SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -KUWIAT
BAAQ ku saabsan gardarda Maamulka Hargeysa

Ku: Indheer garadka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya

Ku: Hay'adaha Caalamiga ah oo dhan
Og: Ummadda Soomaaliyeed oo dhan
Og: Maamulka Hargeysa

 

Annaga oo ah Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd ee Soomaaliya degganna dalka Kuwait waxaanu cambaaraynaynaa go'aanka Maamulka Hargeysa ku gaaray inuu weerar ku soo qaado gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd. Go'aankaas oo maamulkaasi ku xalaashaday odhaahdiisa ah "soo xidhida xuduuda Somaliland" Barlamaanka Hargeysana ku raacay oo u ansixiyey wuxuu si cad u muujinayaa xilkas la'aanta maamulka iyo barlamaankiisa.

Marar badan ayaa annaga iyo dad kaleba Maamulka Hargeysa u sheegay inuu ka waantoobo sheegashada Gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd iskana illaawo xuduudii jirtay 43 sano ka hor. Xuduudaas oo ah tii gumaysiga waxa ka dambeeyey gobanimo iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo tirtiray xuduudaas uu ilaa hadda Maamulka Hargeysa ku dheggan yahay. Xuduuda gumaystuhu xariiqay waxay ahayd mid aan sharci ahayn oo uu Ummadda Soomaaliyeed dhex dhigay si uu dalal kala gooni ah uga dhigo dadka Soomaaliyeedna dareensiiyo inaanay wax isu ahayn oo midwalbi ku abtirsado gumaystaha haysta sida "British Somaliland", Italian Somaliland", iwm. Mar haddi gumaystihii tegay xuduudiisiina way raacday.Sidaas awgeed ciddii weli hadal haysa xuduudas oo mid sharci ah u haysataa waa cid maskaxdii gumaystaha ku shaqaynaysa.

Dhawr siyood ayaa dadka Sool, Sanaag iyo Hawd u tuseen maamulka gooni u goosadka {iyo adduunka oo dhan} inaanay rabin inay maamulkaas wax ku darsadaan . Siyaabahaasi waxay ahaayeen:

1} Iyadoo sannadkii 2001 dadka goboladaasi diideen in sanaadiiqdii aftida dastuurka maamulkaas la keeno goboladooda.

2} Iyadoo magaala madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood si fool xun looga eryey madaxweynaha maamulkaas, Daahir Riyaale, markii sannadkii 2002 uu booqasho la xidhiidha doorashadiisa ku tegay magaaladaas.
3} Iyadoo markuu maamulkaasi arkay inaan goboladaasi rabin inay wax xiriir ah la yeeshaan ku tashaday inaanu sanaadiiqda doorashada madaxweynaha maamulka keenin goboladaas si aan halkaas ceebi uga raacin adduun weynuhuna u arag meesha ay isaga iyo dadka goboladaasi kala joogaan.

Ma aha markii kowaad ee maamulkaasi ku dhawaaqo arrintan uu ula baxay "xuduud soo xiridda" ujeedada uu ka leeyahayna waa mid la wada ogyahay. Waxa maamulkaasi rabaa inuu dhibaato ka dhex abuuro dadka walaalaha ah ee wada dega gobolada Sool, Sanaag, Hawd iyo Togdheer. Nasiib wanaag dadka goboladaas wada degaa way ka war qabaan ujeedada maamulka hore ayayna uga tabaabushaysteen nabadgelyada degaanadooda iyagoo weliba ku daray inay nabad ka dhaliyaan degaanada deriska la ah.

Sannadahan dambe oo meelo badan oo dalka ka mid ah xasilooni darro ka jirtay, waxa Maamulka Hargeysa ku faani jiray nabadii ka jirtay gobolada Waqooyi. Ilaahay ka sokow odayaasha iyo indheer garadka kale ee beelaha Waqooyi ayaa nabadaas suurta geliyey gacanna kuma lahayn maamulkaasi inkastoo uu nabadaas u adeegsanjiray siyaasadiisa aqoonsi raadiska.

Waxa hadda muuqata in maamulkaasi ka quustay aqoonsi dibedeed madaama uu u badheedhay inuu degaanka ka rido dagaal sokeeye. Waxaanu maamulkaas kula talinaynaa inuu ka noqdo go'aankiisa jar iska xoorka ah. Haddii maamulkaasi ka waantoobi waayo xumaanta uu guddoonsaday ha ogaado inuu isagu nabaddii ceel dheer ku riday kana mas'uul yahay dhibaatada ka timaadda.

Guddiga Fulinta ee SSH Kuwait:
  • 1. Saalax Shire Saalax......................................Guddoomiye .........
  • 2. Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig} ...Qoraalada & Xidhiidhka Dibedda
  • 3. Axmed Maxamed Cali {Qodax}..........Qoraalada & Xidhiidhka Didedda
  • 4. Siciid Ismaaciil Himbool ............................Xidhiidhka Gudaha.......
  • 5. Maxamed Xirsi Muuse ............................Xidhiidhka Gudaha........ 
  • 6. Cabdullaahi Sheekh Maxamuud ................Xidhiidhka Gudaha..
  • 7. Cabdullaahi Maxamed Aadan {Dhoolawaa}. .........Xubin........
  • 8. Naasir Sheekh Saalax. .....................................Xubin....... 
  • 9. Maxamuud Ismaaciil Nuur. ...............................Xubin....... 
  • 10.Yuusuf Xaaji Samatar...... ...............................Xubin.......  
  • 11.Faarax Cabdi Gaas..... ....................................Xubin.....  
  • 12.Maxamed Faarax Abyan.... .............................Xubin...... 
  • 13.Maxamed Ciise Muuse.... ...............................Xubin......

Kala xidhiidh:

Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}

ssh_kuwait@hotmail.com 

29/12/2003

 QORAALADII HORE EE TABAATIIG

Faafin: SomaliTalk.com | December 30, 2003

 

<><><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD