Soomalida Galbeedka degta dadka diintu waxay u
qaybsamaan labo qolo oo la kal yidhahdo Fiqiley iyo Naxwoley. Fiqi waa cilmig a
axkaamta
Naxwena waa ku xeeldheeraanta Luqadda.
sidoodana Culimadu isuma ceeb qariyaane haddii uu mid
arko mid masalo khalday dadka hortooda ayuu ku facsharaa. aqoonyaridiisan dadka
tusaa.
Markaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa Shaahk-Fiqiley ah
oo kitaab Fiqi(Arshaad) ah u marinaya xertiisii waxaa dhinaca ka soo galay labo
nin oo duubab waaweyn oo labo tusbax oo qurux badan ku tasbiixsanaya, haybad
leh muuqaal culimo waaweyni ka muuqdo.
Kolkaas ayaa Sheekhii beerka lagu dhiftay, wuxuu is
yidhi nimankani kolley waa labo mid uun ama Fiqilayaal kaa aqoon badan am
Naxwaaley meel aad xaroko(higgaad) aad gefto kugu qabsada oo dadka kugu
facshara.
Ha yeeshee wuu iska calool adaygay oo casharkii iska
sii waday, markuu wax yar marinayey ayuu soo gaadhay meel ay ku jirto. ""Wa
jaa'a Rasuulun"".isagoo aan weli laqbadii sheegin ayey labdii Duubweyne mar
lawada laboodeen ""Allaahu musallaah calaa Muxamed"". sheekhii ayaa neef weyni
kasoo baxday oo wuxuu yidhi maahmaah caan noqotay""Ilko doofaar la hubsay".
macnaha garey nimankaa duubabka waaweyni in aanay diin wax ka ogeyn,oo markii
aya "rasuulun" maqleen u qaatay Nabi Maxamed ee aan garan in ay meesha ugu
jirtey ninla diray oo caadi ah.
Sheekadaa waxaan uga socdaa haddii aad la socotay
bilawgii shirka waxaa la golyashaasha lagu sheekaysto laga haasaawi jirey in
shirkan Kenya ciddii ka maqnaata Maraykan ama Ingriis la boodayo. shrikaanna ay
doonayaan in uu midho dhalo dawlad ay la xisaabtamaanna meesha ka soo baxdo.
waayo sidaan fawdada ah argagixsada ay sheegaan ayaa ku soo dhuuman karta.
ninkii shirka qaaddacana waxaa loo qaadanayaa nin Argagixiso ah.
Taas ayaana sababtay in qabqablayaal badan kabash
kabashtu ka dhammaato oo aaney u kala hadhin ka qabgalka shirka. bilowgii
shirkana wax allaale wixii la yidhaahdo qalinka ayey ku duugi jireen. iyadoo ay
jirtey in qaarkood waxa ay saxiixayaan aaney ba akhriyi karin.
Dabeedna waxa dhacday markay muddo sidaa u baqayeen
ayey markii dambe qaarkoodii cabsida shirka ku yimid bilaabeen hadallo ay
shirka wax kaga sheegayaan oo tijaabo ah. hadba waxay sii wadaanna waxay ugu
dambayntii ogaadeen in cid wax ku samayn karta iyo cid dan kale toonna aanay
jirin. waana kuwa iskaga soo yaacay Hawshoodiina meesha ka watey. sow taasna
Maraykan iyo Ingriis kalama mid dhigin labadii Duubweyne. "Iklo daafaar la
hubsay".
Waxaa ah mid la is weydiiyo sababta dagaal-oogayaasha
intooda badani dawlad somaliyeed u diiddan yihiin.
Maxay kula tahay in ninka saddex alif -leh Ciidanka ah
ahaa ,kii biyo dhaamin jirey, kii Gaadhi-gacanle ahaa,kii Dillaal ahaa,kii dib
jir ahaa, oo maanta Beerihii Afgooye iyo Jannaale iyo Aqallo badan oo islaameed
Gacanta haya, garoon diyaardeed iyo Deked samaystay oo cashuur ka qaatay,ama
dhul aanu lahayn fadhiistey,ama Hoggaamiye loogu yeedho oo Beel hor
fadhiyaa,shirkasta oo laqabtaana aan looga maarmin, Waxa uu dawla uga baahan
yahay? sow Dawlad baastu shaqadiisii u diri mayso.
Markaa sow gar kuma laha in ay kal dambayn iyo
dwladnino diidaan?
- maxay kula tahay ragga Caato,Yalaxow iyo Xaabsade
lihi waxa ay dawlad somaaliyeed ka noqon karaan?
- Ninkii goomanaan jirey hadduu guulle wax u dhiibo
- Gadaal wax uma eegoo fakhri buu gocan abiidkiise
- Gacalada tolkiis iyo dabo-ka-naax yay gar niqi doona
(Cismaan Keenodiid)
- Dhibaatada Soomaliyeed maalinba maalinta ka dambaysa
way sii murgeysaa.
Shir kasta oo la qabtaaba waxa laga faa'iido iska
dhaafe dagaal oogayaal hor leh oo dad iyo xoolo uu cuno u hammuun qaba ayuu soo
kordhiyaa.
Nin Saynis yahan ahaa oo la odhahn jirey Christian
Hawgins oo wakhtigii Kaniisadda looga arrimin jire Europe noolaa ayaa waxaa la
weydiiyey talo bal sida laga yeelayo nimankaan kaniisadda oo wax allaale wixii
saynis yahannadu cilmi ahaan u ogaadaanba beeninaya dadka saynis yahanada
laynaya qaarkoodna nolosha ku guba.
Wuxuu ku jawaabay "Iskaa daaya waa odayaal mar dhow
ayey dhimanayaane". sidii ayey noqotay oo waa tii Europe kaniisaddi ka xorayday
iyadoo aan shir iyo dagaal toona la gelin.
Haddaba innagu haddii aynu taladaan Hawgins
qaadanlahayn,innaga kuweennu way sii kordhaan oo cisho kasta mid cusub baa soo
kordha. oo xitaa ilmaha maanta dhashaa yoolkiisu ugu sarreeyaa waa in uu maalin
uun Dagaal ooge noqdo, illeyn ninka ugu awood badan uguna naaxsan,guri qurx
badan beeshiisa oo uu arko rwaa Dagaal- ooge eh.
Sida muuqatana shirkaan ka socda Kenya hadda waxaba
kama soo socdaan.
waxaan u baahnayn cid innaka xoog badan oo inna baqdin
gelisa oo aan xaar isku sii dayne sida Qadaafi. illeyn kor cabsoodaynu leenahay
kal xishaatana malihine.
Nabad gelyo
Cawl Mareero
"Suldaanka Cal miskaad"
cawl_mareero@hotmail.com
QORAALADII HORE EE SULDAANKA CAL MISKAAD
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan