SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BA’NAYEEY WAA BARBAR XAARAAN !!!

C/Rahmaan Eelaay
 eediran@yahoo.com

 

Abwaanka dhabta ahi waa kan dareenkiisa iyo waxa gubaya ee aan cidi ogaan karin ku soo bandhiga suugaan. Maansada noocaan ahi waxay u badan tahay catow iyo calaacal uu abwaanku ka gubtay xaqdarro ula kac loogu sameeyey, dhibaato la soo deristay ama wax uu qoonsaday oo lagu sameeyey. In kastooy jiraan maansooyin muujinaya farxad haddana waxaa aad u badan kuwa muujinaya murugada sida Catowgii Sayidka, Kii Raage Ugaas iyo kii intaaba ka darnaa ee Cumar Dhuulle.

Bal aanu soo qaadano dhacdada la yaabka leh ee murugada ku reebtay abwaan Cumar iyadoo dadkii geystay falkaan naxdinta lehna ay u arkayeen in ay hawl muqadas ah oo khasab ku ah inay sameeyaan ay fulinayeen. Cumar dhuulle(Allaha u naxariistee) wuxuu ahaa abwaan aad u cod macaan oo inta badan ku luuqayn jirey heesaha caashaqa xambaarsan. Laakiin waxaan halkan idiinku hayaa hees aad dareenka qofkii dhegeystaa u kicinaysa oo uu kula hadlayo dadka iyo sida ay raaliga uga yihiin dhibaatada lagu sameeyey qoyskiisii. Wuxuu abwaanku ka hadlayaa gabadh yar oo aad u qurux badnayd oo uu dhalay oo la xabaal nololiyey.

Cumar wuxuu Hargeisa ku guursaday gabadh Aji ah, gabadhiina waxay u dhashay gabadh yar oo aad u qurux badan. Waxaa la soo ogaaday in Cumar uu ka soo jeedo qowmiyadaha uu Ajigu takooro ee uu xaquuqdoodii ku xadgudbay. Mar keliya ayaa ganbadii iyo shaalkiiba la wada tuuray oo weer la wada xidhay. Sawaxnka, Qaylada iyo Oraahyadii lays dhaafsanayey ayaa waxay ahaayeen: Ba’nay, Ba’nay. Ma haddaanu Gumoownay, Ma haddaanu barbar xaaraan yeelanay, Ma la ba’ay, Ma angoo ah Reer….

Lama tix gelin, Lama ixtiraamin, Loomana aaba yeelin, ilmihii yaraa iyo hooyadii dhashay ee inta midi loola yimid ayaa gabadhii yareeyd sidii neef Alla Bari loo qalayo bisinka lagu boobay!

Hooyadii dhashay ayaa muraara dilaac iska muusanawday: Alla Walaalayaal, Alla Ilmaadeerayaal, Alla gabadha ha iga bireynina! Alla Abti baad u tihiin, Alla walaashiin baa dhashay, Alla miyeydaan Muslim ahayn!!!!!

Waa sheeko naxdin leh oo miyir doorsoon ku reebtay waalidkii gabadha dhalay. Waa fal ay kuwa sameeyey ka shalayn doonaan oo ay jawaab u waayi doonaan marka Eebihii abuuray gabadha weydiiyo: “ Maxaa laguu xabaal nololiyey? Denbi noocee ah baad gashay oo laguu dilay?”

Abwaanku wuxuu waayey cudud iyo hiilo,wuxuu waayey ixtiraam iyo karaameyn, wuxuu waayey soomaalinimo iyo Islaanimo, wuxuu waayey Biniaadinimo iyo tixgelin, wuxuu waayey u doodid iyo u hadlid. Abwaanku Kabankiisii buu isagoo madax doorsoon laacay, markaasuu ku luuqeeyey hees uu ku sagootinayo gabadhiisii ifka laga qariyey iyadoon la qoslin, la hadaaqin, la cayaarin hooyadeedii billo badan uurka ku soo siday iyo aabaheedii sugayey inuu mustaqbal wanaagsan u sameeyo.

Wuxuu abwaanku ku bilaabay;

MA GARBAA GABAR YAROON GU’GEEDU DHAMEYN

IN LA GEEYO GOD AAKHIRO

GALBATAYE GABADHYAHAY ALLOW KUU GARGAAR

GARABKAAGA ILLAAH HA GALEEEE!!!!!!!!

Fadlan halkan ka dhageyso heestii oo dhameystiran

C/Rahmaan Eelaay
 eediran@yahoo.com

 

ALLA AJIYOW WEJIYA BADNIDAA, MA LA JIIFIYAANA BANAAN BAA!!

Waxaa muhiim ah in qofka bini’aadamka ahi uu xakameyn karo naftiisa oo uusan naftiisa u noqon mid ku shaqaysata oo marba sidii ay rabto ay ka yeesho. Jismigu waa waxa muuqda ee qofka daboola lafahiisa qurxiyana laakiin waxa ku hoos jira ee loo yaqaan NAFTA ayaa ka qiima badan. Si kale haddaan u iraahdo Jismigu waa makiinad, Naftuna waa shidaalkii socodsiinayey. Haddaba akhristow Naftu sidey u eg tahay? Intey le’eg tahay? Ma la urin karaa, la taaban karaa ama la arki karaa? Dhakhtarkuse ma sifeyn karaa marka ay jirka ka baxayso sida ay u eg tahay? Qalabka caafimaadkuse ma sawiri karaan?

Naftu waxay diido lagu soo kari maayo, waxay sahal ku yeeshana lagama qaadi karo. Eebihii abuuray baa u dhaaratay oo gaajo ku saliday si ay u maqasho. Waxaa la yiraahdaa Amaanada markii laga wada carraray bay naftu ogolaatay inay qaadato.

Waxaa aad u sifeeyey nafta iyo sida ay jirka ugu jirto ama uga baxdo buugii ugu horeeyey ee mala’awaal ah ee laga qoro qof go’doomay. Waxaa buugaa qoray nin muslim ahaa oo reer Isbeyn ahaa, waxaana hadda buugiisii laga sameeyey cajalada ay ciyaalku daawadaan ee la yiraahdo THE GAZELLE BOY(Hay Binu Yakzin).

Naftu waa ta u diida qofka xaqiisa kana dhigta hawadii raac(Naftii raac), waa ta ku dhalisa oraahda ay soomaalidu tiraahdo JINIGEYGAA NECEB, KAMA HELO, NAFTEYDAA NECEB, WAAN ISKA DHEX ARKAY, UF MIDGAANYAHOW iwm. Naftu waa cunsuri, waa ta Soomaalida ku kaliftay inay u hogaansami waayaan Allahii abuurtay, Qabiilkana ka sara mariyaan, kuna mahadin waayaan, abaalna ay uga dhigeen inay Caayaan, magacya kala duwana u sameeyaan. ILLAAHAAGII…!(Subxaanallah)

Naftu waa ta ugu sheekeysay Soomaalida inay walaalahood la siman ugu yeeraan MIDGAAN oo yasaan kuna takooraan quraafaad iyo sheeko xariir. Naftu waa ta AJIGA ugu sheekeysay in MADHIBAANKA AWOOWGOOD UU CUNAY BAKHTI. Waxaa la yaab leh sida ay sheekadani ugu dhowdahay sheekada ay qolyaha Masiixiyada rumeysani ay aaminsan yihiin! Waxay ku leeyihiin:

Nebi Adam(CS) baa Eebihii abuuray daba marteeyey oo cunay geed la yidhi la cunin. Geedkaasi wuxuu ahaa GEEDKA GARASHADA oo haddaad cuntid ku tusaya xumaha iyo samaha. Markaa Adam(CS) wuu danbaabay oo Eebihii buu caasiyey, oo dambigiisii uu galay ayaa ilaa maanta carruurtiisu xambaarsan tahay oo wax ka mayrayaa dembigaas ma jiraan. Keliya wuxuu denbigaasi carruurtiisa uu uga maydhmi karaa inay rumeeyaan in Ciise(CS) u dhintay iyaga! Waa arrin cadaalada ka fog! Nebi Adam(CS) wixii uu sameeyey oo Illaahay u dhaafay maxaa carruurtiisa kumaakun sano isaga dabadii ka galay! Taa waxaa la mid ah sheeko baraleyda ay AJIGU isugu sheekeeyaan ee ah awoowgood baa bakhti cunay markaa dhashiisuna weli BAKHTIGII BAA DHIIGOODA KU JIRA OO WAA FADARO AMA WAA NIJAAS OO LAMA GUURSAN KARO!

Waxaa kaloo jira sheekooyin kale oo ay naftu AJIGA ugu sheekeysay oo ah in MADHIBAANKU UU LEEYAHAY AF JUBUQSAN OO KA DUWAN KAN AJIGA!

Waxaad maqlasaa GAALADU AFKA MIDGAHA OO KALE BAY LEEYIHIIN! WAXAAD MAQLASAA AF MIDGAANLE! Waxaa layaab leh in dadka afka dhaadheer leh ee ilkuhu ka soo horeeyaan marka ay qurbaha tagaan ay SILSILADO ISKU XIRAAN SI AY U YEESHAAN AFKA MADHIBAANKA LAGU CAAYO!

Waxaa kaloo layaab leh in xeryaha qaxootiga laga diiwaan gelinayey sano hore dadka ay Ajigu takooraan. Waxaa meeshii soo buuxiyey dadka isku sheega Laandheeraha oo ku dhaaranaya inay yihiin MIDGAAN, MADHIBAAN, YIBIR, TUMAAL iwm. Dagaalo ayaa ka dhex dhacay dhexdoodii markii QABIILOOYINKA AJIGU KALA BADSADAY INTA MADHIBAAN KA NOQONAYSA EE LA DIIWAAN GELINAYO!

Waxaa kaloo dhacday in la yiraahdo waxaa la diiwaan gelinayaa naagaha ka shaqeysta jirkooda(Sharmuutooyinka) ama naagaha haysta carruurta wecelada ah oo la soo kufsaday. Waxaa wax lala fajaco ah in maalintaa gabdhaha qowmiyad kasta oo ku faanta Qoys ama Qabiil ama Sareyn ay gabdhahoodii meel la kala dhigo la waayo, iyagoo ku dhaaranaya in ay yihiin Sharmuutooyin ama la soo kufsaday! Waxaa ka sii daran marka la yiraahdo caafimaad baa laydinka qaadayaa ee isku kaalaya oo inta dharka oo dhan laga dhigo haddana la yiraahdo iska tag anagaa kuu soo jawaabanee!

AAWAY DADKA KU FAANA NASABKA, SAREYNTA! GARASHADOODA IYO DAMIIRKOODU MA WUXUU TUSAA OO KELIYA WAXYEELADA IYO TAKOORKA WALAALAHOOD! MA DAD BAANU NAHAY MISE DAD U EKE! WAA WAX RUNTII KU TUSAYA LABA WEJILEYNTA AJIGA IYO QURAAFAADKA UU RUMEYSAN YAHAY!

HADDABA AJIYOW NAFTAADA HA UGU SHEEKEYN BEEN, EE XAKAMEE!

U NOQO ALLIHII SAMEEYEY INTAAD KA DOOR BIDASID QABIILKA!

NAFTUNA KHAYRKA AY SAMEYSO IYO U DHOWAANSHAHA ALLE BAY KU KALA LAANDHEEREYSAN TAHAY!

C/Rahmaan Eelay eediran@yahoo.com

 

 QORAALADII HORE EE EELAY

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD