December 30, 2003
BAAQ KU SOCDA SHACABKA ISAAQA
Cali Warsame Dabagooye
huluul40@hotmail.com
Sannadguuradii
koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray
Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood
Asad
|
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi
uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay
awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa
in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka
camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo
ONLF" Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta
loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo
dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay
is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "
Faysal
|
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin
booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay
guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii
kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey"
XagarYare
|
Waxan salaan sharaf leh u soo gudbinayaa shabakada
SomaliTalk.com
Waxan ahay muwaadin u dhashay Soamli-land kana soo jeeda gobolka Sanaag. Waxan
jecelahay inaan laba eray ka idhaahdo arimaha ka aloosan Sool iyo Sanaag taas
oo maanta u qarka u saaran in dhiig badani ku daato sida ay u wadaan nimanka
aanu qiimaha la lahayn dhimashada dadka walaalaha ee ku dhaqan degaanadaas.
Waan la socdaa dad aad u fara badan u dhashay beesha ama degaanka aan ka soo
jeedaa inaanay jeclaysanayn qoraalkaygan sababtuna waxa weeye umadeenu ma jecla
qofka runta u sheega oo waxay jecel yihiin in lagu maaweeliyo khayaali iyo ku
tiri ku keentay.
Hadaan taariikhda dib u milisdo ilaa iyo intii lagu dhawaaqay gooni isu taaga
Somali-land dhibaatada ugu wayn ee ay ilaa iyo maanta dagaalka qarka ugu saaran
tahay waxa weeye inaga oo lugta is jiidayna,laga soo bilaabo dagaalkii sokeeye
ee Burco,kii buuraha Shiikh iyo kii ugu dambeeyey ee dhibaatada aadka u wayn u
gaystay bulshada reer Soomali-land ee aynu ku waynay dhalinyaro aad u
farabadan,maal aad u fara badan,kalana fogeeyey bulshadeena.
Xaaladu meel kastaba ha soo martee inaga ayaa Soomaali-land meesha ay taalo
dhignay,haday noqon lahayd nimanka isku sheega siyaasiyiinta ama shacabkaba
door lixaad leh ayaynu ka qaadanay baabi'inta dhulkeena masuuliyadeedudana
inaga ayay dusha inagaa saaran tahay nin kalena loo eedayn maayo,inaga ayaa
dagaal sokeeye isku qaadnay ,dhexgeliney xumaan dadkeenii,qaar ka mid ah ka soo
barakicinay dhulkoodii oo qaxooti ka dhigney ilawney dhibaatadii ina soo
gaadhay 1988.
Hadaan dulucda hadalka hoos ugu daadago,laga soo bilaabo maalintii beelaha
Somali-land ku shireen magaalada burco lana soo afjaray colaadihii beelaha ilaa
iyo maanta ma jirto colaad dhexmartay beesha Isaaq iyo Harti,colaadu waxay ku
koobnayd Isaaqa oo keliya. Waxan xaqiiq ah inaanay ka dhicin Somali-land colaad
aan ahayn ta dhex martay beelaha Isaaq mooyee mid kale.
Waxan ku arkaa warbaahinta Somali-land in xukuumadu doonayso iney sugto
xuduudaha Soomali-land,waxase is waydiin leh xagee xukuumadeenu ku maqnayd laga
soo bilaabo 1991 ilaa maanta oo ay doonayaan iney colaad cusub dhex dhigaan
beelaha Bariga Somali-land. Miyaan ahayn mid lagu qoslo in maanta oo xeedho iyo
fandhaal kala dhaceen ineynu soo baraarugno oo nidhaahno xuduud ayanu sugaynaa.
Walaalayaal ma aha ineynu been isku maameelino,dawaldeenu been ayay inoo
sheegtay,tusaale waxan idiinku soo qaadayaa doorashooyinkii ka dhacay dalka ma
waxaad u haysataan iney ka dhaceen degaanada Warsangeli iyo dhulbahante,qofkii
rumaysan doorasho ayaa ka dhacday Sool iyo Sanaag-bari waxan ku leeyahay waad
hurudaaye soo kac,jahawareerinta dawladeena ha dhegaysan.
Waxan shacabka sharafta leh ee Soamli-land kula talin lahaa inaynu xisaabtano
eegno galdalooladeena iyo sida xukuumadu shaqadeedii uga soo bixi wayday.
Colaada maanta laga soo cusboonaysiinayo Sool iyo Sanaag shacabkeena dan uma
aha ee waa mid Daahir Riyaale iyo xulifadiisa ay ayaamo ku danaysanayaan oo ay
doonayaan iney shacabka ku mashquuliyaan.
Dadka ku dhaqan Sool iyo Sanaag-bari waa dad walaalaheen ah oo dhaqan iyo is
dhal inaga dhaxeeyo inagama mudna ineynu gelino colaad dibna u soo
cusboonaysiino dagaaladii qabaa'ilka ee la soo ah jaray 1991,ma aha ineynu ku
xadgubuno damiirkooda kuna khasbno waxaanay doonayn sida aynaan u doonayn in
inagaba laynagu khasbo wax aynaan raali a ahayn. Waxan u arkaa in xukuumada
Soomali-land ay ku fashalintay iney shacabka ku dhaqan Sool iyo Sanaag-bari
iney ka mid noqdaan Soamli-land,taasina ma aha mid ka qarsoon qofkii
maskaxdiisa adeeganaya.
Dawadu intay hanjabaad iska dayso ama eedaynta ay u soo jeedinayso C/lahi
Yuusuf waa iney la timaadaa siyaasad ay dalka ku midaynayso,lacagta loogu tala
galay in lagu daadiyo dhiiga reer Sool iyo Sanaag-bari dawaldu qorshe
siyaasadeed oo meel mar ah ha ku samayso ,hadaanay taas awoodin dawada yaan
laga yeelin qof aan ku doonayn ayaan muquuniyaa, taasi waa tii u socon wayday
Siyaad Bare isagoo haystay ciidan iyo hub aad u fara badan inagana inoo socon
mayso hadaynu isku dayno.
Gebegebo: Hadii xukuumada Soomali-land ku fashilanta kaalintii siyasadeed ee ay
umada u haysay gaar ahaan gobolada sool iyo Sanaag-bari waa in xukuumadu is
casishaa umaduna ay doorataa hogaamiye xalin kara dhibaatooyinka umada. Mar
labaad waxan idin xusuusinayaa erayadii Boqor Buurmadaw ee qiimaha badnaa
kuwaas oo uu ku sheegay shirkii jaraa'id ee uu qabtay magaalada Hargaysa
duludeeduna ahayd marnaba ma ogolaalayno in colaad laga abuuro gobolada bariga
dalka. Baaqa Boqorku soo saaray wuxuu gaar ahaan ula hadlayaa madax
dhaqameedyada,cuqaasha,waxgaradka,mutacaliniinta,iyo inta nabada jecel ee reer
Soamli-land gaar ahaan reer Togdheer iyo Sanaag iney ilaaliyaan derisnimada iyo
walaaltinimada beriskooda.
Cali Warsame Dabagooye
huluul40@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Dec 30, 2003
»NIN
AAN KUU HIILIN DOONIN YAANU KU HODIN! [Daahir]
»HAN WEYN IYO HIBO
YAR! [Shaafici]
»RAAFKA SOMALIDA
IYO GABAYGA RAAFKA RIYAALE EE SL [Dirir]
»Qiyaadadoon,
Qabiildoon, Qalindoon VS Qarandoon [Moallim]
»JAMHUURIYADDA
DHAAN DABAGAALE [Hagi]
»NIMAAM HADLIN
HOOYADIIS QADISAY [Xasan Dhooye]
»CIIDAMADA SL EE
AAGA GALBEED OO AMAR LA SIIYEY [Diridhaba]
»MAANSO TAAGEERO
[C.Botan]
»ALLA
MA ANIGAA NASIIBKAAS LEH ( DIO MIO!) [Eelay]
»Maxay
ku salaysantahay siyaasadda Soomaalidu [C/waaxid]
»RIYAALE
MAKAGA DHABAYN KARAA HANJABAADIISA [M.Farah]
»Midnimo
Soomaaliweyn: Halka helintaankeedu ka dhowyahay [Cige]
»Hanjabaadda
Ina Rayaale Kaahin!! [Cawl]
»ARAGTIDA
CAALAMKA IYO REER SOMALILAND [Pilot]
»S.N.M
: Xinifbaaba loo Kordhiyay iyo Xoorrimaadee! [Iid]
»UJEEDOOYINKA
MAGACYADA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED
»IS
QURXINTA DUMARKA: QARASH BEEL IYO QURUX BEEL [Fahad]
»
Faalo:
Dekanada aad Dhitaysataad Dhami Doontaa!
[Gaal-eri]
»
Waraysi Madaxweynaha Jabhadda WXO
[Dhagayso]
FALALKA FOOSHA XUN
EE KURDLAND
[Ahmed Sheekh]
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|