SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QABIILKA IYO KALA SO0CIDA MAAMULKA DAAHIR RIYAALE

(THE CLAN CLEANSING OF DAHIR RIYALE AND HIS ADMINISTRATION)

Livan Cadur   cadur11@hotmail.com

Dec 30, 2003

risaalaHa moogaan Maktabada Risaala oo ku taal magaalada Minneapolis oo aad ka heli kartid kutub Islaami ah oo kala duwan..... GUJI

 

Waxaa run ah in maamulka dahir Riyaale ee maamulka W/galbeed inuu ku talaabsaday qabiil kala soocid (clan ceansing) aan Taariikhda soomaaliyeed horay u soo marin wuxuuna soomaalida u kala saaray laba qeybood madaama daahiir yahay shaqsi ku barbaaray isku diirka ummada soomaaliyeed.

1- Isaaq,gadabiirsey iyo Ciise (WADANI)

2- Somalida kalana waa (AJANABI)


Dadkii soomaaliyeed ee Giryaha,Hantida,Baacmushtarka iyo Deegaanka ku lahaa Gobolada,
Awdal,Waqooyi Galbeed,iyo Togdheer mudo ka badan ilaa 50 Sanno,ayaa la qaba qabtay ka dibna
qaar la xirxiray inta loo maleegey Danbiyo ayna Galin qaar kalana la masaafuriyey.

Dadkaas kuwii haybtooda loo gartay In ay yihiin Ogaadeen waxaa lagu uruuriyey xabsiyo kala
duwan iyado lagu timaamay in ay ka tiirsan yihiin( ONLF) laguna Wareejiyey Itoobiya kuwo kala waxaa
laga bililiqaystay wax alaale iyo wixii ay hanti lahayeen,sida la ogyahayna Daahir Riyaale wuxuu ka mid
yahay Raga loo dababaray sida dadka loo xaalufiyo madaama uu ka mid ahaa Ciidamadii NSSTa oo uu
waliba qeyb weyn ka qaatay Xasuqii Beelaaha Isaaq lagu kicinayey.

Wuxuu kale oo Riyaale masuuliyadeeda Qaadayaa dadkii soomaaliyee oo uu ku tilmaamay in ay
yihiin Ajanabi oo ka soo jeeday K/soomaaliya oo ay ku dhiinteen 24 caruur iyo dumar ubadan waxayna ku dhinteen jiidka markii sidii xayawaankii gaari yar lagu raseeyey ama loo raray.

Hadaba maamulka Daahir Riyaale maxay Tahay Ujeedada uu ka leeyahay qabiil kala soociddaan?
waxaan shaki ku jirn in Maamulkaasi Madax ku hayo qodobada hoos ku xusan.


1- In la khaldo aragtida ra'yicaalamka iyo gaar ahaan kan soomaalida ee ku aadan dadkii
ajanabiga ahaa ee lagu laayey Boorame iyo Magaalada sheekh oo sida la rumeysan
yahay uu ka danbeyey Riyaale Madaama uu xirfad u leeyahay arrimahaas.

2- In lagu qariyo Maamul xumida iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee haysta Riyaale.
3- In la abuuro xiisad iyo dagaalo qabiil si loo gu sii jeediyo dadka Reer W/qooyi si loogu
loogu qariyo khayaanada Riyaale.
4- Isku day in maamulka Daahir Riyaale si gu'racan uga faa'iidaysto dagaalka argagixisada.

Hadaba waxaa isweydiin leh maxaa ka dhalankara siyaasadaas jahwareersan ee Riyaale?
1 waxaan shaki ku jirin in ay isku xiran yihiin nolasha,Ganacsiga iyo wada dhalashada

qabaa'ilka soomaaliyeed dhamaantood,Gaar ahaan kuwa dariska oo wada dagan,Gobolada,Awdal,
Waqooyi Galbeed,Togdheer,Cayn,Sool,Sanaag,W/Bari,Nugaal,Mudug iyo kiliinka 5aad iyo guud ahaan
soomaaliya oo dhan waxaa ka dhexeeya dhiig oo waa is dhaleen,xoolaha la dhoofiyo,dekadaha wax lagala soo dago,is dhemarka,isu socodka gaadiidka iyo xiriiro kale oo culus oo aan halkaan lagu soo koobi karin,waa qabaa'iil wada dagan,wada dhashay oo wada nool.Xiriirkaas waxaa lagu matali karaa
(XDUNTA)u dhaxaysa Hooyada iyo ilmahauurka ku jira oo nafaqada ka qaata ayaa Riyaale yiri,"hala jaro
(XUDUNTAAS)"ilmaha uurka ku jira ma noolaan karaa haddii laga jaro Xuduntaas?Awdal,Togdheer,
iyo Waqooyi Galbeed ma noolaan karaan haddii ay jaraan? Su'aash waxay u talaa dhamaan ummada soomaaliyeed ina in sidiiran looga jawabaa.

Daahir Riyaale maanta wuxuu sheeganayaa in uu kala goynayo soomaaliya shalayna wuxuu lahaa uruurka SNM waa mucaarade ha lalaayo oo wuxuu ka mid ahaa saraakishii loo xiilsaaray in ay soo ugaarsadaan wixii ku abtirsada SNM wuxuuna ahaa kii hormoodka ka ahaa soo sheegida gobaha ay ku suganaayeen uruurkii la oran jirey SNM kuna Gaaray darajo sare ayaa maanta wuxuu leeyahay aniga oo
sidaa wax ubaabi'njirey ayaamantana wax xukumaya taasi waxay la mid tahay mida umaanta ku hayo
Reer Waqooyi oo uu ka horkeenayo ummada soomaaliyeed oo uu rabo in uu meel ciidla ah istaajiyo?


Saxibayaal waxaan idiinka codsaanayaa in aad qoraalkaan igala qeyb qadataan

soona daabacdaan waa codsi fadlan.

Waad mahadsan tihiin

Livan Cadur   cadur11@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin SomaliTalk.com | December 30,  2003 

 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD