka iyo
caruurta” ayuu yiri.
Khudbaddii qiimaha iyo xiisaha lahayd ee uu soo jeediyay Maxammed Ibraahim
Warsame Hadraawi ayaa wuxuu ku soo gabagabeeyay gabay uu ugu magac daray “Rag
siyaasi wada noqay” oo uu dhaliil weyn ugu soo jeediyay soomaalida
siyaasiyiinta maanta wada noqday. “lixdameeyadii siyaasiyiinta way tirsanaayeen,
dhowr qof ayaa lagu tilmaami jiray inay siyaasiyiin ahaayeen, kuwaas iyaga ahna
xiiso sidaas uma sii qabin, laakiin nasiib darro maanta soomaaliyoo dhan waa
siyaasiyiin” ayuu yiri Hadraawi oo khudbaddiisii ku soo xiray duco uu Alle uga
baryay dalkeenii iyo dadkeennii inuu faraj u furo.
Waxaan mahad gaar ah u celineynaa Maxammuud Shabeele oo ka qayb qaatay
qoraalka.
Waxaa
isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Denmark
QORAALADII HORE EE IBRAAHIN
CASHARADII SAXAABADA RASUULKA
CASHARADII CIBAADADA SALAADDA
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2003 | Update: Sixid: Taariikhda shirku
dhacay waa 30.11.2003
Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta
gabayda!!!... GUJI
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|