SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -DHALLINYARADA

Asalaamu Calaykum wr wb.

Xal u helida Mashaakilka dhalinyarada

Turjumayaasha iyo Qorayaasha

C/fataax Xasan aadan

Axmed Ismacil(Bucul)

Siciid Cumar Yusuf

Maxamed ismaacil giire
cabdifataax_96@hotmail.com

 

 

Ilaahay baanu ku mahadaynaa nimcooyinka uu ina siiyay,isgaanu gargaarka dalbaynaa danbi dhaafana weydiisanaynaa, sharka nafahaygana iyo camaladayada  kuwooda xun illaahaybaanu ka magan gelaynaa, qofka alle hadeeyo cidna ma halayn karto.ka illahay halleeyana cidna ma hanuunin karto

Waxaan qirayaa in aan alle mooyee illah kale aanu jirin muxamedna uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle.

 

Waxaynu ognahay in ay dhalinyaradu tahay udub dhaxaadka umada, umadkastaaba waxay ay ku taagantahay mustaqbalkeedina ku xidhan yahay kolba dhalinyarada usoo kacaysa , hadaba marka laga hadlayo arimaha dhalinyaradeena dhaqan kooga iyo fikirkooga looma baahanayo wax daliil ah haday tahay dhinaca fikirka iyo dayicida wakhtiga, arintani xal u raadinteedada waxa la isku khilaafsan yahay laakiin waxa la isku raacsan yahay in anay arintaani ahayd mid sharci ah loona baahan yahay in la saxo, khilaafkuna waa sida loo xalinayo waxa la iswaydiinayaa dhalinyaradaan sidee aynu ugu jahaynaa arintuna waxay u baahantahay fakir iyo dadaal badan oo kala duwan waa qadiyada ugu mihiimsan qadiyadaha bulshadeena.

 

Marka la falanqeeyo arintaan waxa la soo bandhigaynaa figrado kala duwan figradahaa mid ka midi waxa hadhaysay murugo ku saabsan mashaqada laga xanuusado ee murugada leh, wuxuu ku dareensiinayaa fasahaadku iyo leexsanaanta soo noq noqonaysaa wuxuu ku tusayaa midabo iyo muuqalo ka qaylinaya xumaanta iyo leexsanaanta laakiin isaga awoodiisu waaba intaa, waxa sidaa la wadaaga in badan oo dadka mid ah laakiin halkan mushkulad mataalo waynu ka soo gudubnay marxaladii dadka aynu kaga quusan lahayn fasaadka ay ku jiraan darteed, marka laga hadlayo arintaan waa in la gaarsiya cid kasta oo jecel in isbadal la sameeyo, waxa jira in faro badan oo u ehel ah wanaaga khayrka iyo toosnaanta waa in gacan lagu siiyo,hadii aad u hogaansanaato waaqic wuxuu ku dhaxalsiinayaa murugo iyo hadal nincaajisay oo waxba qabanayn.

 

Dadku markuu gaadho xalad liidata ee uu qaato ceebo iyo daymo uu u maray boqol masiibo isagoo baadhaya boqol asluubood oo uu ku qaado mushkulada kagana baxo dhibaatada, waxaad arkaysaa qof hiigsanaya bartilmameed nolosha aduunyada ah waxa hortiisa yaala caqabado iyo mushkulada badan wuxuuna ku dhaqaaqayaa sidii uga bixi lahaa kun dariiq ayaa markaa u banaanaya si uu iga gudbo caqabada, qofku arin meel ay ka gasho in ay arintaa dib looga dhigaan mushkulada ay ku noqoto muxuu samaynaa qofkuna? Wuxuu la xidhiidhayaa  ehelkiisa oo kale ama asxaabtiisa si cida ay wax ka galeen looga soo dhameeyo, matalan markuu nin dhalinyara ihi uu doono in uu guursado waxa laga yaaba in ay gabadhu waydiiso xaaladiisa nololeed iyo shaqsiyadiisa si xeer dheer hadaba qofku marka ay la soo gudboonato wuxuu heli karaa boqolaal dariiqo oo uu ku xaliyo hadii si toos ah u fikiro.

 

2.Qolo kalana arintaa waxay dhex maquurinaysaa cudur dadka ku dhacay waxay xusayaan muuqalkiisa iyo noocyadiisa waxay gaadheen heer quus iyo rajo beel ah, hadaba hadii aad tusto rajo kuma dhagaysanayaan waxayna la soo boodayaan muuqalkii ay aaminsanayeen si ay wixii rago ah ee halkaaga ay u baabiyaan kuwani kama duwana kuwii hore laakiin way ka dhamqasho yaraayeen laakiin qoladani aad ayay u damqanayaan waxay ka hadlaan mimbarka qolooca iyo fasahaadka, khaladka iyo halowga iyo jahwareerka dhalinyarada ayay ka hadlaan. Laakiin intaa wax ka badan ma hayaan., xanuunka tilmaamkiisu waa mid loo baahan yahay in si cad loo tuso cidii aan ogayn laakiin taasi maaha daween laakiin waa wadada loo marayo ujeedada aynu leenahay oo ah dareensiin qadiyada aynu wadnaa waa daween, inagu imika kuma hadlayno shaki iyo wax u dhawtoona waxaynu ka hadlaynaa xaalada dhabta ah ee ayku sugan yihiin dhalinyaradu waa mid anay ilaahay iyo rasuulkiisuna anay raali ka ahayn, waxa nagu waajib ah in intaynu ka gudubno hadal haynta xanuunka aynu u dhaqaaqno dawayntiisa.

Halkaa waxa ka soo baxaysa qolo sadexaad oo iyagu u dhaqaaqaya dawayntiisa, kuwani waxay u marayaan dowayntooda dariiqooyin kala duwan waxa ka mid ah Asluub cabsi galin lagu cabsi gelinayo iqaabka ilaahay mid ayaa ka dhex dhawaaqaya oo odhanaya waxaad ku dhawaateen halaag mid kale wuxuu raacayaa hadal caadifi ah mid kale wuxuu raacaya in uu caqli ku qanciyo mid kalena wuxuu raacaya dariiqo ka duwan kuwaa aynu sheegnay, ka hadal iyo doontoona malaha dariiqa kasta oo la maraa mar hadii ayna gaarsinayso hadafkeena, hebel sidaa ayuu wax u wanaajiyay laakiinsidii habel waxba uma wanaajin karo, laba shakhsi ayaadba kala tihiin daruurina maaha in mid uun la wada maro laakiin mihiimadu waxay tahay in shareecada la raaco dabadeetana dabadeena la xaqiijiyo.

Markaynu quraanka akhrisano waxaynu helaynaa dhariiqooyin badan oo loo dhoweeyo qalbiga waxana ka mid ah in la wacdiyo kuwa dhaga xidhan waxa ka mid ah qisas looga waramo waxa ka mid ah aakhira oo laga waramo iyo xaaladaheeda cadaabta iyo waxa dhex yaala dhinaca iyagoo looga waramo janada iyo waxa nimco taala ka dibna caqli lagu ganciyo, hadaba naftu waxay u baahan tahay in sidan wax loogu sheego, cida daaciyiinta ah markay ku hadlayaan aqli ahaan ee arinta la baadh baadho ama looga waramo qalbi engaga iyo sida loo xaliyo xalmaaha qofka in lagu kalifo wax aanu garanayn, dariiqooyinka kala duwan inama cafacayaan hadii aynu ku murano laakiin waxa haboon in aynu ka faa’iidaysano wakhtiga oo aynu wax qabano inagoo ka dheeranayna muranka is khilaafida.

Halkan waxa yaala muxadaradan iyo kuwa kalaba dariiqooyin isku mid ah, waxana aan rajaynaynaa in aan ka gudubno xuduudaha hamiga aynu umalaynayno markaan fikirayno muuqalkale aniga waxa ii muuqata in ay caqabadi ay inoo dhexayso dhalinayarada, waxaynu u baahanay in aynu ka gudubno oo aynu galno caalamkii aynu kaga hadalkanay muxadaradi hore waa caalam kale oo lagu nool yahay fakir iyo hami ka hadalkiisuna waa asluub kale.

 

IMIKA WAXA AAN LA HADLAYAA DHALINYARADA

 

Waxa si dhab ah ula hadlayaa dhlinyarada waxa leeyahay laba uun kala doorta, mida hore waa  in aad doorataan dhariiqa toosan oo laasintaan waana ka waajibka ah ama in aad diidaan anaguna inama doonayna markaa dana idinkama lihin waxaa arkaysaain badan oo ka mid ah kuwa dhalinyarada ee dega xidhan ee ka jeeda kheerka iyo wanaaga in ay u baahan yihiin in laga midho dhaliyo wado kale oo sadexaadna ma jirto.

Dhalinyarada waxanu leenahay ka taga xumaanta oo mara dariiqa xaqa ah, waxa idin hayaa daliilo caqli gal ah iyo kuwa kaleba waxa idin hayaa daliil ku sugan kitaabka ilaahay iyo sunaha rasuulka markaa leenahay wax aaynu ku hadlaynaa luqad kale taa macnaheedu maaha in aynu isdawadsiinayno tii hore aynu doonaynay waxanu idin leenahay anagoo oo kor u dhawaaqayna waxan idinka doonaynaa dhamaan dhalinyarada in ay u soo noqdaan dariiqa toosan iyo wanaaga, waxan leeyahay in ay soo noqdaan ma lihi ha sii socdaan taasina waa sida ilaahay ugu tala galay mar hadaan idinla hadalnay waa inaad toobadkeentaan waxa idin dareen siinaynaa kalgacalka aan idin qabno iyo xaqa aad nagu leedihiin in aan wax idin sheegno, waxa aad arkaysa nin dayn ama xaq uu qof ku leeyahay qof ka doonayay, waxaad arkaysaa isagoo wixii ergo u diranaya oo kolba farsamo ku dayaya si uu u helo xaqiisi, hadaba adiguna waxaad aragtaa qof kaa doonaya xaqii ilaahay kugu waajibiyay waxa imika ii muuqata wax aynu xaq idinku leenahay in uu ka faro badan yahay xaqa kaas deyn kiisi doonaya isagu wuxuu doonaya xaq shaqsi anaguna waxan kaa doonaynaa waxaad ku liibanaysay waxan kaa doonaynaa dariiq hadii aad raacdo dariiq aad kaligaa aad ku faa’iidaysio hadii aad diinana aad kaligaa aad ku qasaarayso., kaayadee ayaa rumaysi badan wuxuu doonayo?

Kaayadee ayay badan yihiin dadka wax ka doonayo?

 

KASUULIMAAYO MUSLINIMADA

 

Dhalin yaro waxan ina hor yaala laba wado ta hore in qofku toobad keeno kuna toosnaado dariiqa saxan taas macnaheedu waa in noloshiisa oo dhan isbadal ku sameeyo kana bilaabo ilaalint amarada illaahay faray sida salaada faralka ah uu ku xigsiiyo sunayaasha kuna dedaalo kana dheeraado macsiyada iyo xaaraanta tasi waxay keenaysaa in uu is badalo fakir ahaan iyo minhaajka noloshiisa waxaa ku dhacaya inqilaab nololeed oo dhamays tiran

Wadada labad markuu ku fashilmo xaqiijinta dariiqa hore isagoo ku xisaab tamay in uu malin maalamha kamaid ah sidaa yeeli doono, laakiin fashilaadaa waxa keenay daciifnimada shaqsiyadiisa liidata wuxuu laasimayaa in uu dayaco waqtigiisa muxuu salad tukan waa nin meel kale lahayste sune uu tukado iyo quraan uu akhriyo iyaga hadalkooda  daa hadaba markuu qofku ku talax tago inuu ku loofaro waqtigiisa soo dabaalidiisu muday qaadanaysaa wado sadexaad meelna kugaran mayno,

 

Waxaa laga doonayaa dhalainyarada inay kadheeraadaan dhagaysiga heesa daawashada filimada foolxumada leh waxaa laga doonayaa ilaalinta salada subax.sune iyo faralba ina ay  quraanka ay akhristaan

Ninkaad ku aragto intaa wax kaduwan hadalkuu kuyidhaa maaha wax uu iska yidhi laakiin waa xaaladiisii dhabta ah,

Haduu daydayo dariiq sadexaad waxaanu leenahay maxa kaa hor taagan in aad dariiqa toosan raacdo  uma baahna meel kale oo loo maro laakiin is weydii maxaa kaa hortaagan ina aad illahay utoosnaato maxaa iga hor taagan in aan salada tukado oon quraan ka akhriyo gadhka labaxo oon dadka ehlu khayr ka ah dhinac ka raaco

 

AHOW DADKA DHOWRSOON:

 

Inta badan dhalinyaradu markay ku kulamaan meelaha ay isugu yimaadaa waxay ku sheekaystaan anigu xalay waxaasaan sameeyey iyo ana waxaasaan sameeyay anba filim kaasaan daawaday siday udhagaysanayaan waxaad mooda hadii waran lagu hayo inaanay ogaadeen,

Nabi maxamed wuxuu yidhi (CSW)(umadayda oo dhan waa la cafiyaa kuwa cadaysta  xumaanta moooyaane waa ninka habeenkii xumaan sameeyay ee waabariistay illahayna asturay ee yidhi anigu xalay waxasaan sameeyay isagoo kashifaaya fool xumadiisii ilaahay asturay,xumaan markaad gasho waa danbi hayaraato ama ha weynaato hadaad ka sheekaysona waa danbi labaad qofka la ban baxay xumaantii  waa qof dhayalsaday xumaantii oon u aabo yealayn xumaanta oo gaadhay heer uu dadka ugu faano xumaanta.  

 

HALKAAN WAXA AH SADEX MASALO.

 

1. Toobadu waa in qofku ka dhex baxo xumaanta iyo dunuubta waana tala doonayo in la raaco

2. Cadaysiga xumaanta iyo ku faanisteeda waxay yimaadaan marka lagu fashilmo ta hore, hadaba maxaynu u dhooranaynaa ta sadexaad waa xal u dhaxeeya labada in aad asturto xumaanta aad samaynayso oo na dadka hortooda la iman wax xumaan ah markaa sidaa kuleenahay ha moodi in aan kuleenahay waa sharci in aad xumaan samayso laakiin waxa aan ku leenahay labada shar ayaa kala fudud, hadii aad leedahay waa wax illaahay igu ibsileeyay waxan rajaynayaa in aan ka toobadkeeno awoodna waan u wayay.

Taasi waa talaabadi ugu horeysay ee aad u qaaday halka illaahay talaabada xigtaana waxay noqonaysaa alleh u dhowaansho, mar hadii doonistaada iyo go’aankaagu dhab yihiin cidna ma oga taariikhdaada hore ee xun, taariikhda xuni waxay kala dhex gashaa qofka iyo mustaqbalkiisa Nabigu wuxuu Yidhi (CSW) (Adoonka muuminka ah illaahay ayaa soo dhoweeya wuxaana uu dhigaa kafkiisa”laabtiisa”adoonku wuxuu qirtaa danbiyadiisa illaahayna wuxuu ku yidhaada ma xasuusantahay danbiga ceenkaa iyo ceenkaas ah mana xasuusantahay danbiga sidaas iyo sidaas ah ilaa uu adoonku umalayeeyo in uu halaagsamayba eebena wuxuu ku yidhaa anaa aduunyada kugu asturay maantana anaa kaa dhaafay) is asturidaadi ayuu illaahayna kugu asturay,

 

XUMAANTU YAANAY KULA FUDUDAAN

 

Marka xumaan lagu ibtileeyo ha dhayalsanin xumaanta makaa dadka uga sheegaynayso waxay u arkayaan arin sahlan waxa jira mid khilaafaya sidaa, waxa jira mid wixii laga sheegaynayay ku dhaqaaqaya, taasi waa natiijada xumaanta iyo raadkeeda ee markaad xumaan samayso waxa kugu waajib ah in aanay dareenkaaga ayna ka maqnaanin in aad dhabi gashay, caasiyida illaahay waa gafwayn waxay yidhaadeen kuwa ka mid ah dadkii hore ee wanaagsanaa (Ha eegi danbigaad gashay yaraantiisa laakiin eeg illaahad caasida waynidiisa) Nabigu wuxuu yidhi (CSW) muuminku markuu eego danbiyadiisa wax ayla muuqataa sidii buur dhusha kaga soo dhacaysa faajirka markuu eego dunuubtiisa waxay la tahay duqsi ka duulay sankiisa oo kale) hadaba sidee ayaad adigu aad u aragtaa xaaladaada waxa ku lamaan dabiyadaadi iyo xumaantaadi, hadaba waxaad dareensanaata mid illaahay caasiyay in aad tahay xitaa hadii aad dabi ka sii wayn aad gashay adigu mina ha yaraysanin waxa aad ku socotaa talabadii toobada waxa laga yaaba dabi aad yaraysatay in uu noqdo mid aad ku halaagsanto.

 

ISKA ILAALI IN AAD DADKA HALAYSO

 

Muuqaal nagu soo noq noqoya ayaa ka arkaa dhalinyaro faro badan oo toosan oo awaaninta illaahay fuliya oo guryahooga lagu soo tarbiyadeeyay oo aabihii iyo hooyadi ay xafideen muna yarna xaladoodi ay faraha ka baxday maxay taasi ku dhacday? Inta badan dadku waxay yidhaadaan marka arintan oo kale ay ka hadlayaan hebel ayuu la saaxiibay dabadeedna haleeyay, waxaynu odhan karnaa hebel waa qof cidaa raacdaba ay halowdo iska illaali in aad noqoto hebelkaa hadaba markaad adigu aad ku ganacsantahay in aad socoto dariiq khaldan oo aad ogtahay in aan dariiq sharci ah aanad ku socon maxaad sabab uga dhiganaysaa dadka aad halaynayso, hebel markuu kula saaxiibay wax xumaan ah muu samayn jirin laakiin xumaan ayaad gelisay adiga ayaana ka masuul ah halowgiisa iyo xumaanta uu sameeyay saaxiib nimadaadi ayaad galaafatay waayo waxaad tustay dariiqi xumaanta, waxa aad tustay filim ama meelo kale oo xun xun oo u fududaynaya xumaanta hadal iyo dhamaan danbiga ninkaasi samayay adiga ayaa u sabab ahaa badheedh iyo dheel dheel mideedoonta ha kaa ahaateen, maxaad adigu dadka aad u helaynaysaa? Adigu waad ogtahay in aad wado khaldan aad marayso waanad ku qanacsantahay markaa laga yaaba in aad baadh baadhayso dariiqan mid ka wanaagsan, hadaba maxaa kugu kalifay in aad dadka sidaan aad ula macaamisho sidee ayaad ugu dadaalaysaa in dadku sidaada oo kale ay noqdaan adiga oo arkayaa in ay dariiqi wanaagsanaa ay marayaan kii adiga ay waajibka kugu ahad in aad raacdo miyaanad ka baqayn in ayaadani dhakada lagaa saaro (waxa loo xabaarindoona danbigoogi oo dhan maalinta qiyaamaha iyo dunuubti dadkii ay haleeyeen ee ay caqoon la’aanta ay kulumiyeen waxa xumaaday dunuubta ay qaadeen).

Ma garanaysaa adigu in add imandoonto qiyaamaha adigoo xambaarsan dambigaagii iyo danbiyo kale? Kaasi waa hadalkii illahay

Nabigu (nnkh) wuxuu yidhi qofka baadi dadka ugu yeedha waxaa dushiisa ahaaday dambi iyo danbiyada cida raacday iyadoon kuwii raacay dunubtoodii aan waxba laga naaqusin)

 

Saaxiibada xunxumi nolosha saamayn wayn ayay k yeeshaan iyagoo badala asxaabtooda soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxan col iyo nabad ahaynba waa lays qaadsiiyaa waxaa kaloo ay tidhaa geel wuu is geedo baraa

Dadka intaad ugu baaqayso wax ay ku halaagsaamaan miyaanay wanaagsanayn adigoo ugu baaqa wadada khayrka iyo toosnanta taas oo aad yeelanayso ajarkeda oo intaasoo jeer kuu labin laabmaysa inta cajalad heesa ah aad saaxiibkaa hadiyad usiinayso waxaa ka khayr badan adigoo tu muxaadaro ah ama quraana siiya ama usoo duuba

Hebel baad la saaxiibtay wuu ku fasahaadiy, natiijadii saaxiib nimadiisana waad aragtay laakiin miyaad aragtay mid intuu kuu yeedha gacanta ku qabta si uu toosiyo.maxaad isugu dayi wayday in aad ku dhacdo dariiqa toosan? Naftaada dib ugu noqo oo xisaabi bal eeg sidaad u nooshahay? Tani waa wadadii aad u maraysaydadka aad la saaxiibayso iyo in aad hebelka xun aad iga wareegto heblka wanaagsan.

 

Maxay yihiin caqabadahani

 

Waa maxay caqabadan idin kala dhex taala adiga iyo dadka ehlu khayr aka ah?

Markay kula kulmaan iska daa wax kale salaanta hagagg kaagama qaadayaan waana dareen kalgacal hadalna hasheegin waxaad leedahay sababta akhyaartaa leh qaar kalenasida say leeyihiin markaa waxaan ku leeyahay adagu dib isugu noqo oo gacantaada haku samayn caqabado aan jirin oo aan ku horyaalin.

 

YAA KHASAARAY?

 

YAA SE FAA’IIDAY?

 

Hadaba markaa la saaxiibto dadka fiican ee aad la fadhiisato waad ka faa’iidaysaa waxana aad ka helaysa wax ku anfaca iyo udgoon, Nabigu wuxuu ku tilmaamay(ninka la saaxiiba ninwanaagsan waa nin sita cadar udgoon markaa waa in aad ka iibsato iyo in uu ku siiyo iyo in uu udgoonkiisu ku soo gaadho, hadii aad ninxun aad la saaxiibtid waxaad tahay nin tumaal agfadhiista markaa ama maryaha ayaa ka gubanaya ama danbasa ayaa kugu duul duulaya, ama qurmuunkiisa ayaa ku soo gaadhaya)

  adigu ma khasaaraysid adiga ayaana muraad leh marka horena waa in aad noqotid mid ku dayda dadka wanaagsan.

Nin dhalinyara ah oo ehli khayr ah oo kaaga horeeyay golayaasha khayrku ka socdo oo mudo hore ka tagay xumaanta oo maray dariiqii toosna illaahayna cadeecay, markaa waxaad adna aad hiigsataa in aad noqoto isagoo kale waa in aad ku baraarugtaa in aad noqotid sidiisa oo kale oo anad odhan hebel wuxuu iga dheereyay dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada khayrka waa in aad isku daydaa si aad ula tartanto, si aan uga ugubto caqabadihii hore.

Makraa kulantaa xaq wuxuu u leeyahay in uu ku diido ama anu kula fadhiisan ama aan kula sheegaysan laakiin arintu isaga kibarkama aha iyo isla waynaan iyo dheel dheeli uu kugu dheel dheelayo, hadaba markaa aragto xaladahan maxaa fasilidooda aad been iga sheegta?

Isagu wuxuu haystaa cudur daar isaga bari yeelaya markaad la kulanto waayo wuxuu ka baqayaa in aad macsiyo uga sheekayso ileen la joogistaada wuxuu u arkayaa  xumaan waayo wuxuu ka baqayaa in ay sabab unoqoto xumaan uu sameeyo markaa haddii uu la saxiibidaada ka warwareego kibir kama aha  kaliya wuxuu ilaashanayaa naftiisa ,hadaba adiga waxaa lagaaga baahan yahay inaad go aan qaadato kana gudubtid wax kastoo ku hor yaalla kana bilaw salaam iyo waji furan kuna xigsii inaad ku qanacsan tahay oo aad jeceshahay inaad sidiisa oo kale noqoto.waxaan arkay inaan ku sugan nahay khalad oo aad halow sanahay waxaan ubaqay naftayda waxaan isku dayay inaan caqabadaa ka gudbo tana waa faa iidaadii aan ka helay afkaarta aad igu kordhisay.

Qofku wuxuu ku noqonaya macalin ku waaniya oo aad qadato wanadiisa maxaad macalinkaaga adiga gacanta aad u qabsan ladahay? Maxaad u odhan ladahay anigu waaba yaabanahay sida aad ii toosisay oo waxan dareemayaa in aan kaa faa’iiday kuwa kalena ay kaa faa’iidi doonaan, kalmadan waxay kalsooni iyo dhiira geli ay u tahay magalinkaaga dadkiisa waxayna kor u soo qaadaysaa xamaasada iyo dareenkiisa oo noqotay natiijo wanaagsan oo ka soo baxday hawl uu qabtay weligaana shay hayareysan kalmad kaliya oo aad tiraahdo ayaa laga yaaba in ay caqaba kaa hor qaado, hadii aad kari waydo in aad hadal aad tiraado qoraal samee oo dardaaran wanaagsan gaarsi cida fariintaadu gaadho waa dadaal fudud soo sugaya inaykacday shucuurtaadu ama in aad wax qabad aad soo kordhisay.

 

 

MARKAA LA JOOGTO SAAXIIBADAA

 

Kolay waa la joogtaa saaxiibada maxaa kaa hor istaagaya in aad u keento cajalado muxadaro ah oo aad ku tiraado dhagaysata ama si badheedh ah aad u tiraahdo illaahay wuxuu naga doonaya  inaynu fulino wuxuu nagu waajibiyay, maxaa kaa hortaagan in aad ku cel celiso? Xitaa hadii aad tahay igagoo kale run ahaanti way ku dhayelsanayaan oo waxay ku odhanayaan maxaad noogu sheegaysaa waxaanad adigu aanad yeelay maxaad nooga hor istaagaysaa waxanad adiguba anad daynay, markaa waxaad ku tiraahdaa anigu markaan ka hadlo naftayda danbi waan gelay kumana faraxsani danbigaa igama joojinayo waajibka aynagu tahay is wanino oo wax wanaagsana aynu is farono waxa xun aynu iska waanino, talabadan oo kale waa laga yaaba in ay noqoto dhariiqo illaaahay kugu gargaaro toobadna kaaga aqbalo,

 

ISKA ILAALI DAYALSIGA IYO KU DHEEL DHEELIDA

 

Dayalsigu arinta sharciga ah haidi ay cibaado tahay ama ay ayaad tahay dadka wanaagsan ee ehlu khayrka ah oo aad ku ciyaarto, arintani waxay u badantahay meelaha dhalinyaradu isku timaado, waxayna ka mid tahay waxyaaba qofka caqiidadiisa daciifiya, waxa aan akhriyay oo aan daraasad aan ku sameyay kitaabka tawxiidka qayb uu kaga hadlayo dheel dheelida xuska illaahay, quraanka ama saruulka illaahay, wuxuu sheekhu islaam isagoo ka waramaya arintan(marka la waydiiyo waxay odhanayaan wax kale maahee waanu dheel  dheelaynay waanu ciyaaraynay waxaad ku tiraahda, ma illaahay iyo ayaadkiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku dheel dheelaysaan maanta cudur daar idimuu sugnaan imaankiina dabadeena waad galowdeen hadaa cafino qayb idinka mid ah qaybta kalena waan cadaabi doona waxay ahaayeen kuwo mujrimiin ah) hadaba dhayalsigu waa khatar iska ilaali inta itaalkaaga ah in aad ka fogaato markaa maqasho ama aad aragto mid saaxiibka ah oo diinta ku dheel dheelaya waa in aad diinta u hiilisaa waxbadanbaa yaanad tarinee, hadii aad maqasho qof aabahaa iyo hooyada cayaya waad cadoonaysa kana fadiyi maysid in aad u hiiliso aabaha iyo hooyada hadaba hadii lagu yidhaado walidkaa iyo naftaada waxa kaaga qaalisan diintaada taa waxa loo qaadanayaa yareysi iyo figrad xun oo aad ka haysato diintaada, mar labaad waxaan ku leeyahay maadama aad gashay dunuub iyo faasuqnimo taasi ayaanay kaa hor istaagin in aad u hiiliso diinta kalmadna ha ahaatee.

 

Cidii aad siinayso taagaradaada

Illaahay wuxuu leeyahay(inkale maaha illaahay iyo rasuulkiisu iyo kuwa muuminiinta ah waxay xidhiidhiyaan  kuwa salaada tukada ee sakada bixiya iyagoo rakuucsan ninka illaahay ka jeesta iyo rasuulkiisa  iyo muuminiintu xusbiga illaahay ayaa guulaysanaya)ayada waxa laga hadlayaa muslimiinta oo dhan mid xun iyo mid wanaagsanba in ay taageersanaadan xusbiga illaahay oo ay dhiiri galiyaan.

Waxa jira nin dhiiri galiya naadi kuwa ciyaara taageera xidhiidhintani waxay ku waajibinaysaa in faro badan yeelo siday yeelen oo uu la macaamilo isagoo jecel siday jecel yihiin, hadaba naftaada waydii su’aasha maxaad u taageertay kan ee aad u yaraystay kii xaqa u lahaa?

Ma waxaad u aragtaa in uu ka mihuumsan yahay mise tartanka ciyaaraha ayaad barbar dhigaysaa diinta islaamka, adiga xaqaagu ma wuxuu yahay in aad samayso waxad u aragto inuu yahay sharci la ogalo yahay, laakiin adiga taagaradaa iyo xidhiidhantaadu waxya ku xidhiidhsan tahay arintaan ku dadaal ninkaa tagaraysaa in uu ahaado islaam waxaad u dhaqdhaqaadana uu ahaado qadiyadaha islaamka iyo mushkuladaka haysata muslimiinta daciifka ah iyo qadiyada dacwada islaamka, waxaad I leedahay ma garanayo meel saxa ah oo hadlakan laga keenay adiguna waxad taageerta koox la yidhaado hebel waxad garanaysaa ninka laacibka ah iyo taariikhdiisa iyo halkuu ku dhashay helkee ayuu ku barbaaray? Qadiyada aadku hamido ayaad u gargaarsanaysaa.

U badal taageeradaada diinta iyo islaanimada xitaa hadii aad tahay qof xumaan ehelkeeda ah waayo taasi kaama hore istaagayso waajibka sharciga ah ee diinta kaa saran.

 

WAXYAAHA ILAAHAY KU SIIYO IYO AWOODAHAAGA

 

Qofkasataba wuxuu mulkiyay hibo ilaahay siiyay taydontaba ha ahaatee, qof ayaa ordaya, qofkaasi wuxuu isku dayay in uu la ordo boolis amba wuxuu la baratamaya macalinkiisa, waxaad ku odhaynaysa maxaad u istaagtay, adiga oo karaya in aad carartid taasi waa orad aan sharci ahayn, laakiin oradkaagu ha ahaado midka khayrka iyo shaqada wanaagsan….. hadii aad la fadhiisatid saaxiibada midka mid ihina uu ku dheel dheelo diinta waa in aad u orodaa sidaad u difaaci lahayd diinta, shaqadaaduna ah haato difaacida diinta kuna dheh kalmada xaqa ah si xumaantu uga baxdo meesha.

Waxa aad tahay qof maska badan oo indheergarad ah oo quraan xifdiga taas illaahay ayaa hibo kuu siiyay, qof kasta hibo ayuu leeyahay waxay doonta ha ahaatee hibadaasi, waxa lagaa rabaa in aan ku ciyaarin hibadaada ugu yaraan waa in aad ugu shaqaysaa illaahay ku siiyay dadka, hibooyinka illaahay dadka siiyay way kala duwan yihiin,qof illaahay wuxuu ugu deeqay xifdiga qof fahanka qof muranka iyo wixii la mid ah, qof kasta waxa laga doonaya in hibadiisa diinta illaahay igu shaqeeyo sidaas ayaana ugu khayr badan, hadii aad tahay qof muranka ka iyo hadalka ka hela ugu shaqee diinta illaahay difaacideeda iyo hadalka wanaagsan,

 

QOFKA DHINTAY WAA KUMA     

 

Adigu waxaad aragtaa qorshaha cadowga ee fasahaadinta dadka muslimiinta ah, waxaad aragtaa  dad mayd ah oo hortaada tuban waxad aragtaa dad u yaacaya hadhaaga muslimiinta siday iga takhalusan.

Waa ayo cida maydka ihi?

Qofka maydki ihi waa caruurtaada…..inantaada….gabadhaada…walaalahaa .

Miyaanad suuraysan Karin in aad ka mid noqotid kuwa maydka ah, mararka qaarkood waxaad noqon kartaa wado lagu fuliyo qorsha cadowgaaga guusha ugu danbaysana laga gaadho, ku dhicitaankaaga xumaanta iyo ku dheereenteeda waa qorshaha cadowga illaahay u sameeyeen dadka muslimiinta ah ka jeesiga xaqa illaahay iyo mooganaantaada cudur daar illaahay kagama dhigayo.

Iyagu way ku xaasidayaa hadii aad tahay qof muslim ah oo ku toosan dariiqa illaahay miyanad dhagaysan wararka musliminta oo aanad maqal in la dilay jiray qofkii khiyaameeya amarka illaahay, tusaale ahaan qofka ka tagay salaada islaamka ayaanu waxba ka garanbee waa khaayin, adigu waxaad tahay mid cadowga illaahay beegsanayo waa in aad ogaataa in lagu beegsanayo….. waxa la beegsanayaa diintaada….caqiidadaada…..dhaqankaaga iyo dhamaan noloshaada, xataa ogow in aad tahay Cilmaani(qof aaminsan kala saarida diinta iyo dowlada) intaad tahay qof muslim ah oo diinta ku abtirsada markaa waxaad tahay qof la beegsanayo xitaa hadii aad ku dhawaaqdo in aad diinta ka baxday waayo asalkaagi hore islaam ayuu ahaa.

 

 Hamigaaga ka yeel

 

Runtii ku guulaysan maysid arintaan ku leeyahay ku hami hadii aanad go’aano adag qaadan adigu waxaad doonaysaa toosnaan  kuma naad guulaysan doonistaadii waad rajaysay laakiin waad ku fashilantay , ugu yaraan kayeel fikirkaaga iyo hamigaaga mid kooba camalkaaga waxaan tusaale usoo qaadanaynaa mid kamid ah asxaabtii rasuulka (nnkh) wuxuu ahaa jubayr binu mudcim wuxuu maqlay salaadii maqrib nabigoo akhriyaya suurada waduur,markuu maqlay qalbigiisu wuxuu ku dhawaaday in uu duuloqalbigiisana  maalintaa waxaa ku dhacay qalbigiisa iimaan, laakiin goormuu islaamay?wuxuu islaamay xudaybiya kadib maalintii uu aayada dhagaystay oo ahayd maalintii dagaalkii badar iyo maalintii uu islaamay shan sano ayaa u dhaxaysay,aaydaasi shan sano ayay dhagahiisa ka guuxaysay ugu dan bayn tiina wuu ku guulaystay go aan kaana wuxuu u qaatay si kalsooni leh hadaba adigu hadii aad waydo awoodii aad ku fulin lahayd hamigaaga haka qancin hamigaaga waxaa iman wakhti aad fuliso

 

Ugu danbyn waxaad ka fikirtaa wixii tagey  cimrigaagii badh baad soo cuntay bogag kamid ahna waad buxisay si aad u naftaada uraali galiso eed raax iyo waxay jecelshahay uraadinaysay, maxaa kuu soo hadhay eed haysaa waxaa kuu soo hadhay in aad ka hadhay heerkii  tacliintaada midhaha aad hayso wakhtigaagii tagey waa murugo iyo ciil waxad noqotay mid aan dadku dhexdooda qiimo ku lahayn xitaa hadii aad u kacdi dhinaca wanaaga qaar ayaa kaa horeeya oo aqoon leh adna jaahil ayaad tahay, waxay kaaga horeyeen cibaadada way kaa dadaal bateen ee imika is daba qabtee oo gaadh go’aan deg deg ah, somalidu waxay ku maah maahdaa caano daatay dabadood la qabay.

 

 

Turjumayaasha iyo Qorayaasha

C/fataax Xasan aadan

Axmed Ismacil(Bucul)

Siciid Cumar Yusuf

Maxamed ismaacil giire
cabdifataax_96@hotmail.com

»Maxaynu u Wax Qabad u Samayn waynay
»Dhaqanka Wanaagsan ee Islaamku ina Faraayo

 
»Badwaynta Kalgacalka

Faafin: SomaliTalk.com | December 30, 2003


MA-OGTAHAY: Maalinta carafa in ay ku beegan tahay 31da Janaayo, Ciidul Adxaana 1da Febraayo 2004, Sannadka cusub ee Islaamkuna uu bilaabmi doono 21 Febraayo, Maalinta cashuurana ay ku beegan tahay 1da Maarso, bisha Ramadaana 15ka Octobar, insha Allah, ee isxisaabi  

<><><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD