Laascaanood Dagaal Dan uma aha!
Liiban Maxamed Shariif(dhegacade)
Somalia60@hotmail.com
Dec 30, 2003
Joojiya Durbaanka Colaadeed!
Dadyoowga aduunka cidhifyaddiisa kala duwan ku sugan waxay isugu bogaadinayaan
sanadka dhalandoona, iyaga oo isu rajeynaya wanaag , bash-bash iyo barwaaqo. I
dina waxaad hadda tumeysaan durbaan colaadeed oo wuxuu ku danbeyn aan la ogeyn.
Ma anaa waalan misse dadku ma fahmin waxa uu eebe ugu deeqay waxa ugu muhiimsan
in uu yahay caqliga.
Waxaa
mudan in aan taariikhda dib loo jaleeco. Ma fogeyn markaan fadhiyey gurigeygi
ku yiil xaafadii shiirkole ofishaale, markii aan maqlay madficii ugu horeeyey
ee ka dhaca magaalada Muqdisho. Saacadu waxay ahayd 14:15 duhurnimo waxaana
idaacadii radio muqdisho ku jirey warkii dunida. Nasiib daro waxay dhacdadasi
ku beegnayd maalin ama labo maalmood ka hor intii aanu dhalan sanadkii cusbaa
1991. Colaadii maalintaa kowsatay heerkey gaadhay iyo maanta messha ay mareyso
uma baahna in la bayaaniyo. Idina tii oo kale ayaad laabta u garaacaneysaan
labo maalmood ka hor dhalshada sanadka cusub ee 2004.
Haddaba
waxaa nasiibdaro ah in sadex iyo toban sano kadib dhacdada aan kor ku xusay,
rag dan shaqsi ah wata ay maanta u dig iyo dam leeyihiin in ay dagaal ka
abuuraan deegana dhifka ah ee ka nabada galay dagaaladdii ahliga ahaa ee ku
habsaday dhulkii hooyo. Haddii aan awood u lahan lahaa maanta saacada dib ayaan
u celin lahaa, si looga hortago in ruux Soomaali ah dhiigiisu daato.
Waxaan
ku odhan lahaa labada maamul ee isku herdiyaya magaalada Laascaanood, in aaney
ilaawin in danta dadwenuhu ay ka muhiimsantahay tooda gaarka ah ee saklaka ku
heysa hadaf siyaasadeed oo ku saleysan dhulbalaadhsi iyo qabill muruq kudhis.
Waxaan ka codsanayaa dhamaan intiina ku hawlan collad-oogida ka aloolsan
gobolka Sool iyo nawaaxigiisa, bal in aad dib u qoodhansataan sadex iyo toban
sano kahor sidey aheyd magaalada Laascaanood iyo maanta sidda ay tahay.
Isimada
deeganka ayaa leh masuuliyada ugu sareysaa wixii khasaara iyo dhimasho ah ee ka
yimaada dagaalkan la hurinayo. Idinkaa labada maamul ee isku kiin haystaba wax
kasoo dhisay idinkoon isla tashan cidkalena kala tashan. Dhawaaqan deegan_
dumiska iyo barakicinta ah ee ka socda magaalada waa midhihii ka soo go’ay
geedihii aad ubuurteen. Idinkayna idiin taalaa siddii aad uga hortegi lahaydeen
xiisadan taagan.
Shacabkoow
taariikhdu waa shey taxana ah, loona baahan yahay in wax laga
barto. Ee ha noqonina kuwo aan waxba ku qaadan wixii saameeyey deegaanada idin
ku xeeran. Waa in aad si cad uga hortagtaan wax alaale iyo wixii keenaya
dhibaato ku timaada, naftaada, tan jiiraankaaga, awlaadaada, waalidkaaga iyo
beyada aad ku dhaqanatahy oo ah meesha hoyga u ah adiga iyo in badan muslimiin
ah. Maanta magaaladu uma baahna caruur kale oo agoon ah amse rajo ah. Ka
hortaga wax kastoo dhib idiin keenaya oo iska qabta COL_OOGAYAASHA.
CAQLIGUNA HA SHAQEEYO.
Waxan idiin rajeynaa nabad qab.
Liiban Maxamed Shariif(dhegacade)
Somalia60@hotmail.com
Faafin
SomaliTalk.com | December 30, 2003
»MA-OGTAHAY
CIDDII UGU HOREYSEY EE....
[Guji]
»Maxaynu
u Wax Qabad u Samayn waynay
»Dhaqanka
Wanaagsan ee Islaamku ina Faraayo
»Masayrka
Maangaabyada [Shaafici]
»BBC-da:
SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA
[Salahudin]
»BBC
WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY?
»"BBC-DA
WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED"
»Cudurka
Aidska iyo BBC-du maxay wadaagaan? [Cali]
»C/hi
Riyaale ma iska Difaaci Karaa? [C/Waxid]
»Jawaab:
Gabaygii wuu Dhintay [C/Risaq Xuseen]
»Abgaaloow
awrkiina qabsada (Maxamed Dheere) [C/Waxid]
»CILMI
IYO CAADO.... [Caasha]
»Intaydaan
Dowlad Dhisin, Caqligiinna aan Dhisno [C/Waxid]
»Badwaynta
Kalgacalka [SIRTA GUUSHA...]
»Sidee Saddam
Hussein loo qabtey? [A.Zahid]
»SADDAAM XUSEEN:
DIKTAATOORKII NASIIBKA XUMAA [Fahad]
»MA KU
GUULAYSTAY MARAYKANAK CIRAAQ ? [C/Raxman]
»Shirka Kenya
Waxaa Lagu Bahdiley Soomaaliya [Abdullahi]
»Reer
Caabudwaaqwow Colka joojiya [Dhegacade]
»Musaveni iyo
Musyoka oo maamuusay mooryaanta [C/waxid]
»Daan-Daansiga
Maamulka Hargaysa Ma ka Siidarayaa? [Qamaan]
»MA NACAYBKA
SOOMAALILAND AYAA SOOMAALIWEYN KEENI DOONA?
»YAA LA
GUURSADAA? [Catoosh]
»SOOMAALIYEEY
UU DUCEEYA DALKIINA [pilot]
»Isbadal
Waa Lagama Maarmaan [Shiikh.Jibriil]
»JIDKII LAGU
GAARI LAHAA XAL WAARA: WAA KAA [Awes]
»SOMALILAND
WAA BUUR BUURTANA DABAYSHU MA RUXDO [Liban]
»MAQAALADA
KALE EE TODDOBAADKAN... GUJI
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|