Shirwaynaha 2aad ee SSHDA-YURUB
Shirwaynaha labaad ee SSHDA-Yurub oo ku
qabsoomi doona magaalada Aarhus dalka Denmark maalmaha Sabtida, Axada iyo
Isniinta ee taariikhda tahay 27, 28 & 29 Diseembar 2003.
Soomaaliya waxay ilaa iyo hadda dawlad la’aan ku jirtaa muddo dhowr iyo toban
sanno gaadhaysa, taas oo keentay kaladaadsanaan iyo burbur ku dhacay dhamaan
daryeelka iyo adeega bulshada guud-ahaan Soomaaliya.
Hadaba hay’ada SSHDA oo ka aasaasantay
dareenka iyo dhibaatada baahday ee ka taagan Soomaaliya, waxay isu taagtay
hay’adu, sidii ay gacan uga gaysan lahayd arimaha ay ka midka yihiin:
Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Deegaanka iyo Horumarinta nabada iyo wada
noolaanshaha.
SSHDA waxay ilaa iyo hada hawlo la taaban karo ka fulisay deegano ka mid ah
soomaaliya oo ay gacan ka gaysatay xaga waxbarashada iyo Caafimaadka.
Shirwaynahan oo ah kii 2aad ee Yurub isla markaana ah shirwaynihii 5aad ee
Ha’yada, waxaa looga hadli doonaa xaalada guud ee adeega bulshada oo ay ugu
horayso kor u qaadista aqoonta.
Shirwaynaha 2aad ee Yurub gaar ahaan, waxaa looga hadli doonaa waxbarashada
Asaasiga ah iyo tan Sare oo ay ugu horayso hirgelinta Jaamacada Nugaal.
Waxanu u kaaga mahad celinaynaa, soona dhaway-naynaa taladaada wax ku oolka ah
iyo waxtarkaaga.
Wa billaahi tawfiiq
- 27, 28 & 29 Desembar 2003
- Silkeborgvej 47
- 8000 Århus C
- Denmark
- Wixii macluumaad dheeraad ah la xidhiidh:
- Maxamed Ismaciil
- Telefon:
- 0045- 39563800
- Maxamed Muse
- Telefon:
- 0045-86770466
Hay’ada horumarinta Sool, Sanaag & Hawd,
waa hay’ada samafal, isla markaana ka madaxbanaan
ujeedooyin siyaasadeed. SSHDA waxay ku wajahan tahay arimaha Binu–aadamnimada
iyo horumarinta.
Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan SSHDA waxaad ka eegi kartaa:
www.sshda.org
La xiriir:
dksshda@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2003
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|